Pakistaan oo digniin u dirtay Xuutiyiinta Yemen, kuna hanjabtay tallabo militari

Xuutiyiinta

Xigashada Sawirka, Houthi Media Center/Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Pakistan, oo dhex-dhexaadin ka dhex wada Mareykanka iyo Iran, ayaa sheegtay inay hoggaanka Iran kala hadasho dhammaan horumarrada gobolka, oo ay ku jiraan arrinta Xuutiyiinta Yemen, kadib wararka ku saabsan weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen markab shidaal oo Sacuudi ah oo marayay Badda Cas.

Pakistan ayaa sidoo kale uga digtay kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageerto in weerar kasta oo lagu qaado maraakiibta wata calanka Pakistan ama danaha badeed ee Pakistan ee Badda Cas loo aqoonsan doono khatar weyn oo ku wajahan amniga qaranka.

Markii BBC ay Khamiistii weydiisay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, in Pakistan ay walaaceeda ku saabsan Xuutiyiinta u gudbisay Iran oo ah xulafadooda, wuxuu yiri:

"Dabcan, marka aan ka wada hadalno horumarrada gobolka, dhammaan arrimaha gobolka waa laga hadlaa. Aniga ahaan, in arrintan laga wada hadlay ma aha wax la yaab leh."

Wuxuu intaas ku daray:"Nooca iyo faahfaahinta wada-hadalladaas, dabcan, waxaa xaddidaya shuruudaha sirta ah ee u dhexeeya labada dal."

Waxaa xusid mudan in hanjabaadaha ay sameynayaan xulafada Iran ee ku wajahan marinnada muhiimka ah ee maraakiibta ee Badda Cas ay sii kordhiyeen walaaca laga qabo saameyn kale oo ku timaadda ganacsiga caalamiga ah.

Xiritaanka Marinka Hormuz ee ay Iran sameysay ayaa durba si weyn u carqaladeeyay isu socodka maraakiibta ee Gacanka Faaris, waxaana hadda xulafadeeda muhiimka ah ee Bariga Dhexe ay ku hanjabayaan inay furaan jiid dagaal oo kale oo badeed oo ka jira dhinaca kale ee Jasiiradda Carabta.

Xuutiyiinta Yemen ee ay Tehran taageerto, kuwaas oo maamula waqooyiga Yemen, ayaa ku dhawaaqay xannibaad badeed oo ka dhan ah xulafada Mareykanka ee Sacuudiga, iyagoo ka hirgeliyay Marinka Bab al-Mandab.

Waxaa xusid mudan in Bab al-Mandab uu yahay marin-biyood muhiim ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Marinkan ayaa sidoo kale ah waddada loo maro Kanaalka Suweys, waxaana mara qiyaastii 12% Shidaalka adduunka ee lagu dhoofiyo maraakiibta.

Heshiiska difaaca ee u dhexeeya Pakistan iyo Sacuudi Carabiya ayaa lagu tilmaamayaa horumar lama filaan ah oo ku saabsan siyaasadda gobolka.

Xigashada Sawirka, Saudi Press Agency

Waa maxay mowqifka Pakistan ee ku aaddan khatarta Xuutiyiinta?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Si kastaba ha ahaatee, Pakistan ayaa uga digtay kooxda Xuutiyiinta in tallaabo kasta oo gardarro ah oo lagu qaado maraakiibta sida sharci ah u sita calanka Pakistan ama danaha badeed ee Pakistan loo aqoonsan doono khatar weyn oo ku wajahan amniga qaranka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay:

"Pakistan waxay xaq u leedahay inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, oo ay ku jirto adeegsiga awood ciidan oo waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, si ay u difaacdo danaheeda badeed."

Bayaanka ayaa sidoo kale cambaareeyay hanjabaadaha Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Sacuudiga iyo Badda Cas, isagoo sheegay in: "Falalkan waxay khatar ku yihiin amniga gobolka, xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah."

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sidoo kale muujisay walaac ku saabsan hanjabaadaha loo jeedinayo maraakiibta ku hawlan ganacsiga sharciga ah ee

Pakistan iyo Sacuudiga ayaa sanadkii hore kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ay sheegtay in Islamabad ay "si buuxda u fulin doonto dhammaan ballanqaadyada ku jira heshiisyada labada dal, iyo waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah."

Markii shirkii jaraa'id ee toddobaadlaha ahaa lagu weydiiyay haddii Pakistan ay ciidamo ama maraakiib dagaal u diri doonto Badda Cas iyo Marinka Bab al-Mandab si ay u ilaaliyaan maraakiibta Pakistan una taageeraan Sacuudiga, sida ku cad heshiiska difaaca ee la saxiixay sanadkii hore, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tahir Andrabi ayaa yiri:"Arrintaasi waxay la xiriirtaa faahfaahinta hawlgallada, mana hayo xog ku saabsan."

Haddaba su'aasha taagan ayaa ah: Ma laga yaabaa in Pakistan mustaqbalka door firfircoon ka qaadato Badda Cas?

Omar Karim, oo cilmi-baare ka ah Jaamacadda Birmingham kuna takhasusay arrimaha Bariga Dhexe, ayaa BBC-da wax a waydiisay.

"Marka la eego hanjabaadihii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta, Pakistan waxaa laga yaabaa inay kordhiso joogitaanka ciidankeeda badda ee Badda Cas isla markaana ay sameyso roondooyin joogto ah, laakiin xitaa sidaas, lama dammaanad qaadi karo amniga buuxa ee maraakiibta."

Sida uu sheegay Omar Karim, waxaa jira laba walaac oo waaweyn oo xaaladda hadda jirta la xiriira.

Midda koowaad waa in Xuutiyiintu ay beegsadaan markab ganacsi oo wata calanka Pakistan, ama ay weeraraan maraakiibta shidaalka qaada ee ka soo dhoofiya shidaalka dekedaha Sacuudiga.

Wuxuu intaas ku daray:"Haddii mustaqbalka ay bataan maraakiibta ku shaqeeya calanka Pakistan, waxaa sidoo kale soo bixi doonta su'aasha ah inay iyaguna la kulmi doonaan khatarahaas oo kale."

Karim ayaa sidoo kale sheegay:"Mowqifka Xuutiyiintu wuxuu u muuqdaa farriin ballaaran oo muujinaysa in maraakiibta maraya Bab al-Mandab, gaar ahaan kuwa sida shidaalka cayriin ee Sacuudiga, ay noqon karaan bartilmaameedkooda."

Sida uu qabo Omar Karim:"Xuutiyiintu waxay awood u leeyihiin inay gantaallo ama diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraraan maraakiibtaas, sidoo kalena ay qabtaan ama afduubtaan, sida ay horeyba u sameeyeen."

Pakistan, waxayna mar kale xaqiijisay taageerada Pakistan ee amniga iyo madaxbannaanida Sacuudiga.

Waxay ugu dambeyn ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah isla markaana ay xaqiijiyaan badqabka isu socodka maraakiibta badda.