TOOS, Saddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga ayaa lagu dilay weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Xuutiyiinta oo sii wada weerarrada garoomada diyaaradaha Sacuudiga iyo dalal muwaadiniintooda uga digay safarka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Xiisad ka taagan degmada Qansaxdheere iyo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Somali, Mogadishu
    Bay

    Maalinimadii shalay miliishiyo taabacsan maamulkii hore ee Laftagareen ayaa qabsaday xarumaha maamulka degmada Qansaxdheere oo qiyaastii 90 km Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

    Dad ku sugan magaalada Qansaxdheere ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan ay soo galeen magaalada abaare 11-kii barqanimo, deetana ay galeen xarunta degmada iyo saldhiga booliska, iyadoo wax iska hor imaad ah aanu dhicin.

    Xubnaha maamulka degmada iyo ciidankoodii laga qabsaday xarumaha maamulka ayaa wali ku sugan gudaha magaalada, waxaana jirta baqdin laga qabo in dagaal ka qarxo Qansaxdheere.

    Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Cabdi Ibraahim Dayib oo isagoo ku sugan Qansaxdheere la hadlay BBC-da ayaa sheegay in koox uu ku sheegay in ay ka tirsan al-Qaacida ay magaalada soo galeen shalay, isla markaana ay qabsadeen dhowr goobood oo ku yaala degmada.

    "Qansaxdheere walaalow nimankii al-Qaacidada ahaa ayaa soo weerarray, marka dhanna iyagaa ka jooga, dhanna annagaa ka joogna" ayuu yiri guddoomiye Cabdi.

    Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin warrarka sheegaya in ciidanka magaalada soo galay ay yihiin kuwa Laftagareen.

    "Been waaye, waxba kama jiraan waaye, magaalada al-Qaacida ayaa soo weerartay" ayuu yiri Cabdi Ibraahim Dayib oo ka jawaabayay su'aal ay BBC-du weydiisay oo ku saabsanayd in ciidanka magaalada soo galay ay yihiin ciidanka Laftagareen.

    Maamulkii hore ee Laftagareen ayaa dhankooda sheegay in cidda la wareegtay xarumaha maamulka degmada Qansaxdheere ay yihiin ciidankooda, isla markaana aanay jiri doonin degmo ay ka maqnaan doonaan, inta uu socdo waxa ay ugu yeereen halganka dibu xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed.

    Warar dheeraad ah:

  2. Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

    Itoobiya

    Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee Eritrea inuu ku xadgudbay madaxbannaanideeda, iyadoo ka digtay inay ku khasbanaan karto inay isdifaacdo. Warqad loo diray xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeeyay inay ciidamo iyo gaadiid militari si qoto dheer ugu soo gelisay dhulka Itoobiya.

    Tani waa eedeyn culus oo ka timid dowladda Addis Ababa. Itoobiya waxay sheegtay in deriskeeda waqooyi ee Eritrea uu khatar weyn ku hayo ammaankeeda qaran, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ciidamada Eritrea la geeyay gobolka Tigray.

    Arrintaas waxaa BBC-da u xaqiijiyay dad deggan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

    Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in duqeymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Itoobiya lagu bartilmaameedsaday ciidamada Eritrea meel u dhow magaalada Adigrat.

    Xiisaddan sii kordheysa ee waqooyiga Itoobiya ayaa sare u qaadaysa cabsida laga qabo inay ku fiddo guud ahaan Geeska Afrika.

    Eritrea waxay ka go’day Itoobiya sanadkii 1993, hase yeeshee xiriirka labada dal ayaa caadi kusoo noqday sanadkii 2018 markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, uu xukunka la wareegay.

    Dagaalkii labada sano socday ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya horaantii tobannaanadkan, Eritrea waxay garab istaagtay dowladda Itoobiya dagaalkii ay kula jirtay fallaagada Tigray. Si kastaba, xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday tan iyo dhammaadkii colaaddaas.

    Warar dheeraad ah:

  3. Saddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga ayaa lagu dilay weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Riyadh

    Sacuudiga

    Saddex muwaadin oo u dhashay Sacuudiga ayaa lagu dilay laba weerar oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Riyadh, sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka ee dalkaasi, kaddib markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay sheegatay mas’uuliyadda weerarrada.

    Weerarrada ayaa sidoo kale sababay dhaawaca tiro ka mid ah muwaadiniin Sacuudiyaan ah iyo dad kale oo ajnabi ah oo ku nool dalka, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay barta X.

    Hay’addu waxay sheegtay in weerarkii ugu horreeyay ee dhacay Khamiistii lagu beegsaday garoonka diyaaradaha, halka weerarkii labaad uu ku dhacay diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada qaranka ee Saudia.

    Shirkadda Saudia ayaa sheegtay in mid ka mid ah duuliyayaasheeda uu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarka.

    Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in isu socodkii duulimaadyadu uu dib ugu soo laabtay sidii caadiga ahayd.

    Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay Khamiistii ku weerareen garoonka diyaaradaha Riyadh laba gantaal, sida lagu sheegay wararka.

    Kooxdan oo taageero ka hesha Iran ayaa sidoo kale sheegtay inay bartilmaameedsatay garoon diyaaradeed oo ku yaalla magaalada Najran oo u dhow xadka Yemen iyo Sacuudiga, iyo saldhigga cirka ee Khamis Mushait oo ku yaalla waqooyigaas. Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga wali ma xaqiijin weerarradan.

    Dhimashooyinkan ugu dambeeyay ayaa daba socda geerida saddex qof oo lagu dilay weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen laba garoon diyaaradeed oo Sacuudigu leeyahay 6-dii iyo 7-dii Oktoobar.

    Warar dheeraad ah:

  4. Jimcisiga oo la ogaaday inuu daweeyo xanuunkaan dadka ku badan

    .

    Jimicsiga ayaa faa'iido u leh bukaanada qaba xanuunada ku dhaca kala goysyada jirka, waxaana lagu tilmaamaa "daawaynta ugu weyn" ee xanuunka, sida laga soo xigtay urur arrimaha caafimaadka qaabilsan oo ka dhisan Ingiriiska.

    Machadka qaranka ee caafimaadka iyo daawada ee UK ayaa leh: "Marka aad jimicsiga sameyneyso waxaad dareemi kartaa xanuun marka hore laakiin wuxuu kaa caawinayaa inuu yareeyo xanuunka cudurrada ku dhaca kala goysyada jirka"

  5. War deg deg ah, Duuliye diyaaradeed oo ku geeriyooday weerar Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Riyaad

    .

    Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, Saudia, ayaa xaqiijisay geerida mid ka mid ah duuliyayaasheeda, kadib dhacdo Khamiistii ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyad.

    Shirkaddu waxay duuliyaha ku sheegtay Xamuud Cali Al-Kulthami.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa horay u sheegtay, iyada oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, isla markaana taalla terminal ka mid ah garoonka Riyad, uu dab si weyn u waxyeelleeyay.

    Dhanka kale, Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerarro Khamiistii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyad, halka hal diyaarad ay waxyeello soo gaartay.

  6. War deg deg ah, Faransiiska iyo Sacuudiga oo dejinaya qorshayaal cusub oo liddi ku ah Xuutiga Yemen

    Jeneraal Fabien Mandon, oo ah madaxa taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Faransiiska, ayaa Khamiistii sheegay in Faransiiska iyo Sacuudigu ay ka wada hadlayaan dhowr qorshe oo la adeegsanayo qalabka milatari iyo ciidamada Faransiiska si loo ilaaliyo dekedda shidaalka ee Yanbu.

    “Arrintan ayaa hadda si wadajir ah dib loogu eegayaa Sacuudiga. Waxaan qiimeynaynaa qorshayaal kala duwan oo lagu ilaalinayo dekedda Yanbu, oo hore loo weeraray, isla markaana muhiim u ah ganacsiga shidaalka,” ayuu Mandon ka sheegay dhageysi baarlamaan.

    Madaxa taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Faransiiska ayaa sheegay in dalkiisu uu hore gobolka u geeyay ku dhowaad 2,000 oo askari si ay gacan uga geystaan ilaalinta xulafadiisa ku sugan Gacanka Faaris, oo ay ku jiraan Qadar iyo Kuwait.

    Dekedda shidaalka ee Yanbu, oo ku taalla xeebta galbeed ee Sacuudiga, ayaa dalka u saamaxaysa inuu dhoofiyo shidaalkiisa isaga oo aan marin Marinka Hormuz.

  7. War deg deg ah, Xasan ayaa la toogan doonaa iyadoo dadweynuhu daawanayaan, arrin aan waayahaan dhicin

    Ninkaan ayaa horey u dilay dad gaaraya 13 qof

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pat Hegseth, ayaa sheegay in dadweynuhu si toos ah u daawan karaan dilka toogashada ah ee lagu fulinayo sarkaal hore oo ka tirsanaa milatariga Mareykanka.

    Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca ayaa BBC-da u sheegay in si toos ah loo baahin doono dilka Nidal Malik Xasan, oo sannadkii 2009 dilay 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, kuna sugnaa saldhigga milatariga ee Fort Hood.

    Waxaa la rumeysan yahay inay tani noqon doonto dilkii ugu horreeyay oo la fuliyo iyadoo dadweyne daawanayaan gudaha Mareykanka muddo ku dhow 100 sano.

    John Mills, oo ah qareen u dooda maxaabiista lagu xukumay dilka, ayaa sheegay in baahinta tooska ah ee dilka noocan ahi aysan horay uga dhicin waayadan casriga ah, isla markaana go’aanka lagu saleeyay arrin sharci ahaan aan caddayn.

    “Waxaan hubin doonnaa in dadku ay arki karaan, oo uu noqonayo mid dadweynuhu daawan karaan,” ayuu yiri Pat Hegseth.

    “Dadku waxay u baahan yihiin inay fahmaan in falalka noocaas ahi ay leeyihiin cawaaqib culus.”

    Wareysi uu siiyay telefishinka muxaafidka ah ee Real America’s Voice, Hegseth wuxuu sheegay in Xasan lagu dili doono toogasho, isaga oo intaas ku daray in sidaas ay tahay inay dhacdo.

    Pentagon-ka ayaa horraantii toddobaadkan ku dhawaaqay in Xasan lagu fulin doono xukunka dilka ah. Tani waxay noqonaysaa dilkii ugu horreeyay ee lagu fuliyo askari ka tirsan milatariga Mareykanka muddo ka badan 60 sano.

    Nidal Malik Xasan, oo ahaa dhakhtar ciidan darajadiisuna ahayd gaashaanle dhexe, ayaa sannadkii 2009 rasaas ku furay saldhigga Fort Hood. Wuxuu dilay 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, halka 32 kalena uu dhaawacay.

    Afhayeenka Pentagon-ka, Sean Parnell, ayaa bayaan uu Isniintii ku baahiyay barta X ku sheegay in Xoghayaha Difaaca Pat Hegseth uu ku taliyay xukunka dilka ah, kaas oo uu ansixiyay Madaxweyne Donald Trump.

    Tani waxay noqon doontaa dilkii ugu horreeyay ee askari milatari Mareykan ah lagu fuliyo toogasho tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

  8. War deg deg ah, Degdeg: Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

    .

    Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo fulinta sharciga socdaalka ee ICE, ayaa nin ku toogtay deegaan ka tirsan magaalada New York.

    Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka, oo ay hoos tagto ICE, ayaa xaqiijisay in sarkaalku uu hubkiisa adeegsaday intii lagu jiray “hawlgal gaar ah oo lagu soo qabanayay soogalooti sharci-darro ku jooga dalka, isla markaana leh taariikh dembiyeed”.

    Wasaaraddu waxay qoraal ku sheegtay in ninkaasi uu weli nool yahay, isla markaana la dhigay isbitaal ku yaalla deegaanka.

    Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa dhacdada ku tilmaamay “arrin aan la aqbali karin oo aad u culus”.

    “Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in saraakiishu ay hareereeyeen ninka iyo ilmo shan jir ah oo gaarigiisa ku jiray, ka hor inta aysan dhowr xabbadood ridin,” ayuu yiri Mamdani. Wuxuu sheegay in ilmaha uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka si ay faahfaahin uga hesho hadallada Mamdani.

    Guddoomiyaha gobolka New York, Kathy Hochul, ayaa sheegay inay arrintan kala hadashay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayna muujisay caro ay ku sheegtay inay ku hadlayso magaca shacabka New York.

    Trump weli si cad ugama uusan hadlin toogashada.

    Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in ninka, oo aan magaciisa la shaacin, uu ka soo jeedo Jamhuuriyadda Dominican-ka, isla markaana uu horey u galay dambiyo.

  9. War deg deg ah, Shirkado diyaaradeed oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadii Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    .

    Shirkadaha diyaaradaha ee Lufthansa ee Jarmalka iyo Air India ee Hindiya ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan duullimaadyadooda taga Riyad, caasimadda Sacuudiga, kaddib weerarrada Xuutiyiinta Yemen.

    Joojinta duullimaadyada ayaa timid iyadoo ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

    Xuutiyiinta Yemen oo xulafo la ah Iran ayaa Khamiistii kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga, iyagoo gantaallo ku beegsanaya hawada dalka iyo xarumaha shidaalka. Weerarrada toddobaadkan ayaa sababay dhimashada saddex qof, waxayna si weyn u waxyeelleeyeen diyaarad.

    Kooxda ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay garoonka diyaaradaha Riyad, waxayna shaqaalaha uga digtay inay ka fogaadaan xarumaha tamarta oo ay qorsheynayaan inay weeraraan.

    Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ay waxyeello ka soo gaartay weerarradii lagu qaaday garoonka King Khalid ee Riyadh.

  10. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo weerar la beegsaday diyaarado fadhiyay garoonka diyaaradaha Riyaad iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Sacuudiga

    Laba qof oo goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ee Saudia ay soo gaartay waxyeello muuqata, kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay Khamiistii weerarro isdaba joog ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha Riyad.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa arrintan AFP u sheegay in ugu yaraan hal diyaarad ay garoonka ku soo gaaray burbur xooggan, halka ilo kale ay sheegeen in saddex diyaaradood la weeraray.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Khamiistii garoonka ku qaadeen saddex weerar oo kala duwan. Qaraxyo badan ayaa laga maqlay guud ahaan caasimadda, halka ciidamada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay sheegeen inay soo rideen gantaallo lagu soo riday garoonka.

    Labada goobjooge ayaa sheegay in jirka diyaarad Sacuudigu leeyahay oo taagnayd Terminal 4 uu ka muuqday dhaawac, oo ay ku jiraan dildilaacyo iyo waxyeello kale. Terminal-kan waxaa hadda duullimaadyada gudaha u isticmaala shirkadaha Sacuudiga iyo Riyad Air.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale hore u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee dowladda Sacuudiga uu dab xooggan waxyeello ugu geystay iyadoo taagnayd mid ka mid ah terminal-lada garoonka Riyad.

    Xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudiga, Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka iyo shirkadda diyaaradaha Saudia midkoodna kama uusan hadlin arrintan.