Arrin uu damacsanaa ninkii weeraray duuliyihii Flydubai in ku sameeyo garoonka Tel Aviv oo la shaaciyay

flydubai
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Duuliyaha labaad ee flydubai ee lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu afduubto diyaarada ayaa qorsheynayay inuu diyaaradda ku burburiyo garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv ama dhisme dheer oo ku yaal magaalada Israa'iil, sida ay sheegayaan warbixinnada Mareykanka iyo Israa'iil.

Ninka u dhashay Cumaan ayay sheegeen warbixinadu in uu ahaa xagjir "kiligii howlgalayay".

Xeer ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in duuliyaha labaad uu isku dayay inuu fuliyo "fal argagixiso" duulimaadkii FZ1073 oo ka yimid Dubai una socday Tel Aviv Arbacadii la soo dhaafay.

Wuxuu weeraray oo dhaawacay kabtanka isagoo faas yiilay qolka diyaaradda laga hago adeegsanaya, inta aysan rakaabku ka gacan roonaan. Shaqaale kale oo diyaaradda la socday ayaa awooday inay ka dejiyaan diyaaradda Sacuudi Carabiya.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duuliyaha labaad ee diyaaradda shirkadda flydubai – kaas oo warbixino badan ay ku sheegeen inuu yahay Hamam al-Hammami – ayaa soo baxday dhammaadkii toddobaadkii hore, iyadoo weli lagu hayo baaritaan ka socda Imaaraadka Carabta, isla markaana wakiillo ka socda Israa'iil la siinayo warbixinno ku saabsan arrintaas.

Warbaahinta Israa'iil ayaa soo xigatay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka, kuwaas oo sheegay in duuliyaha labaad uu u sheegay baarayaasha inuu damacsanaa – ka dib markii uu weeraray Kabtan Smit Machchhar – inuu sii wado duulinta diyaaradda si caadi ah ilaa uu ka galo hawada Israa'iil, uuna ka helo ogolaanshaha soo degista garoonka Ben Gurion.

Sida ay sheegayaan warbixinnadu, wuxuu markaas qorsheynayay inuu diyaaradda Boeing 737 MAX – oo ay saarnaayeen in ka badan 180 rakaab ah – ku burburiyo garoonka diyaaradaha ama dhisme dheer oo ku yaalla bartamaha magaalada Tel Aviv, isagoo ku dayanaya qaabkii weerarradii ururka Al-Qaacida ay Mareykanka ka fuliyeen 11-kii Sebtembar 2001.

Ilo-wareedyada ayaa laga soo xigtay inay u badan tahay inuu keligiis falkan ku kacay, balse uusan u shaqeynayn urur xagjir ah ama dowlad shisheeye.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidoo kale, waxaa la sheegay in duuliyaha labaad uu baarayaasha u sheegay inuu hore u damacsanaa inuu afduubto oo uu burburiyo duulimaad kale oo ku wajahnaa Tel Aviv, balse uu go'aankaas uu ka laabtay maadaama uu garanayay qof diyaaradda saarnaa.

Ma jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinta Imaaraadka ama Israa'iil.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta, Hamad al-Shamsi, ayaa Sabtidii sheegay in baaritaannada uu wado dalkiisu ay daaha ka qaadi doonaan dhammaan xaaladaha, sababaha iyo xiriir kasta oo la xiriira dhacdadan, isla markaana natiijooyinka la shaacin doono marka baaritaannada la soo gabagabeeyo.

Waxaa sidoo kale jira su'aalo laga qabo cillado waaweyn oo dhanka amniga ah, oo ay ka mid yihiin sida ay shirkadda Flydubai u shaqaaleysiisay weerar-yahanka, isla markaana u siisay ogolaansho uu ku kaxeeyo diyaarad ay saarnaayeen dad u dhashay Israa'iil oo ku sii jeeday Tel Aviv.

Mas'uuliyiin heer gobol ah ayaa sheegay in duuliyaha labaad laga mamnuucay duulinta diyaaradaha shirkadda qaranka ee Cumaan (Oman Air), loona wareejiyay shaqo maamul, sababo la xiriira walaac laga qabay fikirkiisa xagjirka ah.

Markii dambe waxaa shaqaaleysiiyay flydubai oo fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta ka dib markii uu maray baaritaanno amni oo caadi ah oo aan baarin taariikhdiisa iyo calaamadaha xagjirnimada ee suurtagalka ah, sida ay sheegeen saraakiisha.

Xeerarka duulista Israa'iil ayaa sidoo kale sheegaya in duuliyeyaasha ah muwaadin u dhashay dalal aan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la lahayn Israa'iil, sida Cumaan, aan loo ogolayn inay duullimaadyo ku tagaan Israa'iil.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa Axaddii u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press in mas'uuliyiinta Imaaraatku ay la wadaageen Israa'iil liiska rakaabka iyo shaqaalaha ka hor inta uusan duulimaadka FZ1073 ka ambabixin.

Hay'adda amniga gudaha ee Israa'iil ee Shin Bet ayaa sheegtay in wasaaradda gaadiidku ay mas'uul ka ahayd hubinta liisaska noocaas ah ee shirkadaha diyaaradaha shisheeye.

Laakiin Wasiirka Gaadiidka Miri Regev ayaa sheegtay in wasaaraddeeda aan la siinin liisaska rakaabka iyo shaqaalaha, iyo in kormeerka amniga ee duullimaadyada ay maamulaan shirkadaha diyaaradaha shisheeye uu hoos yimaado Shin Bet iyo hay'adda sirdoonka dibadda ee Mossad.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa u sheegay madaxa Golaha Amniga Qaranka inuu dib u eego "dhammaan dhinacyada amniga ee ku saabsan duulista rayidka ee shisheeye ee Israa'iil".

Mas'uuliyiinta Australia waxay baaraya xiriirka duuliyaha labaad uu la leeyahay dalkooda. Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta maxalliga ah in uu halkaas wax ku bartay intii u dhaxaysay 2015 iyo 2017.