Daawashada muuqaallo badan ma dhaawacdaa xusuusta dhallinyarada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa laga yaabaa inaad taleefankaaga soo qaadato si aad u daawato hal muuqaal oo gaaban ka hor intaadan seexan, ama xilliga aad nasashada yar ku jirto. Laakiin intaadan dareemin, waxaad isku arki kartaa adigoo fiidyow midba midka kale ka dambeeya daawanaya, saacado badanna ay kaa tageen.
Arrintan ayaa ka mid ah sababaha ay dad badan ugu mashquulaan muuqaallada gaagaaban ee baraha bulshada sida TikTok, Instagram, YouTube iyo Facebook.
Laakiin su'aashu hadda ma aha oo keliya inta waqti ah ee dhalinyaradu ku qaataan shaashadaha. Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in habka ay muuqaallada midba midka kale kuugu dhiibayo iyo qaabka ay barahani u dhisan yihiin, ay saameyn ku yeelan karaan diiradda, fikirka iyo awoodda ay dhalinyaradu u leeyihiin inay xasuustaan xogta ay daawadaa.
Maxaa dhacaya marka muuqaalladu aanay joogsan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Daraasad cusub oo cilmiyeed oo falanqaysay 42 daraasadood, laguna sameeyay in ka badan 46,900 qof, oo celcelis ahaan da'doodu ahayd 16 ilaa 17 sano, ayaa muujisay xiriir u dhexeeya daawashada badan ee muuqaallada gaagaaban iyo dhibaatooyin la xiriira maskaxda iyo hab-dhaqanka.
Daraasaddan oo bishii Juun lagu daabacay Springer Nature, ayaa sheegtay in daawashada joogtada ah ee fiidyowyada gaagaaban, oo mararka qaar qaadan karta saacado, lala xiriiriyay ay sababi karaan arrimahaan hoose:
Hoos u dhac ku yimaada awoodda feejignaanta.
Dhibaatooyin la xiriira shaqada maskaxda iyo xakamaynta fikirka.
Dareen walaac iyo niyad-jab.
Calaamado muujinaya ku-tiirsanaan ama isticmaal xad-dhaaf ah.
Si kastaba ha ahaatee, daraasaddu ma caddeynayso in fiidyowyada gaagaaban ay si toos ah u keenaan dhibaatooyinka xusuusta ama ay yareeyaan muddada feejignaanta.
Sababtu waa in inta badan daraasadaha la falanqeeyay ay dadka ka eegeen waqti kooban, taasoo adkeynaysa in la ogaado waxa sababaya arrimaha aan soo xusnay.
Sidaas darteed, cilmi-baaris dheeraad ah oo muddo dheer socota ayaa loo baahan yahay si loo fahmo xiriirka dhabta ah ee ka dhexeeya daawashada badan ee muuqaallada gaagaaban iyo dhibaatooyinkan.
Daawasho dheer oo aan kala go' lahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cilmi-baarista ayaa muujinaysa in carruurta iyo dhallinyarada oo si xad-dhaaf ah u daawada muuqaallada iyo maqalka ay saameyn ku yeelan karto hab-dhaqankooda iyo sida xusuustu u samaysanto.
Daraasaddu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in hidde-sideyaashu door ku yeelan karaan laba marxaladood oo muhiim ah oo korriinka aadanaha ah: carruurnimada iyo qaan-gaarnimada.
Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale eegayeen saddex arrimood oo baraha bulshada u adeegsadaan inay qof walba ugu soo xulaan muuqaallo:
Xogta ku saabsan isticmaalaha iyo nooca muuqaallada uu daawado.
Muuqaallo qofka ku dhiirrigeliya inuu sii wato daawashada, isaga oo aan rabin inay dhammaato.
Sida uu qofku si degdeg ah uga boodo ama uga gudbo muuqaal.
Baraha bulshada ayaa markaas qof kasta u soo xula muuqaallo la jaanqaadaya danihiisa iyo hab-dhaqankiisa. Tani waxay kordhin kartaa waqtiga uu qofku ku qaato daawashada, xitaa isaga oo aan markii hore qorsheyn inuu waqti dheer daawado.
Waaliddiintu ma tahay inay ka welwelaan?
Caddeymaha hadda jira si cad uma muujinayaan in daawashada fiidyowyada gaagaaban muddo dheer ay keento dhaawac joogto ah oo maskaxda ah ama dhibaato ku timaadda xafididda xogta.
Si kastaba ha ahaatee, daraasaddu waxay muujisay arrin muhiim ah, taas oo ah in isticmaalka xad-dhaafka ah ee muuqaalladan lala xiriiriyay dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca maskaxda iyo hab-dhaqanka ah, inkastoo loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah oo arrintan si qoto dheer u eegta.
Bare sare oo jaamacadeed, Van Bavel, ayaa aaminsan in natiijooyinkani muujinayaan arrin ay tahay in waalidiintu si dhab ah u tixgeliyaan, gaar ahaan haddii isticmaalka barahani uu carruurta ku keeno inay saacado badan si aan kormeer lahayn u daawadaan muuqaallo.
Si kastaba, daraasaddu waxay sheegtay in ay jiraan arrimo kale oo yareyn kara khatarta, sida in carruurtu helaan deegaan wanaagsan, loo sameeyo nidaam ku saabsan isticmaalka qalabka casriga ah, iyo in la helo faham iyo wacyi wanaagsan oo ku saabsan sida tiknoolajiyada casriga ah loo isticmaalo.
Ugu dambayn, su'aasha ugu muhiimsan laga yaabee inaysan ahayn in muuqaallada gaagaaban laftoodu ay xun yihiin iyo in kale, balse ay tahay sida loo isticmaalo, inta waqti ee ay dhallinyaradu ku qaataan daawashadooda, waqtiga ay daawadaan, waxa ay uga beddelanayaan waxyaabihii kale ee ay samayn lahaayeen, iyo in qaabka barahani u dhisan yihiin uu qofka ku dhiirrigeliyo inuu sii daawado isaga oo aan helin calaamad cad oo uu ku joojin karo.
Su'aasha weyn ayaa ah: Daawashada muuqaallada midba midka kale si degdeg ah kuugu gudbinayo ma beddeli karaan sida maskaxdu u shaqayso iyo awoodda qofku u leeyahay inuu diiradda saaro waxyaabo kale oo muhiim ah ? Cilmi-baaristu weli way socotaa si jawaab looga helo su'aashan.


























