Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Madaxweyne Donald Trump ayaa xaqiijiyay inuu si qarsoodi ah u beddelay diyaaraddii uu ku safrayay markii uu ka soo baxayay shir-madaxeedka NATO ee ka dhacay Turkiga bishii hore, sababo la xiriira khatar iman karta.

"Waxaan raacaa talada Hay'adda Ilaalinta Madaxda (Secret Service) iyo milatariga. Waxay doonayeen inaan raaco duulimaad kale, diyaarad kale," ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. "Waa inaan sameeyaa waxa ay igu yiraahdaan."

Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.

Beddelkaas daqiiqadaha ugu dambeeya la sameeyay ayaa dhaliyay su'aalo ku saabsan in dadkii saarnaa diyaaraddii loo adeegsaday marin-habaabinta (decoy plane) ay khatar ku jireen, balse Trump ayaa Talaadadii sheegay in diyaaraddii uu beddelka ku raacay ay iyaduna geli kartay "khatar ka weyn... sababtoo ah waxay ahayd diyaaraddii, sidaan u maleynayo, ee ay u badneed inay bartilmaameedsadaan."

Saraakiil ayaa u sheegay CBS News, oo ah shirkad ay BBC-du wada-shaqeyn la leedahay gudaha Mareykanka, in Mareykanku uu ogaaday khatar dhab ah oo ka imaanaysay Iran oo ku saabsan in gantaal lagu rido diyaaradda. Wargeyska New York Times ayaa qoray in sirdoonka Mareykanka ay hayeen xog ku saabsan qof u dhowaa goobta shir-madaxeedka NATO oo lagu arkay isagoo wata gantaal garabka la saaro.

Weriyeyaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad ee saarnaa diyaaradda ma aysan ogeyn in madaxweynaha Mareykanka si qarsoodi ah looga saaray diyaaradda iyadoo qayb ka ah xeelad aad loo qorsheeyay oo looga jawaabayay khatar iman karta oo dhanka Iran ah.

Trump ayaa horay u sheegay inuu ahaa "bartilmaameedka koowaad" ee Iran intii uu socday shir-madaxeedka Ankara.

"Waxaan u maleynayaa inay jirtay khatar," ayuu yiri madaxweynaha intii uu ku guda jiray safar uu diyaaradda *Air Force One* ugu tagayay munaasabad ka dhacaysay Ohio maalintii Talaadada. "Run ahaantii wax badan kama aanan weydiin arrintaas. Waxaan la kulmaa khataro badan."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu ku daray: "Waxaan la kulmaa khataro badan oo aadan ka warqabin."

Hawlgalkii qarsoodiga ahaa ee bishii hore ayaa yimid maalin ka dib markii Mareykanku uu dib u cusbooneysiiyay weerarrada milatari ee uu ku qaaday Iiraan ka dib markii uu burburay wadahadalladii u dhexeeyay Washington iyo Tehran si loo soo afjaro dagaalka.

Trump ayaa Turkiga yimid isagoo wata diyaarad cusub oo Boeing 747-8 ah oo ay Qatar ku deeqday, laakiin wuxuu ku dhawaaqay inuu ka bixi doono diyaaradda Air Force One ee duugga ah "waqtigii hore awgiis".

8dii Luulyo, muuqaallo ayaa muujinayay isagoo raacaya diyaaradda madaxweynaha garoonka diyaaradaha ee Ankara.

Laakiin sida laga soo xigtay Washington Post, wuxuu ka degay Air Force One gaari xamuul ah oo loogu talagalay cuntada oo loo qaaday heer diyaaradeed dhinaca ka soo horjeeda meeshii uu ka raacay.

Kadib waxaa si qarsoodi ah loogu qaaday diyaarad yar oo C-32A ah - oo ah Boeing 757 oo la beddelay oo inta badan uu isticmaalo madaxweyne ku xigeenka.

Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa si gaar ah u raacay C-32A isagoo adeegsanaya jaranjaro dibadda ah si uu duulimaadku u muuqdo mid caadi ah, sida laga soo xigtay wargeysku.

Wariyeyaasha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Aqalka Cad ayaa raacay diyaaradda Air Force One waxaana la sheegay inay xiraan daaqadahooda. Ma aysan ogeyn in madaxweynuhu uusan sii saarnaan diyaaradda.

Soo-saare warbaahineed oo diyaaradda saarnaa ayaa sheegay inay u arkeen wax aan caadi ahayn markii loo sheegay inay daaqadda hoos u dhigaan. Sawir qaade ayaa si kooban u furay hadh, waxaana la sheegay in si degdeg ah loogu sheegay inuu xidho.

Faallada soo-saaraha ayaa lagu faahfaahiyay warbixin ka soo baxday Ururka Wariyeyaasha Aqalka Cad Talaadadii.

Waxay sidoo kale xuseen inay u muuqatay inay goobta joogeen laba gaari oo cuntada qaada—mid hore iyo mid dambeba—markii ay saxaafaddu timid, isla markaana gaariga saxaafadda uu aad uga dambeeyay safka baabuurta garoonka, taas oo ka hor-istaagtay inay sawir ka qaadaan madaxweynaha oo diyaaradda raacaya.

Dhanka farsamada, "Air Force One" waa magaca raadiyaha (call sign) ee loo isticmaalo diyaarad kasta oo sida madaxweynaha Mareykanka.

Balse munaasabaddan, diyaaradda C-32A waxay isticmaashay magaca "Reach 18", halka diyaaraddii siday weriyayaashana ay sii wadday isticmaalka magaca "AF1" si loo sii wado xeeladdaas marin-habaabinta ah.

Sida ay qortay wargeyska *New York Times*, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Trump ayaa ku haray diyaaraddii asalka ahayd. Wargeysku, isagoo soo xiganaya laba sarkaal oo aan magacooda la shaacin, ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent ay saarnaayeen diyaaraddaas.

Kadib, Trump ayaa u duulay dalka Ingiriiska isagoo ku sii jeeda Mareykanka; halkaas ayuu dib ugu raacay diyaaraddii hore ee "Air Force One", waxaana la arkay isagoo ka soo degaya diyaaradda ka dib markii ay ka degtay saldhigga ciidamada cirka ee RAF Mildenhall.

Si cad looma oga sida uu uga soo wareegay diyaaradda C-32A oo uu ugu laabtay diyaaraddii hore.

Kadib, madaxweynaha ayaa u wareegay diyaaradda cusub ee "Air Force One" ee ay Qatar ugu deeqday Mareykanka, si uu ugu safro magaalada Washington.