Suuragalnimada in Nentanyahu lagu xiro New York marka uu yimaado September oo la bidhaamiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Duqa magaalada New York, Zahran Mamdani, ayaa sheegay in talada ay ku jirto suurtagalnimada in la xiro Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu marka uu yimaado New York si uu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay.
Isagoo Sabtidii ka hadlayay barnaamijka 'podcast'-gaa ee wargeyska The New York Times, Mamdani wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu eegayo tallaabooyin suurtagal ah oo lagu xiri karo "dambiilaha dagaalka" marka uu yimaado magaalada New York bisha Sebtembar.
Mamdani wuxuu ballan-qaadkan sameeyay xilligii ololihiisa doorashada.
Mamdani wuxuu raaciyay, "Waxaan aaminsanahay in Ra'iisul Wasaare Netanyahu uu mudan yahay in la geeyo maxkamadda The Hague. Waa dambiile dagaal oo ay eedeymo ka gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Dad badan ayaa qaba aragtidan, iyadoo la eegayo xaaladaha ka dhashay falalkiisa sannadihii la soo dhaafay."
Markii la weydiiyay waxa sharcigu u oggol yahay inuu sameeyo ee arrintan la xiriirta, Mamdani wuxuu ku jawaabay: "Tani waa arrin aan hadda kala hadlayno waaxdeena sharciyada. Laakiin marar badan ayaan heer qaran ku aragnay dad isku dayaya inay dejiyaan sharciyo u gaar ah ama ay ka baxaan qaab-dhismeedka sharciga. Annagu ma lihin ujeedo aan sidaas ku sameyno."
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa sannadkii 2024-kii soo saartay amarro lagu soo xirayo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyeyaal kale oo Israa'iiliyiin ah. Waxaa lagu eedeeyay inay galeen dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza ka dib weerarkii Xamaas ay qaadday 7-dii Oktoobar, 2023.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynihii hore Joe Biden ayaa labaduba dhaleeceeyay amarka lagu soo xirayo ICC.
Dhanka kale waxaa baraha bulshada ka dhacay dood ku saabsan hadalka Mamdani. Dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay in uu iska hadlay Mamdani.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mike Waltz ayaa ka falceliyay warkan isagoo sheegay Mamdani sababta uu u fulin waayay hanjabaadii Netanyahu ee ahayd in la xiryao.
Waxa uu ku qoray X, "Maayar Mamdani, halkan waxaa yaalla afar sababood oo aan loo fulin karin hanjabaaddaada ah in aad xirayso Ra'iisul Wasaare Netanyahu marka uu yimaado New York inta lagu guda jiro Golaha Guud ee Qaramada Midoobay."
"Marka hore, Maraykanku qayb kama aha heshiiska uu ku dhisan yahay nidaamka sharci ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, marka labaad, Xarunta Qaramada Midoobay waxay siisaa ilaalin diblomaasiyadeed madaxda dawladaha shisheeye ee shirarka ka qaybgalaya. Saddex, madaxa dawladda ayaa leh xasaanad arrimahan oo kale ah, iyo tan afraad, awoodda dawladda federaalka ah ee siyaasadda dibadda iyo arrimaha sharciga ma noqon karto mid uu ka sarreeya rabitaanka noocaas ah ee maamulka gudaha iyo arrimaha sharciga ah.."
'Tani waa daraamo siyaasadeed'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa sheegay in hadalka Mamdani uu ahaa mid kaliya lagu doonayo in lagu soo bandhigo cinwaanada wararka.
"Zahran Mamdani wuu ku guuldareystay inuu xukumo New York. Halkii uu diiradda saari lahaa mas'uuliyadiisa duqa magaalada iyo wax ka qabashada dhacdooyinka nacaybka Yuhuudda ee sii kordhaya ee ka dhacaya magaalada, wuxuu doortay inuu abuuro muran iyo inuu qabsado cinwaanada wararka isagoo weeraraya Israa'iil," ayuu ku qoray X.
"Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu wuxuu imaan doonaa New York, isagoo si sharaf leh khudbad ka jeedin doona Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuuna dunida oo dhan u soo bandhigi doonaa mowqifka Israa'iil iyo xuquuqda ay u leedahay inay difaacdo muwaadiniinteeda. Haddii qof la xirayo, waa Duqa Magaalada New York Zahran Mamdani," ayuu yiri.
Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Israa'iil Dan Shapiro ayaa sidoo kale ka falceliyay X.
Wuxuu ku qoray X in Netanyahu uu hadda u dagaallamayo badbaadadiisa siyaasadeed. Dad badan oo Israa'iil ah ayaa ka careysan oo doonaya inay ka qaadaan awoodda doorashooyinka soo socda. Xaaladda noocaas ah, haddii ay dhacdo isku day fashilmay oo lagu xirayo New York, waxay siin kartaa naxariis siyaasadeed.
Nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo madaxweynaha Golaha Yuhuudda ee Israa'iil iyo Australia, Arsen Ostrovsky, ayaa sheegay in tani aysan ahayn oo keliya hadallo siyaasadeed oo mas'uuliyad darro ah laakiin sidoo kale ay muujinayso faham la'aan ku saabsan sharciga caalamiga ah, sharciga Mareykanka iyo awoodaha duqa magaalada.















