Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'

Abiy
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso nabad ay la yeelato Eritrea, isla markaana ay rabto inay noqoto lamaane dhanka horumarka ah; hase yeeshee, wuxuu xusay in Eritrea "ay la kulmi doonto cawaaqib xun haddii ay sii waddo ku tiirsanaanta ciidamo kale, oo ay ku sii socoto waddadeeda burburka ah."

Ra'iisul Wasaaraha, oo wareysi ku bixiyay luuqadda Tigrinya maalintii Isniinta, ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso iskaashi ay la yeelato Eritrea, wuxuuna sidoo kale diray farriin digniin ah.

"Ma habboona in la doorto in la noqdo qalab ay isticmaalaan cadawga, xilli ay suurtagal tahay in la noqdo lamaane dhanka horumarka ah," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu, isagoo ka digay in diidmada baaqan ay noqon doonto "musiibo aad iyo aad u weyn."

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa imanaya xilli ay jirto walaac aad u weyn oo ku saabsan in Itoobiya iyo Eritrea ay ku kulmi karaan wadada dagaalka.

Ka dib markii uu dib u qarxay dagaalkii Tigrayga, waxaa la sheegay in ciidamada Eritrea ay ka gudbeen xadka Itoobiya, ayna soo galeen gobolka Tigrayga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobay, taas oo ay ku sheegtay in Eritrea ay soo weerartay Itoobiya, ayna Itoobiya haysan wax kale oo aan ka ahayn inay is-difaacdo.

Eritrea, oo beenisay eedeymahaas, ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku dooday in Itoobiya ay isku dayayso inay sharciyeyso dagaalka ay kula jirto dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay, iyadoo adeegsanaysa marmarsiiyo ah "is-difaacid."

Arrintan ka dib, beesha caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay, ayaa walaac ka muujiyay sii xumaanshaha xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii Itoobiya ay dalkeeda ka eriday diblomaasiyiinta Eritrea, Eritrea ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Itoobiya.

Itoobiya ayaa dhowr jeer ku eedaysay Eritrea inay taageerto kooxaha fallaagada ah ee ka soo horjeeda dowladda Itoobiya, sida TPLF, iyo inay iskaashi la samaysay dowlado shisheeye oo kale, sida Suudaan iyo Masar, si ay u gaarto ujeeddooyinkaas.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Itoobiya, Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea—taas oo uu ugu yeeray dowlad "dastuuri ah"—inay "dayacday horumarka iyo dhisidda hay'adaha, isla markaana ay noqotay qalab ay isticmaalaan cadawga Itoobiya."

Wuxuu sidoo kale wareysigaas, oo laga sii daayay Telefishinka Itoobiya iyo warbaahinnada kale ee dowladda, ku sheegay in falalka noocaas ah ay burburin doonaan nidaamyada deegaanka dabiiciga ah.

"Sida la arkayay 35-kii sano ee la soo dhaafay, kaliya deris-wanaagga iyo saaxiibtinimada ayaa wax tari kara," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu, isagoo raaciyay inuu aaminsan yahay in "xitaa haddii ay geesiyaal yihiin, aysan xallin karin dhibaatada Eritrea."

Wuxuu tilmaamay in kooxaha uu ku tilmaamay inay yihiin cadawga Itoobiya—isagoon magac-dhabin—ay iyaguba awoodi waayeen inay xalliyaan dhibaatooyinkooda gaarka ah.

"Kuwa iyagu dhibaatooyin qaba, ee aan xallin karin dhibaatooyinkooda, ma caawin karaan dadka kale," ayuu uga digay, isagoo raaciyay inaysan waxba u tari karin Eritrea.

Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in magaalooyinka Eritrea, oo ahaan jiray kuwo "barwaaqo ah oo qurux badan" ka hor xornimada, ay hadda noqdeen "sida tuulooyin," isagoo tusaale u soo qaatay magaalada Asmara oo uu ku tilmaamay inay ka "magaalo yar tahay" magaalooyinka Arba Minch ama Jigjiga.

Wuxuu sidoo kale xusay in xilligii Eritrea ay qayb ka ahayd Itoobiya, ay lahayd in ka badan 300 oo warshadood, isla markaana ay ka mid ahayd waddamada ugu warshadaha badan Afrika xilligaas.

"Mtswa waa cidlo; Assab-na waxay noqotay magaalo cidla ah. Dadka reer Eritrea waxay waayeen wax walba oo ay haysteen xornimada ka dib," ayuu yiri, isagoo sharraxaya dib-u-dhaca ku yimid Eritrea xornimada ka dib.

Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda Eritrea oo dooratay waddada burburka halkii ay ka dooran lahayd horumarka, wuxuuna sheegay in dadka dalkaas ay noqdeen "muuqaalka dhabta ah ee silaca iyo dulmiga."

Hadallada Ra'iisul Wasaaraha ee ku saabsan Eritrea ayaa ka soo baxay wareysi qaatay 27 daqiiqo, kaas oo inta badan diiradda lagu saaray dhaliilaha loo jeedinayo TPLF. Ilaa hadda ma jiro wax jawaab ah oo ka yimid dhanka Eritrea oo ku aaddan hadallada Ra'iisul Wasaaraha.