Huruudda oo ku faafaysa dunida, hadaba ma la cadeeyay faa'iidadeeda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad diyaarinayso curry digaag laga sameeyay oo Hindi ah, biryani hilib geel lagu daray oo Suudaani ah, maraqa laksa ee Malaysia, ama cuntada kalluunka ee Bangladesh-ka ee loo yaqaan "machar jool", waxaa jira hal xawaash oo dhammaantood ku habboon: waa huruudda.
Laakiin marka laga soo tago dhadhankiisa gaarka ah, ma jiraan runtii faa'iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya oo ay leedahay huruuddu, iyadoo ah mid ka mid ah xawaashyada ugu da'da weyn uguna caansan dunida?
Ragini Kashyap, oo ah cilmi-baare ku takhasustay arrimaha cuntada isla markaana soo saarta barnaamijyo maqal ah (podcasts) oo diiradda saara bulshooyinka Koonfurta Aasiya, ayaa u sheegtay barnaamijka The Food Chain:
"Qoyskaygu waxay asal ahaan ka soo jeedaan gobolka Punjab, mana jiro cunto aanan ku darin huruud."
Waxaa la qiyaasayaa inay jiraan ilaa 30 nooc oo huruud ah, waxaana si weyn loogu isticmaalaa cuntooyinka lagu diyaariyo Aasiya, Afrika, iyo Koonfurta Ameerika.
Huruuda waxay ku faaftay qaybo kale oo adduunka ah sababo la xiriira dadka ka soo hayaamay Koonfurta Aasiya; dhanka bari waxay gaartay jasiiradaha Baasifigga sida Bali iyo Fiji, dhanka galbeedna waxay gaartay jasiiradaha Kariibiyaanka.
Caqiidooyin adag oo qoto dheer
Kashyap wuxuu sheegay in huruuddu sidoo kale lagu xusay qoraallo qadiimi ah oo soo jiray ilaa 2,500 oo sano. Waxaa si weyn looga isticmaalaa Koonfurta Aasiya maadaama ay jirto aaminaad xooggan oo ah in Huruudda leedahay astaamo lagula dagaallamo jeermiska iyo bararka.
Kashyap, oo hadda ku nool Dubai, ayaa yiri:
"Markaan xanuunsanahay, Huruuddu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee maskaxdayda ku soo dhaca, aadna ii dareensiiya raaxo iyo nafis. Waa isku-darka dareenka raaxada, bogsashada, iyo xusuuso wanaagsan oo la xiriira waagii hore."
Dalka Hindiya, Huruudda waxaa sidoo kale loo adeegsadaa xafladda "Haldi". Kani waa caado la sameeyo ka hor arooska, taas oo lagu marsado wajiga isku-dar ama maaskaro laga sameeyay Huruud si kor loogu qaado quruxda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maanta, iibinta huruudda si xawli ah ayay u kordheysaa, iyadoo danaynta dadweynaha ee faa'iidooyinkeeda caafimaad ay kor u kacday waddamada reer galbeedka sababo la xiriira sheegashooyin hore.
Hurduudda oo la rumeysan yahay inay mas'uul ka tahay faa'iidooyin badan oo caafimaad oo ay keento, ayaa loo suuqgeeyaa faa'iidooyinkeeda oo ay ku jiraan caafimaadka lafaha iyo kala-goysyada, taageerada habdhiska difaaca jirka, iyo faa'iidooyin kale.
Kashyap waxay leedahay qayb ka mid ah caannimadeeda waxaa sabab u ah dadka oo ku baahiya waayo-aragnimadooda wanaagsan ee ay ka helaan baraha bulshada.
waxay raacisay: "Marka dad badan oo ku dhow bilyan oo qof ay si adag u aaminsan yihiin in huruudda ay gacan ka geysan karto daaweynta dhibaatooyin badan, waxay u dirtaa farriin xooggan adduunka."
"Marka kooxaha cadaadiska, shirkadaha kaabayaasha cuntada iyo hay'adaha kale ay ku biiraan, farriintu way sii xoogaysanaysaa oo way sii baahaysaa," ayay sii raacisay.
"Curiyaasha kiimiko ee aan saxda ahayn"
Cilmi-baarayaal qaarkood ayaa ka shakisan faa'iidooyinka caafimaad ee laga sheego huruudda.
Dr. Katherine Nelson, oo ah khabiir ku takhasustay kimistariga kana tirsan Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa dib u eegis ku sameysay in ka badan 100 warbixin oo cilmi-baaris ah oo ku saabsan huruudda-ka.
"Waxaan ogaanay inay jiraan sheegashooyin sheegaya in budada laga helo huruudda uu qaban karo ku dhawaad wax walba, balse dhab ahaantii waxaa laga yaabaa inuu qabto wax aad u yar," ayay tiri.
Nelson waxay intaas ku dartay in jirku uusan si wanaagsan u nuugin huruudda; marka la cuno, qaddar aad u yar oo keliya ayaa gaara dhiigga. Taasi waa sababta dad badan ay ugu daraan basbaaska madow si loo wanaajiyo nuugista huruudda.
"Qaab-dhismeedkiisa kiimikada ah ayaa dhab ahaantii ah mid ka mid ah qaab-dhismeedyada ugu adag ee laga bilaabi karo isku-dayga sameynta daawo waxtar leh," ayay tiri Nelson.
'Waxaan dareemnay rajo-beel.'
Huruudda waxaa si ballaaran loo baarayay tobanaan sano, laakiin natiijooyinka daraasadahan ayaa badanaa iska hor imaanayay tayada cilmi-baaristuna way kala duwanayd.
Bare sare Amit Garg, oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada neerfaha oo ka tirsan Xarunta Sayniska Caafimaadka ee London, ee Ontario, Canada, ayaa sheegay in aan cilmi-baaris badan laga sameyn faa'iidooyinka huruudda ee aadanaha.
Garg iyo asxaabtiisa waxay sameeyeen laba ka mid ah daraasadihii ugu waaweynaa ee arrintan ilaa hadda la sameeyay.
Daraasaddii ugu horreysay waxay ahayd in la go'aamiyo in huruudda uu caawiyo ka hortagga dhaawaca kelyaha iyo bararka bukaannada qalliinka lagu sameynayo si loo hagaajiyo jileeca iyo buusanka xiga ee ku yimaadda halbowlaha ugu wayn jirka bani-aadamka ee loo yaqaano aorta. Si kastaba ha ahaatee, daraasaddan, oo ay ku jireen 600 oo bukaan ah, ma helin wax saameyn ah oo faa'iido leh.
Daraasaddii labaad, cilmi-baarayaashu waxay siiyeen bukaanada kelyaha nooc gaar ah oo huruud ah oo ku salaysan microparticles si loo arko inay wanaajisay caafimaadka kelyaha ama ay ka hortagtay horumarka cudurka. Laakiin ma aysan awoodin inay caddeeyaan.
"Waxaan dareemnay niyad jab," ayuu yiri Garg. "Waxaan bilownay daraasaddan iyada oo aan la helin wax gunaanad ah oo hore loo sameeyay, hadafkayaguna ma ahayn inaan caddayno in huruuddu aysan wax saameyn ah lahayn."
Laakiin haddii ay sidaas tahay, sidee loo sharxi karaa in huruud loo isticmaalay ujeeddooyin caafimaad kumanaan sano, gaar ahaan Hindiya?
Garg wuxuu leeyahay waxaa jira farqi u dhexeeya kala soocidda isku-darka kiimikada gaarka ah iyo isku dayga in loo rogo daawo, iyo isticmaalka walaxda dabiiciga ah oo dhan ee cuntada lagu daro.
Markaa khubaradu ma u maleynayaan in huruudda, oo laga yaabo inay qaali tahay, ay mudan tahay in la iibsado?
Garg wuxuu leeyahay, marka laga soo tago qiimaha, weli ma jiro caddayn ku filan oo caddaynaysa waxtarka huruudda kaabitaanka loo adeegsado. Wuxuu tilmaamayaa in alaabada caafimaadka dabiiciga ah aysan la socon isla kormeerka sharciyeed ee adag sida daawooyinka.
"Hubaal waxaan haysan karnaa maskax furan, laakiin waxaan u baahanahay inaan wax wax cad: haddii aan dhahno walaxdu waxay leedahay saameyn gaar ah, markaa sheegashadaas waa inay ku salaysnaataa caddayn tayo sare leh," ayuu raaciyay.
Laakiin Garg ma arko wax dhibaato ah oo ku saabsan isticmaalka huruud cuntada lagu daro.
"Haddii dadku jecel yihiin cuntada lagu kariyey huruudda, waxaan ku dhiirigelinayaa inay sii wadaan cunisteeda," ayuu yiri.












