Maraykanku ma wuxuu qorsheynayaa in uu weerar cusub ku qaado Iran isaga oo kaa shaanaya dalalka carabta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, oo ah hay'adda ugu sarreysa ciidamada Iran, ayaa sheegtay in Mareykanku uu isu diyaarinayo inuu mar kale weeraro Iran iyadoo ay taageerayaan qaar ka mid ah waddamada gobolka.
Warsaxaafadeed ay soo saartay, Xarunta Khatam al-Anbiya waxay ku sheegtay inay heshay xog sheegaysa in Mareykanku, oo ay taageerayaan qaar ka mid ah waddamada gobolka, uu isu diyaarinayo inuu mar kale weeraro Iran.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in "iyadoo lagu saleynayo xogta la helay, uu Mareykanku go'aansaday inuu dib u billaabo hawlgallada ka dhanka ah Iran kadib kulan wadajir ah oo ka dhacay waddan Yurub ah, iyadoo ay ogolaansho (ama calaamad oggolaansho) ka haystaan qaar ka mid ah waddamada gobolka."
Xarunta Khatam al-Anbiya ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhinacyada ka qaybgalay kulanka ama waddanka Yurub ee martigeliyay.
Hay'adda ugu sarreysa ciidamada Iran ayaa uga digtay waddamada gobolka in haddii ay 'ku biiraan' ama taageeraan weerarka Mareykanka, "loo arki doono inay qayb ka yihiin falkan foosha xun, isla markaana aysan filan karin dulqaad ama naxariis uga imaanaysa ciidamada qalabka sida ee awoodda badan ee Iran."
Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya ayaa sidoo kale uga digtay Mareykanka in haddii uu weerar dhaco, "dhammaan xarumaha ciidamada iyo danaha waddankaas ee gobolka ay la kulmi doonaan weerarro joogto ah, wax-ku-ool ah oo aad u daran (xanuun badan) iyada oo aan la samaynayn wax xaddidaad ama tixgelin ah."
Wax yar kadib war saxaafadeedkaas, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo xiriir la leh Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), ayaa sheegtay in hadalkaas uu tilmaamayay kulan qarsoodi ah oo dhexmaray Mareykanka, Israa'iil, iyo dalal Carbeed, kaas oo ka dhacay Jarmalka maalmo ka hor.
Tasnim waxay sheegtay in kulankaas ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo dhanka milatariga ah oo ka kala socday Mareykanka, Israa'iil, iyo dhowr dal oo Carbeed.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warkan waxaa markii ugu horreysay 15-kii Sebtembar baahisay shabakadda Mareykanka ee Axios, taas oo sheegtay in kulanku uu dhacay toddobaad ka hor.
Axios ayaa soo xigatay laba sarkaal oo Israa'iiliyiin ah oo sheegay in saraakiil sare oo milatari oo ka kala socda Mareykanka, Israa'iil, iyo dhowr dal oo Carbeed ay ku kulmeen Jarmalka si ay uga wada hadlaan dagaal lala galo Iiraan iyo xiisadaha ka jira Bariga Dhexe.
Sida uu sheegay warku, marka laga soo tago Mareykanka, waxaa kulankaas goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo milatari oo ka kala socday Israa'iil, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, Kuwait, Qatar, Urdun, iyo Masar; waxaana ka mid ahaa Taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) Brad Cooper iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Israa'iil.
Dalalka Carabta kama aysan hadlin arrintan, balse CENTCOM ayaa bayaan ku xaqiijisay in kulanku uu dhacay.
Sida ay sheegtay Axios, kulanku wuxuu ku qabsoomay codsi ka yimid Taliyaha CENTCOM Brad Cooper, kaas oo ku xaqiijiyay in Mareykanku uusan ciidamadiisa kala baxi doonin gobolka.















