TOOS, Wall Street Journal: Imaaraadka Carabta waxay si qarsoodi ah ugu lug lahayd 'weeraradii Iran'

Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, Imaaraadka Carabta ayaa si qarsoodi ah uga qayb qaatay weerarro militari oo ka dhan ah Iran, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah,.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Cabdikariin Axmed Mooge, ma isagaa doortay mise waa lagu qasbay in uu xilka banneeyo?

    .

    Xigashada Sawirka, Dawladda Hoose Hargeysa/Facebook

    Duqii hore ee magaalada Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xilka laga qaaday kadib mooshin ay gudbiyeen xubno ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa.

    Inkastoo hore loo sheegay in xil ka qaadista lagu saleeyay arrimo shaqo, haddana dhacdadan ayaa timid xilli uu Cabdikariin hore u shaaciyey inuusan aqbalayn muddo korodhsi, islamarkaana uu xilka banneyn doono marka ay dhammaato muddadiisa sharciga ah.

    Cabdikariin wuxuu hore u muujiyay mowqif cad oo ahaa inuusan doonayn inuu kursiga sii joogo waqti ka baxsan mudadii loo doortay, taas oo dad badan u fasirteen inuu ixtiraamayo nidaamka iyo isbeddelka maamulkam marka xilligiisu dhammaado.

    Waxaana uu sheegay saaka: "Anigoo faraxsan ayaan saaka halkan imi, aniga oo faraxsanna saaka halkan waanka tagayaa. waxaanan Ilaahay ugu mahadnaqayaa in uu qalbigaya ka saaray in aan kursiga jeclaado."

    Si kastaba, inkastoo uu hore u sheegay inuu xilka wareejin doono marka waqtigiisu dhammaado, haddana xilka kama uusan degin si iskiis ah wakhttigan, balse waxaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan golaha deegaanka, kuwaas oo doortay maayar cusub iyo ku xigeenkiisa, xilli eedo lagusoo oogay.Dhammaadka bishan ayaa la filayaa in Cabdikariin iska casilo xilka xubinnimada Golaha Deegaanka Hargeysa, isaga oo fulinaya ballankii uu hore u qaaday.

  2. BBC-da oo fahamsan in Starmer is adkaynayo xilli laga dalbanayo in uu 'iscasilo'

    Wasiirro dhowr ah oo ka tirsan golaha wasiirrada ayaa isku dayay inay kala hadlaan raysalwasaare Keir Starmer arrinta hoggaaminiisa kadib kulankii golaha, balse sida ay BBC fahamsan tahay, wuu ka gaabsaday inuu la hadlo.

    Xaaladdan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan codadka xibigiisa si gaar ah xildhibaannada Labourka oo doonayo in uu iscasilo, kaddib guuldarradii Xisbiga Shaqaalaha ka soo gaadhay Golayaasha Deegaanka.

  3. Colaadda Bariga Dhexe: Lix cashar oo ciidanka Iiraan dunida bareen

    Khilaafka u dhexeeya Iran iyo reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka, wuxuu socday tobannaan sano.Si kastaba ha ahaatee, muddo dheer si toos ah uma aysan gelin dagaal rasmi ah.

    Maraykanku waligiis ciidamo kuma gelin Iran, xitaa markii uu dagaallo ka fulinayay dalalka sida Ciraaq, Afgaanistaan, Yemen iyo Liibiya.

    Inkasta oo Maraykanku marar badan milatari uga hawlgalay Bariga Dhexe iyo Gacanka, Iran waxaa inta badan lagu arki jiray oo keliya hanjabaado, gaar ahaan kuwa la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka, balse ma jirin weerar toos ah oo lagu qaaday.

    Sidaas darteed, dunidu waxay mar walba ka walaacsanayd waxa dhici kara haddii Maraykanka iyo Iran si toos ah u dagaallamaan.

    Bishii Oktoobar 2025, markii Israel ay weerar ku qaaday Iran, kadibna Maraykanku ku biiray weerarradaas, indhaha caalamka ayaa si weyn ugu jeestay dagaalka Iran.Faahfaahinta halkan guji

  4. Hantavirus: Dad cusub oo dartii loo karantiilay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Isbitaal ku yaalla dalka Netherlands ayaa karantiil geliyay 12 shaqaale ah kadib markii ay si khaldan ula macaamileen dhiig iyo kaadi laga qaaday bukaanno qaba fayraska hantavirus iyadoo aan la raacin habraacyadii badbaadada.

    Inkastoo halista faafitaanka lagu sheegay mid hoose, haddana tallaabadan ayaa loo qaaday taxaddar ahaan, shaqaalahana waxa ay karantiil ahaanayaan lix toddobaad.

    Fayraskan ayaa ka dillaacay markab dalxiis oo lagu magacaabo Hondius, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay 9 kiis oo fayraskan ah. Saddex qof ayaa horey ugu geeriyooday cudurkan. Markabkii ayaa ku sii jeeda Netherlands kadib markii rakaabkii lagaga dejiyay jasiiradaha Canary ee Spain.

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in cudurku uu khatar yahay balse aanu si sahlan qof ilaa qof ugu kala gudbin, sidaas darteedna uusan hadda u muuqan mid sababi kara faafitaan weyn. Maamulka caafimaadka ayaa weli si dhaw ula socda xaaladda.

  5. Raysalwasaarihii Ingiriiska oo xildhibaannadii xisbigiisu ugu baaqayaan 'iscasilaad'

    Siddeetan xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ama Labour - ka ayaa hadda ku baaqay in Starmer uu ka banneeyo xilkiisa, ama uu soo bandhigo waqti cayiman oo uu isku casilayo.

    Qofkii ugu dambeeyay ee arrintan taageeraa waa Rebecca Long‑Bailey. Qoraal ay ku daabacday barteeda X (hore u ahaan jirtay Twitter), waxay ku sheegtay natiijooyinkii doorashooyinka deegaanka ee toddobaadkii hore ayaan “kuwii ugu xumaa ee taariikhdeena”.

    Waxay tidhi: “Keir Starmer waa inuu joojiyaa fowdadan, isla markaana waa inuu hadda soo bandhigaa jadwal macquul ah oo nidaamsan oo helayo hoggaan cusub.”

  6. Pakistan oo ka hadashay waxa ka jira inay saldhigeeda ku heysay diyaaradaha milatariga Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Pakistan ayaa beenisay warbixin ay soo saartay warbaahinta CBS oo ku saabsan in Pakistan ay saldhigyadeeda ku heysay diyaaradaha militariga Iiraan, gaar ahaan saldhigga cirka ee Nur Khan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa warbixinta ku tilmaantay mid "been abuur ah oo dadka jahwareerineysa.

    Bayaanka wasaaradda ayaa lagu yiri: "Warbixinnada noocaas ah, oo ku salaysan mala-awaal, ayaa sida muuqata la soo bandhigayaa iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqiyo dadaallada socda ee lagu doonayo xasilloonida iyo nabadda gobolka.

    CBS News, oo ah warbaahinta Mareykanka ee bahwadaaga la ah BBC-da, ayaa ku warantay in Pakistan ay "si qarsoodi ah u kaydinaysay" qaar ka mid ah diyaaradaha militariga Iiraan.

    Sida laga soo xigtay warbixinta, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, Pakistan ayaa u ogolaatay Iiraan inay saldhig ka samaysato qaar ka mid ah diyaaradaheeda militariga saldhigyadeeda cirka, iyadoo dadaallada lagu yareynayo xiisadda Iiraan iyo Mareykanka ay sii socdaan. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadani ay muujin karto in Iiraan ay dooneyso inay diyaaradaheeda ka ilaaliso weerarrada cirka ee Mareykanka.

    Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale u sheegay CBS News, in Iiraan ay diyaarado rayid ah u dirtay Afgaanistaan, inkastoo aan weli la xaqiijin in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay ahaayeen kuwo militari ah.

    Sidoo kale akhri

  7. Sida aad lacag ku keydsan karto adigoo mushaar yar qaata

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.

    Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.

    Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.

    Qodobadaan ayaa kamid ah kuwa ay soo jeediyeen.

    1.Daynta isaga bax

    Talaabadaan ayaa lagu tilmaamay inay tahay midda ugu muhiimsan ee lagu taliyo dadka mushaarka soo gala uusan buurnayn, iyaga oo u sababeeyay in ay tahay sida god wayn oo dhuuqaya wax kasta oo ku soo gala, marnaba aan buuxsamayn.

    Maadaama godkaas wayn aadan ka dul bilaabi Karin dhisme aad dpooneyso inuu kor u dheeraado, ayay leeyihiin khuburado waxaa aanaagsan inaad gabi ahaanba aasto.

  8. Maxay dood ugu dhalatay arrinta Falastiin la xirriirta ee Lamine Yamal sameeyay?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xiddiga kubadda cagta Spain iyo Real Madrid, Lamine Yamal, kaasoo habeenkii Axadda ka caawiyay kooxdiisa FC Barcelona inay ku guuleysato horyaalka La Liga ka dib markii ay ka adkaatay Real Madrid ciyaartii El Clásico, ayaa Isniintii soo dhigay akoonadiisa baraha bulshada sawir muujinaya isagoo lulaya calanka Falastiin, intii lagu jiray dabaaldegyada guusha ee ka dhacayay waddooyinka.

    Barcelona ayaa 2-0 kaga badisay Real Madrid ciyaartii ugu dambeysay, iyagoo xaqiijiyay horyaalkooda iyadoo saddex toddobaad ay ka harsan tahay xilli ciyaareedkan, waxayna ku guuleysteen horyaalka kooxaha Spain markii 29aad.

    Spain waxay ka mid tahay wadamada ugu horreeya ee Midowga Yurub ee aqoonsaday Falastiin inay tahay dowlad madax-bannaan.

    Arrintan ayaa muran ka dhalisay baraha bulshada, iyadoo dadka ay siyaabo kala duwan u hadal hayaan.

    Sidoo kale akhri

  9. Ninkii oo ay xaaskiisa ka jartay xubnta taranka oo hadlay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Digniin: Warbixintan waxaa ku jiri kara waxyaabo dareenkaaga bedeli kara.

    Nin 43 sano jir ah oo dhalay lix carruur ah ayaa si xun looga jaray xubintiisa taranka kadib markii ay weerartay xaaskiisa bil ka hor.

    Ninkan ayaa xubinta laga jaray isagoo hurda.

    Kiiska ayaa gaaray maxkamadda. Wuxuu sheegay in xaaskiisa, oo lagu eedeeyay dambiga, lagu hayo saldhigga booliiska.

    Maalin walba waxay booqanayaan isbitaalka si loo daweeyo.

    Wuxuu ku nool yahay degmada Arsi waana sarkaal dowladeed. Maxaa ku dhacay? Sidee xaaladdu tahay?

    Wuxuu si gaar ah ula hadlay BBC-da, oo uu la wadaagay arrimo la xirriira iriirka uu la leeyahay xaaskiisa iyo mustaqbalkiisa.

    Sida uu sheegay Isbitaalka Asalla, xaasku waxay ninkeeda uga jartay xubinta taranka mindi iyadoo muran uu ka dhex taagnaa muddo.

    Horay, markii BBC-du la hadashay dhakhtarka daweeyay, wuxuu sheegay in xubintiisa taranka gebi ahaanba la jaray.

    "Waxaan aaday shaqo =, markii aan soo laabtay, waan cashaynay fiidkii, cashada ka dib waan seexannay. Ma jiraan wax dagaallo ah ama khilaaf naga dhaxeeyay. Ka dib markii aan seexannay, qiyaastii lix iyo soddon ilaa toddobada saac, waxay xubinteyda ku jartay mindi iyadoon aan ogeyn sababta", ayuu yiri dhibanaha.

    Bukaanka iyo xubintii laga jaray ayaa la keenay Isbitaalka Asalla abbaaro 9-ka fiidnimo," ayuu yiri Dr. Arun Kumar, oo ah khabiir ku takhasusay beerka iyo kaadi-mareenka oo ka tirsan isbitaalka. Fiqaduu Habtamu.

    Faahfaahin:

  10. Dal la sheegay inuu si qarsoodi ah saldhigyadiisa ugu hayay diyaaradaha dagaalka Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    CBS News, oo ah warbaahinta Mareykanka ee bahwadaaga la ah BBC-da, ayaa ku warantay in Pakistan ay "si qarsoodi ah u kaydinaysay" qaar ka mid ah diyaaradaha militariga Iiraan.

    Sida laga soo xigtay warbixinta, oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, Pakistan ayaa u ogolaatay Iiraan inay saldhig ka samaysato qaar ka mid ah diyaaradaheeda militariga saldhigyadeeda cirka, iyadoo dadaallada lagu yareynayo xiisadda Iiraan iyo Mareykanka ay sii socdaan. Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabadani ay muujin karto in Iiraan ay dooneyso inay diyaaradaheeda ka ilaaliso weerarrada cirka ee Mareykanka.

    Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale u sheegay CBS News, in Iiraan ay diyaarado rayid ah u dirtay Afgaanistaan, inkastoo aan weli la xaqiijin in qaar ka mid ah diyaaradahaasi ay ahaayeen kuwo militari ah.

    Sida ay sheegayaan wararka, tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya dadaallada Tehran ay ku badbaadinayso qaar ka mid ah hantideeda militariga, halka Pakistan ay si cad ugu dhawaaqday inay tahay dhexdhexaadiye u dhaxeeya Iiraan iyo Mareykanka.

    Saraakiil Mareykan ah oo la hadlay CBS iyagoo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay, in dhowr maalmood ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay xabad joojin uu la galayo Iiraan horraantii Abriil, Tehran ay qaar ka mid ah diyaaradaheeda u rartay Saldhigga Cirka ee Noor Khan, oo ku yaal meel u dhow magaalada Rawalpindi.

    CBS ayaa werisay in qalabka la wareejiyay uu ka mid ahaa diyaarad militari oo Iiraan leedahay, oo ah RC 130 Hercules, taas oo loo isticmaalo sahaminta iyo ururinta sirdoonka militariga, waana nooc gaar ah oo ka mid ah diyaaradda Lockheed C 130 Hercules.

    Dhankeeda, Taliska Sare ee Ciidanka Mareykanka ayaa falcelintiisa la wadaagay mas'uuliyiinta Afghanistan iyo Pakistan.

    Si kastaba ha ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan Pakistan ayaa ka hor yimid sheegashada ku saabsan saldhigga Noor Khan, isagoo u sheegay CBS News in saldhigga uu ku yaal bartamaha magaalo, ayna macquul ahayn in lagu qariyo diyaarado badan oo militari ah iyada aanay arkeyn dadweynaha.

    Sidoo kale akhri

  11. Dhacdo argagax leh: Maxamed Xuseen waxaa lagu qasbay inuu qabriga ka soo saaro meydka aabbihii

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Maxamed oo markaa guriga ku soo noqday kadib markii uu soo aasay aabbihii Xuseen oo 80 jir ahaa, wax yar kadib carruur yar yar ayaa guriga yimid iyagoo ku qaylinaya in qabrigii ay qodayaan dadka deegaameynta ka samaystay halkaa: Waxey ku dhahayeen "Dadka degaanka waxay qodayaan qabriga!"

    Tuulada Asasa oo ku dhow magaalada Jenin ee Daanta Galbeed, Xuseen wuxuu ka ahaa nin si weyn looga qadariyo ka hor intuusan geeriyoon Jimcihii hore sababo la xiriir xanuun.

    Sida dhaqanka Islaamka uu yahay odeyga oo hore uga shaqeyn jiray ganacsiga xoolaha isla markaana lahaa 10 carruur ah, waxaa lagu aasay qabri fudud oo ku yaal xabaalaha tuulada, buur yar dusheeda.

    Maxamed wuxuu sheegay inuu ka walwalsanaa in dhibaato dhacdo, sidaas darteed wuxuu xitaa fasax ka qaatay saldhig ciidamada Israa'iil oo u dhow si aaska aabbihii uu si nabad ah ugu dhaco.

    Laakiin wax ka yar nus saac kadib, Maxamed iyo walaalihiis waxay ku noqdeen xabaasha iyagoo naxsan. Waxay arkeen koox ka mid ah bulshada Yuhuud ah ee deegaamaynta ka sameystay halkaa oo qaarkood hub haystaan isla markaana qodayaan qabrigii cusubaa iyagoo adeegsanaya qalab culus.

  12. Shan arrimood oo ku saabsan Cabdikariim Mooge - Maayirka xilka laga qaaday - warbixin hore

    .

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, Mooge

    Cabdikariin Axmed Mooge ayaa la filayaa in uu noqdo maayirka magaalada Hargeysa ka dib markii ay isku waafaqeen seddaxda xisbi siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    Wuxuu helay codadkii ugu badnaa ee uu helo musharax u tartamayay Golaha deegaanka. Wuxuuna ku soo baxay in ka badan 26 kun oo cod.

    Magaca Mooge

    Cabdikariim waxaa dhalay fannaankii caanka ahaa ee Axmed Mooge Liibaan, oo gayiga Soomaalida aad looga yaqaanay.

    Waxaa suuragal ah in magacaas uu wax badan ka caawiyay, marka la eego caannimada aabihiis oo fannaan ahaa.

    Qofkasta marka la soo qaado magaca Mooge wuxuu xasuusanaya Aabihihii iyo saameyntii uu ku lahaa fanka Soomaalida.

    Markii axsaabta ay isku raaceen

    Ka dib markii lagu dhawaaqay guusha Cabdikariim Axmed Mooge ee Golaha Deegaanka, waxa uu khudbad u jeediyay shacabkii soo doortay.

    "Guushan waa mid xagga rabbi ka timid; waa hiil shacab; waa hiil Hargeysa; waa midnimo umadeed; waa shacabkii oo tuuray heeryadi qabyaaladda; waa guul lawada leeyahay oo aan la kala lahayn oo ay leeyihiin shacabka Hargeysa iyo shacabka Somaliland oo dhan." ayuu yiri Cabdikariim.

    Cabdikariim waxaa kale uu sheegay: "Waxaad ka timaaddeen magaalooyin fara badan oo Somaliland ku yaalla iyo qurbaha. Waad mahadsan tihiin. Qaar kaloo idinka mid ihina, waxaad qabteen baahiya gaar ah sida aragga, maqalka iyo lixaadka. Waxaad u adkeysateen dhibka aad u mareysaan in aad codkiinna i siisaan. Waad mahadsan tihiin."

  13. Maayarka Hargeysa oo xilka laga qaaday

    .

    Xigashada Sawirka, BOGGA FACEBOOK EE CABDIKARIIM MOOGE

    Qoraalka sawirka, .

    Ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka ee Hargeysa ayaa xilka ka qaaday Mayarkii magaalada, Cabdikariin Axmed Mooge iyo ku xiigeenkiisa Khadar Nuur, sida uu baahiyay telefishanka qaranka Somaliland.

    Waxaa la doortay maayar cusub iyo ku xiigeenkiisa.

    Maayarka cusub ee magaalada Hargeysa ayaa hadda ah Cabdirisaaq Maxamed Faarax iyo ku xigeenkiisa, Aadan Cabdi Jaamac.

    Shalay ayaa mooshiin laga gudbiyay, waxaana loo jeediyay eedo xaga shaqada ah, faahfaahin dheeraad ah telefishanka ma bixin.

    Cabdikariim Axmed Mooge ayaa loo doortay maayirka magaalada Hargeysa ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha deegaanka magaalada.

    Doorashadii golaha deegaanka, wuxuu Cabdikariim ku soo baxay 26,299 oo cod, halka musharraxa xisbi ahaan ku soo xigay uu helay 5,412 oo shan laab ka yar inta uu helay Cabdikariin, halka musharraxa cod ahaan ugu soo xigay oo ka soo baxay Xisbiga Kulmiyana uu helay 8,992.

    Sidoo kale akhri

  14. Maxaa loo hadal hayaa gantaalka ateh 3 ee uu sameystay dalkan Muslimka ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ka dib soo bandhiggidii dhowaan ee gantaalka cruise-ka ee Fateh III ee militariga Pakistan, waxaa la bilaabay in lala barbardhigo gantaalka BrahMos ee Hindiya.

    7-dii May, waaxda warfaafinta ciidamada Pakistan ayaa soo bandhigay sawirka gantaalka cruise-ka ee Fateh-III muuqaal xayeysiin ah oo ku saabsanaa diyaar garowga militariga.

    Inkasta oo waaxda warfaafinta ciidamada Pakistan aysan shaacin awoodaha gantaalka Fateh-III, haddana khubarada difaaca waxay aaminsan yihiin inuu yahay gantaal cruise ah oo xawaare sare leh, kana dheereeya saddex ilaa afar jeer xawaaraha codka, kaas oo Pakistan u samaysay si ay ugu guuleysato bartilmaameed weerarr oo sax ah mustaqbalka.

    Haddii aad eegto baraha bulshada, falanqeyaal badan ayaa Fateh-III la barbardhigay BrahMos, kaas oo Ciidanka Hindiya ay sheegeen inay u adeegsadeen Pakistan intii lagu jiray "howlgalkii Sindoor".

    Waxaan isku daynay inaan ogaanno waxa ay wadaagaan Fateh-III iyo BrahMos, iyo sida loo isticmaalo marka laga eego awoodahooda iyo waxtarkooda.

  15. Ninkii haweeneydan dilay hilibkeedana xayawaanka siiyay oo lasoo xiray

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Digniin: Warbixintani waxaa ku jira macluumaad laga yaabo inaad dhibsato.

    Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in la qabtay eedeysane lagu tuhunsan yahay inuu dilay shaqaale ka tirsan Bangiga Ganacsiga Itoobiya faraca deegaanka Alaltuu.

    Aadde Adaanach Kumsaa, oo la tuhunsan yahay in si arxan darro ah loo dilay 15kii December 2025, isla markaana la waayay raadkeeda, ayay hore BBC uga warrantay kiiskeeda.

    Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka lagu tuhunsan yahay dilka, oo lagu magacaabo Obbo Tsaggaayee Asaallifaw Gonxee, lagu qabtay magaalada Dabra Birhaan.

    Sida ay muujinayaan diiwaannada booliska, maalintii dilku dhacay, Aadde Adaanach iyo ninkan tuhmanaha ah waxay ku sugnaayeen hoteel iyagoo cunto wada cunaya.

    Si kastaba ha ahaatee, khilaaf ka dhex dhashay kadib, Aadde Adaanach ayaa ka tagtay eedeysanaha, balse markii ay fuushay gaarigiisa, waxaa lagu tuhmay inuu ku dilay meel lagu magacaabo "Gomaaxaa" isagoo isticmaalaya mindi.

    Intaas kadib, meydkeeda ayaa la waayay, iyadoo boolisku sheegay in xayawaan ay cuneen jirkeeda, halka madaxeeda oo keliya la helay.

    Aadde Adaanach waxay degganeyd magaalada Sandaafaa Bakkee.

  16. Mojtaba Khamenei oo soo saaray 10 qodob oo ku saabsan Khaliijka iyo marin biyoodka Hormuz

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei,

    Xigashada Sawirka, farsnews

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei,

    Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay 10 qodob oo “aad muhiim u ah” oo istiraatiiji ah oo ku saabsan “Gacanka Faaris iyo Marin-biyoodka Hormuz,” sida lagu daabacay fariimo ay baahisay Fars News Agency..

    Tobanka qodob ee uu soo bandhigay Mojtaba — oo aan weli si rasmi ah uga soo muuqan fagaaraha tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii — waxay ahaayeen sidan:

    • Joogitaanka iyo isku ururinta ciidamada Mareykanka ee dalalka ku yaalla “Gacanka Faaris” waa sababta ugu weyn ee amni darrada gobolka.
    • Saldhigyada Mareykanku ma awoodaan inay dammaanad qaadaan ammaankooda gaarka ah.
    • Gobolka “Gacanka Faaris” wuxuu leeyahay mustaqbal ifaya oo ka fog Mareykanka, kana shaqeynaya horumarka, barwaaqada iyo wanaagga shucuubtiisa.
    • Mustaqbalkeenna wuxuu si dhow ugu xiran yahay kan deriskeenna ku nool biyaha “Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan”.
    • Meesha keliya ee ajaanibta “sharka leh” ay ku habboon yihiin Gacanka Faaris waa gunta hoose ee biyihiisa.
    • Guulaha isdaba-joogga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee “Gacanka Faaris” waxay gogol xaarayaan nidaam cusub oo gobolka iyo dunidaba ka hanaqaada.
    • Sugidda ammaanka gobolka “Gacanka Faaris” waxay u baahan tahay in si “ficil ah loogu mahadceliyo” guusha Iran ee maamulka Marin-biyoodka Hormuz.
    • In la joojiyo ka faa’iidaysiga “cadowga” ee Marin-biyoodka Hormuz.
    • In la xaqiijiyo raaxada iyo horumarka shucuubta gobolka iyada oo loo marayo sharciyo waafaqsan iyo hirgelinta maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.
    • Shacabka Iran waxay ku faraxsan yihiin faa’iidooyinka dhaqaale ee ka dhashay maamulka cusub ee Marin-biyoodka Hormuz.
  17. CBS:Pakistan waxa ay "gabaad siisay" dhowr diyaaradaha milatariga Iran ah

    CBS News, oo ah oo bah-wadaag la ah BBC, ayaa werisay in Pakistan ay “si aan gabasho lahayn ugu oggolaatay diyaaradaha milatariga Iran inay saldhigyo ka dhigtaan garoomadeeda ciidamada cirka,” xilli dadaallo lagu doonayo in lagu joojiyo dagaal u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay socdaan, iyagoo soo xiganaya laba sarkaal oo Mareykan ah.

    Saraakiil Mareykan ah oo arrintan la socday ayaa CBS u sheegay in tallaabadan ay muujin karto in Iran ay isku dayaysay inay diyaaradeheeda ka ilaaliso duqeymaha cirka ee Mareykanka.

    Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa sidoo kale CBS News u sheegay in Iran ay diyaaradihii rayidka ahaa u dirtay Afghanistan, inkastoo aan la hubin in qaar ka mid ah ay ahaayeen diyaarado milatari.

    Sida ay saraakiishani sheegeen, dhaqdhaqaaqyadan waxay ahaayeen isku day cad oo Tehran ay ku doonaysay inay ku ilaaliso qaar ka mid ah hantideeda milatari iyo kuwa cirka ee harsan inay saameeyaan fiditaanka colaadda, halka mas’uuliyiinta Islamabad ay si cad u qaateen doorka dhexdhexaadiye si loo dejiyo xiisadda.

    Saraakiisha Mareykanka, oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira arrimo amniga qaranka ah, ayaa sheegay in maalmo kadib markii Donald Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojin lala galay Iran horraantii Abriil, Tehran ay dhowr diyaaradood u wareejisay saldhigga ciidamada cirka ee Noor Khan, oo ah xarun istiraatiiji ah oo ku taalla meel u dhow magaalada milatariga ee Rawalpindi.

    CBS ayaa sheegtay in qalabka milatari ee la wareejiyay ay ku jirtay diyaarad Iranian Air Force RC-130 Hercules, oo ah nooc sirdoon iyo uruurin xogeed oo laga sameeyay diyaaradda gaadiidka ciidamada ee Lockheed C-130 Hercules.

    Laakiin sarkaal sare oo Pakistani ah ayaa beeniyay sheegashooyinkan ku saabsan saldhigga Noor Khan, isagoo CBS News u sheegay: “Saldhigga Noor Khan wuxuu ku yaallaa bartamaha magaalada, mana suurtagal ahan in halkaas lagu qariyo diyaarado tiro badan iyadoo shacabka aysan arkin.”

  18. QM:Tobanaan milyan oo qof ayaa la kulmi kara gaajo iyo macaluul haddii shixnadaha bacriminta aan la oggolaan in la soo mariyo

    Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in tobannaan milyan oo qof ay wajihi karaan gaajo iyo macluul haddii bacrimiyeyaasha aan loo oggolaan inay maraan Marinka Hormuz si degdeg ah, sida uu sheegay wareysi uu siiyay AFP.

    “Waxaan haysannaa oo keliya dhowr toddobaad si looga hortago waxa isu beddeli kara musiibo bani’aadamnimo oo weyn,” ayuu yiri Jorge Moreira da Silva, oo ah madaxa fulinta ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashruucyada, wareysi uu siiyay AFP.

    Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan arki karnaa qalalaase horseeda in 45 milyan oo qof oo dheeraad ah ay galaan gaajo iyo macluul.”

    Labada dal ee Iran iyo Maraykanka ayaa xiray Marinka Hormuz intii uu socday dagaalka billowday dhammaadka bisha Febraayo.

  19. Wall Street Journal: Imaaraadka Carabta waxay si qarsoodi ah ugu lug lahayd 'weeraradii Iran'

    Imaaraadka

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Imaaraadka

    Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, Imaaraadka Carabta ayaa si qarsoodi ah uga qayb qaatay weerarro militari oo ka dhan ah Iran, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah,.

    Haddii la xaqiijiyo warkan waxay Imaaraadka ka dhigi karta dhinac si toos ah ugu lug leh colaadda Iran.

    Ilo ku dhow arrintan oo la hadlay WSJ ayaa sheegay in weerarrada, oo Imaaradka aysan si rasmi ah u xaqiijin, ay ka mid ahaayeen duqeyn lagu beegsaday warshad sifeynta shidaalka oo ku taal Jasiiradda Labuan ee Gacanka Faaris.

    Horraantii April, isla waqtigii uu Donald Trump ku dhawaaqayay xabbad-joojin, waxaa sidoo kale dhacay duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsaday xarumo shidaal oo Iran leedahay oo ku yaalla jasiirado iyo dhulalka xeebaha ee shirkadda National Iranian Oil Company, taasoo sababtay dab ballaaran isla markaana qayb weyn oo ah warshadda Lavan ka saartay adeegga muddo bilo ah.

    Iran ayaa markaas sheegtay in warshadda lagu beegsaday “weerar cadow ka yimid,” waxayna ku jawaabtay iyadoo gantaallo iyo drones ku garaacday Imaaraadka iyo Kuwait.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Maraykanka uusan si weyn uga caroon weerarka, maadaama xabbad-joojintu aan weli si buuxda u hirgelin, iyadoo WSJ ay intaas ku dartay in “Washington si gaar ah u soo dhawaysay ka qaybgalka Imaaraadka.”