Jilaaga caanka ah Tiger Shroff oo ka badbaaday isku day toogasho gudaha magaalada Mumbai

Xigashada Sawirka, ANI
Booliska magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa baaraya isku-day toogasho oo lala beegsaday jilaaga Bollywood-ka Tiger Shroff, kaas oo ka badbaaday iyada oo aan wax xabbad ah ku dhicin.
Jilaagan oo 36 jir ah ayaa rasaas la huwiyay fiidnimadii Axadda xilli uu saarnaa gaari ka baxayay garoon kubadda cagta ah oo ku yaalla xaafadda Juhu. Muuqaallo la duubay ayaa muujinaya ugu yaraan laba nin oo rasaas badan ka riday meel aad ugu dhow kursiga hore ee gaariga Shroff, xilli gaarigu si tartiib ah ugu dhex socday dadweyne.
Sida ay sheegeen boolisku, laba qof ayaa ku dhaawacmay dhacdadaas, kuwaas oo uu ku jiro darawalkii u kaxeynayay Shroff. Boolisku waxay sheegeen in Isniintii gobolka Rajasthan lagu xiray saddex qof oo lala xiriirinayo weerarkaas.
Weerarkan ayaa argagax ku abuuray dunida Bollywood-ka, iyadoo dadka caanka ah ay walaac ka muujiyeen ammaanka Shroff.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, dhowr jilaa iyo shakhsiyaad siyaasadeed oo ku sugan Mumbai ayaa la kulmay weerarro ay geysteen rag hubeysan.
Shroff, oo ah wiilka jilaaga rug-cadaaga ah ee Bollywood-ka Jackie Shroff, ayaa markii ugu horreysay filimada soo galay sanadkii 2014-kii isagoo jilay filimka Heropanti. Wuxuu ka soo muuqday filimmo badan oo ficil ah, wuxuuna taageerayaashiisa kaga dhex muuqday xirfadihiisa qoob-ka-ciyaarka iyo fanka dagaalka.
Wuxuu sidoo kale yahay ciyaaryahan kubadda cagta ah oo xirfadle ah, wuxuuna markii ugu horreysay u ciyaaray kooxda Mumbai FC bishii Oktoobar 2024, intii lagu guda jiray tartan heer gobol ah. Weerarku wuxuu dhacay xilli uu ka soo baxayay garoonka kubadda cagta, ka dib markii uu soo dhameystay tababarkiisa caadiga ah.
Eknath Shinde, oo ah ku-xigeenka madaxa maamulka gobolka Maharashtra (oo Mumbai ay tahay caasimaddiisa), ayaa booqday Shroff ka dib toogashadii dhacday fiidnimadii Axadda. Wuxuu sheegay in jilaagan uu aad uga naxay ama u argagaxay weerarkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Isku-daygan dadka lagu cabsigelinayo lama aqbali doono, waxaanan soo afjari doonnaa falalkan rabshadaha wata," ayuu yiri Shinde.
Sawir muujinaya Shroff iyo Shinde oo wada jooga, ayaa lagu arkay jilaaga oo aan shaar xirnayn, isla markaana qaybta sare ee jirkiisa ay kaga dheggan yihiin faashado. Wali si cad looma oga nooca dhaawacyada soo gaaray.
Ra'iisul Wasaaraha Gobolka Maharashtra, Devendra Fadnavis, ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid "culus oo mudan in la cambaareeyo", wuxuuna sheegay in booliisku ay "dhawaan" xiri doonaan dad ku lug leh falkan.
Wuxuu sheegay inuu u sheegay Shroff inaanu welwelin, isla markaana dawladdu ay dammaanad qaadi doonto "badqabkiisa oo dhammaystiran".
Booliiska Rajasthan ayaa sheegay in laba ka mid ah saddexda qof ee loo tuhunsan yahay falkan, kuwaas oo la xiray, ay ka soo jeedaan gobollada waqooyi ee Haryana iyo Bihar, ayna dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku noolaayeen magaalada Mumbai. Qofka saddexaad ee la tuhunsan yahay waa qof aan weli qaangaarin.
Waxaa la filayaa in maanta dambe lagu wareejiyo Booliiska Mumbai.
Booliisku weli ma xaqiijin cidda ka dambeysay toogashada. Hase yeeshee, warbaahinta Hindiya ayaa si weyn u baahisay in la helay cod duuban oo uu ku hadlayo nin sheeganaya inuu xiriir la leeyahay kooxda Lawrence Bishnoi, kaas oo qiranaya inay iyagu mas'uul ka yihiin falkan.
Bishnoi ayaa hadda ku xiran xabsi si adag loo ilaaliyo oo ku yaalla gobolka Gujarat, isagoo u xiran kiisas dhowr ah oo aad loo hadal hayo.
Runnimada codkaas iyo sheegashada ninkaas weli si madax-bannaan looma xaqiijin, booliiskuna weli ma xaqiijin inay kooxdani ku lug leedahay.
Si kastaba ha ahaatee, wararkan ayaa dib u soo celiyay magaca kooxda Bishnoi oo mar kale qabsaday cinwaannada wararka.
Sannadkii 2024-kii, booliisku waxay xireen laba qof oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin kooxda Bishnoi, kuwaas oo loo haysto weerar hubaysan oo lagu qaaday guriga xiddiga caanka ah ee Bollywood-ka, Salman Khan.
Sannadkaas dhexdiisa, siyaasi Hindi ah oo saameyn weyn leh oo lagu magacaabo Baba Siddique ayaa lagu toogtay magaalada Mumbai. Dilkiisa, oo ka dhacay xaafad aad u mashquul badan oo ka tirsan Mumbai, ayaa sidoo kale la sheegay inay ku lug lahaayeen dad xiriir la leh kooxda Bishnoi.

























