Sidee loo xaday meydka Marwadii Koowaad, loona helay 16 sano kaddib?

Marwada Koowaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Digniin: Warbixintani waxaa ku jira xog laga yaabo inay naxdin ku noqoto qaar ka mid ah akhristayaasha.

Eva Perón oo ahayd xaaskii koowaad ee madaxweynihii caanka ahaa ee Argentina, ayaa dhimatay bishii Luulyo 1952. Dad badan waxay sidoo kale u yaqaaneen Evita.

Dhowr saacadood kaddib geeridii Eva Perón, oo dhacday 26-kii Luulyo 1952, ayuu Dr. Pedro Ara bilaabay shaqadiisa.

Dr. Ara oo ahaa khabiir caan ah oo u dhashay Spain, ayaa loo xilsaaray in uu ilaaliyo oo meydka Marwadii Koowaad ee Argentina ka dhigo mid muddo dheer sii jira, si la mid ah sida Ruushku u ilaaliyeen meydadka hoggaamiyayaashoodii Lenin iyo Stalin.

Kaddib markii ay dhimatay, meydkeeda waxaa lagu hayay dhismayaashii Wasaaradda Shaqada ee dalka. Shaqaale ayaa loo xilsaaray inay dhisaan taallo iyo goob xusuus ah.

Saddex sano kaddib, bishii Sebtembar 1955, ninkeedii Madaxweyne Juan Perón, ayaa xukunka laga tuuray afgambi militari, waxaana lagu qasbay inuu dhuunto.

Markii dowladdii cusbayd ay xukunka la wareegtay, waxay go'aansatay in meydka Eva Perón laga saaro munaaradda ku taallay bartamaha magaalada.

Sidaas ayay ku bilaabatay safarkii murugada lahaa ee 16-ka sano qaatay, kaas oo ugu dambayntii sababay in Evita la aaso 16 sano kaddib geerideeda.

Marwada Koowaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii lagu gudo jiray safarkaas 16-ka sano ah oo meydkeeda laga xaday ilaa dib loogu celiyay Buenos Aires, meydka Eva Perón waxaa lagu ilaalinayay meelo kala duwan.

Mararka qaar waxaa lagu hayay xarunta sirdoonka milatariga, mararka kalena baabuur ayaa magaalada lagu dhex waday. Xitaa hal mar waxaa lagu aasay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Meydka Evita waxaa sidoo kale loo qaaday ninkeedii oo markaas musaafuris ku joogay Madrid, Spain, ka hor inta aan ugu dambayntii dib loogu celin Buenos Aires, laguna aasin qabri gaar ah oo si aad ah loo ilaaliyo.

Evita geerideeda kaddib ma aysan dhammaan saameynteedu

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Eva Perón waxay u dhimatay kansarka ku dhaca ugxan-sidaha, iyadoo 33 jir ah. Ninkeeda ayaa doonayay in meydkeeda la ilaaliyo, sababo siyaasadeed dartood.

Eva oo ku soo kortay deegaan miyi ah oo sabool ah, isla markaana intii ay ahayd Marwada Koowaad ku caan baxday hawlaha samafalka, waxay sumcad xooggan ka dhex dhistay shaqaalaha iyo dadka dabaqadaha hoose, taas oo ka dhigtay hanti siyaasadeed oo muhiim u ah Argentina.

"Taasi waxay ahayd sababta uu ninkeeda u doonayay in uu ilaaliyo meydka xaaskiisa, si sumcaddaas loo sii waaro ama looga faa'iidaysto," ayay Flavia Fiorucci, oo ah taariikhyahanad ku takhasustay Perónism, BBC u sheegtay 2011.

Perónism waa aragti siyaasadeed oo ka jirta Argentina, taas oo ku dhisan fikradihii Juan Perón iyo Eva Perón. Mabaadi'deeda ugu waaweyn waxaa ka mid ah caddaaladda bulshada, waddaniyadda, siyaasadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ku salaysan taageerada shacabka.

"Waxay sidoo kale la xiriirtay muhiimadda astaanta ah ee Evita ku lahayd aragtida dadka ka qabaan Perón iyo Perónism, maadaama Evita ay iyaduna noqotay astaan u taagan dalkooda."

Arrintan ayaa si aad ah u muuqatay toddobaadyadii ka dambeeyay geerideeda.

Khabiirka meydadka ee reer Spain, Dr. Ara, wuxuu ku guulaystay in uu meydka Evita ku ilaaliyo xaaladdiisii dabiiciga ahayd, isagoo adeegsanayay farsamo uu kerosiin iyo glycerine ugu shubayay jirkeeda.

Aaska Eva Perón waxaa ka qayb galay in ka badan laba milyan oo qof oo u yimid inay arkaan meydkeeda, kaas oo muddo 14 maalmood ah lagu hayay dhismaha Baarlamaanka Argentina.

Jacaylkii Evita ay intii ay noolayd ka dhex abuurtay shacabka Argentina ayaa sii socday xitaa geerideeda kaddib.

Marwada Koowaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii Perón xukunka laga tuuray 1955, taliskii militariga ee uu hoggaaminayay Jeneraal Pedro Aramburu wuxuu doonayay inuu meesha ka saaro wax kasta oo la xiriiray Perónism, ama fikirkii Perón. Taliska ayaa ka baqayay in meydka Evita uu noqdo astaan iska caabin.

Kaddib markii meydka Evita laga saaray bartamaha Buenos Aires, Gaashaanle Dhexe Carlos Murri Koenig, oo ahaa madaxa sirdoonka Argentina, hal meel kuma haynin. Taa beddelkeeda, wuxuu meelba meel ugu wareejinayay gudaha magaalada.

Wuxuu sidaas u sameynayay isagoo ka cabsi qaba in taageerayaasha Perón ay isku dayaan inay meydka helaan oo ay u adeegsadaan astaan iska caabin.

Waxaa la sheegay in xilligaas meydka Evita mararka qaar lagu qarin jiray gudaha baabuur lagu dhigay waddooyinka caasimadda, mararka qaarna gadaasha daaha goob lagu daawado filimada, halka mararka qaar lagu qarin jiray gadaasha matoor biyood oo magaalada ah.

Hase yeeshee, mar kasta oo naxashka meel cusub loo raro, waxaa goobta ka soo muuqan jiray ubaxyo iyo shumacyo, inkastoo aan la ogeyn cidda dhigi jirtay.

Markii dambe, Gaashaanle Dhexe Koenig wuxuu meydka geeyay xafiiskiisa, waxaana la sheegay inuu naxashka si toosan u taagi jiray, isla markaana uu tusin jiray martidii soo booqata.

Waqti ka mid ah, waxaa la sheegay in Koenig uu xiriir aan caadi ahayn la yeeshay meydka uu ilaalinayay.

"Waxaan ka aqaanay iskuulkii milatariga. Wuxuu ahaa qof gebi ahaanba caadi ah, laakiin wuu waashay kaddib markii uu helay meydka Evita," ayuu yiri Kornayl Hector Cabanías oo howlgab ah, isaga oo hadalkan ku sheegay maqaal 1997-kii la daabacay oo cinwaankiisu ahaa Evita, La Tumba Sin Paz, oo macnaheedu yahay "Evita, Qabriga Aan Nabadda Lahayn."

Marwada Koowaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marwada Koowaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sheekooyin kala duwan ayaa laga sheegay wixii xigay, kuwaas oo qaar badan ay ku saabsanaayeen aaminaadda awoodaha mucjisada ah ee José López Rega, oo xubin ka ahaa dowladdii Perón.

Mid ka mid ah sheekooyinka ayaa sheegaya in Rega uu Isabel ka codsaday inay ag jiifsato meydka Eva Perón, si awoodda ama saameynta siyaasadeed ee Evita ay iyadana u gaarto.

Aaminaadda noocaas ahi waxay muujinaysaa sida weyn ee taageerayaashu u qadarin jireen Evita.

Evita, oo mar ahayd qoob-ka-ciyaaryahan caan ah, kaddibna ninkeeda oo ay weheliso siyaasadda ugu sarreysay, waxay ugu dambayntii qaar ka mid ah taageerayaasheeda u noqotay hoggaamiye ruuxi ah.

Taasi waa sababta taageerayaasheedu u bilaabeen inay meydka Eva Perón u arkaan wax muqaddas ah oo leh muhiimad astaan oo weyn, inkastoo ay dadka ka soo horjeeday Perón aad u necebaayeen.

Sannadkii 1973, Juan Perón ayaa dib ugu soo laabtay xukunka Argentina, iyadoo Isabel ay ahayd ku-xigeenkiisa.

Xilligaas, meydka Evita weli wuxuu yaallay Spain.

Hase yeeshee, kaddib markii Juan Perón si lama filaan ah u dhintay 1974, meydka Evita ayaa dib loogu celiyay Buenos Aires.

Markii Domingo Teixeira markii ugu horreysay lala xiriiray si uu u hagaajiyo waxyeelladii soo gaartay meydka Evita, wuxuu fadhiyay baar ku yaalla caasimadda.

"Waxaa soo galay laba nin oo dhar madow xiran," ayuu BBC u sheegay 2012.

"Waxay albaabka fureen oo na eegeen. Waxay ahayd arrin khatar ah, sababtoo ah waagaas dadka waa la kaxaysan jiray oo 'la waayin jiray', mar dambena lama arki jirin."

Teixeira wuxuu ahaa khabiir ku takhasusay dib-u-soo-celinta farshaxannada, waxyaabaha qadiimiga ah iyo hadhaaga bani'aadamka, isaga oo hagaajin jiray waxyeello ama isbeddello ku dhacay, kuna soo celin jiray xaaladdoodii hore.

Inkasta oo uu aad u baqay, isaga oo u malaynayay in nimankaasi ay ka tirsanaayeen ciidamo dowladeed oo mas'uul ka ahaa dilalka, haddana Teixeira wuu nafisay markii uu ogaaday in nimankaasi ay ahaayeen darawallo oo keliya.

Marwada Koowaad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dadkii arrinta ku lug lahaa waxay u geeyeen dhakhtarkii gaarka ahaa ee hore u daaweyn jiray Eva Perón, Oscar Ivanisevic.

"Wuxuu igu yiri: 'Waxaan kuu haynaa shaqo. Waa inaad meydka Eva Perón ku soo celisaa xaaladdiisii hore.'"

Inkasta oo uu ogaa khataraha ku lug leh, Teixeira wuxuu oggolaaday inuu shaqada qabto.

"Inaan shaqada qabto waxay ka dhignayd inaan ka hor imaado dhammaan dadkii ku lug lahaa qarinta meydka, qaar badan oo iyaga ka mid ahna waxay runtii doonayeen in Evita aysan waligeed soo noqon. Waan ogaa in arrintani dhibaato igu keeni karto," ayuu yiri.

"Waxaa jiray hanjabaado, hanjabaado telefoon. Mar uu marayay, baabuurkaygii ayaa dab la qabadsiiyay."

Markii dambe, iyadoo tacaddiyada iyo cadaadiska dowladda ay sii kordheen xilliyadii ay xukuumado kala duwan ka talinayeen Argentina, khabiirkii dib-u-soo-celinta meydka ayaa lagu qasbay inuu dalka ka baxo oo uu musaafuris galo.

Ugu dambayntii, Evita si rasmi ah ayaa loo aasay bishii Oktoobar 1976, iyadoo aaska ay ka qayb galeen dad aad u tiro yar.

Si loo hubiyo inaan meydkeeda mar kale la xadin ama aan loo geysan waxyeelladii hore, waxaa lagu hayay qabri dhagax ka samaysan oo si aad ah loo ilaaliyo.

Dabaqa qabriga waxaa ku jiray albaab qarsoon oo u horseeday qol dhulka hoostiisa ku qarsoon.

Qolkaas gudihiisa waxaa ku jiray albaab kale oo qarsoon, kaas oo u horseeday qolka weyn ee ay ku jirtay naxashka Evita.

24 sano kaddib geerideeda, awoodda astaaneed ee Evita weli waxay ahayd mid sidaas u weyn, taas oo keentay in meydkeeda lagu aaso shan mitir dhulka hoostiisa.