Dhalmada ayaa iga lumisay xasuustayda: "mana garayn ilmahayga"

Xigashada Sawirka, Samina Ali
Marka kor lega eego, uurkaygu wuxuu u ekaa mid si caadi ah u socda oo aan wax dhibaato ah lahayn. Waxaan ahaa qof aad u da'yar, jir ahaan aad u caafimaad qabay, laakiin bilowgii waxaan lahaa dareen yaab leh oo ah in wax aan sax ahayn jirto. Dareenkaasna mar walba wuxuu ku soo noqnoqday maskaxdayda.
Dareenkan ah in wax aysan si buuxda u hagaagsanayn ayaa la socday qoraaga Samina Ali inta badan nolosheeda.
Waxay ka dhalatay qoys Muslim ah, carruurnimadeedana waxay ku qaadatay Hindiya iyo Maraykanka.
Waalidkeed waxay rumaysnaayeen inay dhalatay maalin nasiib xun, sidaas darteed waxay sameeyeen wax kasta oo ay awoodaan si ay u ilaaliyaan. Waxay ku dabooli jireen qalin iyo qardhaasyo, iyagoo ka baqaya in nolosheedu mar walba ay ku hoos jiri doonto xanuun iyo nasiib-darro.
Laakiin intii lagu jiray uurkeedii ugu horreeyay sannadkii 1999, dhakhaatiirteedu ma aysan qabin walaacyo noocaas ah. Markii ay sameeyeen sawirka ultrasound-ka ee uurjiifka yar, waxa ay arkeen oo ay maqleen ayaa dejiyay oo u xaqiijiyay inay xaaladdu wanaagsan tahay.
"Ma jirin wax kale oo la maqli karayay marka laga reebo garaac wadne oo aad u xoog badan, sida orodka faraska," ayay Samina u sheegtay BBC World Service.
"Codka garaaca wadnaha ayaa qolka oo dhan buuxiyay, waxaanan moodayay inaan waalanayo. Laakiin bishii toddobaad ee uurka, calaamadihii ayaa bilaabmay: aad ayaan u bararayay ilaa aan dareemi karayay farahayga oo is xoqaya marka aan wax qorayo, waan matagayay, waxaana qabay dhibaatooyin xagga aragga ah," ayay dib u xasuusatay.
Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirtu waxay mar walba u sheegi jireen inay tahay "qof da'yar, caafimaad qabta, oo si buuxda u wanaagsan."
Khalkhalka uurka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maalmahaas waxay internet-ka ka raadiyeen Samina iyo ninkeeda qoraaga ah, Scott, waxay sameeyeen waxa ay si fiican u yaqaaneen.
"Waxaan u jeesannay buugaagta iyo qoraallada, gaar ahaan buugga 'What to Expect When You're Expecting'," ayay Samina ku xasuusatay barnaamijka Outlook.
"Dhamaadka buugga, waxaa ku jiray bog ka hadlaya preeclampsia (cillad ku timaadda uurka oo badanaa la xiriirta dhiig-karka), kaas oo taxayay qaar ka mid ah calaamadihii aan qabay," ayay tiri.
Preeclampsia waa cillad ku timaadda uurka oo ka bilaabata dhibaatooyin ka dhaca mandheerta. Dhakhaatiirtu si buuxda uma fahmaan sababta ay u dhacdo, laakiin waxay noqon kartaa xaalad aad u daran oo saameyn karta xubno badan oo jirka ah, oo ay ku jirto maskaxda.
Haweenka Afrikaanka ama kuwa asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Aasiya ayaa si gaar ah ugu nugul xaaladdan. Calaamadaha waxaa ka mid noqon kara dhiig-kar, madax-xanuun daran, borotiin ku jira kaadida, iyo arag daciif ah ama indho-beel ku meel gaar ah.
Iyadoo walaacu sii kordhayay, lammaanuhu waxay isku dayeen inay mar kale arkaan dhakhtar.
"Wiilkaygu wuxuu filayay inuu dhasho toddobaad gudihiis, sidaas darteed waxaan ninkayga la aaday, sababtoo ah waa caddaan, waxaanan u malaynayay in sidaas dhakhaatiirtu laga yaabo inay i dhegeystaan," ayay Samina u sharaxday Outlook.
Si kastaba ha ahaatee, dhakhtarkii uurka qaabilayay wuxuu u sheegay in wax walba ay wanaagsan yihiin, wuxuuna u diray guriga isagoo ku yiri naso oo is deji.

Xigashada Sawirka, Samina Ali
Waxay ahayd xilligii ay umulaysay markii riyo-xumadii Samina ay dhab ahaan bilaabatay.
"Waxaan dareemayey xanuun aad u badan, mana ahayn xanuunka dhalmada, balse wuxuu ahaa xanuun ka yimid laabta iyo madaxa, kuwaas oo aan dareemayay inay I qarxi doonaan. Waxaan dareemayay in jirkaygu burburayo," ayay tiri.
"Dhakhtarkii ka qaybqaadanayay dhalmadayda wuxuu istaagay gadaasha kalkaaliyeyaashii kale si uusan uga jawaabin su'aalahayga," ayay intaas ku dartay.
"Dhiig-karkaygu si aad ah ayuu kor ugu kacay. Mararka qaar waan miyir beelayay, mararka qaarna waan soo miyir sanayey, sidaas darteed foosho kasta marka ay timaaddo, kalkaalisadu waxay ahayd inay i kiciso si aan u soo riixo. Waan wareersanaa, maskaxdayduna waxay horey u dareemaysay saameynta istaroogga. Xanuunka laabta wuxuu markii dambe noqday in la ogaado inuu ahaa wadne-qabad," ayay sheegtay.
Samina ma xasuusato dhammaan wixii dhacay ka dib; laakiin ma illoobi karto xanuunka.
"Waxaan xasuustaa markii wiilkaygu dhashay oo kalkaaliyeyaashu ay qaateen oo ay u mayreen. Waxaan xasuustaa anigoo sariirta jiifa, hal il oo keliya ii furan tahay , anigoo isku dayaya inaan arko oo aan garto isaga," ayay tiri.
"Labaatan daqiiqo ka dib markii aan ummulay, waxaa igu dhacay suuxdin guud oo jirkeyga oo dhan ku fiday; waxay u dhex martay jirkeyga sida suuxdin dabiici ah. Mar dambe ma aanan dareemin xanuun. Taasi waa waxa ugu dambeeya ee aan xasuusto," ayay dib u xasuusatay.
Samina iyo Ishmael, wiilkeeda cusub, waxaa loo wareejiyay qaybta daryeelka degdegga ah: isaga waxaa la geeyay qaybta carruurta dhasha, isagoo nafaqo-darro hayso; iyadana waxaa loo qaaday qaybta neerfaha, iyadoo koomo ku jirta, maskaxeeduna si daran u dhaawacantay, iyadoo ay ku xiran yihiin mashiinada neefta caawiya.
Shan maalmood ka dib, "ilmaha mucjisada ah," sida uu ugu naanaysi jiray dhakhtarkeeda neerfaha, ayay soo toostay. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Samina ay garan kartay waalidkeed iyo walaalaheed iyadoo ay u mahadcelinaysay xusuusihii carruurnimadeeda ee badbaaday, isla markaana ay ku hadli kartay afkeeda hooyo ee Urdu, waxay ku adkayd inay ku hadasho Ingiriisiga, mana aysan xasuusan ninkeeda ama inay ilmo dhashay.
"Dhakhtarkayga neerfaha wuxuu u malaynayay in la kulanka wiilkaygu ay iga caawin karto inaan dib u bilaabo soo kabashada xusuustayda," ayay u sheegtay Outlook.
"Sidaas darteed waxay ii keeneen isaga oo ku jira sanduuqa kulayliye ah, waxaana ka fahmay falcelinta qoyskayga in tani ahayd daqiiqad aad muhiim u ah. Anigoo aan haysan qaybta adag ee maskaxda ee noo oggolaanaya inaan sawiranno oo fahanno waxa nagu hareeraysan, waxaan ogaa in wax yaab leh ay dhacayaan, laakiin ma aanan garanayn waxa uu ahaa," ayay tiri.
Daqiiqaddan, oo ahayd inay noqoto mid qumman hooyo markii ugu horreysay gacanta ku haysa ilmaheeda cusub waxay noqotay mid aan ka sii xumaan karin.
"Markii kalkaaliyeyaashu wiilkayga saareen jirkayga, waxay dul saareen fiilooyin iyo tuubooyin. Sidaas darteed in 2.7 kiilo oo miisaan ah la igu dul saaro waxay ahayd wax aan loo adkaysan karin," ayay Samina dib u xasuusatay.
"Inigoo aanan fahamsanayn inuu yahay wiilkayga, waxa kaliya ee aan ogaa waxay ahayd inaan ku jiray xanuun aad u daran, mana aanan awoodin inaan kalkaalisada u sheego inay iga qaaddo; waxaan kaliya samaynayay dhawaaqyo xanuun ah, sidaas darteed waan iska daayay. Farxaddii waxay isu beddeshay cabsi buuxda. Waxay ahayd kulan-kii ugu horreeyay ee musiibo ah," ayay tiri.
Waxay ahayd niyad-jab dhinaca jacaylka ah oo Samina xilligaas xitaa aysan fahmi karin.
Ka warran Scott? "Waxaan noqday qof dagaal badan. Waan iska fogeeyay. Mar kasta oo uu ii soo dhowaado, waan baqi jiray," ayay tiri.
Dhakhtarkeeda neerfaha wuxuu rajaynayay in ku noqoshada guriga ka dib markii ay ka soo baxday isbitaalka ay ka caawin doonto Samina inay dib u soo ceshato xusuuso badan iyo kuwo badan; hase yeeshee, gurigu wuxuu ula ekaaday meel qof qalaad leeyahay.

Xigashada Sawirka, Samina Ali
"Wax walba waxay ahaayeen buuq aan macne lahayn, duniduna waxay noqotay mid mugdi ah," ayay dib u xasuusatay.
"Waxay ii sheegeen in ay qaadan doonto in ka badan hal sano in maskaxdaydu ku soo noqoto cabbirkeedii caadiga ahaa, sidaas darteed waxaan qabay madax-xanuun aad u daran. Ma aanan lahayn awood ama karti aan wax ku fahmo. Wax kasta oo maskaxdayda ku jiray way aamuseen. Waxaan ku dhex jiray jir aanan mar dambe aqoonsanayn," ayay sii raacisay.
Lix toddobaad ka dib, maskaxda Samina ugu dambayn waxay bilowday inay fahanto wixii dhacay iyo wixii ay lumisay. Si kedis ah, sawir aroos oo ay marar badan aragtay balse aysan hore u aqoonsan ayaa macne yeeshay.
"Isla markiiba ayaan xusuustay. Waxaan dareemay nafis markii aan ugu dambayn aqoonsaday noloshayda iyo gurigayga. Laakiin taas waxay ka dhiganayd inaan fahmay wax kasta oo aan lumiyay, waxaana ka xanaaqay jidhkayga. Waxaan u malaynayay in jidhkaygu i khiyaaneeyay," ayay sharaxday.
Inay dib ugu laabato nolosheedii ka hor dhaawaca waxay ahayd ku dhowaad wax aan suurtagal ahayn. Bilow ahaan, guurkeedii ma uusan badbaadin.
"Waxay ahayd sidii dib-u-dhalasho, ama nolol kale oo cusub. Scott wuxuu ogaaday in soo kabashadiisu ay si tartiib tartiib ah uga sii fogaynaysay aniga," ayay Samina u sheegtay Outlook.
"Waxaan sii waday dadaalka sababtoo ah waxay ahayd habkaygii aan ku badbaadi lahaa. Waxaan ogaaday in geesinimadu tahay in nala rido, dhulka nalagu tuuro, laakiin ay tahay marka aan dhulka joogno inaan go'aansanno inaan mar kale kacno," ayay qoraagu u sheegtay Outlook.
Shan sano ka dib, Samina waxay daabacday buuggeeda abaal-marinta ku guuleystay ee la yiraahdo Madras on Rainy Days. Daabacaadda buuggaasi waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo ka mid ah habka bogsashadeeda iyo fahamka wixii ku dhacay. Tallaabo kale oo muhiim ahna waxay ahayd inay garwaaqsato xiriirka ay la lahayd Ishmael.
"Markii aan dib u helay xusuusihii noloshayda, waxaan xasuustaa inaan dareemay xiriir aad u xooggan oo aan la lahaa isaga," ayay sharaxday.
"Markii uu hadal aan caddayn samaynayay oo uu isku dayayay inuu hadlo, waxaan fahmi karayay sida ay ugu adkayd isaga. Markii uu istaagay... dabadeedna uu dhacay, taasna waan fahmi karayay. Waxaan ka soo gudbay inaan isaga ka xanaaqo... una gudbay inaan si buuxda ugu xirmo isaga. Ilaa maanta aad ayaan isugu dhow nahay," ayay tiri.
Hadda, ku dhowaad 30 sano ka dib, iyadoo ay u dhalatay gabar 10 sano ka dib Ishmael, waxaa si kalsooni leh loo oran karaa Samina way kacday, wayna istaagtay iyadoo adkaysi leh.















