Canada oo sheegtay inay qaadayso taalabo kasta oo u dhiganta tan Maraykanka kaddib hadal ka soo baxay Raysal Wasaaraha dalkaas

Xigashada Sawirka, Reuters
Mowjad cusub oo canshuuro ah oo Maraykanku ku soo rogay badeecooyin badan oo Kanada laga keeno ayaa dhaqan galay saqdii dhexe ee Sabtidii, kadib markii wadahadalladii ganacsi ay burbureen daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Ra'iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa ku dhawaaqay in wadahadalladii la hakiyay wax yar ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee Jimcaha, wuxuuna sheegay in Kanada ay Maraykanka ku soo rogi doonto canshuuro is-dhaafsi ah, "doollar kasta doollar la mid ah."
Carney wuxuu sheegay in "isbeddelladii daqiiqaddii ugu dambeysay ee shuruudihii uu Maraykanku soo jeediyay ay ahaayeen kuwo aan caddaalad ahayn, aan dhaqaale ahaan macquul ahayn, isla markaana shaki geliyay kalsoonida heshiis kasta."
Wada-xaajoodyada ganacsiga ayaa si xooggan u socday tan iyo bishii Luulyo, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay inuu 19-ka Agoosto canshuur dhan 50% ku soo rogi doono ku dhowaad $20 bilyan oo badeecooyin ah oo Canada laga soo dejiyo.
Trump ayaa horaantii toddobaadka si ku-meel-gaar ah u hakiyay canshuurahaas, isagoo sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay saxiixaan heshiis ganacsi oo "aad u wanaagsan" labada dal.
Hase yeeshee, daqiiqado ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee heshiiska, Carney wuxuu sheegay in inkastoo "horumar muhiim ah" laga sameeyay wadahadallada, haddana uusan ku filnayn in la gaaro ujeeddooyinka Canada.
"Sidaas darteed, caawa waxaan go'aansaday inaan hakiyo wada-xaajoodyada ganacsi ee aan la leenahay Maraykanka, waxaana faray wada-xaajoodayaashii inay Ottawa ku soo laabtaan," ayuu yiri.
Wuxuu mar kale ku celiyay: "Isbeddelladii daqiiqaddii ugu dambeysay ee shuruudihii uu Maraykanku soo jeediyay waxay ahaayeen kuwo aan caddaalad ahayn, aan dhaqaale ahaan macquul ahayn, isla markaana shaki geliyay kalsoonida heshiis kasta."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib ku dhawaaqistii Carney, Wakiilka Ganacsiga Maraykanka Jamieson Greer ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri:
"Caawa, Canada waxay diiday inay soo gabagabayso heshiiska ganacsi iyadoo la raacayo shuruudihii horraantii toddobaadkan lagu heshiiyay."
"Inkastoo Maraykanku Kanada u soo bandhigay fursad ay ku heli lahayd shuruudaha ugu wanaagsan marka loo eego waddan kasta oo weyn oo badeecooyin u dhoofiya suuqayaga, haddana dalabaadyo cusub iyo dib-u-noqoshada ballanqaadyo kale oo Kanada samaysay ayaa meesha ka saaray dheelitirkii taxaddarka lahaa ee maalmihii la soo dhaafay la gaaray."ayuu ku yiri Bayaan u ku daabacay bartiisa X.
Burburka wadahadalladu wuxuu muujinayaa isbeddel weyn oo ku yimid hadalladii labada dhinac, marka loo eego bilowgii toddobaadka, xilligaas oo mas'uuliyiinta Maraykanka iyo Canada ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in heshiis ganacsi oo labada dalba faa'iido u leh uu dhow yahay.
Sida la sheegay, wada-xaajoodyadu waxay ku saabsanaayeen heshiis hoos u dhigi lahaa canshuuraha Maraykanka ee birta iyo aluminiumka Canada laga keeno 50% ilaa 25%, halka canshuurta baabuurta Canada laga keeno laga dhigi lahaa 25% ilaa 15%.
Bedelkeeda, Carney wuxuu dalbaday in Canada ay dib ugu soo celiyaan khamriga Maraykanka rr dalkaas la geeyo.
Xiisadda u dhaxaysa labada dal ee waaweyn ee ganacsiga wadaaga ayaa soo jiitamaysay tan iyo markii Trump uu xafiiska ku soo laabtay bishii Janaayo ee sannadkii hore, xilligaas oo uu bilaabay barnaamij ballaaran oo canshuuro ganacsi ah oo caalami ah, taas oo dhaawacday tobannaan sano oo ganacsi xor ah oo u dhexeeyay Kanada iyo Maraykanka.
Hadda oo wadahadalladii burbureen, Canada waxaa lagu soo rogi doonaa canshuuro cusub oo Maraykanku leeyahay oo dhan 50%, kuwaas oo Trump ku soo rogay isagoo adeegsanaya sharci laga soo bilaabo xilligii Dhibaatadii Dhaqaale ee Weyn, kaas oo loo yaqaan Tariff Act of 1930.
Canshuuraha cusub waxaa lagu dabaqi doonaa badeecooyin kala duwan, oo ay ka mid yihiin khamriga, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, sibidhka, dharka iyo qalabka xeegada barafka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Canshuurahan cusub waxay ku soo biirayaan canshuurihii hore ee Maraykanku horey ugu soo rogay birta iyo aluminiumka Canada, baabuurta iyo alwaaxa Canada laga keeno.
Canada ayaa muddo ka badan hal sano waday wada-xaajoodyo ganacsi oo mar socda marna hakada, iyadoo doonaysa heshiis uu Maraykanku ku baabi'iyo ama ku yareeyo canshuuraha saaran qaybahan muhiimka ah.
Dhanka kale, Maraykanku wuxuu Canada ka dalbanayay tanaasulaadyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in Kanada ay meesha ka saarto canshuurihii aargoosiga ahaa ee weli saaran baabuurta Maraykanka, iyo in wax laga beddelo qoondada wax-soo-saarka caanaha, si shirkadaha Maraykanka ee sameeya farmaajada ay u helaan fursad dheeraad ah oo ay ku galaan suuqa Kanada.
Maraykanku wuxuu sidoo kale dalbaday in la qaado mamnuucista iibinta khamriga Maraykanka, taas oo inta badan gobollada Canada sannadkii hore soo rogeen iyagoo uga jawaabaya canshuurihii Trump.
Ganacsatada iyo dhinacyada kale ee ay arrintani khusayso ee labada dhinac ee xadka ayaa cadaadis saarayay in heshiis la gaaro, iyagoo ku doodaya in canshuuraha cusub ee Maraykanku Kanada ku soo rogay ay waxyeello u geysan doonaan labada dal.
Golaha Ganacsiga Maraykanka ayaa horraantii toddobaadka bayaan uu soo saaray ku sheegay in "canshuuraha sare ay dhaawici doonaan labada dhaqaale, kordhin doonaan kharashaadka qoysaska Maraykanka, sii carqaladayn doonaan silsiladaha muhiimka ah ee sahayda, isla markaana halis gelin doonaan 13 milyan oo shaqo oo Maraykan ah oo ku tiirsan ganacsiga hoos yimaada Heshiiska Ganacsiga Maraykanka, Kanada iyo Mexico."
Sahan dhowaan ay samaysay shirkadda Canada ee Abacus Data ayaa muujiyay in qiyaastii 36% dadka Ganada ay taageeri lahaayeen in Canada ay uga aargoosato canshuuraha Maraykanka, halka 30% kale ay doonayaan in dowladda Carney ay sii waddo wada-xaajoodyada.
Si kastaba ha ahaatee, aargoosiga canshuuraha wuxuu halis u yahay inuu sii xumeeyo xiriirka maamulka Trump. Wakiilka Ganacsiga Maraykanka Jamieson Greer ayaa sheegay in Maraykanku "uusan aqbali doonin" canshuuro aargoosi ah.















