Kumuu ahaa Cali Shucaac oo lagu aasay Jigjiga?

Cali Shoocaac

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Magaalada Jigjiga waxa shalay lagu aasay, Alle ha u naxariistee, Cali Cabdille Fiixiye oo loo yaqaannay Cali Shoocaac oo muddo dheer ka mid ahaa haldoorka Deegaanka Soomaalida. Waxa uu ahaa gabyaa, macallin taariikheed iyo halgamaa wakhtigiisa ugu badan ku qaatay dagaallo gobannimo-doon ah.

Dhalasho ilaa barbaarnimo

Sida uu ku sheegay waraysi hore oo uu siiyay warbaahinta maxalliga ah, Cali Shucaac waxa uu sannadkii 1948-kii ku dhashay meel u dhow magaalada Qabridaharre ee gobolka Qorraxay.

"Waxa la ii sheegay in habeenka aan dhashay uu ahaa habeen hoodo badan. Aabbahay waxa uu ahaa nin maalqabeen ah sidoo kalana ka tirsanaa Daraawiishta. Waxa uu si xun ugu dhaawacmay Jigjiga inta aan markii dambe loo qaadin deegaanka la yidhaahdo Garloogube ee ku yaalla hawdka" ayaa uu yidhi.

Cali Shucaac waxa uu malcaamaddii Quraanka ka galay deegaanka Yucub, halkaas oo uu kaga mid noqday da'yar wax ka bartay mawlaca Sheekh Cali Suufi. Markii dambe waxa uu dugsi ka galay magaalada Qabridaharrre. Jeer kale waxa uu waxbarasho u aaday magaalada Harar.

Aaska Cali Shoocaac

Xigashada Sawirka, SRTV

Noloshiisii Halganka

Sannado yar kaddib markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay waxa uu dagaal dhex maray iyada iyo Itoobiya, sannakdii 1964-kii. Cali Shucaac xilligaas waxa uu ka mid noqday askar laga qoray magaalada Muqdisho oo markii dambe koorsooyin ciidan ku soo qaatay dalka dibaddiisa, sida Ruushka.

"Markii aan dalka ku soo laabannay waxa na loo dhiibay ciidammadii gobolkan xoraynayay. Waxa aanu askar ku tababarnay deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Yaaq-bariweye, Qoriilow iyo meelo kale," ayaa uu ku yidhi waraysi uu siiyay warbaahinta maxalliga ah.

Ibraahin Maxamed Xuseen oo loo yaqaanno Ibraahin Dheere oo hadda ah Guddoomiyaha Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta (FEB) ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa BBC-da uga warramay shakhsiyadda Cali Shoocaac iyo wixii uu ka yaqaannay.

"Markii aanu ka soo qaxnay dagaalkii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya ee sannadkii 1977-kii ee aanu soo gaadhnay Soomaaliya, Cali waxa uu ka mid ahaa dadkii gacanta nagu dhigay ee na siin jiray tababarrada iyo guubaabada," ayuu yidhi.

Cali Shucaac waxa uu sidoo kale ka tirsanaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku gaadhay darajada Kornayl.

Waxa uu ka sheekeeyay sida uu ugu baxay magaca caanka noqday ee Cali Shoocaac, isaga oo ku sifeeyay in uu ahaa magac ka soo raacay xerada tababarka oo macne ahaan u dhigma feejignaan iyo in qofku fiiro dheeri ah yeesho xilliga uu ku jiro tababarka.

Sida looga falceliyay geerida Cali Shoocaac

Aaska Cali Shoocaac

Xigashada Sawirka, SRTV

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah dadka tacsida ka diray geerida Cali Shoocaac.

Waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa halgamaa qaran oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana kaalin muuqata ku lahaa difaaca dalka, adkaynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta qiyamka dowladnimada, isaga oo xusay in marxuumku door wax-ku-ool ah kasoo qaatay marxalado kala duwan oo taariikhda ummadda Soomaaliyeed ku suntan.

Sidoo kale, Raysalwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa isna sifeeyay Cali Shucaac, isaga oo yidhi: "Xaaji Cali Shucaac wuxuu ahaa halgamaa magac iyo taariikh dheer ku dhex leh dhammaan geyiga Soomaaliyeed, isaga oo juhdi iyo dadaal dheer u soo galay sidii uu uga dhabeyn lahaa halganka iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed."

Dad kale ee geerida kornayl Cali Shucaac ka falceliyay waxa ka mid ah madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar, isaga oo yidhi; "Xaaji Cali Shucaac wuxuu ahaa Halgamaa iyo Sugaanyahan waddani ah oo qayb laxaad leh ka qaatay halgamadii shacabkeenu ku raadinayeen xuquuqdooda."

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isna ku tilmaamay shakhsi sifooyin badan oo gabannimo ah ku dhex lahaa bulshada Soomaalida.

"Marxuumku waxa uu ahaa halgamaa, sarkaal ciidan, oday dhaqan iyo waddani taariikh milgo leh ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay halgankiii gobannimo doonka, midnimada iyo isu soo dhoweynta Ummadda Soomaaliyeed," ayuu yidhi Farmaajo.