TOOS, Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday xarun koronto oo ku taalla Madiina

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysa weerarka lagu qaaday xarun koronto siisa Masjidka Nabiga (NNKH) ee ku yaalla magaalada Madiina ee Sacuudi Carabiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ruushka oo weerarra duqeyn ah ku qaaday Buundada Kyiv xilli Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka uu booqasho ku tagay

    Ukraine

    Buundooyinka waaweyn ee Kyiv waxaa afar maalmood oo xiriir ah ku socotay duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo Moscow ay kordhisay weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda Ukraine.

    Labo qof ayaa ku dhaawacmay markii subaxnimadii Axadda markii labaad oo xiriir ah la weeraray Buundada Pivnichnyi (Waqooyi), halka Buundada Pivdennyi (Koonfur) iyadana dhowr jeer la garaacay horraantii toddobaadkan.

    Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli uu Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz booqasho lama filaan ah ku tagay Kyiv, taas oo ahayd muujin taageero oo ka dhan ah duullaanka ballaaran ee Ruushku uu weli ku hayo Ukraine.

    Ciidamada Ruushka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan weerarrada ka dhanka ah Kyiv iyo gobollada kale ee Ukraine. Waxay horay u sheegeen inay garaaceen labadaas buundood oo loo isticmaali jiray in lagu raro ciidamada Ukraine.

  2. Iiraan oo sheegtay in marin-biyoodka Hormuz aan dib loo furi doonin ilaa laga fuliyo toddobo shuruudood

    Iran

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii ku adkaystay in aysan jirin xal militari oo ay Maraykanku ka gaari karaan Iiraan, iyadoo wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac ay u muuqdaan kuwo fashilmay oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

    Araghchi ayaa yiri: "Haddii cadowgeennu ay mar kale doortaan waddada iska horimaadka milateri, jawaabteennu waxay noqon doontaa mid ka xooggan tii hore... Ma jirto xal milateri, mana jiro xal ku salaysan cunaqabatayn cusub... Ma jirto wax aan ka ahayn wadahadallo ku salaysan caddaalad iyo sinnaan."

    Araghchi ayaa tilmaamay in dalkiisu ay "si dhab ah uga go'an tahay helitaanka xalalka diblomaasiyadeed," isagoo isla markaana carrabka ku adkeeyay in ay "si dhab ah uga go'an tahay difaaca naftiisa."

    Dhanka kale, Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in Mareykanku uu dhawaan soo jeediyay talooyin iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyaal, isagoo intaas ku daray inay tahay in Washington ay garwaaqsato in "xilligii waqtiga la luminayay iyo in si kali-talin ah shuruudo lagu soo rogi jiray uu dhammaaday."

    Qalibaf, sida ay soo xigatay shabakadda Iiraan ee Nour News, ayaa sheegay in mowqifka dalkiisu uu yahay mid "cad oo aad u adag," isla markaana aan la furi doonin marinka Hormuz ilaa laga fuliyo toddobo shuruudood oo uu sheegay inay Tehran dejisay iyadoo la raacayo heshiis-fahamkii Islamabad.

  3. Ciidamada Mucaardka Itoobiya oo ka baxay caasimadda gobolka Tigray

    Ethiopia
    Qoraalka sawirka, Askari taageersan dowladda oo ilaalo ka haya waddo ku taal gobolka Tigray ee dalka Itoobiya maalintii Axadda.

    Ciidamada Mucaardka ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay inay si ku-meel-gaar ah uga baxeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka, iyadoo dagaalka ay kula jiraan ciidamada qaranka uu u soo wareegayo dhanka magaalada.

    Ururka Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), oo maamulayay gobolka, ayaa sheegay in go'aanka ay uga guureen halkaas uu salka ku hayo walaac laga qabo khatar soo wajihi karta dadka rayidka ah.

    Labo qof oo deggan magaalada Mekelle ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada taageersan dowladda ay hadda gacanta ku hayaan magaalada, isla markaana ay ciidamada TPLF ka baxeen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inay u muuqato in adeeggii taleefannada gacanta uu dib u soo laabtay qaybo ka mid ah magaalada.

    Dagaallo ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ka qarxay inta u dhaxaysa TPLF iyo ciidamada dowladda federaalka oo ay weheliyaan xoogag xulafo la ah, kuwaas oo ka dhacaya qaybo ka mid ah gobollada waqooyi ee Itoobiya sida Tigray, Afar iyo Amhara.

    Xaaladdan ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid colaadda, waxayna walaac ku abuurtay dadka arrimahaas la socda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku uu sii wiiqo xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana uu suurtagal ka dhigo inay ku lug yeeshaan dalalka deriska ah.

  4. Xuutiyiinta oo jaray waddo halbowle u ah magaalooyinka Tacis iyo Cadan

    Yemen

    Waxaa la soo sheegayaa in kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay gooyeen waddo muhiim badeecada, taas oo isku xirta magaalooyinka Tacis iyo Caden.

    "Waxaa naloo sheegay in Xuutiyiintu ay la wareegeen gacan ku haynta aagga Safiya, ay gooyeen wadadii ugu weyneyd, isla markaana ay qabsadeen saldhigga booliiska," ayaa laga soo xigtay il-wareed dhanka booliiska ah oo ku sugan Yemen, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

    Wakaaladda wararku waxay sidoo kale sheegtay in saddex il-wareed oo ka tirsan ciidamada Yemen ay xaqiijiyeen in Xuutiyiintu ay gacanta ku hayaan aaggaas iyo wadada ay wadadaan la sheegay inay gooyeen, waxayna sheegeen inay go'doomiyeen magaalada Tacis.

    Sida ay sheegayso warbixintan, Xuutiyiintu waxay sidoo kale joojiyeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee wadada weyn ee isku xirta Tacis iyo Caden, iyadoo dagaalkuna uu ka socdo aaggaas.

    Xuutiyiinta ayaa muddo dhowr maalmood ah waday weerar ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Tacis, waxayna qorsheynayaan inay halkaas uga sii gudbaan dhanka Caden.

    Caden waa dekedda ugu muhiimsan ee ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo ay taageerto Sacuudi Carabiya.

    Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa gacanta ku haya ku dhawaad ​​dhammaan aagga marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo xeebta bari ee Badda Cas, marka laga reebo caasimadda Sanca.

    Haddii Xuutiyiintu ay gaaraan Caden, Yemen waxay u kala qaybsami doontaa laba qaybood: bari iyo galbeed.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  5. Eritrea, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar oo kulan ku yeelanaya magaalada Calamayn

    Calamayn

    Hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya, iyo Suudaan ayaa Axadda ku yeelan doona shir heer sare ah oo afar geesood ah magaalada New Alamein ee waqooyiga Masar, si ay uga wada hadlaan xaaladaha gobolka iyadoo uu weli socdo dagaalka ka jira waqooyiga Itoobiya, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Anadolu.

    War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Masar ayaa lagu sheegay in shirkan uu qayb ka yahay "wadatashiyo iyo isku-imaatin ku saabsan arrimaha gobolka ee ay wadaagaan dalalkani."

    Shirkan waxaa ka qayb-geli doona Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Kumeel-gaarka ah ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan.

    Wax faahfaahin dheeraad ah lagama bixin ajandaha ama qodobada looga hadli doono shirkaas.

    Shirkan ayaa imanaya xilli ay Itoobiya iyo Eritrea horey isugu jareen xiriirkii diblomaasiyadeed, isla markaana ay Masar iyo Itoobiya is-weydaarsadeen tallaabooyin ay diblomaasiyiin ku kala ceyriyeen.

    Dagaal ayaa dib u billowday bishii Sebtembar, kaas oo u dhexeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo isbahaysi mucaarad ah oo ay hoggaaminayso Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF); dagaalka ayaa ku fiday qaybo ka mid ah koonfurta Tigrayga iyo gobolka dariska la ah ee Cafarta.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  6. Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday xarun koronto oo ku taalla Madiina

    masaajidka nabiga

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysa weerarka lagu qaaday xarun koronto siisa Masjidka Nabiga (NNKH) ee ku yaalla magaalada Madiina ee Sacuudi Carabiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA.

    Warkaan ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay u aragto "weerarkan lagu qaaday kaabayaasha rayidka ah ee u adeega mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka inuu yahay xad-gudub ka dhan ah sharafta iyo xurmada Goobaha Barakaysan".

    Sidoo kale, waxaa ay sheegtay wasaaraddu in arrintani tahay "xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida Boqortooyada".

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  7. Koox Iiraaniyiin ah oo ku xirnaa Imaaraadka Carabta oo la sii daayay

    Koox dad u dhashay Iran oo ku xirnaa Imaaraadka Carabta ayaa la sii daayay.

    Esmail Baghaei, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa sheegay in sii-deynta maxaabiistan ay timid kadib wadahadallo u dhexeeyay labada dal oo ka dhacay dhinaca shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay:

    "Sii-deynta tiro ka mid ah muwaadiniinteenna xalay waa tallaabo wanaagsan oo qiimo noo leh. Waa inaan uga mahadcelinnaa mas'uuliyiinta Imaaraadka iskaashiga ay arrintan ka geysteen." Tirada dadka la sii daayay si rasmi ah looma shaacin.

    Mudane Baghaei ayaa rajo ka muujiyay in "dadka kale ee u dhashay Iran ee weli xiran la sii deyn doono sida ugu dhakhsaha badan."

    Si cad looma oga sababta dadkan loo xiray, balse wakaaladda wararka ee dowladda Iran ayaa sheegtay in "muddo sanado ah lagu hayay xabsiyada Imaaraadka iyadoo lagu eedeynayo wax aan sal iyo raad toona lahayn," isla markaana ay ku jireen "dumar u dhashay Iran."

    Warbixintu waxay sheegaysaa: "Waxaa si dhab ah loo wadaa dadaallo sharci iyo kuwa diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadiniintan."

    Bilowgii dhowaa ee la soo dhaafay, waxaa Imaaraadka laga sii daayay tiro maxaabiis u dhashay Iran ah, kuwaas oo dhammaantood ahaa "kalluumeysato"; 55 qof ayaa la sii daayay bishii Luulyo, 10 kalena bishii Sebtembar.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  8. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan: Ma jiro xal milatari ama mid cunaqabatayn oo xal lagu gaari karo

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in “aysan jirin xal milatari, sidoo kalena aysan jirin xal ku salaysan cunaqabateyn dheeraad ah” oo lagu xallin karo colaadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.

    Cabaas Caraqji ayaa yiri: “Maraykanku horey ayuu uga guuldarreystay dagaal iyo diblomaasiyad labadaba. In la isku dayo cunaqabateyn cusub wax faa’iido ah uma yeelan doonto.”

    Mr. Caraqji, oo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay safiirrada iyo ku-simayaasha safiirrada wakiillada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Iran, ayaa intaas ku daray: “Xal ku dhisan wada-xaajood, caddaalad iyo sinaan, iyo xal sharaf leh oo diblomaasiyadeed ayaa keliya noqon kara mid wax ku ool ah, isla markaana horseedi kara xal kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagaalkan iyo gardarradan sharci-darrada ah ee aan caddaaladda ku dhisnayn ee lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”

    Isagoo ka hadlayay diyaar-garowga Iran ee ku aaddan inay wajahdo weerar milatari oo cusub oo Maraykanku qaado, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran wuxuu yiri: “Waxaan rajaynaynaa in Maraykanku doorto waddada xikmadda iyo caqliga, laakiin haddii ay mar kale u dhaqaaqaan xalal milatari, waxaan hadda ka diyaar-garownay sidii hore, waxaana qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si aan isu difaacno.”

  9. Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo hadda war cusub soo saaray

    Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Baarlamaanka Iran
    Qoraalka sawirka, Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Baarlamaanka Iran

    “Maraykanku, inkastoo uu warbaahinta ka sheegayo wax ka duwan, haddana dhowaan ayuu soo jeedinno soo mariyey dhex-dhexaadiyeyaal,” ayuu yiri Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, isaga oo khudbad ka jeedinayay fadhigii maanta ee Baarlamaanka.

    Qalibaf, isaga oo aan faahfaahin ka bixin soo jeedinnadaas, ayaa dhinaca Maraykanka u sheegay: “Xilligii waqtiga lagu lumin jiray iyo dalabyo hal dhinac ah lagu soo rogi jiray waa dhammaaday,” wuxuuna intaas ku daray in “ilaa laga fuliyo toddobada shuruudood ee aan ku salaynay is-afgaradkii Islamabad, aan la furi doonin Marinka Hormuz.”

    Qalibaf, oo ahaa madaxa wada-xaajoodka Iran ee wadahadalladii Islamabad, ayaa sheegay: “Ma nihin kuwa aan faraxsanayn mana cabsanayno; waan dagaallamaynaa, waana wada-xaajoonaynaa. Waxaan sidoo kale si buuxda uga qaybqaadanaynaa goobta dagaalka, annagoo adeegsanayna dhammaan awooddeena, waxaanan isaga kala hortagi doonnaa waxyaabo cusub oo lama filaan ah. Isla markaana waxaan adeegsanaynaa aaladaha diblomaasiyadda si aan u xoojino awooddeena dhinaca milatariga, una xaqiijinno xuquuqda shacabka Iran.”

    Waxa kale oo uu ka hadlay mowqifyada “is-khilaafsan” ee mas’uuliyiinta Maraykanka, isaga oo yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ma aha dal siyaasaddiisa guud iyo amniga qarankiisa ku saleeya qoraallada baraha bulshada ama wareysiyada maalinlaha ah ee mas’uuliyiinta Maraykanka. Ficilladeenna waxaan ku salaynaa hab-dhaqanka iyo tallaabooyinka dhabta ah ee cadowga, ee kuma salayno hadallo iyo laba-wejiileyaal been-abuur ah oo warbaahinta lagu faafiyo.”

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  10. Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka
    Qoraalka sawirka, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Tigray inay muujiyaan is-xakameyn, xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay sii adkaysanayaan gacan-ku-hayntooda caasimadda gobolka ee Mekelle.

    Hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Itoobiya ayaa la filayaa inay xiili dambe maanta oAxadda ah ku kulmaan Masar.

    Addis Ababa ayaa Qaahira, iyo sidoo kale Eritrea, ku eedeysay inay taageerayaan jabhadaha Tigray, kuwaas oo weerar qaaday 11 maalmood ka hor.

    Hadda waxay dib uga gurteen goobihii ay joogeen, iyaga oo bilaabay inay qaadaan dagaal dhuumaaleysi ah.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay khalkhal geliyaan xasilloonida gobolka oo dhan.

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  11. Australia oo shaacisay tallaabo ay qaadayso oo ku saabsan duuliyihii labaad ee Flydubai

    diyaarad Flydubai ah
    Qoraalka sawirka, diyaarad Flydubai ah

    Mas’uuliyiinta Australia ayaa xaqiijiyay inay baaritaan ku hayaan duuliyihii labaad ee u dhashay Cumaan, kaas oo toddobaadkii hore isku dayay inuu afduubo diyaarad Flydubai ah oo ku socotay Israa'iil.

    Kooxda Wadajirka ah ee La-dagaallanka Argagixisada ee Victoria, oo ay ka mid yihiin Booliska Federaalka Australia, Booliska Victoria iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Australia, ayaa “baaraysa xiriirrada uu ninkan la leeyahay Australia,” sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen Booliska Federaalka Australia.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray in “macluumaad dheeraad ah la bixin doono waqtiga ku habboon.”

    Mas’uuliyiinta Australia si rasmi ah uma shaacin magaca duuliyihii labaad, balse warbaahino dhowr ah oo ay ka mid yihiin Reuters, CNN iyo New York Times ayaa magaciisa ku sheegay “Hammam Al-Hamami.”

    Warbaahinta ABC Australia, oo soo xiganaysa “ilo xog-ogaal u ah arrintan,” ayaa sheegtay in duuliyihii labaad loo oggolaaday fiisaha ardaynimo ee Australia sannadkii 2014, isla markaana uu dalkaas wax ku bartay intii u dhaxaysay 2015 iyo 2017, ka hor inta uusan dalka ka bixin.

    ABC waxay sheegtay in fiisihiisa la kansalay sannadkii 2019, kadib markii la ogaaday inuusan iska diiwaangelin wax koorsooyin ah, sidaas darteedna uusan mar dambe u qalmin fiisaha ardaynimo.

    Sida lagu sheegay warbixinta ABC, Kooxda Wadajirka ah ee La-dagaallanka Argagixisada ayaa baaraysa in qofkan uu fikir xagjir ah qaatay intii uu Australia ku sugnaa.

  12. Lix khuraafaad oo nafaqada ku saabsan oo ay tahay inaadan rumaysan

    Daraasad
    Qoraalka sawirka, Daraasad

    Khabiir dhanka nafaqada ahaan, waxaan la kulmaa macluumaad badan oo khaldan oo ku saabsan nafaqeynta, gaar ahaan kuwa wax kusoo gudbiya baraha bulshada.

    Aan sharraxo qaar ka mid ah fikradaha khaldan ee ku badan baraha bulshada.

    Miyaan joojinayaa cunista karbohaydraytyada?

    Iska deynta karbohaydraytyadu waxay kaa caawin kartaa inaad dhinto miisaanka, laakiin waxay badanaa keentaa luminta biyo ka badan baruurta.

    Si kastaba ha ahaatee, jaridda karbohaydraytyada gabi ahaanba way adkaan kartaa in la ilaaliyo ama la maareeyo.

    Carbohydratesku waa nafaqo muhiim ah waana isha ugu muhiimsan ee tamarta jirka, taasoo ka dhigan 50% tamarta.

  13. Hoggaamiyaha Jarmalka oo sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Ruushka

    Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa gaaray caasimadda Ukraine ee Kyiv, isaga oo sheegay in Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy uu ku tiirsanaan karo taageerada Jarmalka, xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Ruushka.

    Merz oo ay weheliyaan madaxda shirkado dhowr ah oo ka shaqeeya dhinaca difaaca, ayaa sheegay in mashiinka dagaal ee Ruushku uu u jeesan doono dalal kale haddii aan la joojin.

    Jarmalku wuxuu Ukraine siinayaa gargaar milatari oo gaaraya ilaa hal bilyan oo Yuuro, waxaana ka mid ah nidaamyada difaaca ee looga hortagayo diyaaraha an duuliyaha lahayn ee cusub ee Ruushka ee ku shaqeeya matoorro jet ah.

    Madaxweyne Zelenskiy ayaa sheegay in Vladimir Putin uu oggolaanayo weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah, kadib markii uu ku guuldarraystay inuu gaaro guul milatari.

  14. Dadkii loogu doonista badnaa caalamka ee Soomaaliya ku dhuuntay

    Laga soo billaabo burburkii dowladdii dhexe, waxay Soomaaliya gabbaad u noqotay dadka baxsadka ah ee dunida oo dhan laga baadi-gooobayo. Waxaa ku jira qaar lagu eedeyay in weerarro ay ku qaadeen safaarado ay Maraykanku leeyihiin.

    Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa shan ka tirsa dadka u dhuumaaleysi tagay Soomaaliya, kaddib markii ay galeen liiska dadka la baadi-goobayo ee sirdoonnada caalamka.

  15. War hadda ka soo kordhay xaaladda Yemen

    Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Ansar Allah xilli ay dagaallo kula jiraan ciidamada uu Sucuudigu taageero ee Taiz.
    Qoraalka sawirka, Dagaalyahanno ka tirsan kooxda Ansar Allah xilli ay dagaallo kula jiraan ciidamada uu Sucuudigu taageero ee Taciz.

    Ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa aroornimadii Axaddii sheegay inay duqeymo ka wadaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran, kuwaas oo ku sugan caasimadda Sanca iyo dhufayska kooxda ee Sanca.

    Afhayeen u hadlay ciidamada Yemen ayaa sheegay in ciidamada ay bartilmaameedsanayaan waxa uu ku tilmaamay “bartilmaameedyo muhiim ah,” balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

    Telefishanka Al-Masirah, oo xiriir la leh kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah, ayaa aroornimadii Axaddii sheegay in Sucuudigu uu weerar ka fuliyay caasimadda Sanca.

    Kanaalka ayaa soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta oo sheegtay in duqeyn cirka ah oo Sucuudigu ka geystay “isgoyska Al-Ahyouq ee degmada Al-Waziyah, gobolka Taiz” ay illaa hadda sababtay laba dhimasho iyo dhaawacyo.

    Ilaa hadda ma jirto wax xaqiijin ah oo ka timid dhinaca Sucuudiga.

    Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku eedeysay Sucuudiga inuu Sabtidii 26 duqeyn oo cirka ah ka fuliyay caasimadda Yemen ee Sanca, halka ciidamada Yemen ee ka tirsan dowladda caalamku aqoonsan yahay ay ku dhawaaqeen inay hawlgal ka dhan ah bartilmaameedyo militari ka fuliyeen magaalada.

    Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay inay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku bartilmaameedsatay xarun ay leedahay shirkadda Aramco ee Riyadh, kaddib markii dab lagu arkay warshadda sifaynta shidaalka ee shirkadda, oo ku taalla koonfurta caasimadda Sucuudig

    Sheekooyinka kale ee aad akhrin karto:

  16. Markabka qaada diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka USS George H.W. Bush oo gaaray Thailand

    Markabka diyaaradaha dagaalka qaada ee USS George H.W. Bush
    Qoraalka sawirka, Markabka diyaaradaha dagaalka qaada ee USS George H.W. Bush

    Markabka diyaaradaha dagaalka qaada ee USS George H.W. Bush ayaa Axadda maanta gaaray magaalada Phuket ee dalka Thailand, halkaas oo qiyaastii 4,800 oo xubnood oo ka tirsan shaqaalihiisa ay ku qaadanayaan waqti nasasho ah.

    Sida ay warbaahintu sheegtay, markabkan ayaa muddo bilo ah taageerayay hawlgallada Maraykanka xilli ay sii xoogeysanayeen xiisadaha u dhexeeya Maraykanka iyo Iran.

    Reuters ayaa soo xigatay warbaahinta maxalliga ah oo sheegtay in markabku ku xiran doono biyaha xeebaha, halka shaqaalaha saarana la filayo inay xeebta u soo deggaan, isla markaana ay shan maalmood ku qaataan jasiiradda.

    Booqashadan ayaa timid kaddib markii markabka USS Abraham Lincoln uu bishii hore ku hakaday dekedda Laem Chabang, halkaas oo qiyaastii 5,000 oo xubnood oo shaqaalihiisa ah ay ku waqti nasaho ku qaateen.

  17. Trump oo sheegay in Iiraan ay labo mid doorato “waddada adag ama waddada fudud.”

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya Iran iyo Maraykanka lagu xallin karo “waddada adag ama waddada fudud.”

    “Waxaa jira go’aan aan ka gaarayo Iran,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha xilli uu Aqalka Cad ka baxayey, isagoo u socda isu-soo-bax ka dhacayay Vandalia, Ohio.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran ay “si aad ah u daciiftay” sababo la xiriira tallaabooyinka iyo hawlgallada Maraykanka, isla markaana ay “ku dhowaad gebi ahaanba ka tanaasushay qorshayaal kasta oo ay ku heli lahayd hub nukliyeer ah.”

    Iiraan ayaa si joogto ah u beenisay inay isku dayayso inay hesho hub nukliyeer ah.

  18. Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in ay duqeeyeen bartilmaameedyo Xuutiyiinta oo muhiim ah

    Dagaalka Yemen

    Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in ay weerareen “bartilmaameedyo milatari oo muhiim ah” oo ku yaalla caasimadda Sanca ee xuutiyiintu gacanta ku hayaan.

    Afhayeen u hadlay ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay in “ciidamadu awood u leeyihiin in ay ku qaadaan Xuutiyiintu weerarro istiraatiiji ah.”

    Saacado gudahood, waxaa Sanca laga soo sheegay qaraxyo waaweyn oo dhowr ah, halka warbaahin Xuutiyiintu leeyihiin ay sheegtay in duqeyn cirka ah lagu soo qaaday caasimadda. Xuutiyiintu waxay duqeymaha ku eedeeyeen Sacuudiga. Waxay sheegeen in 26 jeer hawada laga duqeeyay Sanca.

    Warbaahin xiriirka la leh dowladda Yemen, oo taageero ka hesha Sacuudiga, ayaa sheegtay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen goobo ay Xuutiyiintu leeyihiin oo ku yaal Sanca.

    Warbaahintaasi waxay sidoo kale sheegtay in ciidamo iyo saanad dheeraad ah loo diray gobolka Taciz oo Xuutiyiintu ku hayaan weeraro.

    Warar dheeraad ah:

  19. Dalalka G7 ayaa fasaxay 325 milyan oo fuusto oo shidaalka keydka ah

    Qiimaha Shidaalka

    Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta (IEA) ayaa sheegtay in dalalka xubnaha ka ah ay ilaa iyo hadda fasaxeen 325 milyan oo fuusto oo shidaal ah iyo waxyaabo kale oo la xiriira shidaalka. Shidaalka la fasaxay ayaa ahaa keydka dalalkaas.

    Warkan ayaa soo baxay kaddib markii dalalka G7 ay ku heshiiyeen in si degdeg ah loo sii daayo 100 milyan oo fuusto oo naafto iyo saliid ceyriin ah oo laga soo saaro kaydkooda, si loo yareeyo walaaca laga qabo sahayda tamarta adduunka.

    Maamulka Donald Trump ayaa xulafadiisa ka codsaday in ay fasaxaan qayb ka mid ah kaydkooda naaftada, si looga hortago in qiimaha shidaalka uu sare u kaco.

    Dagaalka ka socda Bariga Dhexe iyo weerarrada Ukraine ay ku qaadday warshadaha sifaynta shidaalka ee Ruushka ayaa saameeyay suuqa shidaalka caalamka.

    32 dal oo xubno ka ah Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta ayaa bishii Maarso ballanqaaday in kaydadkooda istiraatiijiga ah ay ka sii deynayaan 400 milyan oo fuusto, xilli uu dagaalka Iran socday.

    Dhammaan xubnaha G7, oo ay ku jiraan Britain, Canada, Germany, Italy, Japan iyo Maraykanka, ayaa sameeyay ballanqaadkaas.

    Dalalka G7 ayaa sidoo kale shalay ku heshiiyay in aan laga mamnuucin dalalka xubnaha ka ah dhoofinta naaftada, iyagoo meesha ka saaray hanjabaaddii Washington ee ahayd in ay soo rogi doonto xayiraad noocaas ah. Donald Trump ayaa markii dambe sheegay in xayiraaddaas aan la dhaqan-gelin doonin.

    Warar dheeraad ah:

  20. Reuters: Qiiq wayn oo ka taluumaya meel u dhow xarunta Aramco ee Riyaad.

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa qof goob-jooge ah, ayaa sheegtay in qiiq iyo dab badan ay ka kaceen meel u dhow mid ka mid ah xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco ee magaalada Riyaad.

    Mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaan arrintan xaqiijin wali, mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dhacdadan.

    Saacado ka hor, wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo warisay in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Sanca ee caasimadda Yemen, iyadoo kanaalka Al-Masirah oo ah telefishinka Xuutiyiinta uu sheegay in Sacuudigu uu duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay qaybo ka mid ah Sanca.

    Toddobaadkii hore, Xuutiyiintu waxay sheegeen inay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen xarumaha shirkadda Saudi Aramco ee ku yaalla Yanbu.

    Sacuudiga ayaa xilligaas sheegay inay ka hortageen lix gantaal oo nooca ballistic-ga ah oo ay Xuutiyiintu ku weerarayeen magaalooyinka Taif iyo Yanbu, balse ma aysan soo saarin warbixin ku saabsan waxyeello soo gaartay xarumaha Aramco.

    Warar dheeraad ah: