Haween Soomaaali ah oo lagu soo eedeeyey khiyaano lacageed oo gaareysa $21 Milyan

Xigashada Sawirka, X
Labada qof oo Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa lagu eedeeyay in ay ku kaceen khiyaano maaliyadeed oo gaareysa $21 milyan oo dollar, taas markii hore loogu talo galay in lagu kaabo adeegyada caafimaadka caruurta gaar ahaan adeegyada autism-ka.
Sida ay qortay warbaahinta CBS oo ah warbaahin ay wada-shaq eyn leeyihiin BBC-da, labadan gabdhood ayaa magacyadooda lagu sheegay Shamso Axmed Xasan iyo Xannaan Mursal Yuusuf, waxaana subaxnimadii Talaadada ay iska fogeeyeen eedaymaha loo haysto ee ku saabsan khiyaanada daryeelka caafimaadka iyo lacag dhaqidda.
Sida ku cad warqadda eedaynta, Shamso Axmed Xasan waxay ahayd mid ka mid ah dhowr qof oo iska lahaa xarumaha "Smart Therapy Center" iyo "Star Autism Center".
Sidoo kale, eedaymuhu waxay sheegayaan in Shamso iyo dadka kale ee ay shuraakada ahaayeen ay qoran jireen caruur ay waalidiintooda ku qancin jireen in ilmahooda ka diwaan-geliyaan barnaamijyadooda autism-ka, iyada oo loo eegin xaaladda caafimaad ee ilmaha uu ku jiro, xita haddii uu caafimaad qabo, waxayna waalidiinta siin jireen laaluush dhan $300 ilaa $1,500 oo dollar bishii.
Intii u dhaxeysay May 2020 ilaa December 2024, Shamso waxay barnaamijka Medicaid ka dalbatay lacag gaaraysa $46.6 milyan, waxayna heshay $21.1 milyan oo dollar, sida ku cad warqadda eedaynta, waxay lacagtaas u adeegsatay inay ku iibsato hanti ma-guurto ah, qaarkoodna waxay u dirtay dalka dibadiisa.
Shamso ama qareenkeeda kama aysan jawaabin su'aalihii la weydiiyay markii ay ka baxayeen maxkamadda, in kasta oo aysan hadda xabsi ku jiran oo bannaan jog tahay.
Xafiiska "Smart Therapy Center" oo ku yaalla magaalada Minneapolis iyo xafiiska "Star Autism Center" oo ku taalla St. Cloud, waxaa bishii December 2024 baaritaan ku sameeyay ciidanka FBI-da. Baaritaankan ayaa qayb ka ahaa baaritaannadii ka dhashay fadeexaddii weyneyd ee barnaamijka "Feeding Our Future" oo dhan $250 milyan oo dollar. Sannad ka dib, mid ka mid ah dadkii kale ee lahaa xarunta "Smart Therapy Center" ayaa qirtay eedaymo la xiriira khiyaano.
Sidee ayey u arkaan arrintaan Soomaalida ku nool Maraykanka?
Tan iyo intii uu soo baxay go'aankii ay dowladda Mareykanka ay ku joojisay sharcigii ku-meel-gaarka ahaa ee difaacayay dad ay Soomaalidu ka mid tahay, ayaa waxay tallaabadaas walaac ku abuurtay Soomaalida dalkaas ku jooga TPS, waxaana jiray tiro badan oo dad ah kuwaas oo lagu soo eedeeyey isdabo marin iyo musuq maasuq.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Eedeymaha iyo dacwadaha Soomaalida ayaa waayadii dambe ahaa kuwo isdabo-joog ah, qaar kamid ah bulshada ayaa qaba in arrintaan aysan u istaagi doonin, arrimahaanna ay siyaasadeysan yihiin Sheekh Yuusuf Cabdi Cabdulle Agaasimaha Jimciyadda Islaamka ee Waqooyiga Amenerika oo BBC Somali la hadlay ayaa sheegay in ay filayaan in ay soo baxaan dad ka badan inta hadda lasoo eedeeyey, kuwaas oo lagu eedeeeyey in lunsandeyn, "Kiiskan waxa uu kamid yahay kiisaska dowladda dhexe iyo maamulka gobolka ay wadeyn oo Soomaalida lagu beegsanayey ayuu kamid yahay, mana aha kiis uu qof ka hadli karo oo waa kiis baaritaankiisu uu weli socdo, laakiin guud ahaan waa wax la xiriira waxyaabihii baryahaan Soomaalida lagu heestay iyo dhibaatooyinkii mujctamaca Soomaalida soo wajahay oo dowladda federaalka ah dhankeeda ka imanaya". ayuu yiri Sheekh Yusuf.
Mar aan weydiinay in Soomaalida kaliya yihiin iyo in ay dad kale ku jiraan, waxa uu sheegay in ay jiri karaan dad aan Soomaali ahayn, balse ay Soomaalida ku badan yihiin, mar uu sharaxayey ayuu yiri "waa arrin siyaasadeesan oo siyaasad ku shaqo leh, waana arrin asalkiisu siyaasad salka ku haya oo inta ay sharciyeysan tahay oo nidaam sax ah la marinayo waxaa ka badan inta ay siyaasadda tahay, marka si gooni ah ayaa bulshada Soomaalida ah loo beegsanayaa".
Shamso waxay kamid ahayd 15 qof oo usbuucii la soo dhaafay dacwad heer federaal ah lagu soo oogay, kuwaas oo ku lug lahaa dacwado isdabo joog ahaa oo ku saabsanaa khiyaano oo ka dhan ah Medicaid, kuwaas oo xeer-ilaaliyayaashu sheegeen in cashuur-bixiyayaasha ay ku kaceen lacag dhan $90 milyan oo dollar.
Colin McDonald, oo ah ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee qaybta fulinta sharciga ee wax isdabo marinta ayaa sheegay in lacagtii ugu badneyd ee kaalmada barnaamijka autism-ka ay gaartay lix boqol oo kun oo doolar, markaas oo ahayd lix sano ka hor, balse hadda ay gaartay $400 milyan oo doolar.












