Israa'iil oo xaqiijisay dilka sarkaal sare oo booliska Gaza ka tirsanaa

Xigashada Sawirka, Google
Israa'iil ayaa waxay xaqiijisay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska magaalada Gaza.
Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay, in Jamal Abu Kamil uu ahaa taliye ka tirsan Xamaas oo ku lug lahaa weerarradii 7-dii Oktoobar dgacay.
Dhimashadiisa waxaa hore u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza, oo sheegtay in gaarigiisa lala beegsaday weerar cirka ah.
Wasaaradda, oo ay maamusho Xamaas, waxay Israa’iil ku eedaysay inay isku dayayso inay Gaza ka abuurto fowdo iyo qalalaase hor leh.
IDF ayaa sheegtay inay dishay sarkaalkan oo ay ku tilmaamtay inuu yahay “argagixiso” inuu qorsheeyay oo fuliyay weerarro argagixiso.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Golaha Nabadda uu gaaray heshiis ku saabsan hub ka dhigista buuxda ee Xamaas iyo dhammaan kooxaha hubaysan ee ku sugan Marinka Qasa.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC-da in dhaqdhaqaaqu uu aqbalay qorshaha Golaha Nabadda ee dhigaya in Qasa gabi ahaanba hubka laga dhigo, isla markaana war rasmi ah dhawaan la soo saari doono.
Dhanka Israa'iil weli wax jawaab ama faallo rasmi ah kama soo bixin.
Trump ayaa sheegay in Israa'iil ay ka bixi doonto Marinka Qasa marka hub ka dhigistu si buuxda u dhammaato, isagoo heshiiska ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah oo horseedaysa in ugu dambayn Qasa ay maamusho dowlad cusub oo Falastiini ah."
Sidoo kale akhri




