Sida Ruushku uu askar, gubatay, dhaawacantay oo xabado ku dhaceen ugu dirayo furumaha

Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images
- Author, BBC News Russian
- Published
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Ka dib markii uu ku dul-istaagay miino, Oleg Shikin waxaa loo qaaday isbitaal isagoo biro firir ah ay uga jiraan lafta madaxa, gubasho ka soo gaartay wajiga iyo gacanta, iyo dhaawacyo ku yaalla isha bidix, laabta, gacmaha iyo lugaha. Qayb ka mid ah lafta madaxiisa ayaa qalliin looga saaray.
Shikin wuxuu u aqbalay in ciidanka galo si uu u helo xorriyaddiisa xilli uu ku jiray xabsi ciqaabeed. Afartii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Ruushku uu doonayay inuu askar dheeraad ah u qorto dagaalka uu kula jiro Ukraine, tobanaan kun oo maxbiis ah ayaa qaatay go'aan la mid ah kan Oleg.
Ka dib markii la daweeyay, Shikin waxaa loo gudbiyay baaritaan caafimaad oo dhanka milatariga ah si loo ogaado inuu yahay qof "aan u qalmin adeegga milatariga iyo in kale" — xaalad u oggolaanaysa in askarta laga saaro ciidanka xilliga dagaalka.
Waxaa la soo jeediyay in dib loo qiimeeyo xaaladdiisa ka dib fasax xanuun oo hal bil ah. Hase yeeshee, waxaa dib loogu celiyay safka hore ee dagaalka, iyadoo madaxiisa ay ku jirto birta 'titanium'-ka.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Kiiska Shikin waa mid ka mid ah daraasiin qof oo ay soo bandhigtay BBC News Russian. Dukumentiyada maxkamadda ee dadweynaha laga heli karo ayaa muujinaya eedeymo soo noqnoqda oo taliyayaashu ay askar dhaawac ah ku celiyeen dagaalka halkii ay u diri lahaayeen qiimeyn caafimaad oo sharci ah.
Sida ku cad sharciga Ruushka ee ku saabsan waajibaadka militariga iyo adeegga militariga, laba darajo oo taam ahaansho jireed ah ayaa la fiiriyaa, "qof aan taam ahayn" iyo "qof aan qayb ahaan taam ahayn" qiimeynada kala ah, ayaa horseedi kara in laga sii daayo qofka shaqada ciidanka. Waxaa go'aamin doona guddi caafimaad oo milatari oo ka kooban dhakhtar, dhakhtar qalliin, dhaqtar neerfaha, dhakhtarka dhimirka, dhakhtarka indhaha, khabiir dhegaha iyo cunaha ah, dhakhtarka ilkaha iyo, markii loo baahdo, khabiiro kale.
Maadaama aan la helin guddi caafimaad oo buuxa, Shikin wuxuu u dacwooday Maxkamadda Ciidanka ee Nizhny Novgorod Garrison in si sharci darro ah loola dhaqmay. Maxkamaddu waxay u muuqataa inay qaaday eedihii uu soo jeediyay, iyadoo amar ku siisay taliyihiisa inuu hubiyo inay taasi dhacday.
Laakiin halkan ayay ku dhammaadeen raadadkii warqaduhu. Ma jirto meel kale oo mar dambe looga hadlay Shikin - mana la oga in waligiis dib loo qiimeeyay, ama xitaa haddii uu hadda dhintay ama nool yahay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maxaabiis badan oo hore ayaa si wax ku ool ah ugu dhex xayiran ciidanka, taasoo u oggolaanaysa inay "si qarsoodi ah ugu dhuuntaan" dagaalka, sida uu sheegay Sergei Krivenko, agaasimaha kooxda xuquuqda aadanaha ee Citizen Army Law.
Tusaale ahaan, Maxkamadda Ciidamada ee Degmada Koonfureed waxay xukuntay in diiwaanka dambiyeed ee Rustam Farzaliyev uu ka hor istaagay inuu ka tago ciidanka, inkastoo uu "qayb ahaan taam ahaa" sababtoo ah "cudur bulsho oo aad u darnaa oo uu qabay".
Dhanka kale, maxbuus hore Vitaly Kamenyuk, ayaa ka cawday in lagu dhawaaqay inuu ku habboon yahay adeegga ciidnaka iyadoo lagu saleynayo ra'yiga hal dhakhtar oo neerfaha ah, wuxuuna diiday qiimeyn rasmi ah, inkastoo dhaawacii hore ee uu qabay ay shahaadada qiratay in ahaa "dhaawac halis ah".
Mutadawiciin caadi ah oo farahooda ku waayay dagaal ama qaba xaalado sida HIV, qaaxo (TB), kansar ama cudurka dhimirka ayaa laga saaray xabsiga iyagoo ah "qayb ahaan taam ah". Laakiin maxaabiistii hore ma aha kuwa kaliya ee ka cabanaya qiimeynta caafimaad ee lagu sameeyay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannadkii 2022, markii boqolaal kun oo ka tirsan ciidamada kaydka ah loo yeeray, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay soo saartay amar dagaal oo sheegaya in la marsiiyo baaritaan caafimaad marka ay yimaadaan cutubyadooda militariga "si looga saaro kuwa qaba cudurrada faafa, iyo sidoo kale dhaawacyada iyo cudurrada dhibka ku ah abaabulka ciidanka". Kaliya haddii "inaysan taam ahayn" lagu ogaado baaritaankan ayaa loo ogolaanayay inay guddi caafimaad oo buuxa hortagaan.
Warqadaha maxkamadda ee Dmitry Yelkin oo ahaa ciidamada kaydka ayaa sheegay in loo arkay inuu ku habboon yahay inuu ciidanka galo iyadoo qiimaynta lagu salaynayo oo keliya diiwaannadiisa caafimaad ee 11 sano ka hor - caafimaadkiisa hadda si habboon looma qiimeyn.
Amar kale, oo uu saxiixay Juun 2023 Wasiir ku xigeenka Difaaca ee xilligaas Timur Ivanov, ayaa sheegay in dhakhtar heegan ah oo ka tirsan cutubka militariga ama xitaa kaaliye caafimaad, halkii uu ka ahaan lahaa guddi caafimaad oo buuxa, uu qiimeyn doono askarta laga saaray isbitaalka ama ka soo laabtay fasaxa xanuunka inay yihiin kuwo taam ah, aan taam ahayn ama qayb ahaan taam ah.
Maanta, inkastoo ay jirto qorista maxaabiista, ardayda iyo dadka dibadda islamarkaana mushahar wanaagsan la bixiyo, dhowr warbaahin oo madax-bannaan oo Ruush ah ayaa soo sheegay in tirada diyaar u ah inay ku biiraan ay hoos u dhacayso.
Dhanka kale, tirada dhimashada iyo dhaawaca ee goobaha dagaalka ayaa sii kordheysa.

Xigashada Sawirka, SOPA Images/LightRocket via Getty Images
Laanta Ruushka ee BBC News ayaa hadda aqoonsatay oo shaacisay magacyada 233,200 oo askari oo ku dhintay dagaalka. Bishii Maarso 2026, madaxa hay'adda sirdoonka UK ee GCHQ ayaa sheegay in ku dhawaad 500,000 oo askari oo Ruush ah la dilay tan iyo markii Ruushku uu bilaabay duullaanka ballaaran ee uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.
Hadda, iyadoo ay sii kordhayaan caqabadaha dhanka sharciga ah ee ka imaanaya askarta dhaawacmay, Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa soo jeedisay in awaamiirta xilliga dagaalka loo beddelo sharci rasmi ah oo joogto ah.
"Asal ahaan, waxay doonayaan inay guddiga caafimaadka ciidanka ku beddelaan baaritaan caafimaad oo caadi ah," ayuu yiri qareen ka tirsan isbahaysiga Call to Conscience, kaas oo caawiya askarta qasabka lagu qoro, kuwa heshiiska ku shaqeeya iyo kuwa la abaabulay. Tani waxay muujinaysaa in Ruushku uu doonayo inuu ciidankiisa u diyaariyo mustaqbalka fog.
"Waxay ka dhigan tahay inaan mar dambe loo arkin tallaabooyin ku-meel-gaar ah," ayuu yiri qareenka oo la hadlayay BBC News Russian isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin.
"Waxay isu diyaarinayaan inay sidan oo kale u dagaallamaan muddo tobanaan sano ah."
BBC News Russian ayaa Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ka codsatay inay ka hadasho sharciga la soo jeediyay iyo cabashooyinka ku saabsan in askarta loo diiday baaritaanno caafimaad oo habboon, balse ma aysan bixin wax jawaab ah.













