Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Taariikhda weyn ee uu dhigay ninkan Muslimka ah iyo Qarankiisa oo guul ku tilmaamay heerka uu gaaray
Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz SharMaxamed Zeeshan Cali, oo ah cirbixiyeenkii ugu horreeyay ee Pakistan ee saaran saldhigga hawada sare ee Shiinaha ee Tiangong, waxayna howlgalka taariikhiga ah ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga Pakistan iyo Shiinaha.
Ra'iisul Wasaaraha Shehbaz Sharif, oo Sabtidii booqday xarunta Suparco ee Islamabad, ayaa sheegay in guusha Muxumed Zeeshan Cali ay sharaf u tahay 240 milyan oo qof oo Pakistan ah. Wuxuu sheegay in dadaal, go'aan adag iyo juhdi badan ay Zeeshan Ali gaarsiiyeen heerkan, isla markaana guushiisu ay tusaale u tahay jiilka soo koraya.
Isagoo si toos ah uga hadlayay saldhigga hawada sare ee Shiinaha, Wing Commander Muhammad Zeeshan Cali ayaa yiri:
"Sharaf weyn ayay ii tahay inaan Pakistan matalo. Waa wax aan ku faano inaan dalkayga matalo anigoo ku wareegaya meeraha Dhulka, xawaare dhan 7.9 kiiloomitir ilbiriqsikii."
Wuxuu sheegay inuusan ahayn oo keliya cirbixiyeenkii ugu horreeyay ee Pakistan, balse sidoo kale uu yahay cirbixiyeenkii ugu horreeyay ee dal kale u dhashay ee gala saldhigga hawada sare ee Shiinaha.
Zeeshan Ali ayaa uga mahadceliyay Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif, Field Marshal Asim Munir iyo guud ahaan shacabka Pakistan hambalyada iyo ducada ay u muujiyeen. Wuxuu sheegay inuu isku dayayo inuu gudan karo waajibaadkiisa iyo masuuliyadaha cilmi-baarista ee saldhigga hawada sare ee Shiinaha, si waafaqsan rajada shacabka Pakistan.
Farriin uu u diray dhallinyarada Pakistan ayuu ku sheegay in maanta ragga iyo haweenka geesiyaasha ah ee Pakistan ay dalkooda uga adeegayaan dhulka, badda iyo hawada sare, halka cirbixiyeen Pakistani ah uu calanka qaranka ku matalayo dalkiisa meel 400 kiiloomitir ka sarreysa Dhulka.
Wuxuu dhallinyarada kula dardaarmay inay hiigsadaan heer sare oo waxbarashada, sayniska iyo tiknoolajiyadda ah.
"Waxaan rajaynayaa in jiilka xiga ee cirbixiyeennada, injineerrada iyo saynisyahannada Pakistan ay meel ka sii fog gaaraan hawada sare, isla markaana ay ogaadaan siraha badan ee koonka, si ay uga faa'iideystaan aadanaha."
Zeeshan Cali ayaa sheegay in hadallada dhiirrigelinta leh ee Ra'iisul Wasaaraha iyo Field Marshal ay u yihiin dhiirrigelin iyo awood, isla markaana uu sii wadi doono doorkiisa ku aaddan xoojinta saaxiibtinimada Pakistan iyo Shiinaha, isaga oo cilmi-baaris la sameynaya cirbixiyeennada kale ee Shiinaha.
Munaasabaddaas, Ra'iisul Wasaare Shehbaz Sharif ayaa soo xigtay gabay uu tiriyey Allama Iqbal oo yiri: "Waxaan jeclahay dhallinyaradan, waa kuwa xargaha ku tuura xiddigaha."
Wuxuu sheegay in safarka Zeeshan Cali, uu dhallinyarada Pakistan ku dhiirrigelin doono inay horumar ka sameeyaan dhinacyada sayniska iyo tiknoolajiyadda.
Isagoo ka hadlayay xiriirka Pakistan iyo Shiinaha, Shahbaz Sharif, ayaa sheegay in saaxiibtinimada labada dal mar walba lagu tilmaami jiray mid ka sarreysa buuraha Himalaya, kana qoto dheer badaha, balse hadda ay saaxiibtinimadani gaartay hawada sare.
Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay hoggaanka Shiinaha iyo hay'adaha hawada sare taageerada ay ka geysteen howlgalka wadajirka ah.
Dhankiisa, Field Marshal Asim Munir ayaa sheegay in joogitaanka cirbixiyeen Pakistani ah ee saldhigga hawada sare ee Shiinaha uu si sharaf leh u muujinayo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee muddada dheer ka dhexeeya Pakistan iyo Shiinaha.
Wuxuu sheegay in shacabka iyo ciidamada Pakistan ay ku faanayaan Muhammad Zeeshan Ali, isla markaana guushiisu ay tahay tusaale mudan in dhallinyaradu ku daydaan.
Inkasta oo joogitaanka Ali, uu aad uga gaaban yahay muddada lixda bilood ah ee caadiga ah ee cirbixiyeennada Shiinaha ay saldhigga hawada sare ku qaataan, haddana Pakistan waxay arrintan u aragtaa guul weyn.
"Waxay Pakistan u keenaysaa sharaf, aqoon muhiim ah oo dhinacyada sayniska iyo tiknoolajiyadda ah, iyo iskaashi qoto dheer iyo xiriir diblomaasiyadeed oo wanaagsan oo ay la yeelato Shiinaha," ayuu yiri Blaine Curcio, oo ah aasaasaha shirkadda Orbital Gateway Consulting ee fadhigeedu yahay Hong Kong.
Curcio ayaa intaas ku daray: "Marka Shiinuhu cirbixiyeen dal kale u dhashay u oggolaado inuu saldhiggiisa hawada sare tago, wuxuu muujinayaa inuu diyaar u yahay iskaashi iyo fursado ganacsi."
Saldhigga hawada sare ee Shiinaha, oo loo yaqaan Tiangong ama Qasriga Cirka afka Shiinaha, ayaa si buuxda u shaqeynayay tan iyo dabayaaqadii 2022.