TOOS, CBS: Maraykanka oo isku diyaarinaya weerar cusub oo suurtagal ah oo lagu qaado Iran

Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka uu isu ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.

Tebin toos ah

  1. Ra'iisul wasaaraha Pakistan oo Shiinaha kala hadlaya dagaalka Bariga Dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Mudane Sharif wuxuu la kulmi doonaa Xi Jinping iyo Li Chang, Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Shiinaha, oo shir guddoomin doono shirka maalgashiga labada dal.

    Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran ayaa ka mid ah waxyaabaha ay ka wadahadleen Ra’iisul Wasaaraha Pakistan iyo madaxda Shiinaha.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa shalay sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkani ay tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, balse xiisadda bariga dhexe ee hadda taagan ayaa iyaduna walaac ah.

    Taher Andrabi ayaa sheegay in xiisadda Bariga Dhexe ee hadda jirta, Shiinaha iyo Pakistan ay si dhow uga wada shaqeeyeen nabadda:

    "Waxaan ku heshiinnay shan qodob, waxaana la soo saaray bayaan wadajir ah. Markaa haa, tan waxaa lagaga wadahadli doonaa booqashada Ra'iisul Wasaaraha."

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay "Wafti ka socda Qatar ayaa wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda, maanta dalal badan ayaa doonaya inay gacan ka geystaan ​​joojinta dagaalka, laakiin dhexdhexaadiyaha rasmiga ah ee wadahadalka ayaa weli ah Pakistan."

    Asim Munir oo ah taliyaha guud ee ciidamada Pakistan iyo ciidamada qalabka sida oo shalay gaaray magaalada Tehran ayaa la kulmay wasiirada arimaha dibada iyo arimaha gudaha Abbas Araqchi iyo Eskandar Momeni ilaa xalay fiidkii.

    Isaga ka hor, wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa ku sugnaa Tehran.

  2. Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegtay in 24 saac la soo dhaafay ay 25 markab mareen marinka Hormuz

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay marinka Hormuz soo mareen 25 markab oo ay ku jiraan kuwa shidaalka qaada, kuwa konteenarada iyo kuwa kale ee ganacsiga.

    Waaxda xiriirka dadweynaha ee IRGC ayaa sheegtay in maritaanka maraakiibtan ee marin biyoodka Hormuz ay dhacday kadib isku xirka iyo ogolaanshaha ay bixisay Iran.

    Labo maalmood ka hor, Hay'adda Maareynta marin-biyoodka Gacanka Faaris ee dhawaan la aasaasay ayaa ku dhawaaqday "Aaga laga korjeegteeyonka maamulka Marinka" iyadoo daabacday khariidad.

    Sida laga soo xigtay khariidaddan, aagga ilaalinta ee ciidamada badda ee IRGC waxaa lagu qeexay "khadka isku xira Buurta Mubarak ee Iran iyo koonfurta Fujairah ee Imaaraadka ee bariga Kanaalka" iyo "khadka isku xira dhamaadka Jasiiradda Qeshm ee Iran iyo Umm Al Quwain oo ah galbeed kanaalka oo Imaaraadku masuul ka yahay."

  3. Sidee buu "Xisbiga baranbarada" caan uga noqday Hindiya

    .

    Xigashada Sawirka, Screengrab from Cockroach Janta Party's website

    Waxaa siyaasadda Hindiya kasoo ifbaxay astaan xisbi oo layaab leh: Baranbaro.

    Ma aha ubax sida xisbiga ugu weyn dalka (BJP), ama calaamad gaar ah oo xisbiga mucaaradka ah, balse waa baranbaro adag, dhib badan, isla markaana aan si fudud loo baabi'in karin—taas oo dhowaan noqotay astaan caan ah oo lala xiriiriyo dhalinyarada siyaasadda Hindiya.

    Baranbaro ayaa si weyn looga hadlayaa Hindiya tan iyo usbuucii hore kadib hadal uu jeediyay Wasiirka Sharciga ee dalka, Surya Kant.

    Intii lagu guda jiray fadhi, wasiirku wuxuu dhalinyarada shaqo la'aanta ah ee ku lug leh macdanta iyo warbaahinta ku tilmaamay baranbaro ama shillimo.

    Markii dambe ayuu caddeeyay, isagoo sheegay in dadka uu ula jeeday baranbaro ay ahaayeen "qalin-jabiyeyaal been abuur ah", ee aanay ahayn dhammaan dhalinyarada Hindiya.

    Si kastaba ha ahaatee, ka hor inta uusan caddeynin, hadalkiisa si weyn ayaa loogu faafiyay baraha bulshada, taas oo dhalisay dood kulul isla markaana saldhig u noqotay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo loo bixiyay "Cocroach Janta Party" ama Xisbiga Dadka Baranbarada (CJP).

    Xisbigu ma aha mid la mid ah xisbiyada kale ee si rasmi ah loo aqoonsan yahay, balse waa koox dad ah oo isugu yimid kaftan ahaan, shuruudda lagu biirayana waxay tahay in qofku ahaado shaqo la'aan, dhibaato badan, had iyo jeer online ah, isla markaana buuq badan.

    Xisbigan waxaa aasaasay khabiir dhanka warbaahinta ah iyo arday ka tirsan Jaamacadda Boston, Abhijeet Dipke. Wuxuu sharaxay inuu u bilaabay kaliya kaftan ahaan.

  4. Putin oo wacad ku maray in uu ka aargoosan doono Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono Ukraine ka dib markii uu ku eedeeyay inay fulisay weerar lagu hoobtay oo lagu qaaday goob ay ardaydu wax ka bartaan oo ku taal bariga Ukraine ee la haysto.

    Lix qof ayaa ku dhintay 39 kalena way ku dhaawacmeen weerar habeen hore ka dhacay magaalada Starobilsk ee gobolka Luhansk, ayuu yiri Putin. Lama oga halka ay ku danbeeyeen 15 kale.

    Milateriga Ukraine ayaa sheegay in ay weerareen xarunta dhexe ee ciidanka caanka ah ee Rubicon ee magaalada Starobilsk. Ma aysan sheegin in ay tahay isla dhismaha uu Ruushku sheegay.

    "Ma jiraan saldhigyo ciidan, xarumo sirdoon, ama adeegyo la xiriira aagga," ayuu Putin ka sheegay Ruushka.

    "Sidaa darteed, ma jirto wax sal ah oo ay leedahay sheegashada ah in loo weeraray dhismaha sabab la xiriirta nidaamkeena difaaca hawada," ayuu ka sheegay soo dhaweyn ka dhacday Kremlin-ka Jimcihii.

    Wuxuu amar ku siiyay ciidamada Ruushka inay diyaariyaan "talooyin" sida looga aargoosan karo arrinkaan.

  5. Sheekada cajiibka ah ee haweeneydan: 'Waxaan leeyahay labo xubin taran'

    .

    Bal qiyaas inaad ogaato in jirkaaga uu leeyahay xaalad aad u naadir ah oo xitaa dhakhaatiirtu ay ku adkaanayso inay sharxaan — isla markaana keliya aad leedahay hal killi, taas oo go'aamin karta mustaqbalka noloshaada.

    Sidaas ayay tahay xaaladda gabadha lagu magacaabo Abigael Kendi, oo 19 jir ah waxay leedahay ilmo-mareen laba ah, xubinta taranka oo laba ah iyo hal killi oo keliya.

    Weriyaha Laanta Sawaaxiliga ee BBC Asha Juma ayaa heshay fursad ay kula hadasho, isla markaana iftiimisay caqabadaha ay la tacaalayso.

    Abigael waxay la kulmeysay dhibaatooyin caafimaad oo la xiriira xaaladda ay ku dhalatay tan iyo sanadkii 2020 ilaa hadda.

  6. Maraykanka oo cunaqabateyn saaray sarkaal ka tirsan booliska Tanzania oo xabsiga 'dad ku ciqaabay'

    .

    Xigashada Sawirka, Tanzania Police

    Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Tansaaniya oo lagu eedeeyay eedeymo la xiriira " jirdilka iyo faraxumeynta" laba ruux oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka oo kala Boniface Mwangi iyo Agather Atuhaire sanadkii hore.

    War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayuu ku sheegay in wasaaradda arrimaha dibeddu ay u magac dhabtay Faustine Jackson Mafwele iyada oo loo cuskanayo “xog lagu kalsoonaan karo oo sheegaysa in uu ku lug lahaa xad-gudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.

    Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania, Mahmoud Thabit Kombo, ayaa BBC u sheegay in dowladda aysan weli helin xogta rasmiga ah, ee ka mamnuucaysa Mafwele inuu galo Mareykanka.

    Cunaqabateyntan ayaa timid iyadoo ay sii kordhayaan baaritaanada lagu hayo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Tansaaniya, iyadoo sharci-dajiyayaasha Mareykanka ay ku baaqeen in tallaabo adag la qaado.

    Labadan ololeeye ayaa u safray Tanzania si ay u soo indha indheeyaan dacwaddii lagu soo oogay hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lissu bishii May ee la soo dhaafay, markaasoo la xiray, kaddibna la sii daayay, iyadoo ninka reer Kenya uu sheegay in muddo dhowr maalmood ah lagu haystay isaga iyo Atuhaire oo reer Uganda ah.

    Mwangi ayaa ku andacoonaya in la qaawiyay, kor loo laadlaadiyay, lugaha laga garaacay, laguna faraxumeeyay xabsiga, halka Atuhaire ay sidoo kale sheegtay in lagu kufsaday intii ay ku jirtay Tanzania.

    Booliska Tansaaniya ayaa wakhtigaas meesha ka saaray eedaymaha jirdilka ah, iyaga oo ku tilmaamay sheegashada dhaqdhaqaaqayaasha"ra'yigooda" iyo "hadalo ku tiri ku teen ah".

  7. Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Pakistan oo booqasho ku jooga Tehran

    .

    Xigashada Sawirka, tasnim

    Field Marshal Asim Munir oo ah taliyaha ciidamada Pakistan oo u safray Tehran ayaa la kulmay oo wadahadal la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araqchi.

    Sida ay sheegayaan wararka laga helayo dalka Iran, wada-hadalladan oo socday illaa xalay fiidkii, waxay labada dhinac kaga wada-hadleen dadaalladii dublamaasiyadeed ee ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaalka, iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka Galbeedka Aasiya.

    Waa safarkii labaad ee Munir uu ku tago dalka Iran dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

    Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan ayaa sidoo kale booqasho ku tagay magaalada Tehraan markii labaad dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana uu kulamo la qaadanaya madaxda Iran.

    Pakistan ayaa hadda dhexdhexaadinaysa wada xaajoodka Iran iyo Maraykanka.

  8. Iran ayaa beenisay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay weerar ku qaadeen xarunta korantada Quwadda ee Barakah ee Imaaraadka

    Amir Saeed Iravani, oo ah wakiilka joogtada ah ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobey, ayaa warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres iyo Guddoomiyaha Golaha Ammaanka Fu Cong ku diiday eedeymaha Mareykanka ee ku saabsan weerar drone ah oo lala beegsaday warshadda korontada ee Barakah.

    Saddex maalmood ka hor, Mike Waltz, oo ah wakiilka Mareykanka ee Golaha Ammaanka ee QM, ayaa ku eedeeyay Iran inay fulisay weerar drone ah oo lagu qaaday warshadda nukliyeerka ee Barakah ee Imaaraadka.

    Warqaddaas, oo uu codsaday in loo daabaco dukumenti rasmi ah oo Golaha Ammaanka ah, Mr. Iravani wuxuu ku tilmaamay hadallada Mr. Waltz ee ku saabsan weerarka drone-ka ee warshadda Barakah inay yihiin “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana “aan wax caddeyn ah loo hayn,” wuxuuna si adag u diiday weerarka.

  9. Ebola:Astaamaha lagu garto cudurka halista ah ee Ebola

    Cudurka Ebola ayaa ka dilaacay dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee congo.

    Ilaa hadda dad badan ayaa u dhintay xanuunka.

    Maxaa ka mid ah calaamadaha lagu garto?

    Haddaba astaamaha cudurka, sida uu u faafo iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo ayaan ka wareysannay Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) oo khabiir ku ah cudurrada faafa.

    Dhaqtarka ayaa sheegay inuu Ebola ku billowdo qaab hargabka oo kale ah, qandho, murqo-xanuun, dhuun-xanuun, lafo-xanuun iyo jajab badan. Laakiin kaddib wuxuu yeeshaa calaamado qoyaan leh.

    Qofka uu cudurku ku dhaco waxaa lagu arkaa matag iyo shuban badan, indhuhu way gaduudanayaan, dhuun-xanuunku wuu sii badanayaa. Mararka qaarna dhiig-bax badan ayaa imaanaya, sida uu tilmaamay Dr Fuje.

    “Waa cudur dilaa ah oo sidaas u faafa oo dadkii dadka la joogayna ay qaadi karaan, shaqaalihii u adeegayay oo u shaqeynayay haddii dhiiggii iyo dheecaankii iyo candhuuftii iyo wixii ay gaaraan, waxaa weeye cudur dadkii ku dhacaya,” ayuu yiri.

    Calaamadaha
    Qoraalka sawirka, Calaamadaha
  10. Koobka adduunka: Wadamadee ku guuleystay Koobka Adduunka tan iyo markii la bilaabay?

    Dalal tiro yar ayaa koobka ku guuleystay

    Xigashada Sawirka, Jamie McDonald/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dalal tiro yar ayaa koobka ku guuleystay

    Tan iyo markii la aas-aasay Koobka adduunka (FIFA World Cup) sanadkii 1930, kaliya siddeed dal ayaa ku guuleystay inay magacooda ku qoraan liiska ku guuleystayaasha tartanka kubadda cagta ee ugu sharafta badan dunida.

    Uruguay, oo ahayd dalka martigeliyay tartankii ugu horreeyay sanadkii 1930, ayaa taariikh sameeyay markii ay noqotay xulkii ugu horreyay ee ku guuleysata koobka adduunka ee ugu caansan caalamka.

    Argentina ayaa ku guuleysatay koobkii ugu dambeeyay ee adduunka ee lagu qabtay Qatar sanadkii 2022, kadib markii ay ka adkaatay France final aad u xiiso badnaa, taasoo soo afjartay 36 sano oo ay ka maqnaayeen hanashada koobka adduunka.

    Intii u dhexeysay labadaas tartan oo ay kala fogeeyeen 92 sano, kaliya siddeed dal ayaa magacooda ku qoray liiska ku guuleystayaasha FIFA ee koobka adduunka.

    Brazil ayaa haysa rikoodhka guulaha ugu badan, iyadoo ku guuleysatay koobka adduunka 5 jeer.

    Waxaa koobka adduunka ku guuleystay tan iyo intii la bilaabay dalalka hoos ku xusan.

    • Brazil — 5 mar (1958, 1962, 1970, 1994, 2002)
    • Jarmalka— 4 mar (1954, 1974, 1990, 2014)
    • Taliyaaniga — 4 mar (1934, 1938, 1982, 2006)
    • Argentina — 3 jeer (1978, 1986, 2022)
    • Fransiiska — 2 mar (1998, 2018)
    • Uruguay — 2 mar (1930, 1950)
    • Spain — 1 mar (2010)
    • England — 1 mar (1966)
  11. Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka

    .

    Xigashada Sawirka, Alamy

    Qoraalka sawirka, .

    Waxaan ku jirnaa maalmihii gudashada acmaasha Xajka, waxaana sanadkan gudanaya Xajka malaayiin qof.

    Waxaan halkan idinku soo gudbinaynaa taariikho xusid mudan oo la xiriira xajka.

    Lifaaqa hoose ku dhufo si aad u akriso warbixin dhameystiran

  12. ciidamada Israa’iil oo amar ku bixiyay in dadka ay baneeyaan laba aag oo ku yaalla magaalada Tire ee dalka Lubnaan

    Dhismo burbursan

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhismo burbursan

    Ciidanka Israel ayaa soo saaray “amar daad-gureyn” ah oo loogu talagalay dadka deggan laba goobood oo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan.

    Afhayeenka Carabiga ku hadla ee ciidanka Israel ayaa qoraal uu ku daabacay akoonka ciidanka ee X ku sheegay in dadka ku nool labada dhisme iyo agagaarkooda ay si degdeg ah uga baxaan, isagoo sheegay in howlgalka ciidamada Israel uu dhawaan bilaaban doono.

    Mid ka mid ah dhismayaasha ay ciidamada Israel amar ku bixiyeen in la daad-gureeyo wuxuu ku yaallaa meel aad u mashquul badan oo ka tirsan magaalada Tyre.

    Israel waxay sheegtay in Xisbullah ay labada dhisme u isticmaasho hawlo militari.

    Inkasta oo ay jirto xabbad-joojin u dhexeysa Israel iyo Lubnaan, haddana magaalada Tyre ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel.

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa maanta lagu dilay duqeymo ay Israel ka geysatay magaalada Tyre.

    Dhanka kale, Xisbullah ayaa weerar drone ah ku qaaday waqooyiga Israel, balse ilaa hadda lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi.

  13. Qarax ka dhacay New York goob lagu dayactiro maraakiibta iyo khasaaro ak dhashay

    Hal qof ayaa dhintay, halka 36 kale ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob dayactirka maraakiibtaee Staten Island, magaalada New York.

    Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxu dhacay maalintii Jimcaha xilli dab-demiska ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo la tacaalayay dabka isla markaana isku dayayay inay badbaadiyaan laba qof oo ku xannibnaa gudaha.

    Laba ka mid ah shaqaalaha dab-demiska ayaa sidoo kale la dhigay isbitaal, oo uu ku jiro kormeere waaxda dab-demiska ah oo soo gaaray dhaawac madaxa ah , waxaana lagu xiray qalabka neefsashada, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah shaqaalaha dab-damiska uu weli ku jiro xaalad halis ah, balse ay muuqdaan calaamado muujinaya inuu soo kabanayo.

  14. CBS: Maraykanka oo isku diyaarinaya weerar cusub oo suurtagal ah oo lagu qaado Iran

    USS Abraham Lincoln

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Qoraalka sawirka, USS Abraham Lincoln

    Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.

    Horey, shabakadda wararka Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, in Donald Trump uu kulan la yeeshay xubno sare oo ka tirsan kooxdiisa amniga qaranka si ay si dhab ah uga wada hadlaan suurtagalnimada weerarro cusub oo lagu qaado Iran haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan.

    Isla waqtigaas, Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir iyo wafdi ka socda Qatar ayaa dadaal xooggan ka wada Tehran si loo yareeyo khilaafaadka loogana hortago dagaal cusub.