Messi ma ka soo qayb geli doonaa arooska ninka ay muddada dheer xifaaltamayeen?

Messi iyo Ronaldo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xiddiga kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay in uu guursan doono lammaanihiisa Georgina Rodríguez, kaddib ku dhowaad 10 sano oo ay xiriir jacayl wada lahaayeen.

Ronaldo ayaa dhowaan faraanti u geliyay Georgina. Muddo dheer ayaa la isweydiinayay goorta ay arooskoodu dhici doono.

Lamaanahan ayaa muddo 10 sano ah wada joogay, waxayna leeyihiin carruur ay isu dhaleen.

Ronaldo ayaa hore u sheegay in uu arooskiisa qaban doono kaddib Koobka Adduunka, isagoo rajaynayay in uu koobka ku guulaysto ka hor inta aanay is guursan. Hase yeeshee, arrintaasi ma rumoobin.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay in Ronaldo, oo ku dhow in uu ka fariisto ciyaaraha kubadda cagta uu toddobaadka soo socda qaban doono aroos weyn.

Wararku waxay sheegayaan in arooska lagu qaban doono magaalada Funchal ee jasiiradda Madeira ee dalka Portugal oo ah halka uu Ronaldo ku dhashay.

Ronaldo iyo Georgina ayaa la sheegay in ay meherkooda ku qabsan doonaan Kaniisadda Cathedral-ka ee Funchal.

Sida ay wararku sheegayaan, arooska waxaa ka qeyb geli doona dad caan ka ah dunida, warbaahinta iyo ganacsatada waaweyn.

Warbaahintu weli ma shaacin liiska martida la casuumay. Sidoo kale lama oga in Lionel Messi, oo sannado badan kula tartamayay Ronaldo abaalmarinta Ballon d'Or, lagu casuumay arooska iyo in kale.

Waxaa xusid mudan in Ronaldo uusan ka qeyb gelin arooskii Messi.

Intaa ka dib, warbaahinta ay ka mid tahay **The Sun** ayaa sheegtay in hoteelka shanta xiddig leh ee **Savoy Palace** loo qabsaday munaasabadda, iyadoo la xaqiijiyay in muddo laba maalmood ah loo xiray munaasabadda laga bilaabo Sabtida soo socota.

Ronaldo oo 41 jir ah iyo Georgina oo 32 jir ah ayaa la sheegay in sannadkii hore la isugu xiray faraanti.

Waa tuma Georgina Rodríguez?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan iyo markii Cristiano Ronaldo ay kala tageen saaxiibaddiisii hore, Irina Shayk, Georgina Rodríguez oo ah naag caan ah oo u dhalatay Spain ayaa la noolayd Ronaldo, iyadoo xiriirkooda jacayl uu noqday mid dunidu si weyn u hadal hayso.

Ronaldo ayaa waraysi uu siiyay Piers Morgan si cad uga sheegay in uu aad u jecel yahay Georgina, isla markaana uu doonayo in uu noloshiisa inteeda dhiman kale la qaato.

Maalintii dhalashadeeda ayuu magaalada Dubai ku iftiimiyay dhismayaal waaweyn iyo muuqaallo uu sawirkeedu ku xardhanaayeen, taasi oo muujisay jacaylka uu u qabo.

Ka hor Georgina, Ronaldo wuxuu muddo shan sano ah xiriir la lahaa moodelka caanka ah ee u dhalatay Ruushka, Irina Shayk.

Markii la shaaciyay kala taggoodii sannadkii 2015, Ronaldo walaashii, Elma, ayaa tiri: "Wax walba waa qaddar Alle."

Dad badan ayaa u fasirtay hadalkaas inaysan dib isugu soo laaban doonin. Waxaa sidoo kale la sheegaa in Ronaldo uusan caado u lahayn inuu dib ugu laabto haweenkii ay horay u kala tageen.

Waxaa kale oo la sheegaa inuusan xitaa hal habeen la qaadan haweeney aan ixtiraamin hooyadiis.

Dad badan ayaa isweydiinayay qofka ay tahay Georgina. Iyaduna waxay dhowaan ku sheegtay dokumentari ka hadlaya nolosheeda in dadka badankood ay yaqaannaan magaceeda balse aysan si dhab ah u aqoon qofnimadeeda.

Georgina Rodríguez waa lammaanaha Cristiano Ronaldo, waana moodel, qoob-ka-cayaarte hore iyo qof saameyn weyn ku leh baraha bulshada.

Waxay Instagram ku leedahay in ka badan 44 milyan oo qof oo ku taxan.

Inkasta oo ay haysato dhalashada Spain, Georgina waxay ku dhalatay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina.

Kaddib waxay ku kortay magaalada Jaca ee waqooyiga Spain.

Jaca waxay qiyaastii 450 km u jirtaa Madrid, waana magaalo yar oo ku taalla xadka Faransiiska, kuna nool yihiin ku dhowaad 13,000 oo qof.

Intii ay halkaas ku noolayd waxay ka shaqayn jirtay u adeegista martida. Sida uu qoray wargeyska ciyaaraha ee AS, Ronaldo iyo Georgina waxay isku barteen dukaan Gucci ah oo ku yaalla Madrid.

Waqtigaas Georgina waxay ahayd kaaliye iibiye ka shaqaysa dukaanka, halka Ronaldo uu u ciyaarayay kooxda Real Madrid.

Georgina waxay dokumentarigeeda ku tiri:

"Qaab-dhismeedkiisa, jirkiisa iyo quruxdiisa ayaa isla markiiba qalbigayga soo jiitay. Waxaan dhihi karaa hortiisa ayaan ku dhacay. Laakiin aad baan u xishoonayay."

Waxay sii raacisay: "Waxaan ahay qof aad u xishood badan. Taasi waxay igu adkaynaysay inaan si fudud ula hadlo qof aan hal mar oo keliya arkay. Laakiin jacaylkii iyo daryeelkii uu Ronaldo i siiyay ayaa wax walba beddelay."

Waqtigaas Georgina waxay shaqada ku tagi jirtay bas, mana haysan gaari u gaar ah, xitaa mararka qaar lacag ku filan oo gaadiidka lagu raaco may haysan.

Kaddib markii Ronaldo bartay, wuxuu inta badan shaqada uga qaadi jiray baabuurtiisa qaaliga ah, waxaana la sheegaa in shaqaalihii la shaqayn jiray ay bannaanka u soo bixi jireen si ay u daawadaan.

Xiriirkoodu si degdeg ah ayuu u soo shaac baxay, waxaana bilowday inay si joogto ah ula socdaan sawir-qaadayaasha.

Sannadkii 2016 waxaa la arkay Ronaldo isagoo xiran timo macmal ah iyo muraayado si uusan dadku u aqoonsan.

Georgina waxaa lagu ammaanaa sida ay u daryeesho carruurta Ronaldo. Waxay xiriir wanaagsan la leedahay wiilkiisa curadka ah, Cristiano Jr., waxaana marar badan la arkaa iyadoo garoommada kula daawanaysa ciyaaraha isaga iyo aabbihii.

Waxaa la rumeysan yahay in ixtiraamka iyo jacaylka ay u hayso qoyskiisa ay sabab u yihiin in Ronaldo uu si gaar ah u qiimeeyo.

Cristiano Jr. wuxuu ku dhashay Maraykanka sannadkii 2010, hase yeeshee ilaa maanta si rasmi ah looma shaacin qofka ay tahay hooyadiisa dhabta ah.

Ronaldo arrintaas sir ayuu ka dhigtay, halka hooyadii Dolores iyo Georgina ay door weyn ka qaateen daryeelka wiilkiisa.