Pakistaan oo weerar ku qaaday Afqaanistan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Taliban ee Afghanistan ayaa sheegay in Pakistan ay duqeymo cirka ah ka fulisay saddex gobol, kuwaas oo lagu dilay 13 qof, halka 14 kalena ay ku dhaawacmeen.
Afhayeen u hadlay Taliban ayaa weerarradaas ku tilmaamay “dembi bani’aadantinimo.”
Duqeymaha la sheegay ayaa yimid kadib markii kooxda Pakistani Taliban ay weerar ku qaadday bar-koontarool oo ay leeyihiin ciidamada ammaanka oo ku dhow magaalada Peshawar, halkaas oo ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada paramilitary-ga lagu dilay.
Pakistan ayaa dhankeeda xaqiijisay weeraro lagu qaaday goobaha sharci darada ah ee Tehreek-e-Taliban Pakistan (TTP) ee ku yaala deegaanada xuduuda ah ee ku dhagan Afgaanistaan, iyadoo sheegtay in 26 mintidiin ah lagu dilay weeraro “si sax ah”.
Pakistan ayaa muddo dheer ku eedeynaysay Afghanistan inay hoy siiso dagaalyahanno hubeysan, taasoo Afghanistan ay beenisay.
Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday bilihii ugu dambeeyay, iyadoo ay ka dhaceen isku dhacyo dhimasho sababay oo ka dhacay xadka labada waddan.
















