Xisbiga Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya guul weyn ka gaaray doorashooyinka

Abiy Ahmed oo codeynaya

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xisbiga Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii guud ee dalka, iyadoo xisbigiisu sii haystay aqlabiyaddii ballaarneyd ee baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, doorashada waxaa hadheeyay colaado, eedeymo la xiriira cabburin siyaasadeed, iyo ka-qaybgal yar oo ay sameeyeen xisbiyada mucaaradka.

Xisbiga Prosperity Party ayaa ku guuleystay 438 ka mid ah 501 kursi oo lagu tartamay, wuxuuna soo dhisi doonaa dowladda cusub. Abiy ayaa la filayaa in mar kale loo dhaariyo xilka ra'iisul wasaaraha bilowga bisha Oktoobar. Tani waxay farxad gelineysaa taageerayaashiisa oo aaminsan inuu sii wadi doono horumarka dhaqaale ee uu hoggaamiyay.

Hase yeeshee, qaar kale waxay ka cabsi qabaan in kala qaybsanaanta gudaha iyo caqabadaha amni ee horyaalla dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ay sii xumaan doonaan inta uu Abiy hoggaanka hayo. Abiy oo 49 jir ah ayaa talada dalka qabtay sannadkii 2018 xilli ay jireen dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda.

Markii hore waxaa lagu ammaanay dadaalladiisa lagu yaraynayo kala qaybsanaanta dalka, inkastoo uu ka caraysiiyay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka waqooyiga ee Tigray oo muddo ka badan labaatan sano awoodda dalka ku xooganaa. Hal sano kaddib wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka, taas oo badankeed lagu siiyay doorkiisii soo afjaridda colaaddii u dhexeysay Itoobiya iyo deriskeeda waqooyi ee Eritrea.

Laakiin khubaro amniga ah ayaa ka digaya in dalku dib ugu noqon karo dagaal, iyadoo fallaagada hubeysan ee ka dagaallamaya gobollada Amxaarada iyo Oromada aysan muujin wax calaamad ah oo ay ku dhammaanayaan.

Addis Ababa

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Maalintii doorashada, 143 goobood oo codbixineed ayaan la furin labada gobol ee ugu dadka badan dalka sababo la xiriira amni darrada ka dhalatay kooxo hubeysan oo dowladda la dagaallamaya. Maleeshiyaadka Fano ee Amxaarada iyo Ciidanka Xoreynta Oromada (OLA), oo dowladda mamnuucday, kuwaas oo labaduba doonaya ismaamul dheeraad ah, ayaa diiday doorashada iyo natiijooyinkeeda.

Xaaladdu sidoo kale waxay weli adag tahay gobolka Tigray oo kasoo kabanaya dagaal sokeeye oo laba sano socday kuna dhammaaday 2022. Gobolkaas iyo lixda milyan ee qof ee ku nool, oo ka koobnaa 38 deegaan doorasho, gebi ahaanba waa laga saaray doorashada iyadoo ay sii kordhayaan cabsi ah in dagaal mar kale qarxo. Tigray waxay xuduud la leedahay Eritrea, ciidamadeeduna intii uu dagaalku socday waxay garab siinayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo baahsan oo loo geystay shacabka Tigray, inkastoo ay arrintaas beeniyeen. Tan iyo markii dagaalku dhammaadayse, xiriirka Addis Ababa iyo Asmara si weyn ayuu u xumaaday. Eritrea oo leh xeeb dhererkeedu yahay 1,350 km ayaa ku eedeysa Itoobiya oo aan bad lahayn inay leedahay himilooyin ballaarin dhuleed.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, Abiy wuxuu marar badan ka hadlay baahida Itoobiya u qabto inay dib u hesho marin ay ku gaarto deked ku taal Badda Cas, taas oo ay lumisay markii Eritrea xornimada qaadatay sannadkii 1993. Isbeddel weyn oo dhacay awgiis, Asmara waxay hadda xulufo la noqotay hoggaamiyeyaasha Tigray.

Haddii dagaal cusub qarxo, waxaa suuragal ah in Eritrea ay garab istaagto ciidamada Tigray, iyaguna ay sidaas oo kale sameeyaan.

Addis Ababa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay ku lug leedahay dagaalka sokeeye ee Suudaan, oo xuduud la leh Itoobiya iyo Eritrea.

Warbixino kala duwan ayaa sheegay in Itoobiya ay taageerto mid ka mid ah dhinacyada dagaallamaya ee Suudaan, gaar ahaan Rapid Support Forces (RSF), inkastoo Itoobiya ay si joogto ah u beenisay eedeymahaas. Dhanka kale, Eritrea iyo ciidamada Tigray waxaa la rumeysan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin ciidamada Suudaan ee dagaalka kula jira RSF.

Arrimahan oo dhan waxay abuureen xaalad khatar badan oo saamaynteedu ku fidi karto guud ahaan gobolka, mana muuqato in Abiy uu hadda qaadanayo doorka dhexdhexaadiye nabadeed.

Colaadda u dhexeysa dowladda Abiy iyo Tigray People's Liberation Front (TPLF), oo ah xisbiga ugu awoodda badan Tigray, waxaa la filayay inay dhammaato heshiiskii nabadeed ee la saxiixay Noofambar 2022. Hase yeeshee labada dhinacba waxay isku eedeynayaan inay jebiyeen heshiiskaas.

Dagaalkaasi wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa qarnigan, iyadoo dhexdhexaadiyihii Midowga Afrika uu qiyaasay in ku dhowaad 600,000 oo qof ay ku dhinteen. Dagaalku wuxuu gobolka gaarsiiyay qarka macaluul, waxaana dowladda lagu eedeeyay inay hor istaagtay gargaarka cuntada, arrintaas oo ay iyaduna beenisay. Cameron Hudson, oo ah falanqeeye arrimaha Afrika ah kana soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegay in khatartu dhab tahay isla markaana ay labada dhinacba sabab u yihiin.

TPLF

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Midowga Yurub ayaa dhawaan ku baaqay in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda ka jirta waqooyiga Itoobiya. Mareykanka, oo door weyn ku lahaa heshiiskii nabadda ee 2022, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xayiraado fiiso oo lagu soo rogay xubno ka tirsan TPLF iyo qoysaskooda kuwaas oo lagu eedeeyay inay carqaladeynayaan xal u helidda dhibaatada Tigray.

Magnus Taylor oo ka tirsan International Crisis Group ayaa sheegay inuusan filayn dagaal degdeg ah, balse uu aaminsan yahay in xiisadda joogtada ahi tahay xaalad khatar badan. Wuxuu sheegay in siyaasadda gobolka ee aadka u kala qaybsan ay kordhin karto suurtagalnimada colaad goboleed oo ka bilaabata Tigray.

Sida ay sheegtay Shewit, oo ah siyaasi mucaarad ah oo ka soo jeeda Tigray, dhibaatadu waxay tahay in labada dhinac ay ku adkeysanayaan mowqifyadooda islamarkaana aysan diyaar u ahayn in ay khilaafaadkooda ku xalliyaan wadahadal. Iyadoo tiri: "Waxaan aaminsanahay inay sugayaan waqtiga ugu habboon ee ay awooddooda ku muujin karaan, taasina waxay horseedi kartaa dagaal." Sida uu qabo Hudson, bilaha soo socda ayaa go'aamin kara mustaqbalka Itoobiya.