Maraykanka oo ka horyimi warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagu eedeyey dembiyo dagaal

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabin warbixin Qaramada Midoobay soo saartay oo ku eedaynaysa in ciidamada Maraykanku ay dambiyo dagaal galeen marxaladihii hore ee dagaalka ay kula jiraan Iran.

Kooban

Afhayenka Militariga Pakistan oo shaaciyey hadal weyn oo ku saabsan Sacuudiga

Tebin toos ah

  1. Dibadbaxyo lagu taageeryo Sacuudiga ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaal Pakistan

    Sacuudiga iyo Pakistan

    Banaanbax uu ku baaqay ururka Muslimiinta Pakistan ee PML-N ayaa laysugu soo baxay dhowr magaaloo oo ku yaal dalka.

    Dadweynaha ayaa ka horjeeday weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga kuwaas oo lagu beegsaday magaalada Makah.

    Dibadbaxayaasha ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin Sacuudiga, waxayna ku baaqeen in la difaaco magaalooyinka barakeysan ee Makah iyo Madina.

    Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Lahore, Islamabad, Karachi, Gujranwala, Faisalabad, Hyderabad iyo dhowr magaallo oo kale oo ku yaal Pakistan.

    Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay hal-ku-dhigyo looga horjeedo Xuutiyiinta Yemen, waxay kaloo siteen dadka boorar lagu taageeryo Sacuusdiga.

    Xuutiyiinta Yemen wey beeniyeen in ay weerareen goobaha barakeysan ee Makah, balse Sacuudiga ayaa sheegay in ay ka hortageen diyaarad aan duuliye laheyn oo la doonayay in lagu weeraro Makah.

    Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa shalay sheegay in weerarada Xuutiyiinta ay ku soo aadeen waqtigii la hirgelin lahaa heshiiska Makah ay wadagaleen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  2. Aramco ayaa sheegtay in aysan awoodin in shidaal ay siiso labo ka mid ah macaamiisheeda Yurub bisha soo socota

    Shirkadda shidaalka Sacuudiga

    Warbaahinta Bloomberg oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah ayaa sheegtay in shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ay u sheegtay laba ka mid ah macaamiisheeda Yurub in aysan heli doonin saliid cayriin bisha soo socota.

    Macaamiisha Yurub ayaa caadi ahaan saliidda cayriin ee Sacuudiga ku hela heshiisyo muddo go’an ah, kuwaas oo dammaanad qaadaya in sahaydu si joogto ah u socoto. Sidaas darteed, dalalka Yurub waa inay raadiyaan ilo kale oo ay saliid ka helaan.

    Talaadadii la soo dhaafay, ilo dhowr ah oo ku xeeldheer arrimaha shidaalka iyo amniga ayaa Reuters u sheegay in laba saldhig oo kuwa soo tuuro saliidda oo ku yaalla dhuumaha Bariga–Galbeedka Sacuudiga ay waxyeello ka soo gaartay weerarkii toddobaadkii hore, isla markaana aan weli la cayimin waqtiga lagu dhammaystirayo dayactirkooda.

    Dhuumahan oo dhererkoodu yahay qiyaastii 1,200 kiiloomitir oo dhexmara Sacuudiga oo dhan ayaa kaalin muhiim ah ka qaata in shidaal la dhoofiyo iyada oo aan la marin marinka Hormuz. Dhuumaha waxaa maamula shirkadda Aramco.

    Madaxda Sacuudiga ayaa hore u sheegay in dhuumahaasi ay si ku-meel-gaar ah shaqada u joojiyeen kaddib markii dornes ka yimid Ciraaq ay soo weerareen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  3. Booliska Spain ayaa bilaabay howlgallo muhaajiriinta looga qaadayo xeebaha Ceuta

    Muhaajiriinta soo galay Spain

    Booliska dhulka Spain Ceuta ee ku yaalla Waqooyiga Afrika ayaa bilaabay in ay boqolaal muhaajiriin ah ka qaadaan xeebaha una wareejiyaan aagga dekedda, halkaas oo laga sameeyay xero teendhooyin ah.

    Arrinta ayaa fowdo ku bilaabtay, iyadoo qaar ka mid ah muhaajiriintu ay jabiyeen xayndaabkii loo sameeyay waddada labada kiiloomitir ah ee loogu talagalay in la maro.

    Wararku waxay sheegayaan in boolisku hawada rasaas u rideen. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ay jiraan teendhooyin ku filan oo qaadi kara 1700 oo qof. Waxay qiyaaseen in ku dhowaad 13 kun oo qof ay ku hareen Ceuta.

    Dib ayey u laabteen inta badan 72,000 oo muhaajiriin ah kuwaas oo ka soo gudbay xadka Morrocco bishii July.

    Howlgalkan waxa uu qeyb ka yahay dadaalka dowladda ee ku aadan in muhaajiriinta la isugu geeyo xarumo lagu aqoosan karo, laguna daryeeli karo si qiimeeyn loogu sameeyo xaaladahooda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  4. Macron: Qiima shidaalka ayaa noqday wax aan la xamilikarin

    Sicirka shidaalka adduunka

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in marinka Hormuz uu xiran yahay mana jiro heshiis dib loogu furayo.

    Macron ayaa shirka looga hadlayo dhibaatada tamarta ka sheegay in wasiirrada tamarta ee siddeedda dal ee aadka u horumaray ay kulmi doonaan toddobaadyada soo socda si ay uga wada hadlaan dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran. Wuxuu sheegay in mowduuca ugu weyn ee kulanka uu yahay in la fasaxo keydka.

    Mr. Macron ayaa sidoo kale farriin uu soo dhigay Facebook kaga hadlay muhiimadda ay leeyihiin marinada Hormuz, Bab al-Mandab iyo Badda Cas.

    Wuxuu kaloo ka hadlay in xayiraadda dhanka badda ay saameyn ku yeelatay nolosha dadka Faransiiska, taas oo laga dareemayo xarumaha shidaalka, isla markaana qiimaha shidaalku uu gaaray heer "aan la qaadan karin."

    Dhanka kale, maraakiibta shidaalka ayaa weli lagu beegsanayaa marinka Hormuz, iyadoo sida ay sheegayaan xogta shirkadaha la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta, isu-socodka marinkaas uu shalay gaaray heerkiisii ​​ugu hooseeyay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  5. Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ay difaacayaan Sacuudiga

    Ciidamada Pakistan

    Afhayeen u hadlay milateriga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisa uusan “waxba la hari doonin” sidii uu u difaaci lahaa Sacuudiga.

    Ahmed Sharif Chaudhry ayaa u sheegay wargeyska Arab News khamiistii in Pakistan ay ka taageereyso Sacuudiga dhanka diblomaasiyadda iyo milatariga.

    “Waxaan qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga labada Masjid ee Barakaysan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya”.

    Weerarka lagu qaaday dhuunta shidaalka ee tagta dekadda Yanbu ayaa hakisay shidaalka uu Sacuudiga dhoofiyo.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in Sacuudiga uu joogto cirka uga duqeeyay. Riyad waxay sidoo kale ku eedeysay Xuutiyiintu in ay weerar “fulaynimo ah” ku qaadeen Makah balse Xuutiyiintu way beeniyeen.

    Weerarka Sacuudigu sheegay in Makah lagu qaaday ayaa keenay jawaab ka timaada dalalka Islaamka.

    Pakistan, Sacuudi iyo Turkiga ayaa 6-dii Agoosto kala saxiixday "Heshiiska Difaaca Makah," iyagoo caddeeyay in weerar lagu qaado midkooda loo arki doono weerar lagu qaaday saddexda waddan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  6. La-taliyaha Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in marinka Hormuz aan la furi doonin ilaa inta Trump uu xukunka hayo

    Mareykan iyo Iran

    Mohammad Baqer Zolghadr oo ah la-taliyaha dhanka siyaasadda hoggaamiyaha cusub ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in dalkiisu aanu doonayn in uu furo marinka Hormuz inta uu Donald Trump xukunka hayo.

    Bayaan ay Khamiistii daabacday wakaaladda wararka Iran, ayuu Mr. Zolghadr ku sheegay sidan, “Ummaddani waxay go’aansatay in ay jabiso geeska cadowga gardarrada wada oo ay dhabarka ka jabiso kuwa kibirka badan.”

    Wuxuu intaas ku daray in marinka Hormuz aan la furi doonin ilaa Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu laga “tuurayo” “kursiga,” isagoo sheegay in tani ay tahay “marxaladda koowaad ee aargoosiga Iran.”

    Donald Trump ayaa sii wada hadallada is-khilaafsan ee ku saabsan dagaalka Iran halka gudaha Iran lagu kala qeybsan yahay in dagaalka la sii wado ama wadaxaajood lala galo Mareykanka.

    Qaar ka mid ah saraakiisha sare ee siyaasadda dalka, sida Massoud Pezhikian iyo Mohammad Bagher Qalibaf, ayaa ku baaqaya in Maraykanku dib ugu laabto qodobbadii Is-afgaradka Islamabad, ayna taas u arkaan shuruud hordhac ah oo lagu joojin karo dagaalka, xubno ku adag mowqifkooda, oo ay ku jiraan taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka, ayaa ka hadlay sii wadidda dagaalka iyo in marinka Hormuz sii xirnaado, iyagoo taas u arka hab wax-ku-ool ah oo looga hortagi karo Maraykanka iyo Israel.

    Dhanka kale, sicir-bararka, cunaqabateynta dhaqaale, iyo go’doominta badda ee lagu hayo dakadaha koonfurta Iran ayaa xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta dalka sii adkeeyay. Hoos u dhaca qiimaha Rial-ka Iran marka loo eego lacagaha caalamka ayaa sidoo kale cadaadis dheeraad ah saaray xaaladaha nololeed ee reer Iran.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  7. Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay Pakistan

    Qarax ka dhacay Pakistan

    Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay qaraxa, waxaana ka mid ah dadka dhintay saraakiil boolis ah. Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa loo adeegsaday weerarka oo ka dhacay magaalada Kohat oo ku taal Waqooyi Bari Pakistan.

    Gaariga qarxay ayaa lagu weeraray masjid maanta xiligii lagu jiray saaladda Jimcaha. Markaas kaddib dagaal ayaa bilowday oo u dhexeeyay kuwa weerarka soo qaaday iyo boolilska.

    Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha, waxaa weli socda howlaha gargaarka, waxaana suuragal ah in tirada wax ku noqotay weerarka ay sii kororto.

    Wasaaradda arrimaha gudaha Pakistan ayaa barteeda X ku sheegtay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow saldhigga booliska magaalada Kohat. Wasaaradda oo aan cadeyn tirada dhibanayaasha ayaa tacsi u dirtay dadkii wax ku noqday weerarkaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  8. Madaxweynaha Koonfur Afrika oo tallaaabo qaaday ka dib dilal naxdin leh oo dhacay

    Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa

    Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa dhisay koox gaar ah oo gacan ka geysanaysa baaritaanka dilal isdaba-joog ah oo dhawaan dhacay.

    Meydadka sagaal haween ah ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay laga helay bariga Johannesburg.

    Booliisku waxay xaqiijiyeen inay jiraan waxyaabo ay isku mid yihiin oo laga dhex arkay qaar ka mid ah dhimashooyinka, balse waxay sheegeen in ay weli tahay goor hore in wax gunaanad ah laga gaaro, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in dilalka ay ka dambeeyaan gacan-ku-dhiigle dila dad isdaba-joog ah (serial killer).

    Dilalkan ayaa sababay cabsi iyo walaac baahsan. Haweenka waxaa lagu boorriyay inay ka fogaadaan meelaha cidla ah, isla markaana ay koox-koox u socdaan mar kasta oo ay suurtagal tahay.

    Koonfur Afrika waxay ka mid tahay dalalka dunida ee leh heerarka ugu sarreeya ee rabshadaha ku salaysan jinsiga (gender-based violence). Dacwadaha noocan ah ee lagu guuleysto in eedaysanayaasha lagu soo oogo dacwad waa yar yihiin, halka maxkamadeyntuna ay marar badan qaadato sannado.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  9. Afhayenka Militariga Pakistan oo shaaciyey hadal weyn oo ku saabsan Sacuudiga

    Afhayeen ka tirsan milatariga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisu “uusan dadaalna ka hagran doonin” difaaca Sacuudi Carabiya.

    Ahmed Sharif Chaudhry ayaa Khamiistii u sheegay wargeyska Arab News in Pakistan ay Sacuudi Carabiya ku taageeri doonto “dhinacyada diblomaasiyadda iyo milatarigaba”:

    “Waxaan gaari doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo amniga Labada Masjid ee Barakaysan iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.”

    Weerarka lagu qaaday dhuumaha shidaalka ee Bariga-galbeed iyo dekedda Yanbu ayaa si wax-ku-ool ah u hakiyay dhoofinta shidaalka Sacuudi Carabiya.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in marar badan ay bartilmaameed u noqdeen duqeymaha cirka ee Sacuudi Carabiya.

    Riyaad, ayaa sidoo kale Xuutiyiinta ku eedaysay weerar “fulaynimo” ah oo lagu qaaday Maka, balse Xuutiyiintu way beeniyeen eeddaas.

    Sheegashada Sacuudi Carabiya waxay si weyn uga falcelin ka dhalisay dalalka Islaamka.

    Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Türkiye ayaa 6-dii Agoosto kala saxiixday “Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka”, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaantood.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  10. Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Hoggaamiyahan ayaa mar laga yaqaanay Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyahan ayaa mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

    Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.

    Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.

    Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.

    Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.

  11. Fanaanad caan ah oo ka falcelisay tallaabo ay qaadeen Aqalka Cad

    Fanaanadda reer Sweden Zara Larsson
    Qoraalka sawirka, Fanaanadda reer Sweden Zara Larsson

    Fanaanadda reer Sweden Zara Larsson ayaa noqotay xiddigtii ugu dambaysay ee maamulka Trump ka codsata inay joojiyaan isticmaalka muusigeeda ee fiidyowyadooda.

    Fiidiyowga lagu daabacay akoonka TikTok ee Aqalka Cad ayaa heesta Larsson ee “Midnight Sun” la saaray muuqaallo muujinayay howlgallo lagu raadinayay laguna xirayay dadka socdaalka la xiriira.

    Heesta ayaa tan iyo markaas laga saaray fiidiyowga.

    Larsson waxay fiidiyowga ku tilmaantay mid dadka bani’aadamnimadooda ka qaadaya, iyadoo sheegtay in dadka lagu xirayay muuqaalka ay yihiin “dad dhab ah.”

    Waxay sidoo kale sheegtay inay waali tahay sida wax walba loogu beddelay “meme” ama wax lagu kaftamo oo baraha bulshada lagu faafiyo, iyadoo Aqalka Cad ku eedaysay inuu muusigeeda u adeegsanayo in lagu abuuro kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  12. Muxuu yahay 'cudurka halista ah' ee raggu ka qaadaan cabidda caanaha?

    Ragga sida joogtada ah u isticmaala manaafacaadka xoolaha, gaar ahaanna caanaha, ayaa marka la barbardhigo kuwa aan isticmaalin, waxay boqolkiiba 60 halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka kansarka ku dhaca kaadi-heysta, sida lagu xusay daraasad cusub.

    Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Mareykanka ka soo baxa ee nafaqada ka faallooda, ayaa waxaa sameeyay baarayaal ka tirsan Jaamacadda Loma Linda, kuwaas oo daneynayay baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya cuntada iyo kansarka kaadi-heysta.

    Tan iyo sanadkii 2001, baarayaasha ayaa la socday caafimaadka rag ku sugan Mareykanka iyo Canada. Waxay daraasaddan eegeysay cuntada raggan muddo shan sano ah.

  13. Geeri argagax leh oo ka dhacday dal Afrikan ah iyo warbixin sirdoon oo laga helay

    Dadkan ayaa ku dhex dhintay xabsi
    Qoraalka sawirka, Dadkan ayaa ku dhex dhintay xabsi

    37 qof oo lagu eedeeyay macdan-qodis sharci-darro ah oo ka dhacaysay waqooyi-dhexe ee Nigeria ayaa ku dhintay xabsi, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

    Booliisku waxay bilaabeen baaritaan ku saabsan dhimashada dadkaas. Hay’adda Nigerian Security and Civil Defence Corps (NSCDC) ayaa sheegtay in dhimashadu u muuqato inay ka dhalatay cudur si lama filaan ah uga dillaacay goobta.

    Hase yeeshee, warbixin sirdoon oo lala wadaagay wakaaladda wararka AFP ayaa soo jeedisay in kooxdan ay u dhinteen ciriiri xad-dhaaf ah iyo hawo-qaadasho liidata oo ka jirtay gudaha xarunta lagu hayay ee gobolka Niger.

    Guddoomiyaha gobolka, Mohammed Umaru Bago, ayaa dhimashada ku tilmaamay “murugo iyo masiibo” intii lagu jiray shir jaraa’id oo uu qabtay Khamiistii.

    Bago wuxuu intaas ku daray in taliye ka tirsan NSCDC la xiray kadib dhimashada dadkaas.

    Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah, wuxuuna dib u dhigay bilowgii ololaha doorashooyinka loo qorsheeyay bisha Janaayo.

    Mas’uuliyiintu waxay kooxda dhalinyarada ah xireen Talaadadii, iyagoo looga shakiyay macdan-qodis sharci-darro ah oo ka dhacaysay meel u dhow Borgu, oo ku taalla gobolka Niger oo hodan ku ah macdanta. Gobolkaasi wuxuu caan ku yahay qodista dahabka ee heerka yar-yar.

    Laba maalmood kadib, 37 qof oo loo xiray hawshaas looga shakiyay inay sharci-darro tahay ayaa meydkooda laga helay gudaha xarunta lagu hayo ee ay maamusho NSCDC.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  14. Sida xanuunkan halista ah ay u soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  15. Musiibo dunida ku soo wajahan oo laga digayo iyo meelaha cabsida ugu badan ay ka jirto

    Qaramada Midoobay ayaa soo saartay digniinta
    Qoraalka sawirka, Qaramada Midoobay ayaa soo saartay digniinta

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.

    Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.

    Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  16. Maxay ka dhigan tahay in muuqaalka cusub ee dacaayadda Al-Qaacida uu ka soo muuqdo Xamza bin Laden?

    Al-Qaacida ayaa soo saartay muuqaal u eg dokumentari oo soconaya 52 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi,
    Qoraalka sawirka, Al-Qaacida ayaa soo saartay muuqaal u eg dokumentari oo soconaya 52 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi,

    Al-Qaacida ayaa soo saartay muuqaal u eg dokumentari oo soconaya 52 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi, kaas oo lagu xusayo sannad-guuradii 25-aad ee weerarradii 11-kii Sebtembar 2001 ka dhacay dalka Mareykanka.

    Muuqaalka ayaa sidoo kale waxaa ka muuqda wiilka Cusama bin Laden, Hamza bin Laden, iyadoo muuqaalka laga yaabo inuu yahay mid aan hore loo arag.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligii uu madaxweyne ahaa muddo-xileedkiisii koowaad, sannadkii 2019, ku dhawaaqay in Xamza bin Laden, oo ahaa wiilka hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama bin Laden, lagu dilay weerar Mareykanku qaaday.

    Si kastaba ha ahaatee, Washington weligeed si faahfaahsan uma aysan sheegin goorta, goobta iyo duruufihii uu Xamza bin Laden ku dhintay.

    Hadda, muuqaal cusub oo dacaayad ah oo ay Al-Qaacida soo saartay ayaa muujinaya Hamza bin Laden oo farriimo si toos ah ugu jeedinaya kamaradda.

  17. Maraykanka oo jawaab ka bixiyey warbixin eedeyn culus loogu jeediyey

    Wasaaradda rrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabin warbixin Qaramada Midoobay
    Qoraalka sawirka, Wasaaradda rrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabin warbixin Qaramada Midoobay

    Wasaaradda rrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabin warbixin Qaramada Midoobay soo saartay oo ku eedaynaysa in ciidamada Maraykanku ay dambiyo dagaal galeen marxaladihii hore ee dagaalka ay kula jiraan Iran.

    Guddiga xaqiiqo-raadin ah ayaa sheegay in duqeymo gantaallo ah oo dhimasho sababay, kuwaas oo lagu qaaday dugsi ku yaalla Minab iyo xarun isboorti oo ku taalla Lamerd, ay ahaayeen weerarro aan kala sooc lahayn, kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah iyo burbur loo geystay kaabayaasha rayidka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku adkaysatay in ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay mudnaanta ugu weyn ee Washington, balse ma aysan ka hadlin nuxurka ama faahfaahinta natiijooyinka warbixinta.

    Maraykanku hore ayuu u beeniyay inuu duqeeyay Lamerd, wuxuuna sheegay inuu baarayo waxa ka dhacay Minab.

    Warbixintu waxay sidoo kale ku eedaysay mas’uuliyiinta Iran inay galeen dambiyo ka dhan ah aadanaha, oo ay caburinayeen dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee dhacay bishii Janaayo.

    Washington ayaa hore u sheegtay in hawlgalladeeda ay u fuliso si waafaqsan shuruucda khuseeya colaadaha hubaysan. Tehran-na waxay beenisay inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  18. Wadaad Muslim ah oo lagala noqday abaalmarin horrey loo siiyey ka dib sababtan

    Hoggaamiyaha Kaniisadda Anglican, Archbishop of Canterbury, yaa kala noqday abaalmarin toddobaadkii hore la siiyay wadaad Muslim ah oo u dhashay Pakistan.

    Waxaa jiray dhaleeceyn ku saabsan aqoonsiga Hafiz Tahir Ashrafi, kadib markii la ogaaday inuu horey u ammaanay hoggaamiyihii Al-Qaacida, Osama Bin Laden, isla markaana uu taageeray shuruucda Pakistan ee ku saabsan takoorta diimaha kuwaas oo kooxaha xuquuqda aadanuhu ay sheegaan inay sii xoojiyaan takoorka diimeed.

    Baadari Sarah Mullally ayaa abaalmarinta siisay Jimcihii, oo ku beegnayd sannad-guuradii weerarradii 11-ka Sebtembar.

    Hase yeeshee, Lambeth Palace ayaa sheegtay in abaalmarinta lagala noqday kadib markii ay ogaatay hadalladii uu hore u jeediyay.

    Hafiz Tahir Ashrafi ayaa BBC u sheegay in hadalladaas macnahooda laga saaray oo aan si buuxda loo tixgelin macnaha guud ee uu ku sheegay.

  19. Kuuriyada Koonfureed oo jawaab ka bixisay warar la faafiyey oo ku saabsan dalkaas

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung

    Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Lee Jae-myung, ayaa sheegay inuusan waligiis amri doonin in ciidamada dalkiisa loo diro si ay uga qayb qaataan dagaal ama colaado ka socda dal shisheeye.

    Seoul ayaa toddobaadkii hore beenisay warar sheegayay in ciidamadeeda badda ay isu diyaarinayaan inay ka qayb qaataan hawlgallo lagu ilaalinayo xorriyadda maraakiibta ganacsiga ay ugu kala gooshaan Gacanka Faaris iyo marin-biyoodka Hormuz.

    Hadalka madaxweynaha ayaa sidoo kale laga yaabaa in lagu sheegay iyadoo laga duulayo mowqifkiisa ku saabsan suurtagalnimada isku dhac dhex mara Shiinaha iyo Taiwan, iyo doorka ay Kuuriyada Koonfureed ka ciyaari karto haddii xaaladdaasi dhacdo.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  20. Xaggee ayay Xuutiyiintu ka helaan hubka ay ku weeraraan Badda Cas?

    .

    Dalka Yemen waa mid ka mida dalalka ugu saboolsan caalamka kaas oo wali la daalaa dhacaya dagaallo sokeeye ilaa sanadkii 2014-kii, ka dib markii kooxaha Shiicadu ay la wareegeen maamulka magaalada caasimadda ah ee Sanca.

    Howlgal xagga cirka ah oo qaadeen xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayo oo ka dhan ah Xuutiyiinta ayaa ugu sii daray xaaladda awalba xumayd taas oo sababtay xariyaado iyo saboolnimo.

    Hase yeshee Xuutiyiinta ayaa muuujiyey awooddooda iyagoo weeraro carqaladayn ah ka gaystay Badda Cas oo ay bartilmaameedsadeen maraakiib ganacsi ilaa bishii Novermber iyadoo Maraykanka iyo UK ay ka hortageeen.