War deg deg ah, Hoggaamiyaha kooxda RSF iyo walaalihiis oo dil toogasho ah lagu xukumay

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Maxkamad ku taalla magaalada Port Sudan ee dalka Suudaan ayaa ku xukuntay hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, Maxamed Hamdan Dagalo oo loo yaqaan "Hemedti", xukun dil ah isagoo maqan, kadib markii lagu helay eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo weerarro lagu qaaday rayidka.
Go’aanka maxkamadda oo la soo saaray 12-ka Luulyo 2026, ayaa noqday xukunkii ugu weynaa ee ilaa hadda lagu rido hoggaanka RSF tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee Suudaan sannadkii 2023.
Kiiska ayaa si gaar ah diiradda u saaray dilkii dhacay Juun 2023 ee loo geystay guddoomiyihii gobolka Galbeedka Daarfuur, Khamis Abbakar. Waxaa lagu eedeeyay in ciidamada RSF ay afduubteen kadibna dileen, kaddib markii uu ku eedeeyay ciidamadaas inay geysteen xasuuq.
Sidoo kale, 15 mas’uul sare oo kale oo ka tirsan RSF, oo ay ku jiraan walaalaha Hemedti ee Abdelrahim Dagalo iyo Algoney Dagalo, ayaa iyaguna lagu xukumay dil iyagoo maqan.











