Puntland oo soo saartay amarro ka dhan ah gaadiidka iyo ciidanka aan hoos tegin maamulkaas

Qoraalka Codka, Bile Qabowsade
Puntland oo soo saartay amarro ka dhan ah gaadiidka iyo ciidanka aan hoos tegin maamulkaas
Published

Golaha wasiirrada maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray go'aamo ay amniga deegaannadooda ku adkeynayaan, sida ay ku sheegeen warbixin ay soo saareen.

Go'aanka waxaa ka mid ah in gaadiid iyo hub aan ka amar qaadan Puntland aaney ka howl geli karin deegaannadaas.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay warbixinta in lala xisaabtamyao siyaasiintii ka dambeeyay "falal amniga lagu qalqal gelinayo."

Waxaanu la hadalnay Bile Maxamuud Qabowsade oo ah Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Puntland. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysigiisa: