Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Kiimiko sun ah oo lagu weeraray Mosul
Published
Guddiga laanqayrta cas ee caalamiga ee ICRC ayaa cambaareysey hubka kiimikada ah ee loo addeeegsadey dagaalka mintidiinta daacish lagaga saarayo magaalada mosul.
Dhakhaatiirta laanqayrta cas ayaa ka daweeyey laba dumar ah iyo shan caruura ah oo mid ka mid ah jirkiisu si xun u gubtey, neefsiguna aad ugu adkaa.
Guddiga ICRC-da ma sheegin nooca kiimikada ah ee la isticmaaley iyo ciddii isticmaashey toona, laakiin meleteriga ciraaq ayaa sheegey in Daacish ay haysato keyd isugu jira gaasaska koloriin iyo mastadh.