Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Hindiya: 27 carruur ah oo shil gaari ku dhintay
Ugu yaraan 30 qof, oo badankood ay carruur yihiin, ayaa geeriyooday kaddib markii bas iskuul oo siday uu ka dhacay dooxo ku taalla gobol buuralley ah oo ku yalla Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.
Inta badan rakaabka ayaa la sheegay inay da`dooda ka yareyd 10 sano, sida uu booliisku sheegay. Wadihii gaariga iyo labo macallimiin ayaa sidoo kale ku dhintay shilka oo dhacay fiidnimadii Isniinta.
Wuxuu shilku ka dhacay gobolka waqooyiga Hindiya ku yaalla ee Himachal Pradesh.
Shilalka wadodoyinka ayaa ku badan Hindiya, waxaana inta badan loo aaneeyaa xirfad yaraanta wadayaasha iyo waddooyinka oo xun.