Xuutiyiinta oo bar tilmaameedsaday garoon sacuudiga ku yaalla ayagoo u digay dayaaradaha isticmaala hawada dalkaas

Xigashada Sawirka, Reuters
Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ee Yemen ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay dhexda ka qabteen gantaallo ballistic ah oo ay soo tuureen dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ee Ansar Allah, kuwaas oo ku wajahnaa gobolka koonfureed ee Sacuudiga.
Dhaqdhaqaaqu wuxuu ka hadlay bartilmaameedsiga garoonka diyaaradaha Abha ee Sacuudi Carabiya, si uu uga jawaabo duqeymaha lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee Sanca, kuwaas oo ay mas'uul ka ahaayeen Riyaad.
Afhayeenka militariga ee ciidamada Xuutiyiinta, Jeneraal Yahya Saree, ayaa uga digay shirkadaha diyaaradaha inay ku duulaan hawada Sacuudiga "ka hor inta aan la qaadin xayiraadda garoonka diyaaradaha ee Sanca".
Horraantii Isniintii, dhaqdhaqaaqa Ansar Allah ayaa ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Sanca lagu qaaday dhowr weerar oo cirka ah oo Sacuudigu qaaday, halka dowladda Yemen ay sheegtay in ciidamadeedu ay bartilmaameedsadeen dhabbaha garoonka diyaaradaha ee Sanca si looga hortago diyaarad Iiraan leedahay oo halkaas ku soo degta.
Afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Xuutiyiinta, Jeneraal Yahya Saree, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Sacuudigu ay bartilmaameedsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Sanca, isagoo weerarka ku tilmaamay "gardarro aan caddaalad ahayn oo cad."
Jananka ayaa intaa ku daray in bartilmaameedsiga garoonka diyaaradaha "uu soo afjaray marxaladda yareynta xiisadda," isagoo Sacuudi Carabiya ku eedeeyay "cawaaqib xumada gardarradeeda," wuxuuna carabka ku adkeeyay in weerarka "aan laga jawaabin oo aan la ciqaabi doonin," sida uu hadalka u dhigay.
Kanaalka dayax-gacmeedka Al-Masirah ee dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Sanca lagu qaaday weeraro cirka ah, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca burburka ama khasaaraha ka dhashay.
Wasaaradda Gaadiidka ee Xuutiyiinta ay maamulaan ayaa ku eedeysay Sacuudi Carabiya inay duqeymo cirka ah ku bartilmaameedsatay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca, iyagoo u arkaya "sare u kac khatar ah" iyo sii socoshada xayiraadda saaran Yemen.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaraddu waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay qaataan mas'uuliyadahooda, iyadoo ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta waxa ay ku tilmaantay "gardarrada soo noqnoqota".
Afhayeenka Ansar Allah, Mohammed Abdul Salam, ayaa ku eedeeyay mas'uuliyiinta Sacuudiga inay ka dambeeyaan xayiraadda lagu soo rogay Yemen, iyo inaysan aaminsanayn wax nabad ah oo ay la galeen deriska Yemen, iyo sidoo kale inay "dib u dhigeen" hirgelinta khariidadda iyo "diidmada dhammaan xalalka dib loogu furayo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Sanca".
Muwaadin u dhashay dalka Yemen ayaa BBC-da u sheegay in xiritaanka garoonka diyaaradaha ee Sanca ay saameyn weyn ku yeelan doonto dadka rayidka ah iyo isu socodka dadka, iyadoo loo baahan yahay in kumanaan qoys ay helaan daryeel caafimaad.
Xabbad-joojin la gaaray 2022 ka dib sannado badan oo ay socdeen dagaallo u dhexeeyay isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo Xuutiyiinta, kuwaasoo horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka, ayaa inta badan la qabtay.
Xabbad-joojintu way sii socotay inkasta oo gobolka uu ka sii daray dagaalka Israa'iil ee Gaza, xilligaas oo Xuutiyiintu ay duqeeyeen maraakiibta xamuulka ah ee marayey badda cas, iyo colaadda Iran.
Qof kale oo Yemeni ah ayaa BBC-da u sheegay "in la beegsado garoonka Sanca si looga hortago in diyaarad rayid ah oo siday wafdi Yemeni ah ay soo degto ay si cad u xaqiijineyso in go'doominta ay weli taagan tahay."
Waxa uu intaa ku daray in "ku guulaysiga ay dayaaraddu ku guulaysatay inay ku degto Xudeyda ay muujinayso in ay jiraan habab kale iyo qorshayaal lagu hubinayo sii socoshada duulimaadyada hawada in kasta oo ay jiraan xayiraadahaas".

Xigashada Sawirka, The march
Xukuumadda Yemen oo sheegatay mas'uuliyadda duqeynta
Dowladda Yemen ee caalamiga ah ee la aqoonsan yahay, oo ay taageerayaan isbahaysiga militariga ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa Isniintii sheegtay in ciidamadeeda qalabka sida ay bartilmaameedsadeen dhabbaha diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha ee Sanca oo ay Xuutiyiintu maamulaan si ay uga hortagaan diyaarad Iiraani ah oo halkaas ku degta.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Difaaca Yemen oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Saba ayaa lagu yiri, "Maleeshiyada argagixisada Xuutiyiinta oo uu taageero nidaamka Iiraan ayaa ka hor istaagay diyaaradaha qaranka Yemen inay ka degaan garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca, waxayna ku adkeysanayaan in diyaaradaha Iiraan ay ku xadgudbaan dhulka Yemen, sababtaas awgeedna loo bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha" sida ku cad sharraxaadda dowladda Yemen.
Tani waxay timid iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka dhalatay gaadiidka cirka ee garoonka diyaaradaha ee Sanca, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdu ay isu diyaarineyso inay hesho diyaarad cusub oo ka imaanaysa Iiraan, iyadoo ay jiraan diidmo ka timid dowladda Yemen, oo ku adkeysaneysa in garoonka diyaaradaha uu ku shaqeeyo si waafaqsan qaab-dhismeedka sharciga iyo madaxbannaanida.
Madaxa Golaha Hoggaanka Yemen, Rashad al-Alimi, ayaa sheegay in uusan damacsaneyn inuu "ballaariyo baaxadda iska hor imaadka" ee kooxda Ansar Allah, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in laga hortago "xadgudub kasta oo ka dhan ah hawada Yemen."
Bayaan uu soo saaray Al-Alimi, oo madax u ah golaha hoggaanka ee uu taageero Sacuudiga, ayuu ku yiri, "Waxaan faray (...) inaan la ballaarin baaxadda iskahorimaadka si loo gaaro yoolka ay Iiraan raadineyso," isagoo ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso inay Yemen u isticmaasho "kaar dagaal oo uu ku jiro gobolka".
Wasiirka Warfaafinta Muammar Mutahhar al-Iryani oo ka tirsan dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay garoonka diyaaradaha ee Sanca ku hayaan diyaarad ka socota Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, oo ay weheliyaan duuliye iyo kaaliye.
Horraantii Isniintii, Wasiirka Difaaca Jeneral Taher al-Aqili ayaa sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu qancinayo Iiraan iyo Xuutiyiinta inay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay "diyaaradaha Iiraan ee ku xadgudbaya hawada Yemen" la dhammeeyay.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada dowladdu ay la kulmi doonaan diyaarad kasta oo cadow ah oo ku xadgudubta hawada Yemen "iyadoo la adeegsanayo dhammaan hababka la heli karo."












