Ebola: Maxaa kasoo kordhay bukaankii dhowaan lagu karantiilay Muqdisho?

Ebola
    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa 11-kii Oktoobar 2026, muwaadin Soomaaliyeed gelisay karantiil, taas oo ahayd tallaabo taxaddar ah, kaddib markii uu safar la soo galay nin Kenyan ah oo markii dambe cudurka Ebola ugu geeriyooday magaalada Nairobi 5-tii Oktoobar 2026.

Muwaadinka ayaa la dhigay xarunta karantiilka iyo daaweynta cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee Muqdisho, si xaaladdiisa caafimaad loo qiimeeyo loona kormeero.

"Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR) ayaa ogeysiin rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda fiidnimadii 10ka Oktoobar 2026. Ogeysiiska waxaa ku caddaa in muwaadin Soomaaliyeed iyo Muwaadin Kenyan ah ay ka soo wada safreen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyagoo soo maray Uganda. Sida xogta la soo gudbiyey tilmaamayso, labada muwaadin oo rag ah waxay wada degeen hal hoteel, kadibna wada raaceen hal gaari oo geeyay Garoonka Entebbe ee Dalka Uganda.

"Labada Muwaadin yaa ugu dabenytii u kala safray Nairobi iyo Muqdisho. Muwaadinka Soomaaliyeed wuxuu Muqdisho u soo maray Addis Ababa, halka muwaadinka Kenyan-ka isna u safarya dalka Kenya, kadibna la xaqiijiyey in uu u geeriyooday Cudurka Ebola magaalda Nairobi 5ta Oktoobar 2026, isagoo daryeel caafimaad ka helaya xarun caafimaad ee Dalka Kenya." Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed toddobaadkii hore kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya Dr. Xuseen Abuukar Muxudiin oo BBC la hadlay ayaa sheegay in qofkaas la karantiili doono muddo 21 maalmood ah, laga soo bilaabo 3-dii Oktoobar.

Waxaa laga qaaday muunad dhiig ah, waxaana la filayaa in natiijada baaritaanka ay soo baxdo maalmaha soo socda.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in la sameeyay laba nooc oo baaritaanno ah: mid gudaha dalka lagu sameeyay iyo mid kale oo loo diray Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka ee Kenya (KEMRI). Wuxuu sheegay inuusan sheegi karin taariikhda saxda ah ee la heli doono natiijooyinka rasmiga ah.

"Xaaladda bukaanku waa mid deggan, mana muujinayo wax calaamado ah oo cudurka Ebola ah illaa hadda," ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa raadraac ku haysay dadka la kulmay ama xiriirka la yeeshay ninkaasi. Agaasimuhu wuxuu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay weli waddo hawsha raadraaca dadka xiriirka la yeeshay bukaanka, isla markaana uusan doonayn inuu ka sii hormaro hannaankaas, maadaama ay jiraan habraacyo la dejiyay oo ay tahay in la raaco.

Ebola
Qoraalka sawirka, Agaasimaha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya Dr. Xuseen Abuukar Muxudiin

"Marka hawsha la dhammaystiro, xogta waxaa loo soo bandhigi doonaa dadweynaha," ayuu yiri.

Xaruntan ayaa hadda ah xarunta keliya ee ay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya u asteeysay karantiilka dadka looga shakiyo inay qabaan cudurka.

"Xaruntu si wanaagsan ayay ugu diyaarsan tahay karantiilka, waxaana yaalla qalab ku filan. Waxaa loo sameeyay in lagu maareeyo xaalado la mid ah tan aan hadda wajahayno, waxaana sidoo kale jooga shaqaale tababaran," ayuu yiri.

Sidee ayay Soomaaliya ugu diyaargarowday cudurka Ebola?

Soomaaliya
Qoraalka sawirka, Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soomaaliya ayaa dhawaan billowday baaritaanka dadka safarka ah ee ka imaanaya dalalka Afrika, ka dib markii Kenya ay xaqiijisay kiiska qof ka yimid Jamhuuriyadda Congo oo laga helay cudurka Ebola, gaar ahaan nooca Bundibugyo.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in kooxo caafimaad loo diray garoomada diyaaradaha si ay ula socdaan rakaabka ka imanaya dalalka Afrika, gaar ahaan ka dib markii kiiska la xaqiijiyay ee Kenya oo daris la ah Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in tan iyo 16-kii Maajo ee sannadkan, markii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) uu Ebola u aqoonsaday xaalad caafimaad oo walaac weyn leh, Soomaaliya ay billowday diyaar-garow ballaaran oo waafaqsan qorshaheeda qaran ee u-diyaargarowga iyo ka jawaabista cudurka Ebola.

"Shaqaale caafimaad oo ka kala yimid gobollo kala duwan oo dalka ah ayaa la tababaray. Goobaha laga soo galo dalka, gaar ahaan garoomada diyaaradaha, waxaa la geeyay shaqaale caafimaad si ay si dhow ula socdaan xaaladda. Waxaa sidoo kale la hawlgeliyay Xarunta Hawlgallada Gurmadka Degdegga ah ee Caafimaadka Dadweynaha Qaranka (PHEOC), si loola socdo xaaladda cudurka Ebola ee gobolka," ayuu yiri.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in mas'uuliyiintu aysan weli bilaabin ololeyaal wacyigelin dadweyne oo laga sameeyo masaajidda, goobaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan iyo suuqyada mashquulka badan, maadaama aysan doonayn inay walaac ku abuuraan bulshada, iyadoo aan weli wax kiis ah oo cudurka Ebola ah laga xaqiijin gudaha dalka.

Ebola
Qoraalka sawirka, Ku dhawaad ​​70 qof oo laga yaabo inay xiriir la sameeyeen dad cudurka qaba ayaa lagu karantiilay Nairobi

Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii labaad ee nooca Bundibugyo ee cudurka Ebola, iyadoo mas'uuliyiinta caafimaadku ay sheegeen in bukaanka horey loo geliyay karantiil isla markaana lala socday xaaladdiisa maalin kasta ka hor inta uusan bilaabin inuu muujiyo calaamadaha cudurka.

War-saxaafadeed Arbacadii la soo saaray, ayaa agaasimaha Guud ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth wuxuu sheegay in bukaanka oo 39 jir ah uu yahay qof ehel dhow la ahaa qofkii ugu horreeyay ee dalka laga helay cudurka Ebola. Wuxuu bilaabay inuu muujiyo calaamadaha cudurka 13-kii Oktoobar, waxaana isla markiiba la karantiilay qofkaas si loo baaro loona daweeyo.

Baaritaanno lagu sameeyay Shaybaarka Qaranka ee Fayraska (National Virology Reference Laboratory) iyo shaybaarka KEMRI-CDC ayaa xaqiijiyay inuu qaaday fayraska Ebola.

Ilaa hadda, waxaa Kenya laga xaqiijiyay laba kiis oo Ebola ah, cudurkuna wuxuu sababay hal dhimasho.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku, ogaanshaha hore ee cudurka ayaa muujinaya guusha laga gaaray tallaabooyinka karantiilka iyo raad-raaca dadka uu bukaanku la kulmay. Bukaanka ayaa weli helaya daryeel caafimaad iyo kormeer gaar ah oo ka socda xarun caafimaad oo loogu talagalay daweynta bukaannada Ebola.

Waa maxay Ebola?

Ebola waa fayras halis ah oo dilaa ah, calaamadaha billowgiisuna ay ka mid noqon karaan qandho degdeg ah, daal aad u daran, murqo xanuun iyo cunaha oo xanuuna.

Marxaladaha dambe waxay keeni karaan matag, shuban, iyo — xaalado qaarkood — dhiig-bax gudaha iyo dibadda ah, kaas oo loo yaqaan haemorrhaging.

Muddada uu fayrasku ku qarsoomi karo jirka, waxay u dhaxaysaa labo maalmood ilaa saddex toddobaad. Calaamadaha Ebola mararka qaarkood waxaa lagu khaldi karaa cudurro kale sida duumada iyo tiifow.

Sidee ayuu Ebola ku faafaa?

Ebola

Ebola waxay u gudubtaa dadka iyada oo ka timaadda xayawaanno qaba cudurka, sida chimpanzee-yada, bakaylaha duula, iyo antiloobka kaynta.

Hilibka duurjoogta — oo ah xayawaanno kaynjoog ah oo loo ugaarsado si ay dadka u cunaan — ayaa loo maleynayaa inuu yahay meesha uu fayrasku asal ahaan ku nool yahay.

Kadibna wuxuu ku faa'faa dadka isagoo ku gudba taabasho toos ah oo la yeesho dheecaannada jirka ee wasakhaysan sida dhiigga, candhuufta, matag, shahwada, dareeraha siilka, kaadida, saxarada iyo dhididka.

Ragga ka bogsaday Ebola ayaa sidoo kale laga helay in fayrasku ku sii jiri karo shahwadooda muddo ka dib markii ay bogsadaan.

Ebola

Maxaa la sameyn karaa ka hortagga?

Si looga hortago caabuqa, khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in laga fogaado dadka qaba cudurka, oo ay ku jirto in la joojiyo is-gacan qaadka, gacmahana lagu dhaqo saabuun iyo biyo, iyo in dusha sare lagu nadiifiyo biyo leh koloriin.

Sidoo kale waa muhiim in la go'doomiyo bukaannada iyo dadka ay la kulmeen. Dalalku badanaa waxay sameeyaan xarumo lagu hayo dadka looga shakiyo cudurka, iyo xarumo lagu daaweeyo kuwa si shaybaar ah looga xaqiijiyay.