Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Kulamadii maanta ee tartanka kubadda Koleyga gabdhaha Soomaaliya
Published
Waxaa weli ka socdo Garowe, tartanka gabdhaha ee kubadda koleyga. Kulammadii maanta dhacayna waxaa natiijadu ay ahayd sidan:
- Galmudug 44-20 Puntland
- Banaadir 62-17 Jubaland
Tartanka waxaa ka qeybgalaya lix kooxood oo kala matalaya maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, waxayna kala yihiin, Puntland, Billan (Koofur Galbeed) iyo Galmudug oo isku koox ah iyo, Banaadir, Jupaland, iyo Hirshabelle oo guruubka labaad ah.
Kulamada maanta la ciyaari doono waxaa ka mid ah:
- Banaadir iyo Puntland
- Hirshabeelle iyo Galmudug
Ciyaarta ugu dambeysa ayaa la ciyaari doonaa Isniinta.