Erdogan: Waa inaan loo oggolaan Israa'iil inay carqaladeyso heshiiska nabadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii sheegay in dadaallada lagu doonayo nabadda Bariga Dhexe aysan guulaysan karin haddii aysan helin taageerada iyo ka qaybgalka dalalka gobolka, isagoo sidoo kale sheegay inaan loo oggolaan Israa'iil inay carqaladeyso heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo wadajir ah oo ka dhacay magaalada Istanbul, kana qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif,
"Xal kasta oo aan ku dhisnayn rabitaanka iyo ka qaybgalka dalalka gobolka ma noqon doono mid waara." ayuu yiri Erdogan.
Turkiga ayaa marar badan ku eedeeyay Israa'iil inay isku dayeyso inay wiiqdo heshiiska u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kaas oo ay Pakistan door muhiim ah ka qaadatay fududeyntiisa.
Sidoo kale, Ankara waxay si joogto ah u cambaareysay howlgallada militari ee Israa'iil ka waddo Gaza, Lubnaan, iyo Suuriya.















