Cabsi laga qabo xasuuq ka dhaca magaaladan ku taalla jiidda hore ee dagaalka Suudaan

Xigashada Sawirka, Reuters
- Author, Akisa Wandera
- Role, BBC Africa
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Ardayad jaamacadeed oo 27 jir ah, Sarah, waxay ku sugnayd saldhig shidaal oo dadku ku badnaayeen oo ku yaalla magaalada el-Obeid, oo ku taalla jiidda hore ee dagaalka sokeeye ee Suudaan, markii diyaarad aan duuliye lahayn ay si lama filaan ah u weerartay.
Waxay sheegtay in saldhigga shidaalku iftiimay ka hor inta aan wax walba mugdi gelin. "Horteenna waxaa yaallay dad dhaawac ah, dhiig, baabuurro gubtay iyo baabuurro burburay."
Waxaan qarinnay magaca dhabta ah ee ardayaddan si aan u ilaalinno ammaankeeda, maaddaama ay ku nooshahay magaalo noqotay goobta ugu dambeysay ee dagaalka saddexda sano socday ee u dhexeeya ciidanka iyo ciidamada taageerada degdegga ah ee RSF.
Sarah waxay BBC-da ugu sheegtay taleefan in ay nasiib u yeelatay inay ka badbaaddo weerarka, balse ay dhaawacyo soo gaareen.
"Waxaa lugtayda iyo gacantayda galay firir (jajabyo qarax), sababtoo ah waxaan bannaanka gaariga joogay markii gantaalkii labaad uu dhacay."
Hadda oo ay gacanta ciidanku ku jirto, el-Obeid — caasimadda gobolka Waqooyiga Kordofan, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 500,000 oo qof — waxay leedahay mid ka mid ah saldhigyada milatari ee ugu waaweyn bartamaha Suudaan.
Laakiin ciidanku ma aysan awoodin inay joojiyaan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo 27 weerar oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday lagu qaaday magaalada bishii Juun oo keliya, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee hal bil gudaheed tan iyo markii uu dagaalku billowday, sida ay sheegtay hay'adda la socodka rabshadaha ee Acled.
Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Volker Turk, ayaa sheegay in ugu yaraan 45 qof lagu dilay, halka 41 kalena lagu dhaawacay 15 weerar oo drone ah intii u dhexeysay 6-da iyo 28-ka Juun.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaas ku daray in magaalada ay ku jirtay xaalado u eg go'doomin muddo 18 bilood ah, iyadoo dilal aan maxkamad loo marin, afduubyo, jirdil iyo xadgudubyo galmo ay ka dhacayeen waddooyinka ay adeegsadaan dadka ka cararaya colaadda.
"Calaamadaha ka imanaya el-Obeid waa kuwo cad oo aan la dafiri karin: Masiibo kale oo xuquuqda aadanaha ah ayaa ka soo ifbaxaysa Suudaan," ayuu Turk toddobaadkii hore ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee Geneva.
Nathaniel Raymond, oo ah agaasimaha fulinta ee Shaybaarka Cilmi-baarista Bani'aadantinimo ee Jaamacadda Yale ee Maraykanka, ayaa BBC-da u sheegay in el-Obeid ay muhiimad istiraatiiji ah u leedahay labada dhinac ee dagaallamaya, maadaama ay ku taallo inta u dhexeysa galbeedka dalka oo ay gacanta ku hayaan RSF iyo bariga oo inta badan ay gacanta ku hayaan ciidanku.
"Haddii aad gacanta ku hayso el-Obeid, waxaad gacanta ku haynaysaa waddada u socota caasimadda Khartuum iyo [magaaladeeda mataanaha ah] Omdurman, sidaas darteed ciidanku waa inuu difaacaa el-Obeid," ayuu yiri.

Dhakhtar ka tirsan isbitaal ku yaalla magaalada ayaa BBC-da u sheegay in ay ku adkaatay inay la tacaalaan tirada badan ee dadka dhaawacyada qaba ee soo gaaraya.
"Waxaan helnaa bukaanno dhaawac ah ku dhowaad weerar kasta oo drone ah kadib. Inta badan dhaawacyadu waxay ku dhacaan xubnaha jirka, halka bukaanno qaar ay qabaan dhaawacyo madaxa ah," ayay tiri.
Mid ka mid ah kiisaskii ugu murugada badnaa ee ay dhakhtarku daaweysay wuxuu ahaa ilmo yar oo toddoba bilood jir ah.
"Gacanteeda waa in la gooyaa sababtoo ah dhaawacu aad buu u xumaa, laakiin nasiib darro ma aysan badbaadin.
"Xaaladdu waa cabsi badan tahay. Waxaad guriga ka baxdaa adigoo moodaya inaadan mar dambe soo noqon doonin," ayay tiri dhakhtarku iyadoo isku dayaysa inay ilmada celiso. "Runtii waxaan dhibaato weyn kala kulmaynaa drones-ka — qofna ma garanayo sida iyo goorta ay u dhiman doonaan."
Xoghayaha guud ee hay'adda Amnesty International, Agnès Callamard, ayaa ka digtay in al-Obeid ay wajihi karto rabshado la mid ah kuwii ka dhacay el-Fasher markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaaladaas kadib markii ay muddo 18 bilood ah go'doomiyeen.
"Wixii ka dhacay el-Fasher ma aha wax aan caadi ahayn. Ma aha daqiiqad waalli ah. Waa qorshe ay raacayaan," ayay tiri.
Qaramada Midoobay ayaa horraantii sanadkii hore sheegtay in colaaddii ka dhacday el-Fasher ay lahayd "astaamaha xasuuq", iyadoo in ka badan 6,000 oo qof lagu dilay saddex maalmood oo keliya. Dagaalyahannada RSF ee inta badan Carabta ah ayaa lagu eedeeyay inay xasuuqeen kooxo aan Carab ahayn.
RSF ayaa marar badan beenisay eedeymahan. Bayaan ay soo saartay iyadoo ka jawaabaysa digniinaha ku saabsan xasuuq soo socda oo ka dhici kara el-Obeid, kooxda hubaysan ayaa sheegtay inay "si dadaal leh uga shaqayn doonto" sidii loo xaqiijin lahaa ilaalinta buuxda ee dadka magaalada, isla markaana ay howlaheeda u waddo iyadoo si buuxda ugu hoggaansan sharciga caalamiga ah.
Laakiin Raymond wuxuu sheegay in el-Obeid aysan hadda muujinayn isla xaaladaha isir-nacaybka iyo kala-qaybsanaanta qowmiyadeed ee lagu arkay rabshadihii ka dhacay el-Fasher. Wuxuu intaas ku daray: "Waqtigan xaadirka ah, ma aragno wax muujinaya in RSF ay leedahay qorshe ballaaran oo ay ku weerarto magaalada."
Nohad Eltayeb oo ka tirsan Acled ayaa sheegtay in RSF ay si wax ku ool ah magaalada uga hareereysay dhinacyada waqooyi, galbeed iyo koonfur, balse ciidanku ay xoojiyeen goobahooda difaaca iyagoo kaashanaya maleeshiyaad xulafo la ah, si ay "u sii haystaan marin muhiim ah oo sahayda ah oo magaalada ku xira dhulalka bariga."
"In kasta oo ay aad u badan tahay in RSF ay weerarto magaalada, haddana jidkan sahayda iyo ciidammada xoojinta ah ayaa ka dhigaya in RSF ay si buuxda ula wareegto magaalada mid aan u badnayn," ayay tiri warbixin la sii daayay 30-ka Juun.
Sarah waxay sheegtay in weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay inta badan beegsadeen saldhigyada shidaalka ama booyadaha shidaalka. Dad kale oo deegaanka ah ayaa sheegay in baabuurta biyaha iyo kuwa qaada khashinka bulaacadaha, oo sida muuqata si khaldan loogu qaatay booyado shidaal, sidoo kale la weeraray.

Raymond wuxuu sheegay in sawirrada dayax-gacmeedka ay muujiyeen in ugu yaraan siddeed saldhig shidaal ay soo gaareen burbur u muuqda mid ka dhashay duqeyn intii u dhexeysay dhammaadkii May iyo dhammaadkii Juun.
Taasi awgeed, shidaalka ayaa magaalada ka sii yaraanaya, taasoo keentay in qiimihiisu si weyn kor ugu kaco.
Wuxuu intaas ku daray in xarunta ugu weyn ee korontada ee el-Obeid, iyo sidoo kale xaafadaha la dego iyo suuqyada, ay iyaguna weerar la kulmeen, taasoo u muuqata isku day lagu curyaaminayo nolosha maalinlaha ah.
"Shidaal iyo koronto la'aan awgeed, matoorrada biyaha ee magaalada ayaa joojin doona shaqada, dadka rayidka ah oo ay ku jiraan dadka gudaha dalka ku barakacayna waxay bilaabi doonaan inay cabaan biyo laga yaabo inay wasakhoobeen oo sababi kara cudurrada biyaha ku faafa," ayuu Raymond BBC-da u sheegay.
Dadka ku nool el-Obeid waxaa ka mid ah ku dhowaad 100,000 oo qof oo ka soo cararay rabshado ka dhacay meelo kale, iyagoo rajeynayay in magaalada ay ammaan ka heli doonaan.
Raymond wuxuu sheegay in hal bil gudaheed lagu dhisay ku dhowaad 700 oo hoy ku-meel-gaar ah xerooyinka dadka barakacay ee ku yaalla agagaarka el-Obeid.
Mid ka mid ah dadka magaalada u soo guuray waxaa ka mid ah shaqaale bani'aadantinimo oo aan ugu magac darnay Ahmed.
Markii hore wuxuu ka soo cararay Kadugli, caasimadda Koonfurta Kordofan, kadibna Khartuum, waxaana hadda uu ka baqayaa inuu ka tago el-Obeid maadaama weerarrada drones-ku ay sii xoogeysanayaan.
"Dadku mar walba waxay ku jiraan naxdin iyo cabsi. Ma awoodaan inay seexdaan," ayuu BBC-da u sheegay.
"Qaar badan oo naga mid ah bannaanka ayaan ku seexannaa kulaylka awgiis. Marka drones-ku ay dusheenna duulayaan oo ay sameynayaan dhawaaqaas, habeen kasta wuxuu noqdaa habeen hurdo la'aan ah."
Sarah waxay sheegtay in dad badan ay ka baqayaan inay guryahooda ka baxaan.
"Dadku hadda waxay guryahooda ka baxaan iyagoo qoysaskooda macsalaamaynaya, sababtoo ah ma garanayaan inay soo noqon doonaan iyo in kale."

















