Iraan oo beenisay hadal ka yimid Maraykanka xilli laga qaaday cunaqabataynno saarnaa

JD Vance

Xigashada Sawirka, Reuters

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Iiraan ayaa beenisay hadal uu sheegay madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka JD Vance oo ahaa in ay dib ugu oggolaan doonto kormeerayaasha nukliyeerka inay dalkeeda ku soo laabtaan, kadib wareeggii ugu horreeyay ee wada-hadallada u dhexeeyay Washington iyo Tehran ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjaro dagaalka.

Kadib wada-xaajoodyo ka dhacay Switzerland, Vance wuxuu sheegay in wadahadallo lala yeelanayo Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiga (IAEA) ay dhici karaan "xitaa maanta gudaheeda".

Laakiin wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa warbaahinta dawladda u sheegtay in Tehran aysan samayn "wax ballanqaadyo cusub ah" oo ku saabsan kormeerka nukliyeerka.

Tani waxay timid iyadoo Maraykanku si ku-meel-gaadh ah uga dhaafay cunaqabateyn, taasoo u oggolaanaysa Iiraan inay shidaal ku iibiso doolarka Maraykanka markii ugu horreysay muddo tobannaan sano ah.

Bayaan wadajir ah oo la sii daayay Isniintii, dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan waxay sheegeen in kadib wareeggii koowaad ee wada-hadallada ee ka dhacay magaalada tamashlaha loo tago ee Bürgenstock ee Switzerland, Maraykanka iyo Iiraan ay ku heshiiyeen "khariidad waddo oo lagu gaadhayo heshiis kama dambays ah 60 maalmood gudahood".

Vance wuxuu ku tilmaamay wada-hadallada kuwo dhigay "aas-aas aad u wanaagsan".

Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka wuxuu sheegay in kooxuhu ka wada hadleen dib-u-furidda marin-biyoodka Hormus iyo "yareynta iska horimaadka si loo xasiliyo xabbad-joojinta gobolka".

Ka-dhaafitaanka cunaqabateynta ee 60-ka maalmood ah ee ay Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku soo saartay Isniintii waxay burburinaysaa tiirar waaweyn oo ka mid ahaa xayiraaddii muddada dheer socotay ee Washington, taas oo taariikh ahaan cuuryaamisay dhaqaalaha Tehran.

Ruqsadda degdegga ah waxay oggolaanaysaa soo saarista, iibinta iyo gaadhsiinta shidaalka caydhiin ee Iiraan iyo kiimikooyinka batroolka ilaa 21-ka Agoosto.

Saliidda Iiraan xitaa si toos ah ayaa loogu soo dhoofin karaa Maraykanka, sida ku cad fududeynta cunaqabateynta.

Waxay sidoo kale furaysaa la macaamillada bangiyada, caymiska iyo gaadiidka, waxayna meesha ka saaraysaa shabakadaha adag ee Iiraan hore ugu adeegsan jirtay iibinta saliidda caydhiin. Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent wuxuu sheegay in beddelka ka-dhaafitaanka 60-ka maalmood ah, Tehran ay ballanqaadday inay furayso marin-biyoodka muhiimka ah, isla markaana ay u oggolaan doonto kormeerayaasha nukliyeerka ee IAEA inay dib ugu soo laabtaan dalka.

Madaxweyne Trump

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Isagoo ka hadlayay Switzerland subaxnimadii Isniinta, Vance waxaa saxafiyiintu weydiiyeen goorta kormeerayaasha nukliyeerka ay dib ugu laaban doonaan Iiraan.

Wuxuu sheegay inuu filayo in hawshu ay bilaabato "ugu yaraan toddobaadkan", balse wada-hadallada lala yeelanayo kormeerayaashu "waxay dhici karaan xitaa maanta gudaheeda".

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale baraha bulshada ku qoray in Iiraan "ay oggolaan doonto kormeerid waaweyn oo hubka ah".

Si kastaba ha ahaatee, wareysi uu siiyay wakaaladda wararka dawladda ee Iiraan ee Irna, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Esmail Baqai wuxuu sheegay in Tehran aysan samayn "wax ballanqaadyo cusub ah" oo ku saabsan kormeerayaasha nukliyeerka.

Wuxuu ku adkaystay in wixii xidhiidh ah ee lala yeesho kormeerayaasha Qaramada Midoobay uu ku dhici doono "habraacyada jira ee uu dejiyay Baarlamaanka iyo Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka".

IAEA si degdeg ah ugama aysan hadlin arrintan.

Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, dhexda, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance iyo Ra'iisulwasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani oo wada taagan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, dhexda, Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance iyo Ra'iisulwasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani oo wada taagan.

Iiraan waxay joojisay gelitaanka IAEA ee goobihii ay duqeeyeen Israa'iil iyo Maraykanku intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday xagaagii hore.

Bishii xigtay, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka nukliyeerka waxay sheegtay inay dalka kala baxday kormeerayaashii uga hadhay.

Sannadkii 2015, Iiraan iyo lix quwadood oo waaweyn oo dunida ah Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, Jarmalka iyo UK waxay gaadheen heshiis u oggolaanaya IAEA inay kormeer ku sameyso goobaha nukliyeerka ee Iiraan.

Xilligii hore ee Trump, sannadkii 2018, wuxuu Maraykanka ka saaray heshiiskaas, isagoo ku doodayay inuu ahaa "heshiis xun". Vance wuxuu Isniintii sheegay in Iiraaniyiintu ay ku hanjabeen inay ka baxayaan wada-hadallada Axaddii kadib markii Trump uu ku digay Truth Social in Maraykanku "si aad u adag mar kale u garaaci karo Iiraan".

Madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka wuxuu sheegay inuu u sheegay wadaxaajoodayaasha Iiraan in Trump uu kaliya ka jawaabayay "hadallo aan qiimo lahayn" oo Iiraan ka yimid.

Isniintii, Trump wuxuu digniin cusub uga diray Iiraan isagoo jooga xafiiska Oval Office.

"Haddii Iiraan aysan ka dhabayn heshiiskooda, ama haddii aysan si habboon u dhaqmin, waxaan sameyn doonaa waxa aan ku khasbanaan doono," ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanku.

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in wadaxaajoodayaashii ugu sarreeyay ee Iiraan ay ka baxeen wada-hadalladii Isniinta, iyadoo doodaha farsamo ee labada dhinac ay sii socon doonaan.

Bayaanka wadajirka ah ee dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Pakistan ayaa sheegay in la sameeyay "khad isgaarsiineed" si "looga hortago isfaham la'aan, loona xaqiijiyo marin nabdoon ee maraakiibta ganacsiga isticmaalaan".

Labada dhinac waxay sidoo kale ku heshiiyeen in la sameeyo "unug yareysa iska horimaadka" oo u dhexeeya Maraykanka, Iiraan iyo Lubnaan, iyadoo ay fududeynayaan dalalka dhexdhexaadinaya, si loo soo afjaro hawlgallada militari ee Lubnaan, sida bayaankoodu sheegay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Seyed Abbas Araghchi wuxuu sheegay in tijaabada ugu horreysa ee "dhabta ah" ay noqon doonto Lubnaan.

Dagaalladii u dhexeeyay Israa'iil iyo Xisbullah ee Lubnaan ayaa yaraaday tan iyo habeenkii Sabtida, waxaana jiray xabbad-joojin jilicsan oo weli taagan.