Geerida mataanaha saacadaha kooban kala dambeyay ee gilgishay quluubta dad badan

Mataanaha ayaa saacado kala dambeyay
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Sheekadan ayaa soo jiidatay dareenka dadweynaha, ma aha oo keliya geerida mataanaha oo ku geeriyooday laba maalmood gudahood, balse sidoo kale xiriirka dhow ee ka dhexeeyay iyo in waalidkood ay ka shaqeeyaan waaxda caafimaadka Nigeria, ayaa sheekada ka dhigtay mid Dareen gaar ah leh.

Dr. Hadiyah Usman iyo Dr. Aidah Usman, oo labaduba 28 jir ahaa, waxay tan iyo carruurnimadoodii la noolayeen cudurka sickle cell.

Marka laga soo tago murugada ka dhalatay geerida labada gabdhood ee muddada laba maalmood gudahood ah, dhacdadani waxay sidoo kale iftiiminaysaa saameynta uu cudurka sickle cell weli ku leeyahay Nigeria, oo ka mid ah dalalka adduunka ee ay ugu badan yihiin dadka qaba cudurkan.

Baraha bulshada, dad badan, gaar ahaan dhallinyarada, ayaa muujiyay murugadooda iyo sida ay uga naxeen geerida mataanaha iyo qoysaskooda, gaar ahaan maadaama ay ku geeriyoodeen 48 saacadood gudahood, iyagoo labaduba ahaa dhakhaatiir da'yar.

Sida ay mataanuhu u geeriyoodeen

.Professor Hadiza Abdullahi Usman, oo ah agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka FMC Nguru, waa hooyada mataanaha.

Sida laga soo xigtay ilo qoyska ah, Hadiyah ayaa si daran ugu xanuunsatay cudurka sickle cell, waxaana la dhigay Xarunta Caafimaadka Federaalka ee Nguru, gobolka Yobe, halkaas oo ay Jimcihii ku geeriyootay.

Dhanka kale, mataanteeda Aidah ayaa lagu daweynayay Isbitaalka Jaamacadda Maiduguri, iyadoo la tacaalaysay xaalad caafimaad oo la mid ah tan walaasheed.

Kadib markii Aidah isbitaalka laga saaray iyadoo caafimaad qabta, waxay ku laabatay Nguru si ay uga qeyb qaadato baroordiiqda geerida walaasheed. Hase yeeshee, iyaduna Axaddii ayay geeriyootay, 48 saacadood kaddib geeridii Hadiyah.

Mataanaha ayaa ahaa gabdho ay dhashay Barofessor Hadiza Cabdullaahi Usman, oo ah agaasimaha maamulka isbitaalka FMC Nguru, sidoo kale ahaa dhakhtarad sare iyo bare jaamacadeed.

Geeridooda ayaa murugo weyn ka dhalisay qoyska, asxaabta iyo shaqaalaha caafimaadka.

Qoyska ayaa sheegay in aysan ahayn wax aan caadi ahayn in mataanuhu isku mar xanuunsadaan, xitaa haddii ay ku kala nool yihiin meelo kala duwan.

Waxay sheegeen in mataanuhu leeyihiin xiriir gaar ah, ayna tan iyo carruurnimadoodii wax wada baran jireen, wax wada cuni jireen, isla markaana waqti badan wada qaadan jireen.

Waa maxay cudurka Sickle Cell?

.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cudurka Sickle Cell waa cudur dhiiga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kaas oo saameeya unugyada dhiigga cas. Wuxuu si gaar ah ugu badan yahay dadka qaba hidde-sideyaasha AS iyo AS, ama marka mid ka mid ah waalidku yahay SS, kan kalena AS.

Cudurkani ma saameeyo oo keliya qofka qaba, balse wuxuu sidoo kale saameyn ku yeelan karaa qoyskiisa iyo bulshada.

19-ka Juun ee sannad kasta ayaa loo asteeyay Maalinta Caalamiga ah ee Sickle Cell, taas oo Qaramada Midoobay u aqoonsatay maalin lagu wacyigeliyo bulshada caalamka.

Qiyaaso ayaa sheegaya in sannad kasta adduunka ay dhashaan ku dhowaad 300,000 carruur ah oo qaba cudurka, iyadoo qayb weyn ay ku dhalato Nigeria. Khubarada caafimaadku waxay aaminsan yihiin in baaritaanka dhiigga ka hor guurka uu muhiim u yahay in la ogaado xaaladda hidde-sideyaasha lamaanaha, isla markaana uu ka caawin karo yareynta dhalashada carruurta qaba cudurkan.

Cudurka Sickle Cell wuxuu si gaar ah ugu badan yahay qaar ka mid ah gobollada waqooyiga Nigeria.