Xiisadda Itoobiya: Ciidamada Difaaca Itoobiya oo sheegay inay fuliyeen weerar ka dhan xoogagga Tigray

Dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Tigray ay ku dhawaaqeen waxa ay ku tilmaameen “dagaal buuxa” oo ay la galeen dowladda federaalka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

    Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

    Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed askari oo ka tirsan shaqaalaha markabka USS Abraham Lincoln ayaa isku dayay inay isdilaan intii ay ku jireen hawlgal milatari oo muddo dheer socday oo Mareykanku ka waday Bariga Dhexe.

    Hadalkan ayaa lagu sheegay warqad loo diray Senator-ka gobolka New York, Kirsten Gillibrand, taas oo looga jawaabayay su’aalo ku saabsan caafimaadka iyo fayo-qabka badmaaxiinta ka qayb qaadanayay hawlgalka.

    Qoysaska qaar ka mid ah askarta ayaa walaac ka muujiyay xaaladdooda caafimaad ee maskaxeed oo sii xumaanaysa iyo duruufaha shaqo ee adag intii uu hawlgalku socday, kaas oo qayb ka ah howlgallada milatari ee Mareykanka ee ka dhanka ah Iran.

    Markabka USS Abraham Lincoln ayaa gobolka ka hawlgalayay tan iyo bishii November ee sannadkii hore, waxaana hadda uu ku sii jeedaa dalka Mareykanka.

    Warqadda, ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda, Hong Kao, ayaa sheegay in markabka loo diray shan wadaad oo ciidamada ah iyo dhowr khabiir oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda, si ay u taageeraan baahiyaha ruuxiga ah iyo kuwa nafsiyeed ee askarta.

    BBC ayaa la xiriirtay Ciidanka Badda Mareykanka si ay uga hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

    Waxa uu sheegay in dhacdooyinku ay ku lug lahaayeen shaqaalaha markabka USS Abraham Lincoln, iyo sidoo kale badmaaxiinta ka tirsan cutubka duulista ee markabka, askarta ka tirsan ciidamada loo xil saaray hawlgallada badda hoosteeda iyo dhammaan ciidamada cirka ee loo qoondeeyay inay markabka ka howlgalaan.

  2. Reuters: Qiyaastii 60 markab ganacsi ayaa Arbacadii ka gudbay marin-biyoodka Hormuz

    Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin,ayaa sheegay qiyaastii 60 markab oo ganacsi ay Arbacadii ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz, iyaga oo siday xaddigii ugu badnaa ee saliidda ceeriin ee hal maalin soo mara marin-biyoodkaas tan iyo horraantii bishii Luulyo. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay markale sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

    Sarkaalka Mareykanka ayaa intaas ku daray in ku dhowaad 40 ka mid ah maraakiibtaas ay la xiriireen ciidamada Mareykanka si loo siiyo amni iyo ilaalin.

    Iyadoo ay sii yaraanayso rajada laga qabo heshiis dhex mara Iran iyo Mareykanka, qiimaha saliidda ayaa maanta suuqyada caalamka kor u kacay maalintii labaad oo xiriir ah, isaga oo weli ka sarreeya 100 doollar fuustadii.

    Qiimaha saliidda Brent ee bisha November la kala iibsado ayaa kor u dhaafay 105.50 doollar fuustadii.

    Labadii maalmood ee la soo dhaafay, mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah ayaa xiriir la sameeyay wakiillo Mareykan ah, iyaga oo kulammo ka yeeshay dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Tani waxay kordhisay rajada laga qabo in labada dhinac ay heshiis u dhow yihiin.

    Hase yeeshee, horumar la’aanta ka jirta wada-hadallada labada dhinac ee New York ayaa sare u qaaday walaaca suuqa saliidda, iyadoo laga shaki qabo in heshiis la gaari karo.

  3. Netanyahu oo Qaramada Midoobay ku soo bandhigay qalab Starlink ah oo uu sheegay in Iiran ay ka cabsadaan

    Netanyahu oo Qaramada Midoobay ku soo bandhigay qalab Starlink ah

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa maanta khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay intii ay socotay dhagaystayaasha tusay qalab internet-ka Starlink ah, isaga oo sheegay in qalabkani yahay “waxa ay xukuumadda Iran ka baqayso".

    “Waa qalab isgaarsiineed oo dadka u saamaxaya inay helaan xaqiiqada,” ayuu yiri Netanyahu. “Tani waa waxa ay xukuumadda Iran ka baqayso. Waxay balaayiin doollar ku bixisaa in ay faafreeb ku samayso internet-ka.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Qalabkan waxaan siin doonaa wafdiga Iran. Marka ay ka baxaan xukuumaddan, sida ay ugu dambayn samayn doonaan, waxay awoodi doonaan inay sheekadooda ku faafiyaan baraha bulshada.”

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Maalin maalmaha ka mid ah, maalintaasna ma foga, dadka Iran waxay noqon doonaan kuwo xor ah, xukuumaddooda dembiilahana way dhici doontaa”.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  4. Mahmoud Abbas: Siyaasadaha Israa’iil waxay halis gelinayaan jiritaanka shacabka Falastiin

    Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas

    Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa horay loo duubay ee uu Khamiistii ka jeediyay Qaramada Midoobay ku sheegay in siyaasadaha Israa’iil aysan hadda oo keliya halis gelinayn xalka laba dowladood, balse ay sidoo kale khatar ku yihiin “nolosha iyo jiritaanka” shacabka Falastiin.

    Mr. Abbas ayaa yiri: “Khatartu kuma koobna oo keliya wiiqidda xalka laba dowladood iyo ka hor istaagga hirgelinta dowlad Falastiini ah; balse hadda waxaa khatar ku jira jiritaanka shacabka Falastiin iyo joogitaankooda dhulkooda.”

    Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa yiri:

    “In kasta oo ay jiraan dhammaan dhibaatooyinka iyo dhibaatada uu shacabkeennu soo maray, waxaan diiddanahay tallaabooyinkii Xamaas qaaday 7-dii Oktoobar, gaar ahaan falalkii lagu bartilmaameedsaday rayidka Israa’iil iyo dadkii la qafaashay.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  5. Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Iiraan iyo Maraykanku dib ugu laabtaan heshiiskii Islamabad

    Trump iyo Xi Jinping
    Qoraalka sawirka, Trump iyo Xi Jinping

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa Aqalka Cad kula kulmay dhiggiisa Maraykanka Donald Trump, kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tegay Washington, iyadoo kulanku ka dhacay xilli uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in Xi Jinping uu kulanka ka sheegay in Beijing ay taageersan tahay in Maraykanka iyo Iiraan ay dib ugu laabtaan heshiiska is-afgaradka ee Islamabad.

    Saacado kaddib markii uu Washington u tagay booqasho rasmi ah oo si weyn loo hadal hayay, madaxweyne Xi Jinping ayaa sheegay in Shiinaha iyo Maraykanku ay noqon karaan saaxiibbo iyo shuraako, halkii ay iska ahaan lahaayeen dalal is-haya, sida ay baahisay warbaahinta dowladda Shiinaha.

    Inta uu socdo booqashada saddexda maalmood ah, oo madaxweyne Donald Trump uu si diirran oo gaar ah ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Shiinaha, ayaa la filayaa in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga, sirdoonka macmalka ah, Taiwan iyo Iiraan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  6. Madaxweyne Erdogan: Trump wuxuu muujiyay taageero ku aaddan dib ugu laabashada Turkiga ee barnaamijka F-35

    Madaxwaynaha Turkiga iyo dhigiisa Mareykanka
    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Turkiga iyo dhigiisa Mareykanka

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in dalkiisu dib ugu laaban doono barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee Maraykanka, isagoo Washington ka filaya inay qaaddo tallaabooyin “wax ku ool ah oo la taaban karo” si arrintaas loo gaaro.

    Madaxweyne Erdogan oo khamiistii la hadlayay weriyeyaasha xilli uu Turkiga ugu soo laabanayay, kaddib markii uu ka qayb galay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu “si wanaagsan uga hadlay” dib ugu laabashada Turkiga ee barnaamijka F-35.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  7. Dadka Tigray oo bilaabay inay raashin badan iibsadaan, iyagoo ka cabsi qaba inuu dagaalku sii xoogeysto

    shacabka Maqale
    Qoraalka sawirka, shacabka Maqale

    Caasimadda dowlad-goboleedka Tigray ee Maqale ayaa billowday inay si aad ah u iibsato raashinka iyo waxyaabaha daruuriga ah, iyadoo laga cabsi qabo in uu sii xoogeysto dagaalka halkaas ka billowday Arbacadii, sida ay Reuters werisay.

    Ciidamada Tigray ayaa shalay qabsaday saddex garoon diyaaradeed, waxayna sheegeen inay ciidamadooda ku amreen inay “tallaabo qaadaan” si ay uga hortagaan waxa ay ku tilmaameen “weerarro nalagu soo qaaday”.

    Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka, ayna dib ugu laabtaan heshiiskii Pretoria.

    Getachew Radda, oo ah la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee arrimaha Bariga Afrika, horayna u soo noqday madaxa maamulkii ku-meelgaarka ahaa ee Tigray, ayaa qoraal uu soo dhigay X ku sheegay in ciidamada TPLF ay “billaabeen dagaal”.

    “Waxaan iibsanaynaa wixii aan u malaynayno inaan u baahan nahay,” ayay dadka deggan Maqale Reuters ugu sheegeen taleefan.

    Dadka deegaanka oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in ammaankooda darteed ay xaaladdu adkaatay, isla markaana ay “dhibaato noqotay in la iibsado ama la helo waxyaabaha aasaasiga ah”.

    “Haddii xaaladdu noqoto sidii dagaalkii hore, waxay keeni kartaa in magaalada la go’doomiyo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

    Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka la geyn doono waddooyinka Maqale, iyadoo la maqlayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana laga cabsi qabo in sahayda raashinka ay hakato.

    Qof kale oo ku nool magaalada Adigirat ayaa sheegay in dukaamada ay faaruq noqdeen, kaddib markii dadka deegaanka ay raashin badan hal mar wada iibsadeen.

    Labada qof ayaa sheegay inay arkeen dhallinyaro si khasab ah loogu qoranayo ciidanka, taasoo walaac ku abuurtay dadka deegaanka.

    “Waxaan arkay wiil 18 jir ah oo aabbihii ku waayay dagaalkii hore oo si khasab ah loo kaxaynayo,” ayuu yiri qof deggan Adigirat.

    Dagaalkii hore oo socday muddo laba sano ah ayaa sababay yaraansho baahsan oo ku yimid raashinka, lacagta iyo dawooyinka.

    Dagaalka Tigray ayaa dib u billowday 13-kii Febraayo, kaddib markii dagaalkii labada sano socday lagu soo afjaray heshiiskii Pretoria.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  8. Khudbaddii la duubay ee Mahmoud Abbas uu ka jeediyay QM: Mareykanku wuxuu jebiyay waajibaadkii ka saarnaa dalka martigelinta

    Maxamuud Cabaas
    Qoraalka sawirka, Maxamuud Cabaas

    Khudbad muuqaal ah oo horay loo duubay oo laga baahiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Mahmoud Abbas, ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka uu ku diiday inuu fiisooyin siiyo mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah oo doonayay inay ka qaybgalaan shirka sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.

    Mr. Abbas ayaa sheegay in Mareykanku uu jebiyay waajibaadkii saarnaa ee ahaa dalka martigelinaya shirka.

    “Waxaan diiddanahay tallaabooyinkan ciqaabeed ee sharci-darrada ah, iyo eedeymaha iyo marmarsiinyada lagu saleeyay go’aankan,” ayuu yiri.

    Mahmoud Abbas ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Falastiin iyo hoggaamiyayaashooda aan loo ciqaabi karin dalabkooda ku aaddan soo afjaridda gumeysiga, ama inay arrimahooda u gudbiyaan Qaramada Midoobay, Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ama Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah.

    “Go’aankeenna ah inaan u laabanno sharciga caalamiga ah waa go’aan nabadeed oo ilbaxnimo ku dhisan,” ayuu yiri.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. Mucaaradka Koonfurta Suudaan oo diiday doorashooyinka bisha December

    Sudan
    Qoraalka sawirka, Sudan

    Xisbiga ugu weyn mucaaradka Koonfurta Suudaan, SPLM-IO, ayaa ku dhawaaqay inuusan ka qaybgalayn doorashooyinka guud ee la qorsheeyay in la qabto bisha Diseembar ee sanadkan, isagoo sheegay in aan weli la buuxin shuruudihii looga baahnaa doorashooyin xor, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo.

    Go’aankan ayaa yimid xilli xisbigu, isagoo kaashanaya kooxo kale oo mucaarad ah iyo ururrada bulshada rayidka ah, uu warqad u diray urur-goboleedka IGAD, Midowga Afrika iyo dhinacyada kale ee dammaanad-qaadayaasha heshiiskii nabadeed ee 2018. Waxay uga digeen waxa ay ku tilmaameen qalalaase dastuur iyo su’aalo ka dhashay sharciyadda hoggaanka dalka.

    Warqadda ay direen ayay kooxahan ku sheegeen in hirgelinta heshiiskii nabadeed ee 2018 ay hakad gashay, iyagoo sabab uga dhigay in aan la fulin qodobo muhiim ah oo heshiiska ku jiray, iyo sidoo kale tallaabooyin ay dowladda Madaxweyne Salva Kiir qaaday oo aan lagala tashan dhinacyada kale.

    Mucaaradku wuxuu sheegay inuusan ka qaybqaadan doonin ama sharciyad siin doonin doorashooyin la qabto iyadoo aan marka hore la sameyn dib-u-habeyn weyn oo dhinacyada dastuurka, siyaasadda iyo amniga ah. Waxay ku adkaysteen in aan weli la helin shuruudaha aasaasiga ah ee doorashooyin caddaalad ah.

    Kooxahan ayaa hadda ugu baaqaya IGAD, Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamka inay hoggaamiyaan wada-hadallo qaran oo horseeda in dalka loo sameeyo heshiis dastuur oo cusub.

    Guddoomiye ku-meelgaarka ah ee SPLM-IO, Nathaniel Oyet, ayaa sheegay in qaybo ka mid ah Koonfurta Suudaan ay weli gacanta ugu jiraan mucaaradka, taasina ay su’aal gelinayso awoodda shacabka deegaannadaas ku nool inay ka qaybqaataan doorashooyinka.

    Mowqifka mucaaradka ayaa soo baxay maalmo kaddib markii Madaxweyne Salva Kiir uu kala diray dowladda ku-meelgaarka ah iyo baarlamaanka, isla markaana uu saxiixay wax-ka-beddello lagu sameeyay sharciga doorashooyinka, kuwaas oo meesha ka saaray shuruudihii ahaa in marka hore la helo dastuur rasmi ah iyo tirakoob qaran ka hor inta aan doorashooyinka la qaban.

  10. Qiimaha shidaalka oo mar kale sare u kacay

    Iyadoo ay sii yaraanayso rajada laga qabo in Iran iyo Maraykanku ay heshiis gaaraan, qiimaha Shidaalka ayaa maanta suuqyada caalamka kor u kacay maalintii labaad oo xiriir ah, isagoo weli ka sarreeya 100 doollar foostadii.

    Qiimaha shidaalka nooca Brent ee la filayo in la keeno bisha Nofvember ayaa kor u dhaafay 105.50 doollar foostadii, taas oo ah koror ku dhow 2.5%.

    Sidoo kale, qiimaha hal foosto oo shidaalka West Texas Intermediate (WTI) ayaa kor u kacay wax ka badan hal doollar intii lagu jiray ganacsigii maanta.

    Labadii maalmood ee u dambeeyay, mas’uuliyiin Iran ah ayaa xiriir la sameeyay wakiillo Maraykan ah oo ku sugnaa magaalada New York, xilli uu socdo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Arrintan ayaa kordhisay rajada laga qabo in labada dhinac ay heshiis u dhow yihiin.

    Hase yeeshee, horumar la’aanta ka muuqata wada-hadallada labada dhinac ee New York ayaa hoos u dhigtay rajada suuqyada shidaalka ee ku aaddan xaaladda mustaqbalka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismaaciil Bagaei, ayaa sheegay in wada-hadalka dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi iyo Steve Witkoff, oo ah wakiilka Madaxweyne Trump, uu dhacay “iyada oo loo marayo dhexdhexaadin Qadar ah”.

  11. Ra'iisul Wasaare Abiy oo shaaciyay in la bilaabayo dhismaha dhuumaha shidaalka ee Jabuuti iyo Itoobiya

    Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxwayne Geelle
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxwayne Geelle

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la daahfuray mashruuca dhuumaha shidaalka ee isku xiri doona Jabuuti iyo Itoobiya.

    Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa saaka oo Khamiis ah u safray Jabuuti, wuxuuna boggiisa rasmiga ah ee Facebook ku sheegay in la bilaabay dhismaha dhuumaha shidaalka ee isku xiri doona Damerjog oo ku taalla Jabuuti iyo Dewele oo ku taalla Itoobiya.

    Itoobiya oo aan lahayn xeeb ayaa ganacsigeeda dhoofinta iyo soo dejinta inta badan u marto dekedda Jabuuti, taas oo dalka ku kacda balaayiin doollar sannad kasta.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in mashruuca uu si wadajir ah u daahfuray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo ganacsadaha Aliko Dangote.

    Wuxuu sheegay in dhuumaha cusub ee shidaalka sifaysan laga dhisayo Damerjog ee Jabuuti ilaa Dewele ee Itoobiya, iyadoo labada dhinacba laga dhisayo xarumo lagu kaydiyo shidaalka.

    Dhismaha kaabayaasha mashruucan waxaa fulin doona iskaashi ay sameeyeen Ethiopian Investment Holdings iyo Dangote Group.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruucu “yareyn doono kharashaadka iyo dib-u-dhacyada saadka, isla markaana xoojin doono amniga tamarta.”

    Wuxuu intaas ku daray in mashruucu dedejin doono, isla markaana sii waari doono isu-socodka ganacsi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Jabuuti.

    Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa markii uu saaka gaaray Jabuuti ku dhawaaqay bilowga mashruucan wadajirka ah oo looga gol leeyahay in lagu sii xoojiyo xiriirka dhaqaale ee labada dal.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  12. Iran oo ka digtay in dagaal cusub oo dhexmara iyada iyo Mareykanka uu ku fidi karo Badweynta Hindiya

    Hurmuz
    Qoraalka sawirka, Hurmuz

    La-taliye sare oo milatari oo Iran ah ayaa ka digay in dagaal cusub uu ku fidi karo Badweynta Hindiya haddii Maraykanku mar kale weerar ku qaado Tehran.

    Sarreeye Gaas Yahya Rahim Safavi, oo ah la-taliyaha sare ee hoggaamiyaha Iran ee arrimaha milatariga, ayaa Khamiistii sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalku ay diyaariyeen qorshayaal ku aaddan xaalado kala duwan, sida ay werisay wakaaladda wararka Fars.

    “Ma garanayno waxa maskaxda uga jira madaxweynaha Maraykanka Trump iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu,” ayuu yiri Safavi.

    Wuxuu sheegay in ciidamada Iran ay isu diyaariyeen xaaladda ugu xun haddii Maraykanka ama Israa’iil ay mar kale weerar ku qaadaan hay’adaha ama danaha qaranka Iran, wuxuuna ka digay in colaadda ay sii fidi karto.

    “Dagaalku hadda wuxuu ka soo gudbay Gacanka iyo marin-biyoodka Hormuz, wuxuuna gaaray Badda Cas. Dagaalka xiga ee aan la galno Maraykanka wuxuu ku fidi karaa Badweynta Hindiya ama meelo kale,” ayuu yiri.

  13. Madaxwaynaha Itoobiya oo ku eedeeyay dalal shisheeye inay faragalin ku hayaan dalkiisa

    Madaxwaynaha Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Madaxwaynaha Itoobiya

    Itoobiya waxay muddo dheer dulqaad u muujinaysay “faragelinta dibadda”, ayuu sheegay madaxweynaha Itoobiya Taye Atskeslassie.

    Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.

    Khudbaddiisa, madaxweynuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka Itoobiya ee xasilloonida gobolka, sida ay werisay Reuters.

    Hadalladiisa ayaa ku soo beegmaya xilli uu dib u qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo ciidamada Tigray.

    Arbacadii, 13-kii Sebtembar 2019, marka loo eego taariikhda Itoobiya, ciidamada Tigray ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha Alula Aba Nega ee Mekelle.

    Arrintaas kaddib, waxaa la hakiyay duullimaadyadii Ethiopian Airlines ee ku wajahnaa saddex goobood oo ku yaalla Tigray, waxaana sidoo kale dagaallo ka dhacay gobollada muhiimka ah ee Cafar iyo Amxaaro.

    Isagoo ka hadlayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne Taye wuxuu ku eedeeyay “ciidamo shisheeye inay faragelin ku hayaan” Itoobiya, inkasta oo uu sheegay in dalkiisu taageerayo is-dhexgalka gobolka iyo dadaallada lagu doonayo in nabad looga dhalo Suudaan.

    Madaxweynuhu ma uusan magacaabin ciidamada ama dalalka shisheeye ee uu sheegay inay faragelinayaan.

    Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa dalalka deriska la ah Itoobiya ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabooyin sii hurin kara colaadda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  14. Ciidamada Difaaca Itoobiya oo sheegay inay weerar ka fuliyeen Waqooyiga Wollo

    Ciidamada Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Ciidamada Itoobiya

    Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay TPLF ku qaaday dhul ay ciidamadu gacanta ku hayeen.

    Sida lagu sheegay war ay ciidamadu ku baahiyeen baraha bulshada, TPLF ayaa weerar ku qaaday dhanka waqooyi-bari, kaas oo billowday 9:00-kii fiidnimo ee Talaadadii, kuna soo dhammaaday Arbacadii.

    Warbixinta oo soo xiganaysa taliyaha ciidamada taliska waqooyi-bari, Sarreeye Guud Assefa Chekol, ayaa sheegay in “TPLF iyo kooxo kale oo xulafo la ah ay isku dayeen inay gudaha u galaan gobolka”, balse ay ku guuldarreysteen.

    Wuxuu sheegay in weerarka laga isku dayay deegaannada Tekelesh, Dilday, Kei Or, Berha Mariam, Baibwa, Bechro iyo Kube Qerensa, oo ka tirsan gobolka Waqooyiga Wollo.

    Hadalkan ciidamada Itoobiya ayaa yimid kaddib warar iyo bayaanno ay soo saareen dhinacyo kala duwan, tan iyo markii uu dib uga qarxay dagaal waqooyiga Itoobiya.

    Si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya weli kama aysan bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan dagaallada.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Gudoomiyaha Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) oo war soo saaray

    Guddoomiyaha OLF, Daawud Ibsa
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha OLF, Daawud Ibsa

    Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) ayaa ugu baaqday dhinacyada ku biiray isbahaysiga cusub inay dib uga fiirsadaan go’aankooda, iyadoo sheegtay in isbahaysiga toddobada kooxood ee hubeysan uu Oromia u beddeli karo goob dagaal.

    OLF oo uu hoggaamiyo Daawud Ibsa, xarunteeduna tahay Addis Ababa, ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay isbahaysiga ay ku jirto Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), waxayna dowladda ugu baaqday inay wadahadallo dhab ah la bilowdo dhinacyada ku sugan Oromia.

    Bayaan ay soo saartay ayay OLF ku eedeysay dhaqdhaqaaqa ay ugu yeertay “Zemdo” iyo “Isbahaysiga Waqooyi” inuu doonayo inuu “Oromia ka dhigo goob dagaal, isla markaana uu gacanta ku dhigo Oromia si uu uga faa’iideysto kheyraadkeeda.”

    Inkasta oo OLF aysan si toos ah u magacaabin isbahaysiga dhowaan la dhisay ee kooxaha hubeysan, haddana eedeymaha iyo baaqyada ay soo saartay ayaa muujinaya in hadalkeedu ku wajahan yahay isbahaysigaas.

    OLF ayaa sidoo kale baaq la mid ah u dirtay kooxda ONES, oo ka mid ah kooxaha hubeysan ee dhisay isbahaysiga, isla markaana howlgallo hubeysan ka wada gobolka Oromia.

    Waxay ku baaqday in dib looga fiirsado waddada la marayo, iyadoo sheegtay in dadka sheeganaya inay u dagaallamayaan shacabka Oromada, balse garab istaagaya “duullaankii iyo kuwii taariikh ahaan dulmiyay”, ay samaynayaan khalad aysan taariikhdu illoobi doonin.

    OLF waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka Oromada inay mideeyaan dadaalladooda si ay u difaacaan dhulkooda, iyagoo aan ku xadgudbin xuquuqda dadka kale, isla markaana aan lagu kala qaybin khilaafaadka siyaasadeed.

    Waxay sidoo kale ugu baaqday maamulka gobolka Oromia iyo xisbiyada siyaasadeed ee Oromada inay midoobaan, ayna u shaqeeyaan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda shacabka.

  16. Sacuudiga oo digniin ka bixiyay weerarro laga yaabo in lagu qaado Jeddah iyo Makka

    Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa soo saartay digniino dhowr ah oo ku saabsan khataro laga yaabo inay ka dhacaan magaalada Makka, gobolka Tabuuk ee waqooyi-galbeed, deegaannada xeebaha Badda Cas oo ay ku jiraan Jeddah iyo Yanbu, iyo magaalada Taif ee koonfurta.

    Daqiiqado kaddib, hay’addu waxay sheegtay in khatartii ka jirtay goobahaas ay “dhammaatay”, waxayna baajisay digniinihii.

    Toddobaadyadii u dambeeyay, dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa sii xoogeysanayay, iyadoo qaybo kala duwan oo ka tirsan Sacuudiga ay bartilmaameed u noqdeen weerarro ay Xuutiyiintu sheegteen.

    Sacuudiga oo digniin ka bixiyay weerarro laga yaabo in lagu qaado Jeddah iyo Makka, balse markii dambe baajiyay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  17. Ra’iisul Wasaare Abiy oo Jabuuti u ambabaxay xilli dagaal ka qarxay waqooyiga Itoobiya la shaaciyay

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta u ambabaxay Jabuuti, sida uu sheegay xafiiskiisa.

    Bayaan kooban oo xafiiska ra’iisul wasaaruhu ku baahiyay baraha bulshada, oo ay la socdaan sawirro, ayaa lagu sheegay in Abiy Ahmed uu Jabuuti u tagay booqasho shaqo oo rasmi ah.

    Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa maalin kaddib markii si rasmi ah loo shaaciyay in uu dib u qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigray.

    Sida uu sheegay xafiiskiisa, markii uu Abiy Ahmed gaaray Jabuuti waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

    Xafiiska ra’iisul wasaaraha faahfaahin dheeraad ah kama bixin booqashada, marka laga reebo in uu sheegay in labada hoggaamiye ay ka qaybgalayaan madal lagu daahfurayo mashruuc ay si wadajir ah u fulinayaan, kaas oo lagu sheegay in lagu “xoojinayo” xiriirka dhaqaale ee Itoobiya iyo Jabuuti.

    Shalay oo Arbaco ahayd, 13-kii Sebtembar, kaddib markii la sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Mekelle, waxaa dagaallo laga soo sheegay deegaanno ka tirsan gobollada Cafar iyo Amxaaro.

    Hase yeeshee, dowladda federaalka Itoobiya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalka dib u soo cusboonaaday.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  18. Xoogaga Tigray oo sheegay inay dowladda Itoobiya la galayaan “dagaal buuxa”

    Ciidan hubeysan
    Qoraalka sawirka, Ciidan hubeysan

    Dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Tigray ay ku dhawaaqeen waxa ay ku tilmaameen “dagaal buuxa” oo ay la galeen dowladda federaalka.

    Xubin sare oo ka tirsan hoggaanka Tigray ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay ku jiraan “dagaal buuxa” oo ay la galeen ciidamada dowladda Itoobiya.

    Dagaalka ayaa Arbacadii sii xoogaystay, kaddib markii mas’uuliyiinta Tigray ay la wareegeen saddex garoon diyaaradeed, waxaana la sheegay in ay weerarro ku qaadeen ciidamada federaalka.

    Waxaa sidoo kale la soo sheegay in madaafiic culus laga maqlay gobolka Cafar, oo ku dhow xadka Tigray.

    Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee caalamiga ah ayaa ku baaqaya in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, isla markaana dib loo bilaabo wada-hadallada tooska ah ee u dhexeeya dhinacyada.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  19. War deg deg ah, Xaaladda gobolka Tigray oo laga cabsi qabo in ay isu bdesho dagaal toos ah

    Xiisadda muddooyinkii dambe ka dhex taagnayd dowladda federaalka Itoobiya iyo hoggaanka TPLF ayaa la sheegay inay isu beddeshay dagaal toos ah.

    Dalal, ururro qaaradeed iyo hay’ado kala duwan ayaa walaac ka muujiyay dagaallada iyo iska horimaadyada ka billowday meelo kala duwan tan iyo habeenkii Talaadada.

    Hoggaanka TPLF, la-taliyaha ra’iisul wasaaraha iyo maamulka gobolka Canfarta ayaa xaqiijiyay in iska horimaadyo ka dhaceen deegaannada ay Tigray xuduudda la wadaagto gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

    Dhanka kale, ciidamada Tigray ayaa la wareegay garoomada diyaaradaha ee Mekelle, Axum iyo Shire, taasoo keentay in la xiro garoomada, lana hakiyo duulimaadyada.

    Dowladda Itoobiya weli war rasmi ah kama soo saarin dhacdooyinkan, waxaana jira cabsi laga qabo in colaadda ay mar kale isu beddesho dagaal dhiig badan ku daato.

  20. War deg deg ah, Mareykanka oo si adag uga hadlay colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Tigray

    .

    Waaxda Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa cambaareysay weerar diyaaradeed oo ay sheegtay inuu Isniintii lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo siday gargaar cunto.

    Waxay ku baaqday in weerarka la baaro, dhinacyada khilaafkana ay wada-hadal ku xalliyaan khilaafaadkooda, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo dhacdooyin kale oo noocan ah.

    Dowladda Itoobiya iyo hoggaanka TPLF ayaa labaduba dhaleeceyn kala kulmay dib u dhaca ku yimid fulinta qodobbada muhiimka ah ee Heshiiskii Pretoria, kaas oo Midowga Afrika dhexdhexaadiyay, laguna soo afjaray dagaalka bishii November 2022.

    Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bishii July baarlamaanka u sheegay in TPLF ay isu diyaarinayso dagaal hor leh. TPLF ayaa dib u soo celisay maamulkeedii dagaalka ka hor wax yar doorashadii guud ee May, taas oo aan Tigray ka dhicin sababo amni awgood.

    Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in TPLF ay si khasab ah dhalinyaro rag ah ugu qoranaysay ciidamadeeda.