Netanyahu wuxuu soo dhaweeyay ninkii “qolka duulista xoog ku galay”
Xigashada Sawirka, Israeli Prime Minister's Office
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa
garoonka diyaaradaha Ben Gurion kula kulmay rakaabkii diyaaradda dib loogu soo
celiyay, kaddib markii ay ka degeen diyaaraddii.
Muuqaal lagu baahiyay akoonkiisa rasmiga ah ee baraha
bulshada ayaa muujinaya isaga oo rakaabka isku duubaya oo salaamaya. Mid ka mid
ah ragga rakaabka ah ayaa xiran funaanad dhiig ka muuqdo.
Qoraalka muuqaalka la socday ayaa sheegay in uu la kulmay “Yaniv,
oo qolka duulista xoog ku galay diyaaraddii ka soo duushay Dubai kuna socotay
Israa’iil.”
Sawirro: Dabaaldegyo ka socda garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Markii rakaabku ay ka degeen diyaaraddii dib loogu soo celinayay ee ka timid Sacuudi Carabiya, waxaa garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne badan oo daawanayay, kuwaas oo muusig tumaya, heesaya, qoob-ka-ciyaaraya, isla markaana lulaya calamada Israa’iil.
Duulimaadkii hore ee ka yimid Dubai kuna socday Tel Aviv ayaa loo weeciyay garoonka Tabuk ee Sacuudi Carabiya, kaddib markii la soo sheegay in qof mindi lagu dhaawacay gudaha diyaaradda.
Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Sawirro laga helayo rakaabka oo dhexmaraya garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv
Qoraalka sawirka, BBC
Hadda waxaan aragnaa sawirrada muujinaya rakaabkii oo ku socda gudaha
garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv, kaddib markii ay ka degeen diyaaraddii goor
hore ka soo ambabaxday Sacuudi Carabiya.
Halkan kala soco wararka deg dega ah ee la xiriira dhacdada waxaana
idiin soo gudbin doonnaa hadallada rakaabka isla marka aan helno.
Diyaaradii siday rakaabka diyaaradii ay saarnaayeen dhacdadu ka dhacday oo ka degtay Tel Aviv
Xigashada Sawirka, reu
Qoraalka sawirka, Flydubai
Diyaaraddii siday rakaabkii diyaaraddii hore ee ka soo
duushay Dubai kuna sii jeeday Tel Aviv, balse loo weeciyay Sacuudi Carabiya,
ayaa lagu arkay barxadda Garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil.
Mas’uuliyiin Israa’iili ah iyo ciidamada ammaanka ayaa sidoo
kale lagu arkay iyagoo ku sugaya qaybta dadka imanaya, si ay u soo dhaweeyaan
rakaabka marka ay diyaaradda ka soo degaan.
Rakaabkii saarnaa diyaaradda Flydubai ee ku lug lahayd
dhacdadii maanta ayaa hadda ka baxay Sacuudi Carabiya, sida ay sheegtay
shirkadda maamusha garoonka ee Cluster2.
Sida ay shirkadda Sacuudigu sheegtay, rakaabku waxay ka
ambabaxeen Garoonka Tabuk.
Sida aan hore u soo sheegnay, shirkadda Flydubai ayaa laba
diyaaradood oo beddel ah u dirtay Tabuk, si ay “u qaadaan oo u beddelaan
rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.”
Diyaaraddii asalka ahayd waxay ka soo duushay Dubai kuna sii
jeedday Tel Aviv, ka hor inta aan loo weecin Sacuudi Carabiya xilli uu
dhacdadani ka socotay diyaaradda.
Raysal Wasaaraha Israa’iil oo war weyn ka soo saaray dhacdadii diyaaradda
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan
ka soo saaray dhacdadii diyaaradda Flydubai.
Wuxuu sheegay in “duuliyihii mindiyeynta geystay la xiray,
waxaana hadda su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya.”
Dhanka kale wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa
sheegay in xogaha hordhaca ahi muujinayaan in mid ka mid ah duuliyeyaashu uu damacsanaa
inuu diyaaradda burburiyo, isagoo doonayay in dhammaan dadkii saarnaa ay ku
dhintaan.
Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “isku day weerar argagixiso”,
wuxuuna ammaanay rakaabkii Israa’iiliyiinta ahaa ee duuliyaha awood uga
adkaaday oo xakameeyay.
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka hadlay dhacdadii diyaaradda
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Danny Danon
Danjiraha Israa’iil
u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duuliye “geesi ah” oo ka tirsanaa
diyaaraddii Flydubai ee loo weeciyay Sacuudi Carabiya xilli ay ku sii jeeday
Tel Aviv uu “sida libaax ula dagaallamay” si uu rakaabka u ilaaliyo.
Danny Danon ayaa
bartiisa X ku qoray: “Rakaabkii Israa’iiliyiinta ahaa ee maanta ka soo duulay
Dubai waxay muujiyeen go’aan iyo karti aan caadi ahayn, iyagoo gacan ka geystay
ka hortagga musiibo weyn.”
Wuxuu intaas ku
daray: “Waxaan u mahadcelinayaa duuliyihii Imaaraatiga ahaa ee geesiga ahaa,
kaas oo sida libaax ula dagaallamay oo badbaadiyay nolosha rakaabka.”
“Waxaan u
rajaynayaa inuu si degdeg ah uga soo kabsado dhaawacyada, dhammaan rakaabkana
waxaan u rajaynayaa safar nabdoon oo ay dalkooda ugu laabtaan.”
Wasiirka amniga Israa’iil oo ka hadlay dhacdadii diyaarada
Wasiirka Amniga Qaranka ee xisbiga midigta fog, Itamar
Ben-Gvir, ayaa baraha bulshada ku daabacay qoraal uu ka hadlay y dhacdada,
inkastoo uusan u muuqan inuu ku hadlayay magaca dowladda.
Wuxuu u mahadceliyay “rakaabkii geesiyaasha ahaa”, wuxuuna
sheegay in “caqiidada amniga” Israa’iil loo baahan yahay in la gaarsiiyo heer
ka sarreeya, isagoo intaas ku daray in dalku uusan joojin ilaa uu ka gaaro “guul
buuxda” dhinacyo badan.
Wax badan kama soo bixin dowladda Israa’iil marka laga reebo
bayaan hore oo lagu sheegay in xaaladda la xakameeyay, isla markaana dadaallo
lagu doonayo in rakaabka dib loogu soo celiyo Israa’iil ay socdaan.
Yair Golan, oo hoggaamiya xisbiga bidixda ah ee Democrats-ka
Israa’iil, ayaa ammaanay rakaabkii diyaaradda saarnaa oo uu ku tilmaamay “geesiyaal”,
balse wuxuu dowladda ku dhaliilay inay dhacdada u adeegsanayso “inay ku kasbato
dhibco siyaasadeed oo raqiis ah.”
Dalka uu ka soo jeedo oo la ogaaday mid ka mida duuliyayayaashii caawiyey in diyaarada la dajiyo
Xigashada Sawirka, EVN
Qoraalka sawirka, Rakaab
Sida aan hore u
soo sheegnay, rakaabku waxay warbaahinta Israa’iil u sheegeen in laba duuliye
oo fadhiyay qaybta dambe ee diyaaradda ay ka caawiyeen in diyaaradda la dejiyo
kaddib markii uu dagaal ama gacan-ka-hadal ka dhacay gudaha diyaaradda.
Rakaab kale oo
lagu magacaabo Almog Itali ayaa warbaahinta u sheegay in labadan duuliye ay
ahaayeen duuliyeyaal beddel ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay duuliyaan
duulimaad kale oo xigay.
Itali wuxuu
sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaashaas uu ahaa British, halka duuliyaha
labaad uu ahaa Yurubiyiin, balse uusan sheegin jinsiyaddiisa.
Itali wuxuu
sheegay in faahfaahinta saxda ah ee wixii ka dhacay qolka duulista aysan weli caddayn, balse uu sheegay in
duuliyeyaashii ay xakameeyeen diyaaradda oo ay si nabadgelyo ah ugu dejiyeen
Sacuudi Carabiya.
“Waxaa jira dhowr
nooc oo kala duwan oo dhacdada ah,” ayuu yiri kaddib markii uu la hadlay dad ku
sugnaa qaybta hore ee diyaaradda. “Waxa cad ayaa ah in laba duuliye ay ku
jireen qaybta hore mid ayaa kan kale mindi ku dhaawacay.”
Weli ma aanan
maqal war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta oo ku saabsan faahfaahinta
wixii ka dhacay duulimaadka. Horaantii, shirkadda maamusha garoonka Tabuk,
halka ay diyaaradda ku degtay, waxay sheegtay in kabtanka iyo kaaliyaha
duuliyaha ay dhaawacmeen.
25 dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visaha ku qaadanayo garoonkooda
Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.
Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.
Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.
Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.
Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:
Sacuudiga oo war ka soo saaray xaaladda kabtanka iyo kaaliyihii diyaarada
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Fly dubai
Shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Tabuk ee Sacuudi
Carabiya halka loo weeciyay diyaaradda ayaa
hadda soo saartay bayaan.
Waxay sheegeen in kabtanka iyo kaaliyaha duuliyaha ee
diyaaradda Flydubai ay dhaawacmeen, waxaana loo qaaday isbitaalka. Bayaanku ma
sheegin waxa sababay dhaawacyada.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in xarunta laga hago isku
socodka diyaaradaha ee garoonka ay 08:44 subaxnimo, waqtiga maxalliga ah, ka
heshay diyaaradda Flydubai farriin degdeg ah, iyadoo diyaaraddu codsatay inay
si degdeg ah u degto.
Diyaaraddu waxay si nabadgelyo ah ugu degtay garoonka qiyaastii
hal saac kaddib, sida lagu sheegay bayaanka.
Maraakiib lagu beegsaday marinka Hormuz “gantaallo ama waxyaabo qarxa oo aan la aqoonsan”
Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ee UKMTO, ayaa sheegtayin talaadii saddex markab oo marayay Marinka Hormuz lagu
bartilmaameedsaday “gantaallo ama waxyaabo qarxa oo aan la aqoonsan.”
Hay’addu waxay sheegtay in bartilmaameedyadu ahaayeen markab
shidaal qaada, markab qaada gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), iyo
markab kale, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Marinka Hormuz ayaa xilligan ah goob ay ka taagan tahay
xiisad u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.
Ka hor dagaalka, ku dhawaad shan meelood meel saliidda
iyo gaaska dabiiciga ah ah ee dunida ayaa mari jiray marinkan
muhiimka ah ee maraakiibta.
Dagaalka kaddib, Iran ayaa xirtay Marinka Hormuz, halka
Maraykankuna uu go’doomin dhinaca badda ah ku soo rogay dekedaha Iran.
War deg deg ah, Degdeg: war cusub oo ka soo kordhay diyaaraddii Israa'iil ku wajahneed
Xigashada Sawirka, Flightradar24/Reuters
Waxaa la soo wariyay in xaaladda degdegga ah ee diyaaradda ay ka dhalatay muran ama
gacan-ka-hadal dhex maray duuliyaha iyo kaaliyaha duuliyaha.
Rakaab Israeli ah oo diyaaradda saarnaa ayaa saxafiyiinta
u sheegay in shaqaalaha diyaaradda ay gargaar dalbadeen, kaddibna qaar ka mid
ah rakaabka ay caawiyeen qabashada mid ka mid ah duuliyeyaasha oo ay xireen.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa bayaan
uu soo saaray ku sheegay in xaaladda hadda la xakameeyay, isla markaana
dadaallo lagu wado sidii rakaabka Israel looga soo celin lahaa Sacuudiga.
Shirkadaha Cumrada dadka geeya ee muuqaallada ka duuba oo laga cabanyo
Atariishada caanka ah ee Kannywood, Rahama Sadau, ayaa
ka cabatay habka ay qaar ka mid ah shirkadaha safarradu u duubaan muuqaalada
dadka u safray dhulka barakeysan si ay Cumro ugu soo gutaan, iyagoo qayb ka
dhigaya dadaalladooda suuq-geynta.
Rahama Sadau ayaa qoraal ay ku baahisay
Instagram-keeda ku sheegtay inay doonaysay inay soo cumraystaan iyada iyo koox
kale, balse habka ay shirkadaha qaar u dhaqmaan uu niyad-jab ku yahay.
Waxay sheegtay in Cumradu ay tahay cibaado, ayna
habboonayn in loo beddelo fursad lagu sameeyo sawirro iyo muuqaallo lagu
baahiyo baraha bulshada.
Qoraalkeeda waxaa ka falceliyay dad badan, waxaana ka
mid ahaa caalimka caanka ah Mufti Menk, oo u soo jeediyay shirkad ay Cumrada u
raaci karto, isaga oo sheegay inay u oggolaato dadka gudanaya Cumrada inay
cibaadadooda si gaar ah u gutaan.
Mufti Menk ayaa sidoo kale sheegay in xilligan dad
badan ay ku dhiiradaan Cumrada kaddib markii ay arkaan dad kale oo gudanaya,
balse uu ku booriyay inaan sawir qaadashadu noqon waxa ugu weyn ee diiradda la
saaro.
War deg deg ah, Ruushka oo weerarro culus ku qaaday Kyiv iyo khasaare ka dhashay
Ruushka ayaa habeenkii xalay weerar culus oo loo
adeegsaday gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday caasimadda
Ukraine ee Kyiv.
Sarkaal sare ayaa sheegay in dhowr guri lagu burburiyay
mid ka mid ah degmooyinka magaalada, halka meydka ilmo laga helay burburka
hoostiisa.
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah qoyska ilmaha dhaawacmay
laga soo badbaadiyay burburka.
Weerarka ayaa sidoo kale waxyeello gaarsiiyay bakhaarro
iyo kaabayaal kale oo muhiim ah, taasoo sababtay koronto la’aan iyo hakad ku
yimid adeegga biyaha.
Ruushka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhiyay
weerarrada uu maalin iyo habeenba ka geysto Kyiv.
War deg deg ah, Rabshado ka dhashay burburinta Massaajid oo ka socda Hindiya
Xigashada Sawirka, Sameer Khan
Burburinta qayb ka mid ah Masjidka Shahi ee magaalada
Ujjain, ee dalka Hindiya, ayaa wali taagan. Wakiillo ka tirsan guddiga masjidka
ayaa hawsha burburinta sameynaya.
Dhanka kale, booliska ayaa dacwado ka dhan ah 30 qof
ka gudbiyay rabshado iyo dhagax-tuur dhacay Isniintii xilli qayb ka mid ah
masjidka la burburinayay. 20 qof ayaa la xiray.
Booliska ayaa sagaal ka mid ah dadka la xiray geeyay
isbitaalka Charak si baaritaan caafimaad loogu sameeyo, ka hor inta aan
maxkamad la horgeyn.
Dhacdadu waxay bilaabatay Isniintii, xilli qayb ka mid
ah Masjidka Shahi ee Chhatri Chowk la burburinayay. Qaar ka mid ah dadka
deegaanka ayaa ka hor yimid arrintaan, waxaana xaaladdu isku beddeshay rabshad
iyo dhagax-tuur.
Booliska ayaa sheegay in sidoo kale baraha bulshada
lagu faafiyay farriimo lagu kicinayay dadka.
War deg deg ah, Faahfaahinno kala duwan oo ka soo baxaya diyaaradda Israa'iil ku wajahneed oo Sacuudiga u weecatay
Sida
ay Reuters sheegtay, mas’uuliyiinta Israel ayaa baaraya xaaladda ku saabsan
duulimaad diyaaradeed oo ku socday Israel balse intii uu safarka ku jiray
beddelay jihada.BBC
Arabic ayaa sheegtay in diyaaradda ay u leexatay dhanka Sacuudiga kaddib markii
ay gashay hawada Urdun, halkii ay Israel u weecan laheed.
Warbaahinta
Israel ayaa sheegtay in diyaaradda, oo ay saarnaayeen in ka badan 150 qof, ay
intii ay hawada ku jirtay dirtay calaamad xaalad degdeg ah. Ciidanka Cirka
Israel ayaa markaas si taxaddar ah hawada u geliyay laba diyaaradood oo dagaal.
Hase
yeeshee, ilo amni oo Israel ah ayaa sheegay inaan la xaqiijin in diyaaradda la
afduubtay, isla markaana aan weli la ogeyn sababta dhabta ah ee dhacdada.
Diyaaradda
ayaa ugu dambayn ku degtay garoonka Tabuk ee Sacuudiga. Afhayeen u hadlay
xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa Reuters u sheegay in leexinta
diyaaradda iyo degitaankeeda Tabuk aysan ka dhalan afduub.
Shabakadda
Flightradar24 ayaa horay u sheegtay in diyaaradda muddo kooban dirtay koorka
7500, kaas oo loo adeegsado in lagu muujiyo afduub ama faragelin sharci-darro
ah.
Dhanka
kale, Times of Israel ayaa sheegay in muran la sheegay inuu dhex maray
duuliyeyaasha uu sababay xaaladda degdegga ah iyo leexinta diyaaradda, balse
faahfaahinta murankaas weli lama shaacin.
War deg deg ah, War degdegah: Diyaarad ku wajahneed Tel Avi, Israa'iil oo si dedeg ah loogu weeciyay dhanka Sacuudiga
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Duulimaad ay leedahay shirkadda FlyDubai oo ka soo duulay
Dubai kuna socday Tel Aviv ayaa loo weeciyay Sacuudiga kaddib markii xaalad
degdeg ah looga dhawaaqay diyaaradda.
Duulimaadka FZ1073 ayaa markii hore diray calaamadda
degdegga ah ee 7700, waxaana wax yar kaddib la diray 7500, taas oo inta badan
loo adeegsado in lagu muujiyo faragelin sharci-darro ah ama afduub diyaaradeed.
Diyaaradda ayaa markii dambe dib ugu laabatay calaamadda
7700, waxaana ay ku degtay garoonka Tabuk ee Sacuudiga.
Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa
Reuters u sheegay in leexinta diyaaradda iyo degitaankeeda Tabuk aysan ahayn
afduub.
Warbaahinta Times of Israel ayaa sheegtay in muran
la sheegay inuu dhex maray duuliyeyaasha diyaaradda uu sababay xaaladda
degdegga ah iyo leexinta duulimaadka, balse faahfaahin dheeraad ah lama bixin.
Doorashooyinka Hirshabeelle iyo Galmudug oo deegaannadaas ka socda
Xigashada Sawirka, SONNA
Wararka ka imaanaya maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa sheegaya in dadku ay codkooda ka dhiibanayaan doorashooyinka golaha deegaanka iyo wakiillada maamulladaasi oo saaka loo dareeray.
Sawirro baraha bulshada lagu faafiyay ayaa muujinaya dadka oo meelaha qaar leyn ugu jira dhiibashada codkooda. Doorashadaan oo ah qof iyo cod ayaa Galmudug ah ku celis, halka Hirshabeelle ay tahay markii ugu horreysay.
Guddiga doorashooyinka ayaa xalay sheegay in la xayiri doono inta badan isu socodka aan muhiimka ahayn, marka laga reebo dadka ka shaqeeynaya doorashada.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warramaysa in doorashooyinka ay si hufan uga bilowdeen magaalooyinka waaweyn ee Galmudug iyo Hirshabeelle.
War deg deg ah, Mareykanka oo siinaya abaal-marin dhan 15 milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi, Axmed iyo Cali
Xigashada Sawirka, Reuters
Mareykanka
ayaa siinaya abaalmarin dhan 15 milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan
saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidamada cirka iyo hawada sare ee Ilaalada
Kacaanka Iran.
Magacyada
waxaa ka mid ah Sareeye Guuto Cabdullah Mehrabi, oo madax ka ah waaxda
cilmi-baarista iyo isku-filnaanshaha ee ciidamada cirka iyo hawada sare ee
Ilaalada Kacaanka.
Qofka labaad
waa Axmad Jafarabadi, oo lagu sheegay inuu yahay sarkaal sare oo mas’uul ka ah
hawlgallada ciidamadaas. Si kastaba, bayaanka Mareykanka ma caddaynayo in
magacaasi uu ula jeedo Sareeye Guuto Ali Jafarabadi, oo ah taliyaha hawada sare
ee ciidamada Ilaalada Kacaanka, ama qof kale.