Yaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka iyo kii ugu dambeeyay?

Sawir ka mid ah Koobkii Jules Rimet oo la siiyay dalkii ku guuleystay Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay 1930-kii, kaas oo ay Uruguay ku qaadday dalkeeda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Horraantii 1930-kii, waxaa dalka Uruguay ee ku yaalla Koonfurta Ameerika soo gaadhay 13 xul qaran si ay uga qaybgalaan tartankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka, kaas oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo dibadda ka ah Ciyaaraha Olombikada.

Fikradda ah in kubadda cagta laga saaro barnaamijka Ciyaaraha Olombikada ayaa bilaabatay dabayaaqadii labaatanaadkii qarnigii lasoo dhaafay, sababo la xidhiidha khilaafaad ka dhashay xeerarka ciyaartoyda caadiga ah iyo kuwa xirfadleyda ah iyo sidoo kale caannimo-yaraanta ciyaarta ee dalka Mareykanka kaas oo isu diyaarinayay in uu martigeliyo Olombikada Los Angeles ee sannadkii 1932.

Taas ayaa ku kaliftay madaxdii xidhiidhka kubadda cagta adduunka (FIFA) ee xilligaas, Jules Rimet, in uu qabanqaabiyo tartan caalami ah oo madaxbannaan sannadkii 1930. Waxaa loo doortay Uruguay inay martigeliso ka dib markii xulka qarankeedu uu ku guulaystay labo billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii kubadda cagta ee Olombikadii Paris 1924 iyo Olombikadii Amsterdam 1928-kii.

Tartanka ayaa qabsoomay intii u dhaxeysay 13 ilaa 30 Luulyo 1930, waxaana ka qaybgalay 13 xul qaran oo ka mid ahaa 16-kii xul ee lagu casuumay tartanka.

Qaaradda Laatiin Ameerika waxaa ka qaybgalay xulalka Uruguay, Argentina, Bolivia, Brazil, Chile, Paraguay, iyo Peru. Dibadda qaaraddaasna, waxaa ka qaybgalay Mareykanka iyo Mexico oo ka socday Waqooyiga Ameerika iyo Belgium, Faransiiska, Romania, iyo Yugoslavia oo ka socday Yurub.

Halka qaaradda Aasiya laga casuumay xulalka Japan iyo Siam oo hadda loo yaqaan Thailand, balse way ka hadheen tartanka ka hor intaanay billaban.

Qaaradda Afrika, waxaa si gaar ah loogu casuumay xulka Masar, laakiin may u suuragelin in uu ka qaybgalo kaddib markii uu safarkoodii dib u dhac ku yimid duufaan ka kacday Badda Mediterranean-ka darteed, taas oo keentay in markabkii la rabay in uu u qaado Uruguay uu ka tago iyaga oo aan la socon.

Yaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay?

Koobkii Horyaalka ee ugu horreeyay wuxuu ka furmay caasimadda Montevideo 13-kii July1930, iyadoo labo ciyaarood ay isku mar dhaceen. Faransiiska ayaa 4-1 kaga badiyay Meksiko, halka Mareykanku uu 3-0 ku garaacay Beljamka.

Ciyaartii Faransiiska iyo Meksiko, khadka dhexe ee Faransiiska Lucien Laurent oo 23 jir ahaa ayaa galay taariikhda isagoo dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka daqiiqaddii 19-aad.

Laurent ayaa ahaa nin aad u xishood badan, marnaba ma rabi jirin in uu dhalinta goolkaas taariikhiga ah ku faano. Wuxuu geeriyooday Abriil 2005 isagoo 97 jir ah, qiyaastii 75 sano kaddib goolkii magiciisa ku xidhay bilowgii Koobka Adduunka.

 Sawirka Lucien Laurent, sannadkii 2002-dii isagoo 94 jir ah, iyo sanadkii 1930 isagoo 23 jir ah, markii uu dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee taariikhda Koobka Adduunka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laurent wuxuu xulka Faransiiska u ciyaaray 10 jeer. Wuxuu waayihiisa ciyaareed ku soo afjaray tababaraha kooxda Besançon. Halkaasna marnaba kuma soo hadal-qaadi jirin goolkisii taariikhiga ahaa. Xitaa markuu ka sheekaynayo, wuxuu dhihi jiray: "Saaxiibkay Ernest Liberati ayaa kubadda ii baasay, anna waan dhaliyay" isagoo is dhul-dhigaya.

Wiilkiisa Marc ayaa sheegay, intii lagu guda jiray casho sharaf Koobkii Adduunka 1990 ee Talyaaniga in aanu aabihiis waxba uga sheegi jirin guushaas, marka laga reebo xaqiiqda ah in uu u ciyaaray Faransiiska oo uu ka qaybgalay Koobka Adduunka.

Xulka Faransiiska wuxuu Uruguay ku tagay markabka Talyaaniga ee "Conte Verde", oo ka shiraacday dekedda Villefranche-sur-Mer 19-kii Juun 1930-kii. Markabkaas waxaa la saarnaa xulalka Faransiiska, Romania, iyo Beljiyam, iyo waliba Jules Rimet oo ahaa Madaxweynihii xilligaas ee FIFA iyo aasaasihii Koobka Adduunka.

Kubaddii loo isticmaalay Koobkii Adduunka ee ugu horreeyay 1930-kii

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka hor Koobkii Adduunka 1998-kii ee Faransiiska, Laurent wuxuu wareysi uu siiyay FIFA ku xusuustay in safarkii Uruguay uu qaatay "15 casho oo tagis ah iyo 15 casho oo soo laabasho ah."

Wuxuu sheegay in xidhiidhka Faransiiska uu ku dhibtooday dhisidda xulka, sababtoo ah ciyaartoy badan ayaa ka hadhay markii loo diiday fasax shaqo oo labo bilood ah.

Faransiiska ayaa ciyaartii labaad 1-0 kaga badiyay Argentina. Laurent ayaa canqawga ka dhaawacmay intii ay ciyaartu socotay, balse wuxuu ku qasbanaaday in uu garoonka sii joogo maaddaama bedelka aan markaas la ogolayn. Dhaawacaas ayaa u diiday in uu safto ciyaartii saddexaad oo ay Chile 1-0 kaga badisay.

Laurent wuxuu goolkiisii labaad oo ahaa kii ugu dambeeyay oo caalami ah u dhaliyay Faransiiska ciyaar saaxiibtinimo oo ay 5-2 uga badiyeen xulka England 14-kii May 1931, taas oo ay daawanayeen 35 kun oo taageerayaal ah. Laurent oo guushaas ka hadlaya wuxuu yidhi: "Annagu weli waxaan ahayn ciyaartoy caadi ah, halka Ingiriisku ay ahaayeen xirfadlayaal rasmi ah."

Yaa dhaliyay goolkii ugu dambeeyay?

Argentina iyo Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laba iyo sagaashan sano kaddib goolkii Laurent, Faransiisku wuxuu joogay finalkii 2022 ee Qatar, laakiin markaan waa laga badiyay. Finalkaas oo Lusail ku dhex maray Argentina iyo Faransiiska, waxaa garoonka joogay 89 kun qof, 1.5 bilyan oo kalena TV-ga ayey ka daawanayeen.

Ciyaartu waxay ku dhammaatay 3-3, waxaana ku guuleysatay Argentina oo ku badisay rigoorayaal:

Waqtigii caadiga ahaa: Messi iyo Di María ayaa Argentina 2-0 ku hoggaamiyay. Laakiin Mbappé ayaa labo gool oo degdeg ah ku barbareeyay daqiiqadihii 80aad iyo 8aad.

Waqtiga Dheeriga ah: Messi ayaa gool saddexaad dhaliyay daqiiqaddii108aad, Mbappé-na rigoore kale ayuu ku barbarreeyay daqiiqaddii118aad si uu ciyaarta uga dhigo 3-3.

Waxa la isla aaday gool-ku-laad.

Mbappé iyo Messi ayaa goolal dhaliyay. Coman waa laga qabtay, Tchouaméni-na dibadda ayuu mariyay, halka Dybala iyo Paredes ay u dhaliyeen Argentina. Kolo Muani ayaa u dhaliyay Faransiiska, laakiin Gonzalo Montiel ayaa dhaliyay rigooradii guusha ee koobka 3-aad ee ay qaadday Argentina.

Sidaas darteed, goolkii ugu dambeeyay ee koobkii 2022-kii waxaa Faransiiska ka dhaliyay ciyaaryahan Argentine ah, 92 sano kaddib goolkii ugu horreeyay ee taariikhda oo ciyaaryahan Faransiis ah uu ka dhaliyay Meksiko.