Ilmo aan dhalan oo qallin lagu sameeyey isagoo weli ku jira uurka hooyadii

Xigashada Sawirka, Maisie Savage
Dhakhaatiir ayaa qalliin taariikhi ah ku sameeyay ilmo aan weli dhalan. Waxay hagaajiyeen cilladii uu lahaa isagoo weli caloosha hooyadiis ku jira.
Hooyadiis oo lagu magacaabo Maisie Savage oo reer London ah, waxaa qalliinka ku sameeyay dhakhaatiir ku sugan Mareykanka iyadoo uurkeedu jiray 26 toddobaad.
Ilmaha yar ee la yiraahdo Theo, oo hadda jira 5 bilood kuna nool caafimaad iyo farxad, wuxuu ku dhashay cillad loo yaqaan gastroschisis. Cilladaan waxay dhacdaa marka xuddunta uurka aysan si buuxda u xirmin, taasoo sababta in xiidmuhu dibadda caloosha uga soo baxaan.
Dhakhaatiir xirfad leh oo ku sugan Mareykanka ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh. Waxay qayb u fureen uurkii hooyadiis, kadibna si jilicsan oo taxadar leh ayay xubnaha gudaha dib ugu soo celiyeen calooshiisa. Waxay adeegsadeen qalliin casri ah oo godad yar laga galo oo loo yaqaan keyhole surgery.
Theo wuxuu noqday ilmihii saddexaad ee adduunka oo ka faa'iidaysta tijaabadan caafimaad ee taariikhiga ahayd ee nooceeda ugu horreysay.
Hooyadiis Maisie oo 29 jir ah iyo aabihiis *Josh French* oo 36 jir ah, oo labaduba ku shaqeeya macallinnimo, waxay sheegeen inay qalbigooda ka buuxaan farxad iyo mahadnaq sababtoo ah guusha qalliinka hormuudka ahaa. Maisie waxay BBC News u sheegtay in wiilkeeda uu u yahay mucjiso yar oo noloshooda beddeshay.
Inkastoo ay hadda faraxsan yihiin, haddana labada waalid waxay og yihiin in arrimuhu si kale u dhici kareen oo ay halis jirtay.

Xigashada Sawirka, Maisie Savage
Cilladaan oo halis ah waxay ku dhacdaa hal ilmo, seddexdii kun ee ah ilmaha UK ka dhasha sanad walba. Xaaladaha ugu fiican, ilmaha qaba cilladaan waxay u baahan yihiin inay muddo dheer ku jiraan daryeelka degdegga ah, loo siiyo nafaqo tuubo ama IV ah, iyo in la sameeyo qalliin lagu saxayo xaaladdooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaladaha ugu adag, sida tan wiilkan la yiraahdo Theo, natiijadu waxay noqon kartaa mid aad u culus. Ilmaha qaar waxay ku qaataan ilaa lix bilood daryeelka degdegga ah ee dhallaanka, waxay mariyaan qallino badan, waxaa muddo gaareysa ilaa labo sano lagu quudiyaa nafaqo xididka laga siiyo, waxaana suurtagal ah in loo baahdo qalliin lagu bedelayo xiidmaha.
Xataa haddii loo helo daryeelka caafimaadka ee ugu sarreeya, 10-kii ilmood ee xaaladaan soo mara mid ayaa nasiib darro geeriyooda oo aan ka kicin dhibaatada noocaasi ah.
Josh ayaa sheegay in markii ay aadeen baaritaankii 20-ka toddobaad ay isbitaalka tageen iyagoo qaba farxad iyo xiiso. Waxay aad u jeclaysteen in ay marka ugu horreysa arkaan sawirka ilmahooda. Xilligaasna wali ma aysan ogayn in ilmuhu wiil yahay.
Laakiin markii dambe waxay heleen war naxdin leh. Markii ay ogaadeen in Theo uu qabo cillada loo yaqaan gastroschisis, cillad lagu dhasho oo caloosha dalool yar ku yeesho, waxay dareemeen cabsi iyo walaac aad u weyn.
Markii uurku gaaray 24 toddobaad, dhakhaatiir khaas ah oo ka tirsan Isbitaalka Carruurta ee Great Ormond Street ee London ayaa la fadhiisatay Maisie iyo Josh. Waxay u sharxeen sida 6-da bilood ee ugu horreysa ee nolosha Theo ay noqon lahayd.

Kadib waxaa la ogaaday in xaaladda Theo ay ka daran tahay, oo uu qabo nooca loo yaqaan complex gastroschisis oo ah cilladii oo aad uu daran. Sidaa darteed dhakhaatiirtu waxay go'aansadeen in ay u diraan Isbitaalka Carruurta ee Texas oo ku yaalla magaalada Houston si loo helo daaweyn ilmaha lagu badbaadin karo.
Halkaas waxaa ku sugnaa koox dhakhaatiir ah oo aad u khibrad badan, ku takhasusay daryeelka uurka iyo qalliinka dhallaanka. Kooxda waxaa hoggaaminay Dr Michael Belfort. Waxay ka qaybqaadanayeen tijaabo caafimaad oo cusub oo taariikhi ah, taasi oo ugu horreysay adduunka. Tijaabadan waxay ujeedadeedu ahayd in cillada daran ee dhallanka uurka ku jira haysata la saxo isagoo ilmuhu weli uurka hooyadiis ku jiro.
Dr Belfort oo ahaa hoggaamiyaha mashruucan, hore wuxuu caan ku ahaa inuu sameeyay qalliin la mid ah oo uurka lagu sameeyo. Qalliinkaas wuxuu ahaa mid loogu talagalay dhallaanka qaba cillada dhabarka ee loo yaqaan spina bifida.
Dhakhaatiirtu waxay Maisie ku yiraahdeen waa in ay isla markiiba ka tagto gurigeeda oo ay u guurto Texas. Waxayna halkaas sii joogeysaa ilaa ay ka umusho. Maisie waxay sheegtay in go'aankaas uu ahaa mid aad u adag. Noloshoodii oo dhan ayuu rogay. Wax walba way ka tageen si ay u badbaadiyaan wiilkooda.
Kahor inta aysan Texas gaarin, safar kale ayaa ka horeeyay. Qoysku waxay marka hore u duuleen dalka Belgium, magaalada Leuven. Halkaas waxaa ku yaallay isbitaal weyn oo ka qeybqaadanay tijaabo caalami ah oo cusub.
Isbitaalkaas dhakhaatiir khaas ah ayaa Maisie ka siiyay duritaan Botox ah. Botox waa daawo loo isticmaalo in muruqyada la dejiyo muddo kooban. Dhakhaatiirtu waxay irbad yar ku duraan muruqa, markaas muruqu wuu dabcaayaa oo ma adkaado.
Duritaanka waxaa laga geliyay uurkeeda, ilaa iyo derbiga caloosha ilmaha yar ee Theo. Ujeeddadu waxay ahayd in muruqyada caloosha Theo la nasiiyo oo la jilciyo. Marka muruqyadu jilcaan, qalliinka dambe ee lagu soo celinayo xiidmaha ayaa aad u fududaada.
Tallaabadaas ka dib, qoysku waxay toos ugu aadeen Texas. Qalliinka weyn waxaa la sameeyay bishii November ee sanadkii hore, markaasoo uurku gaaray 26 toddobaad.
Josh oo ah aabbihii dhalay Theo ayaa sheegay in maalintaas sugitaanku uu ahaa kii ugu adkaa ee uu soo maro. Wuxuu sheegay in wakhtigu uusan socon. Maalintii oo dhan waxay u ekaatay todobaad. Wuxuu fadhiyay isagoo walwal iyo cabsi qaba, sababtoo ah ma uusan garanayn waxa daqiiqad kasta gudaha ka dhacaya.
Intii qalliinka lagu guda jiray, dhakhaatiirtu waxay sameeyeen waxyaabo aad u yaab badan. Marka hore waxay qayb ka fureen uurkii Maisie si ay u helaan meel ay ilmo-galeenka iyo ilmaha ay isku toosan yihiin.
Kadib waxay soo saareen dhammaan biyihii uurka ku jiray. Biyahaas waxay ku beddeleen gaas fudud oo loo yaqaan CO2. Gaaskaas waxaa loo buufiyay si caloosha gudaha ay u ballaarato oo dhakhaatiirtu si fiican uga shaqeeyaan.
Markaas ayay adeegsadeen qalliin casri ah oo loo yaqaan keyhole surgery oo macnaheedu yahay qalliin yar oo godad yar laga galo. Iyagoo aad u jilicsan, waxay xubnihii Theo ee dibadda uga soo baxay caloosha si tartiib ah ugu soo celiyeen meeshoodii saxda ahayd ee gudaha caloosha.
Ugu dambayn, markii wax walba la hagaajiyay, waxay si taxadar leh u toleen oo uu xidheen calooshii yarayd ee Theo.
Maisie waxay ku noolaatay nabar weyn. Nabarkaas wuxuu ahaa mid labo jeer ka weyn nabarka caadiga ah ee haweenka lagu qalo marka ay ku dhalaan qalliinka C-section.
Laakiin xanuunkeeda wuu ka duwanaa kuwa kale. Sababtoo ah haweenka kale markay qalliinka galaan, ilmahooda gacanta ayay ku qaataan oo nasasho bilaabaan. Halka Maisie ay weli ku jirtay dagaalka ugu weynaa. Waxay weli kusii jirtay 14 toddobaad oo kale ay uur lahayd. 14 toddobaad oo dheeraad ah ayay ilmahii ay u hurtay caloosheeda iyadoo ku sidday ilaa uu ka dhasho.
Maalin kasta waxay dareemi jirtay laadkii wiilkeeda yar ee Theo. Wuxuu ku dhex dhaqdhaqaaqi jiray uurka gudihiisa. Mararka qaarkood wuxuu si toos ah ugu dhufan jiray meeshii nabarku ka yaallay. Taasna waxay keeni jirtay xanuun daran oo qalbiga gaara.

Xigashada Sawirka, Texas Children’s Hospital
Maisie waxay sheegtay in soo kabashadu runtii aad u adkayd ayna ahayd mid ka mid ah wakhtiyadii ugu adkaa nolosheeda. Laakiin marka ay eegto wiilkeeda ayay ogaatay in dhib kasta in loogu maro uu u qalmo.
Ilaahay mahadii qalliinkii wuxuu ahaa guul 100%. Dhakhaatiirtu waxaa u suurtagashay in ay Theo sii hayaan ilaa uu ka gaaray waqtigii dhalashada.
Bishii February ayuu aduunka yimid. Wuxuu ku dhashay dhalasho caadi ah, iyadoon qalliin kale loo baahan, magaalada Texas.
Dhakhtar Belfort oo ah madaxa waaxda umulista iyo dhallaanka ee Cisbitaalka Carruurta Texas, wuxuu ka hadlay farxaddooda.
Wuxuu sheegay in isaga iyo kooxdiisii oo dhan ay aad ugu faraxsan yihiin. Hooyadu way fiican tahay. Ilmuhu wuu fiican yahay. Qalliinkii wuu guulaystay. Wakhtigii saxda ahaa ayaa la doortay. Waxa ugu yaabka badan ee farxadda siiyay waxay ahayd in aan hal dhibaato ah kala kulmin. Qalliinkii dhexdiisa iyo ka dibna midna ma dhicin. Tani runtii waa mucjiso.
Haddii tijaabadani ay guulayso, borofisar Paolo de Coppi ayaa qalliinkan ka samayn doona dalka UK. Profisoorku wuxuu ka shaqeeyaa Isbitaalka Carruurta ee GOSH wuxuuna sidoo kale yahay madaxa waaxda cilmi-baarista unugyada iyo dib-u-dhiska jirka ee Jaamacadda University College London.
Borofisar Paolo wuxuu yiri waxaan rajaynaynaa in aan si dhakhso ah u bilaabi karno inaan adeeggan siino bukaanno badan. Dhakhtar Belfort isna aad buu ugu faraxsan yahay iskaashigan.
Wuxuu sheegay in Cusbitaalka Carruurta Texas iyo cisbitaalka GOSH haddii ay wada shaqeeyaan ay noqon doonaan koox aad u awood badan. Belfort wuxuu horey uga fikiraa waxa xiga ee la qaban karo.
Wuxuu sheegay in gudaha ilmo-galeenka hooyada uu hadda noqday meel cusub oo lagu samayn karo qalliinno cusub iyo hal-abuurro cusub. Wuxuu yiri cudurka spina bifida oo ah laf dhabarta oo furnaata iyo cudurka gastroschisis oo ah xiidmaha oo caloosha ka soo baxa labadooda keliya maaha.
Wuxuu aaminsan yahay in mustaqbalka la qaban karo qaar ka mid ah qalliinada wadnaha iyadoo ilmuhu weli uurka ku jiro. Wuxuu kaloo aaminsan yahay in la samayn karo qaar ka mid ah qalliinada sambabbada iyadoo ilmuhu weli uurka ku jiro.
Dhakhaatiirtu waxay rajaynayaan in mustaqbalka ay qalliin badan ku samayn karaan ilmaha isagoo weli uurka ku jira, si uu u dhasho isagoo caafimaad qaba.
Hadda waxay ku nool yihiin gurigooda magaalada London. Maisie waxay sheegtay in Theo uu aad u caafimaad qabo oo aad u fiican yahay.
Waxay tiri dhakhaatiirtu waxay sameeyeen waxyaalo badan oo beddelay bilowgii noloshiisa. Bilowgii wuxuu noqon lahaa mid aad u adag oo xun. Laakiin hadda wuu fiican yahay. Waa ilmo caadi ah oo kale.
Josh wuxuu sheegay in labadoodu ay dareemayaan nasiib weyn. Wuxuu sheegay in kooxda dhakhaatiirtu ay saamayn weyn ku yeesheen qoyskooda. Waxay dareensiiyeen in si wanaagsan loo soo dhaweeyay.
Waxay ka bilaabeen dhakhaatiirtii Isbitaalka Great Ormond Street ilaa Dr Belfort iyo kooxdiisa oo dhan. Josh wuxuu sheegay in intii ay joogeen dibadda daryeelkii ay heleen uu ahaa mid aad u fiican.
Wakhti adag oo noloshooda ka mid ahaa ayay dhakhaatiirtu u fududeeyeen. Hadda waxay haystaan wiilkooda yar, iyagoo aad ugu faraxsan in uu caafimaad qabo.













