IGAD oo si adag u cambaareysay safaaradii ay Somaliland ka furatay Qudus
Urur-Goboleedka Afrika ee IGAD waxay mar kale muujisay taageeradeeda Soomaaliya, kadib war-saxaafadeed ay soo saareen.
“IGAD waxay mar kale xaqiijineysaa madaxbannaanida, midnimada, dhammaanshaha dhulka, iyo xorriyadda siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Heshiiska IGAD, Sharciga dhismaha ee Midowga Afrika, iyo Cahdiga Qaramada Midoobay”, ayaa lagu yiri qoraalka.
“Sidaa darteed, IGAD waxay tixgelisay warbixinnada ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ka furatay Qudus, waxayna mar kale ku celinaysaa mowqifkeeda soo jireenka ah ee ah in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo dhammaanshaha dhulka Soomaaliya”, ayaa intaas la raaciyay.
Waxay dhanka kale walaac ka muujisay fal kasta oo ay sheegtay oo meel ka dhac ku ah madaxbanaanida, midnimada iyo dhulka Soomaaliya, iyadoo dhanka Kalena sheegtay inay tallaabooyinkan kicin karaan xisadaha isla markaana ay wiiqayaan nabadda, xasiloonida iyo iskaashiga gobolka.
“Xoghayntu waxay walaac ka muujinaysaa fal kasta ama hindise kasta oo meel ka dhac ku ah madaxbannaanida, midnimada, iyo dhammaanshaha dhulka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayay tiri.
Sidoo kale akhri









