Rag loo haysto khiyaano Jacayl iyo eedeymo kale oo la xiray iyo dowladaha xarrigooda iska kaashaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska Koonfur Afrika ayaa saraakiisha FBI-da Maraykanka ku wareejiyey lix qof oo u dhashay dalka Nigeria, kuwaas oo Mareykanka laga doon doonayey loona haysto eedeymo la xiriira khiyaanooyin jacayl oo lagu sameeyey internetka.
Kooxdan ayaa lagu eedeeyay inay bartilmaameedsadeen in ka badan 100 haween ah oo ku sugan Mareykanka, isla markaana ay ka dhaceen lacag ka badan 100 milyan oo Rand oo lacagta Koonfur Afrika una dhiganta 6 milyan oo dollar, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Koonfur Afrika.
Dadka lagu wareejinayey FBI-da ayaa la xiray sanadkii 2021-kii, waxaana la rumeysan yahay inay xubno ka yihiin shabakadda dambiyada ee "Black Axe" oo ah koox dambiilayaal ah oo u shaqeysa qaabka maafiyada Nigeria, isla markaana ku lug leh ka ganacsiga dadka, khiyaanada dhanka internetka iyo dilalka.
Qaar ka mid ah dhibanayaasha la soo sheegay waxaa ka mid ahaa dad hawlgab ah iyo ganacsato "kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xiriir internet oo casri ah oo loo isticmaalay in lagu khiyaaneeyo lacagtooda", sida laga soo xigtay cutubka booliiska ee Hawks ee Koonfur Afrika.
Kooxda waxaa laga soo qaadi doonaa xarun lagu hayo dadka dambiyada galay oo ku taal Cape Town, waxaana la geyn doonaa garoonka diyaaradaha subaxnimada, halkaas oo lagu wareejin doono saraakiil ka socda FBI-da iyo ha'yadda US Secret Service, sida ay sheegtay afhayeenka hay'adda Hawks, Korneyl Katlego Mogale, oo soo saartay war-saxaafadeed.
Waxay wajahayaan eedeymo la xiriira khiyaano dhanka internerka ah iyo lacag dhiqid marka ay gaaraan Maraykanka ayey intaas ku dartay.
Black Axe waa shabakad dambiileyaal ah oo qarsoodi ah, taas oo caan ku ah rabshadaha ba'an, kana hawlgasha Afrika, Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.
Baaritaan ay BBC Eye sameysay sannadkii 2021-kii ayaa tilmaamay in kooxdan dambiilayaasha ah ay noqotay mid ka mid ah kooxaha dambiyada abaabulan ee ugu khatarta badan uguna baahsan caalamka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nigeria ayaa ah goobta ugu weyn ee ay xubnaha ka qortaan, iyadoo xubno badan oo ka mid ah ay yihiin dad waxbarashada heerka jaamacadeed leh, kuwaas oo lagu soo biiriyay kooxda xilligii ay waxbarashada ku jireen.
Kooxdan ayaa muddo dheerba ahayd mid ay isha ku hayaan hay'adaha sharci-fulinta.
Hawlgallada FBI-da ee ka dhanka ah kooxda Black Axe ayaa la bilaabay bishii Nofembar 2019 iyo Sebtembar 2021, iyadoo ugu dambeyntii lagu soo oogay dacwado ka dhan ah in ka badan 35 qof oo ku lug lahaa falal khiyaano dhanka internetka ah oo lagu lunsaday malaayiin doollar.
Tan iyo markaas, waxaa jiray hawlgallo kale oo badan oo ka dhacay dalal kala duwan oo lagu beegsanayay Black Axe, kuwaas oo ay soo agaasintay hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol.
Bishii hore, hay'adda Interpol ayaa sheegtay in hawlgal ay dhawaan sameysay kaas oo socday intii u dhaxaysay bishii Nofembar 2025 iyo Juun 2026, lagu qaaday weerarro lagu beegsanayo toddoba goobood oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo xiriir la lahaa koox ku lug lahayd khiyaanooyin la xiriira xiriirka jacaylka iyo maalgashiga.
Hawlgalkaas ayaa horseeday in la xiro 39 qof, la qabto lacag, isla markaana la xayiro in ka badan 250 akoon oo bangiga ay ku lahaayeeen.
Black Axe waxay ka soo farcantay urur ay ardaydu lahaayeen oo dabayaaqadii 1970-meeyadii la oran jiray Neo Black Movement of Africa, tan iyo markaasna waxay isu beddeshay urur dambiileed oo habaysan oo rabshado wata, kaas oo inta badan ku lug leh dambiyada maaliyadeed ee internetka.















