Wax ka ogow 10ka dal ee ugu dhoofinta badan hubka dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Mamadou Faye
- Role, Weriye BBC
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Yaa hubeeya dunida? Ayadoo uu Maraykanku ugu horreeyo ayaa suuqa hubka ee dunida wuxuu gacanta ugu jiraa tiro dalal oo awood weyn leh, faransiiska ayaana ka mid ah kuwa ugu tunka weyn.
Xaqiiqdii Maraykanka ayaa suuqan hogaamiya, isagoo aad uga horreeya Faransiiska, Ruushka, Jarmalka iyo Shiinaha. Ayadoo xiisadda juquraafi siyaasadeed ay kordhinayso baahida qalab milateri, ayaa shantaas awoodood waxay gacanta ku hayaan hubka ugu badan ee dibadda loo dhoofiyo.
Haddaba halkan ka akhriso tobanka dal ee dhoofiya hubka badan ee dunida si waafaqsan xogta warbixin uu soo saaray machadka caalamiga ah ee cilmi baaridda nabadda ee Stockholm (SIPRI), taasoo la shaaciyey 9 Maarso, 2026.
1. Maraykanka: 52% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maraykanku wuu sii kobcayaa isaga oo adkaysanaya kaalintiisa ah hoggaamiyaha aan la isku khilaafin ee suuqa hubka. Runtii, sida laga soo xigtay SIPRI, Washington waxay u dhoofisay hub 99 waddan intii u dhaxaysay 2021 iyo 2025, kuwaasoo ay ku jiraan 35 ee reer Yurub ah, 18 ee Ameerika, 17 Afrika, 17 Asia-Pacific, iyo 12 Bariga Dhexe.
Ameerika oo leh saami caalami ah oo ah 42% (+27% marka la barbar dhigo 2016-2020), Dhoofinta hubka ee Mareykanka ayaa xaqiijinaysa hogaamintan. Yurub dhankeeda waxay noqotay, markii ugu horreysay muddo labaatan sano ah, kuwa ugu badan ee qaata (38%) hubka Maraykanka, kana horeeya Bariga Dhexe (33%).
Sacuudiga oo hela 12% hubka uu Maraykanku dhoofiyo ayaa ah macaamilka ugu weyn ee Ameerikaanka. Intaa waxaa dheer in tiro ka badan 460 ah dayaaradaha dagaalka ee F-35 oo ku wajahan Yuub in ay sugayaan in la qaado.
2. Faransiiska: 9.8% hubka la dhoofiyo ee dunida.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faransiiska ayaa kaalinta labaad ku jira adduunka oo dhan markii labaad oo xiriir ah, isagoo hub waaweyn u diray 63 waddan. Kaalintan waxa shaki la'aan xoojiyay guusha laga gaaray dhoofinta dayaaradda Rafale, oo ah diyaarad dagaal oo siyaabo badan u faltanta.
Iyaga oo leh saamiga caalamiga ah ee 9.8% (+ 21% marka la barbardhigo 2016-2020), ku dhawaad 80% dhoofinta Faransiiska ayaa loo qoondeeyay waddamo ka baxsan Yurub, inkastoo dhoofinta qaarada ay si aad ah u korodhay (+ 452%).
Macaamiisha Faransiiska ayaa ah Hindiya, Giriigga, Qatar iyo Iimaaraadka Carabta.
Faransiiska waxay hadda hayaan in ka badan 180 dayaaradaha dagalka ah iyo 16 markab oo kuwa dagaalka ah oo sugaya in la dhoofiyo.
3. Ruushka: 6.8% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ruushku wuxuu mar ahaa dalka labaad ee dunida ugu dhoofinta badan hubka, laakinse hadda maqaamkaas ma laha, waxaana la degey dagaalka uu Ukraine ku qaaday 2022.
Ayadoo saamiga uu ku leeyahay hubka dunida uu yahay 6.8% (hoos u dhac 6.4 dhibcood ah, oo u dhiganta -64% marka la barbar dhigo 2016–2020), Ruushku wuxuu arkay baahida gudaha oo soo ururisay qayb weyn oo ka mid ah wax soo saarkiisa.
Cadaadiska Mareykanka iyo Yurub ee saaran dalalka dunida saddexaad si loo xakameeyo wax iibsiga Ruushka ayaa sidoo kale wiiqday. Natiijo ahaan, 74% dhoofinta harsan ee Ruushku waxay ku urursan yihiin saddex waddan: Hindiya (48%), Shiinaha (13%), iyo Belarus (13%).
Arrin kale oo saameynaysa Ruushka waa horumarka ay samaynayaan, Shiinaha iyo Hindiya, ee warshadaha difaaca, sidaas darteedna waxay yareeyeen ku tiirsanaantooda.
4. Jarmalka: 5.7% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jarmalku wuxuu ka horumaray Shiinaha isagoo hadda ku jira kaalinta 4aad, saami dhan 5.7% oo ah hubka dibadda loo dhoofiyo.
Berlin ayaa u qoondeysay 24% inay u dhoofiso Ukraine, qaab gargaar militari ah iyo 17% loo dhoofiyo dalalka kale ee Yurub. Sidaasoo ay tahay in ka badan kala bar hubka uu dibadda u dhoofiyoi ayaa aada meelo ka baxsan Yurub.
Jarmalku wuxuu ku takhasusay samaynta gujisyada, taangiyada iyo hanaanaka difaaca cirka.
5. Shiinaha: 5.7% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shiinuhu hal darajo ayuu hoos u soo dhacay waxaana kaalintiisii galay Jarmalka. Iyada oo leh saamiga caalamiga ah ee 5.6%, waxay dhoofinteeda isugu geysaa dhowr suuq oo bartilmaameed ah.
Pakistan waa macaamiisha ugu badan ee Shiinaha, waxayna qaadataa 47% dhoofinta. Waxaa ku xiga Bangladesh oo hesha 16% dhoofinta Shiinaha.
Si kastaba ha ahaatee, Shiinaha ayaa weerar ganacsi oo weyn ku qaaday suuqyada Afrika iyo Koonfurta Aasiya.
6. Talyaaniga: Sare u kac yaab leh (+157%)

Xigashada Sawirka, Getty Images
Talyaaniga waxaa soo maray horumarkii ugu weynaa ee muddadan, isagoo ka kacay kaalinta 10aad ilaa 6aad ee qiimeynta adduunka. Wuxuu la kulmay koror 157% marka loo eego 2016-2020.
In ka badan kala bar hubka Talyaanigu u dhoofiyo (59%) waxa loo qorsheeyay Bariga Dhexe, halka 16% ay aadayaan Aasiya-Oceania iyo 13% Yurub.
Talyaanigu wuxuu ku takhasusay dhoofinta diyaaradaha helikobterka, maraakiibta, iyo diyaaradaha tababarka.
7. Israa'iil: 4.4% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyada oo leh saamiga caalamiga ah ee 4.4% (marka la barbardhigo 3.1% ee 2016-2020), Israa'iil waxay gaartay guul taariikhi ah maadaama ay ka sara martay Boqortooyada Ingiriiska markii ugu horeysay qiimeynta caalamiga ah ee ay dejisay SIPRI.
Maadaama ay ku takhasuseen nidaamyada difaaca hawada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo teknoolojiyadda khaawisaadda, Israa'iil waxaa si weyn looga raadsadaa dhinaca difaaca hawada.
Tani waxay sharraxaysaa baahida xooggan ee caalamiga ah ee nidaamka difaaca hawada, taas oo taageerta wax dhoofintooda.
Tiradani way sii korodhay inkasta oo dagaal uu ka socday Qasa.
8. UK: 3.4% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, Getty Images
UK waxay ku socotaa kaalin xasiloon, waxaana xoojiyey warshadeeda difaaca oo lagu daray barnaamijyada Ameerika iyo Yurub.
Iyada oo leh saamiga caalamiga ah ee 3.4%, Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku takhasustay dhoofinta maraakiibta dagaalka ee waaweyn (sida kuwa diyaaradaha xambaara, iyo raxanta maraakiibta) iyo diyaaradaha dagaalka (Typhoon).
Waxay si dhow ula shaqeysaa Mareykanka iyo bahwadaagta gaashaanbuurta NATO.
9. Kuuriyada Koofureed: 3.0% hubka la dhoofiyo ee dunida

Xigashada Sawirka, JUNG YEON-JE / AFP
Kuuriyada Koonfureed waxay iskeed ugu dadaashay inay noqoto mid ka mid ah xubnaha ugu firfircoon suuqa hubka adduunka, iyadoo leh saami caalami ah oo ah 3.0% (+ 24% marka la barbar dhigo 2016–20).
Kuuriyada Koonfureed ayaa horumar la yaab leh ka samaysay Yurub, halkaas oo 46% hubkeeda loo dhoofiyo Poland.
Suuqa Aasiya ayaa Kuuriyada Koonfureed waxay keentaa 14% hubka ay u dhoofiso Filibiin.
Kuuriyada Koonfureed waxay ku takhasustay dhoofinta taangiyada K2, Hawsarrada K9, iyo diyaaradaha FA-50.
10: Isbayn: Iskaashiga wax soo saarka Miliateriga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Isbayn waxay xoojisatay booskeeda 10ka sare, waxaana ku mahadsan ka qayb qaadashada dhowr barnaamij oo warshadeed oo waaweyn oo Yurub ah, sida Eurofighter (sarreynta hawada) iyo A400M (saadaasha saadka iyo taatikada), laba ka mid ah mashaariicda iskaashiga milatari iyo warshadaha ee Yurub.
Isbaanishku wuxuu ku takhasusay dhoofinta maraakiibta iyo baabuurta gaashaaman, waxayna ka faa'iidaystaan saamiga sii kordhaya ee alaabta loo diro Ukraine iyo dalalka kale ee Yurub.
In ka badan suuqa, ka ganacsiga hubku waxa uu noqday tilmaame muujinaya kala qaybsanaan cusub oo adduunka oo dhan ah. Iyadoo xiisadaha juqraafiyeed ee joogtada ah ay weli sii sicdaan ayaa waxay u muuqataa in tartanka hubku uu sii wadi doono inuu dib u qaabeeyo dheelitirka awoodda caalamiga ah.














