Maraykanka oo sheegay in wadahadallada Qaahira ee Soomaaliya ka qayb gashay aan 'looga horjeedin Itoobiya'

Xigashada Sawirka, SONNA
Lataliyaha sare ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku aanu wadin mawqif ka dhan ah Itoobiya.
La-taliyaha sare ee Madaxweyne Trump ee arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos, ayaa dhawaan magaalada Qaahira kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya.
Toddobaad ka dib markii uu wadahadalku dhammaaday, waxa uu bartiisa xiriirka bulshada ee X ku qoray in wadahadalladii uu la yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan si khaldan loo fasiray.
Mas'uulkan ayaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kulan gaar ah kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cusmaan Saalax, wasiirka arrimaha dibadda Masar Badri Abdelatty iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali.
Waxa uu sheegay in ay ka wadahadleen nabadda iyo xasiloonida geeska Afrika.
Dhawaan ayaa ka dib markii ay kulan ku yeesheen magaalada Qaahira, wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar iyo Ereteriya, waxay muujiyeen mowqifkooda ku aaddan dalabka Itoobiya ee marinka badda, iyagoo sheegay in arrinta ku saabsan "ammaanka iyo maamulka badda cas ay khusayso oo keliya dalalka ku teedsan xeebaha badda cas.
Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya muran ku saabsan biyaha wabiga Niil.
Eritrea ayaan sidoo kale ku faraxsanayn arrinta 'halista badda ee Itoobiya', waxayna dhibaato kala kulmaysaa Itoobiya.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soomaaliya oo khilaaf uu kala dhaxeeyay Itoobiya sababo la xiriira heshiiskii is-afgarad ee ay la gashay maamulka Somaliland ee ku saabsanaa helitaanka marin badeed ayaa dib u heshiisiin la gaartay Itoobiya.
Kadib kulankii ay Qaahira ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal, ayaa diblomaasiga sare ee Mareykanka Masad Bulos wuxuu la kulmay mas'uuliyiin, iyadoo la sheegay in wadahadalladaas ay ahaayeen kuwo "ka dhan ah Itoobiya".
Hase yeeshee, lataliyaha sare ee Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay barta X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku sheegay in wararkaasi ay ahaayeen kuwo "been abuur ah oo marin-habaabin ah" isla markaana "si khaldan u sawiray" diblomaasiyadda Mareykanka.
Wuxuu sheegay in wararka sheegaya in "Mareykanku uu isku dayayo inuu taageero 'isbaheysi ka dhan ah Itoobiya' oo laga dhisayo geeska Afrika ay yihiin kuwo aan sax ahayn.
Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu kala shaqeyn doono "arrimaha ay wadaagaan Itoobiya iyo geeska Afrika, iyo sidoo kale dhammaan waddamada ku yaalla Badda Cas iyo gobolka."
Sidaas darteed, ayuu yiri, xiriirka lala leeyahay hal waddan oo saaxiibtinimo leh oo ku yaal gobolka maaha mid ka soo horjeeda mid kale.
"Diblomaasiyadda Mareykanka maaha abuurista kooxo iska soo horjeeda ama ballaarinta khilaafaadka, laakiin waa ka shaqaynta sidii loo tirtiri lahaa khilaafaadka loona abuuri lahaa nabad iyo xasillooni waarta" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, SONNA
Diblomaasiga sare ee Mareykanka ayaa sheegay in wadahadalladii ay la yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda waddan ay ahaayeen kuwo "midho dhal ah".
Wuxuu sheegay inuu kala hadlay "amniga" gobolka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay iskaashiga labada waddan ee gobolka "si loo dhiso nabad loona wada shaqeeyo".
Wadahadalka uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea, wuxuu sheegay inuu la soo qaaday "xaaladda adag ee gobolka".
"Waxaan eegnay fursadaha lagu xoojinayo xiriirka ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha gobolka iyo arrimaha amniga," ayuu raaciyay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in loo baahan yahay "dedaallo wadajir ah" si ka badan sidii hore, isla markaana ay "fahamsan yihiin faa'iidooyinka ay leedahay in si wax-ku-ool ah loo wada shaqeeyo".
Isagoo la hadlayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea, ayuu sheegay inuu "ka hadlay sidii loo wada shaqeyn lahaa si loo xalliyo khilaafka ka jira gobolka geeska Afrika, loona keeno nabad iyo xasillooni waarta iyo barwaaqo ku aaddan Badda Cas."
Intii uu wadahadalka la lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, wuxuu soo hadal-qaaday arrinta ku saabsan xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.
"Masar waa bahwadaag muhiim ah oo kaalin ka qaata nabad ku soo dabaalidda, amniga iyo barwaaqada Bariga Dhexe iyo geeska Afrika" ayuu yiri.
Wuxuu xusay in Masar iyo Mareykanku ay leeyihiin "dano wadajir ah" oo ku aaddan Koonfurta Afrika, Liibiya, Suudaan iyo Lubnaan.














