Diyaarad ku burburtay Melbourne oo shan ruux dishay

Qoraalka Muuqaalka, Chanel 9 News ayaa hawada ka duubay markuu shilku dhacay ka dib
Published

Shan ruux oo u dhalatay dalka Maraykanka iyo duuliye reer Australia ah ayaa dhintay ka dib markii ay diyaaraddoodu ku dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada Melbourne ee dalka Australia.

Booliisku waxay sheegeen in ay u muuqato in ay cilad wayn gashay matoorka diyaaradda sidaadii ay uga duushay garoonka yar ee diyaaradaha ee Essendon Airport.

Inkastoo ay burbur baaxadleh gaysatay diyaaraddu haddana lama sheegin qof dhulka joogay oo ku dhintay shilkan.

Waxaa la qorshaynayay in albaabada loo furo suuqa si dadku uga adeegtaan
Qoraalka sawirka, Waxaa la qorshaynayay in albaabada loo furo suuqa si dadku uga adeegtaan
Dabdamiska oo xakaymaya dabka shilka ka dhashay
Qoraalka sawirka, Dabdamiska oo xakaymaya dabka shilka ka dhashay

Daniel Andrews oo madax ka ah gobolka Victoria ayaa sheegay in shilkan diyaaraddu uu yahay kii u xumaa ee soo wajaha duulimaadyada dadwaynaha muddo 30 sano ah.

"Waa maalin murugo badan ayuuna sii raaciyay

Gabadh u hadashay dhismaha uu ay diyaaraddu ku dhacday ayaa sheegtay in dhammaan shaqaalihii goobtaas ay bad qabaan.

Wakhtiga uu shilku dhacayna wuxuu ahaa ka hor wakhtigii loo furi jiray dadka ka adeegta ee shacabka ah.

Safaaradda Maraykanka ayaa xaqiijisay in afarta ruux ee dhimatay ay ahaayeen muwaadiniintooda.

ABC News in Australia confirmed the pilot in the Melbourne plane crash as Max Quartermain
Gawaari badan ayuu gubay shilku
Qoraalka sawirka, Gawaari badan ayuu gubay shilku
Garoonka agtiisa waxaa laga arkay uuro wayn
Qoraalka sawirka, Garoonka agtiisa waxaa laga arkay uuro wayn
Taayir diyaaradeed ayaa lagu arkay goobta uu qaraxu ka dhacay agteeda
Qoraalka sawirka, Taayir diyaaradeed ayaa lagu arkay goobta uu qaraxu ka dhacay agteeda
Shaqaalaha xarunta ganacsi ee uu shilku ka dhacay ayaa argagaxay balse ma wax dhibaato ah mas oo gaarin.
Qoraalka sawirka, Shaqaalaha xarunta ganacsi ee uu shilku ka dhacay ayaa argagaxay balse wax dhibaato ah ma soo gaarin.
Khariidad