Lacag intee la eg ayaa la siiyaa cidda Koobka Adduunka ku guuleysata?

    • Author, Katharine Sharpe
    • Role, BBC Sport senior journalist
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Lacagta abaalmarinta ee laga heli karo Koobka Adduunka 2026 waa $871 milyan (£662 milyan), waana tii ugu badnayd abid.

FIFA waxay markii hore ku dhawaaqday in wadarta lacagta abaalmarintu ay noqon doonto $727 milyan (£552 milyan), taas oo horeba u ahayd koror 50%, marka loo eego lacagtii la bixiyay tartankii Koobka Adduunka 2022 ee Qadar.

Laakiin bishii Abriil waxay ansixiyeen kordhin kale oo lagu sameeyay wadarta lacagta, iyagoo kordhiyay lacagta aasaasiga ah ee ka qaybgalka iyo kharashka diyaar-garowga, taas oo wadarta gaadhsiisay lacagta cusub.

Lacagta abaalmarinta waxa loo qaybiyaa abaalmarinno ku salaysan waxqabadka iyo taageero dhaqaale oo aan ku salaysnayn waxqabadka.

Haddaba, sidee ayaa loo kala qaybiyaa abaalmarinnada?

Abaal-gudka qaab ciyaareedka ku saleysan

Kooxuhu mar kasta oo ay meel fog ka gaadhaan tartanka, waxay helayaan abaalmarin dhaqaale oo intaas ka badan.

Fifa waxay kooxaha ku dhammaysanaya boos kasta u kala abaalmarin doontaa sidatan:

  • Guuleystayaasha (Koobka):$51m (£38m)
  • Kaalinta labaad:$34m (£25m)
  • Kaalinta 3-aad: $30m (£22m)
  • Kaalinta 4-aad:$28m (£20m)#
  • Kaalinta 5-aad ilaa 8-aad:$20m (£14m)
  • Kaalinta 9-aad ilaa 16-aad: $16m (£11m)
  • Kaalinta 17-aad ilaa 32-aad: $12m (£8m)
  • Kaalinta 33-aad ilaa 48-aad:$10m (£7m)

Lacagahan la bixinayo waxay qayb ka yihiin $703m oo ka mid ah $871m oo si guud loo qoondeeyey sanduuqa abaalmarinta, iyadoo $168m (£152m) ee soo hartayna loo qaybin doono kooxaha iyado aan la fiirinayn qaab-ciyaareedkooda iyo natiijada ay keenaan.

Lionel Messi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Abaal-gudyada kale

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lacagta soo hadha waxaa si is le'eg loogu qaybin doonaa dhammaan kooxaha ka qaybgalaya tartanka, iyadoo loo bixinayo habkan: lacagta u diyaar-garowga oo ah $2.5m qaran kasta iyo tabarucaad dheeraad ah oo kooxaha la siinayo oo ka badan $16m. Tani waxay ka dhigan tahay in koox kasta loo dammaanad-qaaday ugu yaraan $12.5m oo ay ku helayso ka qaybgalka tartanka, marka lagu daro lacagta ugu yar ee isreeb-reebka oo ah $10m.

Lacagta u diyaar-garowga waxaa loogu talagalay inay gacan ka geysato kharashyada daryeelka sida xeryaha tababarka iyo safarrada ay xulalka galaan ka hor inta uusan tartanku billaban.

Fifa waxay 'tabarucaadka dheeraadka ah ee kooxaha' ku tilmaantay 'kabitaan lagu caawinayo kharashyada ergooyinka kooxaha iyo kordhinta qoondada tigidhada ee kooxaha', iyadoo ujeedku yahay in la yareeyo farqiga dhaqaale ee u dhexeeya qaramada marka ay bixinayaan kharashyada la xiriira u ciyaarista Koobka Adduunka, sida safarka, saadka (logistics), iyo maamulka.