Sarkaal Israa’iili ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil aysan dib uga bixi doonin Qasa ilaa ay dhacdo hub-ka-dhigis “dhab ah” oo ay sameyso Xamaas

Xalay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaaray heshiis dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa'iil ay ka baxaan Marinka Gaza.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez,oo eedeeyey kooxaha wax tahriibiya

    Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez

    Xigashada Sawirka, NurPhoto via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez

    Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa ku eedeeyay kooxaha tahriibinta dadka kadib markii ku dhowaad 60,000 muhaajiriin ah ay Morocco uga gudbeen magaalada Ceuta, oo ah dhul ay Spain ku leedahay Waqooyiga Afrika. Sida ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah, ugu yaraan 57 qof ayaa ku dhintay qulqulkaas.

    Sánchez ayaa dhacdadan ku tilmaamay “xadgudub ka dhan ah wadajirka dhuleed ee Spain.” Dhanka kale, Talyaaniga ayaa ka falceliyay arrintan isagoo si ku-meel-gaar ah u hakiyay heshiiska Schengen ee Midowga Yurub ee u oggolaanaya isu socodka aan xuduudaha lahayn ee kala dhexeeya Spain.

    Ilaa fiidnimadii Jimcaha, mas’uuliyiinta Spain waxay sheegeen in in ka badan 48,000 oo ka mid ah muhaajiriinta ay si iskood ah ugu laabteen Morocco.

    Qulqulkan muhaajiriinta ayaa yimid kadib markii Maxkamadda Sare ee Spain ay go’aamisay in muhaajiriinta lagu qabto badda iyagoo isku dayaya inay gaaraan Ceuta ama Melilla oo ah dhul kale oo Spain ku leedahay Waqooyiga Afrika aan si degdeg ah dib loogu celin karin Morocco.

  2. Muxuu yahay xanuunka ku dhacay ninkan ee uu uga digay ragga?

    Aabe laba carruur ah leh ayaa ku dhawaaday inuu carrabkiisa waayo ka dib markii buro yar oo daanka hoostiisa ka soo baxay ay isu beddeshay kansar.

    Anthony Perriam wuxuu u tagay Dhakhtarkiisa Guud ka dib markii uu markii ugu horreysay isku arkay buro, dhowr toddobaad ka dibna waxaa laga helay kansar madaxa iyo qoorta ah oo la xiriira fayraska HPV.

    HPV waa koox fayras oo caadi ah oo saameeya maqaarka oo aan dhibaato ku keenin dadka badankood, laakiin noocyada qaarkood waxay sababi karaan kansar ama burooyinka xubnaha taranka.

    "Waxaan waligay maqlayey oo keliya HPV oo la xiriira kansarka ilmo-galeenka. Ma aanan ogeyn inay sababi karto kansarro sidan oo kale ah, gaar ahaan ragga," ayuu yiri Anthony, oo ka yimid Cardiff, Wales.

    Anthony wuxuu intaa ku daray "Waxaan isku arkaa inaan nasiib leeyahay in aan weli wax cuni karo oo hadli karo, laakiin haddii aan arrintan sii dayn lahaa muddo dheer, waxaan lumin lahaa carrabka ama xitaa waa dhiman lahaa."

  3. Trump oo aan ka jawaabin su’aal adag oo laga waydiiye heshiiska Xamaas uu la gaaray

    Waxaan hadda idiin soo gudbin karnaa hadalladii ugu dambeeyay ee Donald Trump oo dhammaystiran, kuwaas oo ku saabsan heshiiska hub-ka-dhigista Xamaas.

    Weriye ayaa Madaxweyne Trump weydiiyay inuu ka hayo dammaanad ama xaqiijin Israa’iil oo muujinaysa inay taageersan tahay heshiiska hub-ka-dhigista Xamaas, iyo waxa ugu horreyn doona: hub-ka-dhigista mise ka bixitaanka ciidamada Israa’iil (IDF) ee Qasa.

    Trump wuxuu sheegay in Israa’iil ay “aad ugu faraxsan tahay” heshiiska, isla markaana uu heshiisku faa’iido u leeyahay Mareykanka. Wuxuu intaas ku daray in aanay cidina filayn in heshiis noocan oo kale ah lala gaari karo Xamaas.

    “Waxay tallaabo weyn u tahay Bariga Dhexe,” ayuu yiri.

    Hase yeeshee, markii la weydiiyay in heshiisku dhab ahaan hirgeli doono iyo in kale, wuxuu qiray in xaaladda Qasa ay tahay “mid aad u adag oo isku murugsan.”

    “Dadku waa kuwo aad u adag oo ay adag tahay in lala macaamilo. Marar badan waa dad wanaagsan, mararka qaarna sidaas ma aha,” ayuu yiri.

    Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska, mana uusan caddeynin in marka hore la fulinayo hub-ka-dhigista ama ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ee Gaza.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Trump oo shaaciyey sida Israa’iil u aragto heshiiska uu la gaaray Xamaas

    Isagoo ka jawaabaya su’aal ay warbaahintu weydiisay, Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu “is-fahan” la leeyahay Israa’iil oo ku saabsan hub-ka-dhigista Xamaas.

    “Israa’iil aad ayay ugu faraxsan tahay,” ayuu intaas ku daray.

  5. Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo heshiiska hub dhigista Xamaas ku sheegay “tallaabo kale oo weyn”

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio

    Waxaan hadda idiin soo gudbin karnaa hadal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada Mareykanka ee ka socda Camp David.

    Donald Trump weli kama uusan hadlin heshiiska nabadda, balse Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa soo qaaday arrinta hub-ka-dhigista shuruudda leh ee Xamaas, isagoo ku tilmaamay “tallaabo kale oo weyn.”

    “Waa arrin ay dad badan u maleeyeen inaanay marnaba dhici doonin. Waa inay dhacdaa. Laakiin xaqiiqda ah inay xitaa ku heshiiyeen arrintaas waa mid dhab ah oo la gaari karo,” ayuu yiri.

  6. UK oo baaq dirtay ka dib heshiiska Xamaas iyo Trump

    Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, Ed Miliband

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, Ed Miliband

    Wasiirka Arrimaha Dibadda UK, Ed Miliband, ayaa soo dhaweeyay warka sheegaya in Xamaas ay shuruud ku xirtay hub-ka-dhigis, wuxuuna sheegay in “diiradda hadda la saarayo sidii si buuxda loo hirgelin lahaa Qorshaha 20-ka Qodob.”

    Bayaankiisa oo soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay : “Tani waxay ka mid tahay ka bixitaanka ciidamada IDF ee Qasa iyo in dhammaan dhinacyadu ixtiraamaan xabbad-joojinta.”

    Miliband wuxuu sheegay in xaaladaha Qasa ay “wali yihiin kuwo aad u xun,” isla markaana Israa’iil ay “si degdeg ah u joojiso xannibaadaha aan la aqbali karin ee saaran gargaarka.”

    Wuxuu intaas ku daray in UK ay sii wadi doonto la shaqeynta dhammaan saaxiibadeeda si loo “soo afjaro colaadda Qasa iyo khatarta argagixisada ee ka imaanaysa Xamaas.”

  7. War cusub oo ku saabsan heshiiska Xamaas oo uu hadda sheegay safiirka Israa’iil ee QM

    Safiirka Israa'iil ee Qaramada Midoobay Danny Danon

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Safiirka Israa'iil ee Qaramada Midoobay Danny Danon

    Waxaan hadda maqalnay safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, oo wareysi siiyay CNN.

    Wuxuu sheegay in Israa’iil ay “rajaynayso hirgelinta” heshiiska, inkasta oo uu muujiyay shaki, isagoo ka hadlay Xamaas: “Waa inaan xaqiijinaa waxa ay sameynayaan, ee ma aha waxa ay sheegayaan.”

    Wuxuu sheegay in arrinta ugu weyn ay tahay hub-ka-dhigista, isagoo faahfaahiyay shakiga ah in Xamaas ay “ciyaar samaynayso” iyadoo hubka meelaha u kala wareejinaysa halkii ay ka baabi’in lahayd.

    “Hub-ka-dhigis micnaheedu waa in hubku ka baxo Qasa,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray inay sidoo kale ka dhigan tahay in Xamaas aysan gacanta ku hayn hubkaas.

    Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay dhismaha dowlad Falastiini ah.

    “Kadib 7-da Oktoobar, maanta gudaha Israa’iil cidna kama hadlayso ikhtiyaarka dowlad Falastiini ah,” ayuu yiri. “Waxaan ka walaacsannahay amnigeenna. Waxaan rabnaa inaan aragno Falastiiniyiinta oo helaya nolol ka wanaagsan iyo maamul dhexdhexaad ah.

    “Fikradda dowlad [Falastiini ah] miiska ma saarna.”

    Xamaas ayaa sheegtay in wareejinta hubkeeda culus ay ku xiran tahay in Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxdo Qasa, iyo in la damaanad qaado xaqa “go’aaminta iyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.”

    Kooxdu sidoo kale waxay sheegtay in hubka culus ee la wareejiyo lagu kaydin doono mas’uuliyadda Guddiga Qaran ee Maamulka Gaza (NCAG), halkii si toos ah loogu wareejin lahaa Israa’iil.

  8. Wasiirka amniga Israa’iil oo ka hadlay heshiiska Xamaas iyo Trump

    Wasiirka Amniga Qaranka ee garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Amniga Qaranka ee garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir.

    Waxaan hadda maqalnay faahfaahin dheeraad ah oo ka timid Wasiirka Amniga Qaranka ee garabka midig ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir.

    Isagoo qoraallo ku daabacay Telegram iyo X, wuxuu sheegay in qabyo-qoraalka heshiiska ee uu soo bandhigay Guddiga Nabadda uu yahay “mid aan Israa’iil aqbali karin.”

    Wuxuu sheegay in oggolaanshaha joojinta “ciribtirka gacan-ku-dhiiglayaasha ka tirsan ururka argagixisada” ay si dhab ah u oggolaan lahayd Xamaas “inay dib isu abaabusho si ay u diyaar garowdo xasuuq kale.”

    Wuxuu intaas ku daray in Israa’iil ay tahay inay sii waddo beegsiga bartilmaameedyada ku sugan Qasa, wuxuuna mar kale ku celiyay hadallo hore oo ku saabsan “dhiirrigelinta dadka inay ka haajiraan” gobolkaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. Ra’iisul Wasaaraha UK oo si adag ugu hadlay madaxweynaha FIFA ka dib iscasiladi Lataliyihiisa

    Gianni Infantino wuxuu ahaa madaxweynaha FIFA tan iyo bishii Febraayo 2016.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gianni Infantino wuxuu ahaa madaxweynaha FIFA tan iyo bishii Febraayo 2016.

    Ra’iisul Wasaaraha Andy Burnham ayaa sheegay in Gianni Infantino uu yahay “nin ay khalad ahayd" inuu hoggaaminaya FIFA, kadib markii la-taliyaha sare ee madaxweynaha FIFA uu iscasilay, isla markaana xiriir saddexaad oo kubadda cagta ah uu ka hor yimid qorshihiisa ah in saamiyo laga iibiyo tartamada si loogu wareejiyo maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay.

    Burnham ayaa hore u dhaliilay soo jeedinta markii ugu horreysay ee la shaaciyay, wuxuuna wariyeyaasha u sheegay Jimcihii: “Tani waxay ahayd soo jeedin aan la aqbali karin. Fikradda ah in arrintan xitaa la soo bandhigi karo waxay muujinaysaa, aniga aragtidayda, in [Infantino] uu yahay ninka aan sax ahayn inuu hoggaaminaya hay’adda.”

    Burnham wuxuu hadalkan jeediyay saacado kadib markii Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya (AFC) uu sheegay inuu “garab taagan yahay” dhiggiisa Yurub iyo Waqooyiga, Bartamaha Ameerika iyo Kariibiyaanka.

    AFC waxay intaas ku dartay in qorshaha Infantino uusan “si dhab ah u gaari karin is-afgaradka ballaaran iyo midnimada lagama maarmaanka u ah in horay loogu socdo.”

    Waxay sheegeen “Koobka Adduunka ee FIFA waa meesha ugu sarreysa kubadda cagta caalamka, awooddiisana waxay ka timaaddaa ka qaybgalka dhammaan xiriirrada qaaradaha iyo dalalka kubadda cagta ugu sarreeya dunida. Soo jeedin kasta oo halis gelinaysa midnimada iyo dabeecadda caalamiga ah ee tartanka waa in dib loo eego.”

    Wax yar kadib bayaankaas, Carlos Cordeiro oo lataliye sare u ah Infantino una qaabilsanaa istaraatiijiyadda caalamiga ah iyo maamulka ayaa iscasilay, isagoo sheegay in qorshuhu yahay “heshiis xun oo kubadda cagta ah” isla markaana uu “dayn gelinayo mustaqbalka kubadda cagta.”

    Bayaanka AFC wuxuu ka dhigan yahay in qorshaha Infantino ay u badan tahay inuusan ansixin doonin xubnaha FIFA haddii cod loo qaado.

    Infantino ayaa sheegay in soo jeedintu u baahan doonto aqlabiyad fudud si loo meel mariyo, taas oo ka dhigan in 106 ka mid ah 211-ka xubnood ee FIFA ay tahay inay u codeeyaan.

    UEFA oo maamusha kubadda cagta Yurub, waxay leedahay 55 cod. Concacaf, oo maamusha kubadda cagta Waqooyiga, Bartamaha Ameerika iyo Kariibiyaanka, waxay leedahay 35 cod, halka Aasiya ay leedahay 46 cod.

    Haddii dhammaan ururrada xubnaha ahi ay taageeraan mowqifka xiriirrada ay hoos yimaadaan, taasi waxay ka dhigan tahay in 136 dal ay ka soo horjeedaan qorshaha Infantino.

  10. Ciidamada Israa’iil oo war cusub soo saaray

    Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa xaqiijiyay wararkii hore ee sheegayay in Israa’iil ay duqeyn ka fulisay Qasa, taas oo lagu soo warramay in dhowr Falastiiniyiin ah ay ku dhaawacmeen.

    Kadib markii BBC ay la xiriirtay, IDF waxay sheegtay inay fulisay weerar “lagu beegsanayay xubin ka tirsan garabka militariga Xamaas” oo ku sugnaa aagga Magaalada Qasa.

    IDF ayaa intaas ku dartay: “Kadib markii la aqoonsaday dad aan ku lug lahayn goobta, hubkii la adeegsaday ayaa la leexiyay si loo yareeyo waxyeellada soo gaari karta. Dhacdadan ayaa hadda dib loo eegayaa.”

  11. Waa kuwee dalalka Trump uga mahadceliyey heshiiska Xamaas?

    Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu ku daabacay barta Truth Social ku sheegay: “Tani waa tallaabo weyn oo muhiim ah oo ka mid ah hirgelinta Qorshaha 20-ka Qodob ee Trump. Heshiiska waxaa loo fulin doonaa marxalado si taxaddar leh loo qorsheeyay.

    Marka hub-ka-dhigistu la dhammaystiro, ciidamada Israa’iil way ka bixi doonaan, Ciidanka Xasilinta Caalamiga ahna wuxuu la shaqayn doonaa booliis cusub oo Falastiini ah si uu mas’uuliyadda uga qaato in Qasa ay ammaan u noqoto dadka deggan iyo dalalka deriska la ah.”

    Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dhexdhexaadiyeyaasha Masar, Qatar iyo Turkiga.

    Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa warbaahinta dowladda Masar, in Qaahira ay martigelin doonto kulan ay yeeshaan dhexdhexaadiyeyaasha Qasa oo ku saabsan wejiga labaad ee qorshaha xabbad-joojinta.

  12. Maxay yihiin sifooyinka gaarka ah ee Hibo Nuura ka sheegtay Axmed Cali Cigaal oo geeriyooday?

    Fanaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, Fanaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

    Allaha u naxariistee, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyooday abwaankii iyo fannaankii waynaa ee hoballada Waaberi Axmed Cali Cigaal. Axmed ayaa la sheegay in uu waayadii dambe ku xanuunsaney halkaasi.

    Sidoo kale, abwaanno iyo fannaaniin kala duwan oo BBC-du la hadashay ayaa sidoo kale u xaqiijiyey geerida fannaanka, kana tacsiyeeyey.

    Fannaanka ayaa la sheegay inuu qorsheenayey inuu ka qeyb-galo xafladda sanad-guurada maamulka Puntland oo la xuso bisha Agoosto sanad kasta.

    Sifooyinka Hibo ka sheegtay Marxuun Axmed Cali Cigaal

    Fananad Hibo Nuura oo ay muddo dheer jaal ku ahaayey fanka allah u naxariistee Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka ayaa ku tilmamay inuu ahaa qof dabeecad wanaagsan , dad la dhaqan leh.

    “Fanaaniinta guud ahaan Soomaaliyeed qaybkasta oo ay ahayeen iyo fanaaniinta ee aan ka wada tirsanayn ee Waaberi dadka isugu dhow ayaan ahayn horreyso iyo dambaysaba, haddana magaalo ayaan ku wada nooley dadkaan isku jeclayn xaqii baa u yimi allah u naxariisto” ayey tiri Hibo Nuura.

    Waxay intaas raacisay Hibo in Cigaal allaha u raxmadee ay ku taqaanay markii hore ee uu dhalinyarada ahaa nin dabaceed wanaagsan mudaddan dembena wuxuu ahaa nin diinta iyo masaajidka ku xiran, nin alle ka cabsi lagu yaqaanay ayuu ahaa.

  13. Xamaas oo hadda war soo saartay

    Xamaas ayaa sheegtay in wareejinta hubkeeda culus, taas oo qayb ka ah heshiiska ay la gashay Guddiga Nabadda ee Trump, ay ku xiran tahay in Israa’iil ay joojiso “dhammaan noocyada gardarrada” isla markaana ay ciidamadeeda kala baxdo Qasa.

    Bayaan ay soo saartay, kooxda ayaa sheegtay inay si “mas’uuliyad iyo si wanaagsan” ah uga wada xaajootay heshiiska, iyadoo ay jirto “is-afgarad qaran oo u dhexeeya kooxaha Falastiiniyiinta.”

    Waxay sheegtay in ballanqaadka Israa’iil ee ah inay joojinayso weerarrada ka dhanka ah Qasa uu yahay “shardi aasaasi ah” oo lagu sii wadi karo heshiiska.

    Xamaas ayaa sidoo kale sheegtay in heshiisku uu dhigayo in la geeyo ciidamo caalami ah oo ilaalin ah, isla markaana la damaanad qaado xaqa “is-maamul iyo go’aan-qaadasho,” iyo in la dhiso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

    Waxay intaas ku dartay in hubka culus ee ay Xamaas wareejiso lagu kaydin doono mas’uuliyadda Guddiga Qaran ee Maamulka Gaza (NCAG) ee hoos yimaada Guddiga Nabadda.

  14. Jarmalka oo war ka soo saaray heshiiska Xamaas iyo Trump

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephu

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephu

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo “wararka rajo leh” ee ku saabsan heshiiska ay gaareen Guddiga Nabadda ee Trump iyo Xamaas.

    Qoraal uu ku daabacay barta X ayuu wasiirku ku sheegay in hadda ay muhiim tahay in horumar dhab ah la sameeyo isla markaana Xamaas ay si dhab ah hubka u dhigto. Wuxuu intaas ku daray in Xamaas “aysan mar dambe khatar ku noqon karin Israa’iil.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay in Jarmalku uu diyaar u yahay inuu dadka Qasa ku taageero gargaar bani’aadamnimo.

    Xusuusin ahaan, heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxdo Qasa, hase yeeshee Israa’iil weli kama aysan hadlin arrintaas.

    Qodobada kale ee aadi sii akhrin karto

  15. Sarkaal sare oo Lataliye u ah madaxweynaha FIFA oo iscasiley

    La-taliyaha sare ee madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ayaa iscasilay kadib soo jeedinta lagu doonayay in saamiyo ka mid ah Koobka Adduunka iyo tartamo kale laga iibiyo maalgeliyeyaal gaar loo leeyahay.

    Carlos Cordeiro ayaa ku tilmaamay arrintaas heshiis xun oo aan u wanaagsanayn kubadda cagta, wuxuuna su’aal ka keenay sababta FIFA ay u iibinayso qayb ka mid ah hantideeda ugu qiimaha badan iyadoo ay hay’addu haysato balaayiin doollar oo kayd ah.

    Iscasilaaddiisa ayaa timid wax yar kadib markii Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya (AFC) uu ku biiray laba xiriir oo kale oo heer gobol ah kuwaas oo cambaareeyay qorshahaas. AFC waxay sheegtay in kubadda cagta aan marnaba la gaarsiin karin xaalad laga hadlayo in la qaadaco Koobka Adduunka.

    FIFA ayaa difaacday soo jeedinta, iyadoo ku adkaysatay inay sii wadi doonto wadatashiyada ku saabsan qorshaha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Sawirro: Nolosha Qasa iyadoo duqeymaha Israa'iil ay sii socdaan

    Teendhooyin ku-meel-gaar ah ayaa hoy u ah carruurta iyo qoysaskooda meelo badan oo ka tirsan Qasa.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Teendhooyin ku-meel-gaar ah ayaa hoy u ah carruurta iyo qoysaskooda meelo badan oo ka tirsan Qasa.

    Iyadoo Donald Trump uu sheegay in la gaaray heshiis ku saabsan "hub-ka-dhigista buuxda" ee Xamaas Qasa, haddana duqeymaha Israa'iil way sii socdaan.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dhowr Falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Qasa goor hore maanta ah.

    Sawirradan, oo la qaaday toddobaadkii la soo dhaafay, waxay muujinayaan sida ay noloshu u tahay dadka ku nool goob dagaal.

    Qiiq iyo olol ayaa cirka isku shareeray kadib markii duqeyn cirka ah oo ay Israa'iil fulisay ay Talaadadii ku dhacday masaajid ku yaalla Magaalada Gaza.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qiiq iyo olol ayaa cirka isku shareeray kadib markii duqeyn cirka ah oo ay Israa'iil fulisay ay Talaadadii ku dhacday masaajid ku yaalla Magaalada Qasa
    Haweeney eegaysa burburka gaaray gurigeeda kadib duqeyn ay Israa'iil fulisay horraantii toddobaadkan.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Haweeney eegaysa burburka gaaray gurigeeda kadib duqeyn ay Israa'iil fulisay horraantii toddobaadkan.
    Masaajid ku yaalla Magaalada Qasa ayaa burburay kadib markii uu ku dhacay weerar ay ciidamada Israa'iil fuliyeen Talaadadii

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Masaajid ku yaalla Magaalada Qasa ayaa burburay kadib markii uu ku dhacay weerar ay ciidamada Israa'iil fuliyeen Talaadadii
    Nin ayaa diyaarinaya cunto gudaha teendho ku taalla xero ku taal Magaalada Qasa, Axaddii.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Nin ayaa diyaarinaya cunto gudaha teendho ku taalla xero ku taal Magaalada Qasa, Axaddii.
  17. War deg deg ah, AUN Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

    AUN Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

    Rabbi Naxariistiisa janno hasiiyee, sida ay BBC-da u xaqiijisay Huba-Nuura waxa dalka Maraykanka ku geeriyooday abwaankii iyo fannaankii waynaa ee hoballada Waaberi Axmed Cali Cigaal. Axmed ayaa la sheegay in uu waayadii dambe xanuusaney halkaasi.

    Sidoo kale, abwaanno iyo fannaaniin kala duwan oo BBC-da la hadashay ayaa sidoo kale u xaqiijiyey geerida fannaanka, kana tacsiyeeyey.

    AUN Axmed Cali Cigaal ayaa kamid ahaa dhallinyaradii kusoo baxay markii kacaankii fanka iyo suugaantu taabbagalka noqonayey.

    Fannaanka ayaa la sheegay inuu qorsheenayey inuu kasoo qeyb-galo xafladda sanad guurada maamulka Puntland oo la xuso bisha Agoosto sanad kasta, inkasta oo aysan u suurogelin.

    Goor dhow filo taariikdiisa oo dhammeystiran

  18. War deg deg ah, Rajo kasoo cusboonaatay isku socodka marin biyoodka Baab al-Mandab

    Rajo kasoo cusboonaatay isku socodka marin biyoodka Baab al-Mandab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida ku cad xogta shirkadda dabagalka maraakiibta ee Kepler, wadar ahaan 25 markab oo ganacsi oo sida badeecooyin ayaa Khamiistii maray marin-biyoodka Bab al-Mandab, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ka dagaallama Yaman.

    Reuters ayaa sheegtay in 18 ka mid ah 25-ka markab ay galeen marin-biyoodka Bab al-Mandab, halka 7 kalena ay ka baxeen.

    Maraakiibtaas waxaa ku jiray dhowr markab oo shidaal qaada, oo ay ku jiraan laba markab oo waaweyn iyo shan markab oo nooca Aframax ah.

    Dhanka kale, isu socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz ayaa weli ah mid hooseeya, iyadoo illaa khamiistii ay mareen oo keliya laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah.

    Waxaa xusid mudan in labadii markab ee maray Marin-biyoodka Hormuz aysan wax xamuul ah sidin.

  19. Warbaahinta Iiraan oo baahisay in ciidamo Ilaalada Kacaanka ah lagu dilay weerarkii Sacuudiga iyo Maraykanka ee Ciraaq

    Warbaahinta Iiraan oo baahisay in ciidamo Ilaalada Kacaanka ah lagu dilay weerarkii Sacuudiga iyo Maraykanka ee Ciraaq

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Warbaahinta Iiraan ayaa baahisay muuqaallo muujinaya meydadka shan xubnood oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), kuwaas oo lagu dilay weerarradii ay Sacuudiga iyo Maraykanku ka fuliyeen gudaha Ciraaq.

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ee IRNA ayaa qortay in meydadka xubnahan IRGC loo soo qaaday gudaha Iiraan iyagoo soo maray xadka Mehran.

    Maalmihii la soo dhaafay, Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday maleeshiyaad xiriir la leh Iiraan oo ku sugan Ciraaq, iyagoo sheegay inay uga jawaabayeen weerarro ay diyaarado aan duuliye lahayn ka fuliyeen dhulka Ciraaq oo lagu beegsaday xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

    Ciidamada Xoogagga Abaabulka Dadweynaha ee Ciraaq ayaa sheegay in weerarrada Maraykanka iyo Sacuudiga lagu dilay ugu yaraan 20 xubnood, halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen. PMF waxay sidoo kale sheegtay in shan la-taliye oo ka tirsanaa IRGC ay ku dhinteen weerarradaas.

    Akhrin dheeraad ah:

  20. Masar oo martigelin doonta kulanka dhexdhexaadiyeyaasha qorshaha nabadda ee Qasa

    Masar oo martigelin doonta kulanka dhexdhexaadiyeyaasha qorshaha nabadda ee Qasa

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shabakadda wararka Cairo News, oo xiriir la leh dowladda Masar, ayaa subaxnimadii Jimcaha sheegtay in magaalada Qaahira ay dhowaan lagu qaban doono kulan ay isugu imaanayaan dhexdhexaadiyeyaasha qorshaha nabadda ee Qasa.

    Dalalka Masar, Maraykanka, Qadar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dhinacyada dhexdhexaadinta ka wada dadaallada nabadda ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil

    Warbaahina Cairo News, iyadoo soo xiganaysa ilo Masri ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegtay in ujeeddada kulanka ay tahay in la xaqiijiyo sida dhammaan dhinacyada ay uga go'an tahay hirgelinta qodobbada heshiiska.

    Warkaan ayaa imanaya xilli lagu Trump uu ku dhawaaqay in Xamaas ay ogolaatay hub ka dhigsi, ciidamada Israa'iilna ay iskaga baxayaan Qasa.

    Akhrin dheeraad ah: