Sida 20-daqiiqo oo aan ku bixiyay madal la isku shukaansado ay u burburisay noloshayda

Khiyaanno i
Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Haweenay app-ka wada-sheekaysiga Tinder kula kulantay Christopher Harkins ayaa sheegtay in ay noqotay dhibbane hanjabaado dil iyo xadgudub, kadib markii ay xiriirkiisu socday muddo 20 daqiiqo oo keliya. Waxay sheegtay in dhacdadaasi ay u horseedday dhibaatooyin caafimaadka maskaxda ah oo sannado badan socday.

Nadia ayaa markii ugu horreysay si furan uga hadashay kulankeedii ay 2018 la yeelatay khiyaanoolihii iyo kufsadaha caanka noqday. Waxay sheegtay in xadgudubku bilaabmay markii ay xiriirka si degdeg ah uga baxday, iyadoo sabab uga dhigtay "calaamado digniin ah" oo ay aragtay.

Nadia, oo ah kaaliye ciyaaraha, waxay ka mid tahay lix haween ah oo ka hadlay waayo-aragnimadoodii cabsi iyo dhacdooyin aan caadi ahayn ee ay la kulmeen mid ka mid ah dambiilayaasha galmada ee ka hawlgala Scotland. Sheekooyinkooda waxaa lagu soo bandhigay podcast cusub oo ay BBC samaysay, "Matched with a Predator."

Warbixin ay BBC soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in 11 haween ah ay isku dayeen inay Harkins ku wargeliyaan Booliska Scotland horraantii sannadkii 2012.

Inkasta oo lagu eedeeyay gacan-ka-hadal, hanjabaado, khiyaano iyo dhibaateyn, haddana Harkins baaritaan rasmi ah waxaa lagu sameeyay oo keliya dabayaaqadii 2019.

Booliska Scotland waxay sheegeen in warbixinnadii ugu horreeyay ay "inta badan ahaayeen arrimo dhaqaale", isla markaana mid kasta si gooni ah loo maareeyay arrin ay rajeynayaan "inaysan maanta mar kale soo bixin."

Harkins wuxuu muddo ku dhowr iyo toban sano dambiyo ka dhan ah haween uu internetka kula kulmay ka geysanayay Scotland iyo London, ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin sannadkii 2024.

Nadia waxay aaminsan tahay in tallaabo laga qaadi lahaa isaga waqti ka hor.

Iyadu waxay ka mid tahay dhibbanayaasha ninkan, kuwaas oo ugu baaqay Booliska Scotland inay raalli-gelin siiyaan haweenkii isku dayay inay Harkins soo sheegaan.

Nadia, oo hadda 34 jir ah, iyo Harkins, oo 38 jir ah, waxay Tinder isku barteen toddobo sano ka hor.

Kadib dhowr toddobaad oo ay fariimo is dhaafsanayeen, waxay go'aansadeen inay casho ugu baxaan Glasgow.

Nadia waxay sheegtay inay digniintii ugu horreysay dareentay markii ay timid guriga Harkins ee Cumbernauld.

Harkins wuxuu albaabka ugu soo baxay isagoo xiran surwaal raaxo ah iyo funaanad, wuxuuna sheegay inuu aad u daalan yahay oo uusan rabin inuu guriga ka baxo. Wuxuu soo jeediyay inay guriga joogaan oo ay casho dalbadaan.

"Halkaas ayay arrimuhu runtii yaab igu noqdeen," ayay Nadia dib u xasuusatay.

"Markii aan gudaha galay, gurigu gebi ahaanba wuu marnaa. Wax alaab guri ah ma oolin. Qolka fadhiga waxba maoolin, marka laga reebo telefishin dusha laga saaray sanduuqyo."

khiyaano
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Harkins wuxuu Nadia u soo bandhigay inuu siiyo vodka. Markii ay diiday khamriga oo ay halkii ka shubatay Diet Coke, xaaladdu gebi ahaanba way is beddeshay.

"Waxay ahayd sidii inuu gudaha ku qarsanaa cadho aad u weyn," ayay dib u xasuusatay.

"Wuxuu ii eegayay sidii isagoo leh, 'Adigu kumaad tahay inaad cabitaan iska shubato?'"

"Wax yar ayaan baqayay, markaas ayaan koobka si buuxda u buuxiyay. Markii aan jeestay, Coke-kii ayaa daatay.

"Wuxuu u ekaa qof waalan. Wuxuu yiri wax u dhow, 'Ma dhab baa? Ma ixtiraamaysid hantidayda. Doqon baad tahay.'

"Waxaan iri, 'Dhagayso, waxaan u malaynayaa inaan baxo.' Wuxuu farta ku fiiqay albaabka isagoo cayaya."

"Aad ayaan u baqay. Waxaan u maleeyay inuu i daba soo raaci doono," ayay Nadia xasuusatay. "Waxaan galay baabuurkayga, albaabbadii waan qufulay, dabadeedna waan ka tagay."

Waxaan u malaynayay in halkaas ay arrintu ku dhammaan doonto, laakiin xaaladdu waxay noqotay mid kasii daran.

"Waa wax aan la rumaysan karin in kulan 20 daqiiqo ah uu noloshayda sidaas u burburin karo."

Cay iyo hanjabaado

khiyaano

Diidmada Nadia ayaa Harkins si weyn uga caraysiisay. Isla markii Nadia meesha ka tagtay, wuxuu bilaabay inuu si aan kala joogsi lahayn u soo waco oo farriimo ugu diro.

Farriintii ugu horreysay waxay ahayd:

"Sidee baad ugu dhiirratay qof adiga oo kale ah inuu iga tago bartamaha 'ballan'?"

Markii waqtigu socday, xaaladdu way kasii dartay. Sida ay Nadia sheegtay, Harkins wuxuu ugu hanjabay inuudili doono, iyo inuu weerari doono aabbaheed.

Waxa kale oo uu Nadia u adeegsaday cay iyo aflagaaddo aad u xun oo ku saabsan muuqaalkeeda.

Arrintaasi waxay burburisay kalsoonidii ay nafteeda ku qabtay, taas oo ay si adag uga shaqaynaysay inay dib u dhisato kadib markii ay soo martay marxalad aad u adag oo nolosheeda ah.

"Farriimihiisa wuxuu igu yiri waxaan ahay 'sac buuran'," ayay tiri.

"Wuxuu yiri akoonkaygu waa been-abuur. Wuxuu yiri waxaan u ekaa doofaar, inaan qurxiyo aad u badan isticmaalo. Arrintani habeenkii oo dhan ayay socotay. Si aad ah ayaan u ooyay ilaa madaxaygu i xanuunay. Weli wuxuu farriimo ii soo dirayay 6-dii subaxnimo."

"Waxaan xasuustaa markii aan muraayadda isku eegay inaan ceeb iyo xishood dareemay.

Maalintii ka dambaysay kulanka, Nadia waxay hanjabaadaha iyo dhibaataynta u sheegtay Booliska Scotland. Waxay sidoo kale si dadweyne ah u baahisay duubis laga sameeyay wada hadalkii taleefanka, kaas oo codka Harkins laga maqlayay.

Duubista waxaa laga maqlayaa isaga oo leh inuu aadi doono guriga aabbaha Nadia, si xoog ah bannaanka ugu soo jiidi doono, kadibna garaaci doono.

"Waxay ii sheegeen inaysan jirin wax ay samayn karaan," ayay tiri Nadia.

"Uma aysan arkin arrintaas hanjabaad toos ah. Waxay ii sheegeen inaan isla markiiba soo waco haddii uu sameeyo wax tallaabo ah oo aan ka jawaabi karo."

khiyaano

Xigashada Sawirka, Police Scotland

Sida ay Nadia sheegtay, "haddii ay xilligaas qaadi lahaayeen tallaabo go'aan leh, wax badan ayaa loo qaban kari lahaa gabdhihii iga dambeeyay."

Harkins wuxuu sii waday dhibaataynta xitaa kulanka ka dib.

Nadia waxay xannibtay lambarkiisa taleefanka, balse in ka badan hal sano ka dib, weli wuxuu sii waday inuu dhibo isagoo la xiriiraya dad uu ku yaqaanay baraha bulshada.

"Xaaladdu si weyn ayay ii saameysay, ilaa heer haddii aanan gabadhayda haysan, aan is dili lahaa," ayay Nadia dib u xasuusatay.

Harkins wuxuu hadda ku jiraa xabsi uu ku mutaystay 12 sano, kadib markii lagu helay dambiga 19 eedood oo weerar ah, kuwaas oo uu kula kacay 10 haween ah, oo ay ku jiraan weerarro jireed iyo kuwo galmo.

Markii hore, waxaa lagu eedeeyay inuu Nadia u jeediyay hanjabaado iyo aflagaado, sidoo kalena uu u hanjabay qoyskeeda.

Iyadoo qayb ka ah heshiis dacwadeed, qirashadiisii ahaa inuusan dambiga lahayn ee kiiskaas waa la aqbalay. Harkins wuxuu qirtay eedeymo ah inuu haweenka ka khiyaameeyay in ka badan £214,000, isagoo u bandhigay dalabyo been abuur ah oo ku saabsan fasaxyo iyo maalgashi, isla markaana isticmaalay xogtooda gaarka ah si uu amaah bangi uga qaato.

Booliska Scotland ayaa ugu dambayn bilaabay baaritaan kadib markii haweeney, iyadoo quus ka taagan xaaladda, ay go'aansatay inay la xiriirto warbaahinta si ay u soo bandhigto Harkins oo ay u ilaaliso dhibbanayaal kale.

Markii hore, boolisku waxay diideen inay qaadaan cabashadeeda, xilli Harkins uu £3,247, ka khiyaameeyay isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya safar fasax oo been abuur ah.

Go'aan maxkamadeed oo guuleystay

Dhowr haween ah ayaa BBC-da u sheegay inay booliska u sheegeen tacaddiyo jireed iyo galmo sannado ka hor intii aan baaritaanka boolisku bilaaban.

Markii la weydiiyay in Booliska Scotland ay raalli-gelin siin doonaan dhibbanayaashii isku dayay inay soo gudbiyaan cabashooyinka la xiriira Harkins, Kormeeraha Guud Laird wuxuu ku jawaabay:

"Tani waa su'aal aad u adag. Hadda waxaa la gaaray go'aan maxkamadeed oo guuleystay, kaas oo ku salaysan baaritaankii la sameeyay."

"Waxaan oran lahaa, marka la eego dhammaan tallaabooyinkii aan tan iyo markaas qaadnay, waxaan rajaynayaa in dhacdooyinkan oo kale aysan maanta mar dambe dhicin."

Nadia oo ka jawaabaysa hadalladaas waxay tiri: "Waan ogahay inay si adag u shaqeeyeen markii ay ugu dambayn go'aansadeen inay tallaabo qaadaan, laakiin waa inay tallaabadaas hore u qaadi lahaayeen.

"Arrintan wuxuu samaynayay sannado badan. Waxay ahayd wax aan laga fursan karin. Waa inay raalli-gelin bixiyaan. Way joojin kari lahaayeen."

Harkins waxaa xabsi lagu xukumay sannadkii 2024, ku dhowaad shan sano kadib markii markii ugu horreysay la xiray. Waxaa lagu helay dambiga iyadoo lagu salaynayo markhaatiyada toban haween ah.

Nadia waxaa go'aanka lagu wargeliyay telefoon.

"Haweenkaas waxay qabteen wax aad uga weyn intii aan malaynayno," ayeycarrabka ku adkeeysay.

"Hadda, kuwa laga yaabo inay mustaqbalka dambe la kulmi lahaayeen isaga, ma la kulmi doonaan. Waxa ay haweenkani sameeyeen runtii waa wax cajiib ah."

"Waa arrin aad u weyn."

Hooyada laba carruur ah waxay dib u dhisatay nolosheeda iyo kalsoonideeda nafteeda, balse dhacdadani waxay ku reebtay saameyn qoto dheer.

"Hadda aad ayaan u wanaagsanahay," ayay tiri.

"Waxaan ahay qof gebi ahaanba ka duwan sidii hore, oo kalsooni badan leh. Kama baqo inaan fikirkeyga dhiibto, mana iska indho-tiri doono calaamad kasta oo digniin ah mar dambe."