Mpappe oo afka furtay kadib aflagaaddo kaga timid xildhibaanad u dhalatay Paraguay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weeraryahanka xulka Faransiiska, Kylian Mbappé, ayaa Isniintii si adag uga jawaabay weerar cunsuriyadeed oo ay ku qaaday Celeste Amarilla, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Paraguay, isagoo ku tilmaamay "haweeney sharaf-darran" kadib markii ay aflagaaddaysay isaga markii xulka qaranka Paraguay laga reebay Koobka Adduunka.
Goolkii rigooraha ahaa ee Mbappé ayaa noqday kan lagu kala baxay ciyaar adag oo xiisaddeedu sarreysay, taas oo Faransiisku 1–0 kaga adkaaday Paraguay magaalada Philadelphia Sabtidii lasoo dhaafay, kulankaaas oo xulka Faransiisku xaqiijistay inuu u gudbo wareegga siddeedda kooxood.
Celeste Amarilla ayaa barta X ku qortay qoraal dheeraa oo cunsuriyad xambaarsanaa, iyadoo Mbappé ku tilmaantay "nin asal ahaan dalka Kaameruun ka soo jeeda oo gumaysigu saameeyey, isla markaana si quus ah isugu dayaya inuu isu ekaysiiyo Faransiis." Waxay sidoo kale ku sheegtay "nin qalafsan" oo aan xitaa baran wax qorista.
Waxay intaas ku dartay in ciyaartoyda Paraguay ay ahayd inay Mbappé dharbaaxo ku dhuftaan markii ay ciyaartu dhammaatay.
Mbappé, oo ah kabtanka xulka Faransiiska, ayaa bayaan adag soo saaray, isagoo difaacaya naftiisa iyo sidoo kale ciyaartoyda Paraguay.

Xigashada Sawirka, X @CelesteSenadora
Wuxuu yidhi: "Marwo Celeste Amarilla, waxaad tahay haweeney sharaf-darran, mana u qalantid jagada aad haysid. Ma meteshid Paraguay, oo ah dal tartankan oo dhan ku muujiyey dadaal, sharaf iyo waddaniyad."
Wuxuu sii raaciyey:
"Mas'uuliyad-darradaada iyo cunsuriyaddaada cad waxay sabab u noqdeen in dunidu hilmaanto safarkii iyo guushii taariikhiga ahayd ee ay ciyaartoyda Paraguay ka gaadheen Koobkan Adduunka, iyadoo taa beddelkeedana indhaha lagu hayo haweeney aan karti lahayn oo sumcadda dalkooda dhaawacaysa."
"Marnaba ma oggolaan doono in dadka noocaas ahi ay si xor ah dunida ugu faafiyaan nacayb iyo cunsuriyad."
Xiriirka Kubbadda Cagta Faransiiska oo dacwad gudbinaya
Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska (FFF) ayaa arrintan sii qaaday, isagoo ku dhawaaqay inuu gudbinayo dacwad ciqaabeed, isla markaana hadallada Amarilla ku tilmaamay "kuwa aad looga argagaxo oo gebi ahaanba aan la aqbali karin."
Xidhiidhka wuxuu yidhi:
"Hadalladani waa fal dambiyeed la cambaareynayo. Waa in sharciga lala tiigsadaa gudaha Faransiiska iyo meel kasta oo kale. Sidaas darteed FFF waxay arrintan u gudbinaysaa xafiiska xeer-ilaaliyaha si tallaabo sharci ah looga qaado."
Waxay intaas ku dareen:
"Hadalladani waxay ceeb ku yihiin cidda sheegtay iyo cid kasta oo faafisay. Ciyaartoyda xulka Faransiisku waxay matalaan Faransiiska, sidaas darteed dalkayaga ayaa la aflagaaddeeyey."
Dowladda Paraguay oo ka hadashay arrintan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dowladda Paraguay ayaa sheegtay inay si adag u cambaaraynayso una diidayso hadallada ay Celeste Amarilla jeedisay, iyadoo xustay inay ka soo horjeedaan qiyamka iyo mabaadi'da dalka ee ku salaysan wada noolaanshaha nabadda iyo ixtiraamka karaamada aadanaha.
Guddoomiyaha Golaha Qaranka ee Paraguay, Núñez, ayaa isaguna yidhi:
"Waxaan si adag u diidayaa farriimaha cunsuriyadda, naceybka shisheeyaha iyo hadallada dadka lagu kicinayo rabshadaha."
Wuxuu intaas ku daray:
"Xulka Paraguay waxay Koobka Adduunka ku muujiyeen geesinimo, sharaf iyo adkaysi. Siyaasadda iyo ciyaaraha waa in la kala fogeeyaa."
Kaaliyaha tababaraha Faransiiska oo hadlay
Kaaliyaha tababaraha xulka Faransiiska, Guy Stephan, ayaa sheegay:
"Weli lama aanan hadlin Kylian, fursadna uma aanan helin."
Laakiin wuxuu hadalkiisa ku soo koobay saddex jumladood:
"Waa arrin ceeb ah, fool xun, isla markaana aan la aqbali karin."
Koobka Adduunka ee FIFA 2026, xulka Faransiiska ayaa ilaa hadda ciyaaray shan kulan, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan. Shan kulan gudahood waxay dhaliyeen 14 gool, halka laga dhaliyay xulkooda keliya laba gool oo keliya.
Kulamadii ay ciyaareen ayaa kala ahaa:
Faransiiska 3–0 Iswiidhan (Wareegga 32-ka).
Faransiiska 4–0 Ciraaq (Wareegga guruubyada).
Faransiiska 5–1 Norway (Wareegga guruubyada).
Faransiiska 1–1 Senegal (Wareegga guruubyada).
Faransiiska 1–0 Paraguay (Wareegga 16-ka), kulan uu goolka guusha ka dhaliyey Kylian Mbappé.
Gooldhaliyaha ugu sarreeya xulka Faransiiska tartankan waa Kylian Mbappé, kaas oo dhaliyey 7 gool, isagoo door weyn ka qaatay in xulkiisu u gudbo wareegga siddeedda (Rubuc-dhamaadka) ee Koobka Adduunka 2026.
Loollanka loogu jiro Kabta Dahabka ah ee Gooldhaliyaha Koobka Adduunka FIFA 2026 waxaa hadda isku haysta saddex ciyaaryahan, kuwaas oo mid kasta uu dhaliyey 7 gool.
Saddexda ciyaaryahan ee hoggaanka wada haya waa:
Lionel Messi oo ka tirsan xulka Argentina.
Kylian Mbappé oo ka tirsan xulka Faransiiska.
Erling Haaland oo ka tirsan xulka Norway.
Saddexdan xiddig ayaa isku dheelli tiran tirada goolasha ay dhaliyeen, waxaana tartanku weli u furan yahay cidda ugu dambayn ku guuleysan doonta Kabaha Dahabka ah, oo la siiyo ciyaaryahanka ugu goolasha badan Koobka Adduunka.















