Muxuu Sacuudigu ka faa'iidayaa dagaalka Iran?

Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Shirkadda shidaalka ee Sacuudiga Aramco ayaa sheegtay in faa'iidadeeda rubuca labaad ee sannadka 2026 — xilli ay jireen xiisadaha gobolka ee ka dhashay dagaalka Iran iyo qalalaasaha weyn ee ku yimid isu-socodka maraakiibta ee Gacanka — ay gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo sannadkii 2022.

Aramco waxay diiwaangelisay faa'iidooyinkan iyadoo wax-soo-saarka iyo dhoofinta shidaalka ee Sacuudiga ay hoos u dhaceen, iyadoo qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta dalka loo weeciyay waddada Badda Cas.

Faa'iidada Aramco rubucan waxay ka badatay 33 bilyan oo doollar, taas oo ah koror ku dhow saddex meelood meel marka loo eego isla muddadii sannadkii hore. Sida ay sheegtay Reuters, kororka faa'iidada saafiga ah ee shirkadda ee la shaaciyay wuxuu gaaray 44 boqolkiiba. Labadan tiro waxay ku salaysan yihiin habab xisaabeed oo kala duwan, balse labaduba waxay muujinayaan koror weyn oo ku yimid faa'iidada Aramco.

Kororka faa'iidada oo ku soo beegmay xilligii dagaalka Iran ayaa dhalinaya su'aal ah in waxqabadka shirkadda shidaalka ee ugu weyn dunida uu muujinayo in dowladda Sacuudiga ay ka faa'iidaysatay dagaalkan, iyo in xogta maaliyadeed ee Aramco ay si dhab ah uga tarjumayso xaaladda dhaqaale ee Sacuudiga.

Maxay faa'iidada Aramco u korortay inkastoo wax-soo-saarku hoos u dhacay?

Aramco

Xigashada Sawirka, Reuters

Wax-soo-saarka shidaalka iyo gaaska ee Aramco rubuca labaad ee sannadka 2026 wuxuu hoos u dhacay ku dhowaad 25% marka loo eego isla muddadii sannadkii hore, laakiin qiimaha shidaalka ay shirkaddu iibisay wuxuu kor u kacay in ka badan 60%. Dakhliga ka dhashay kororka qiimaha ayaa magdhow u noqday saameynta ka dhalatay hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo dhoofinta.

Khabiiradda dhaqaalaha Carol Nakhle, oo ah madaxa fulinta shirkadda la-talinta tamarta ee Crystol Energy, ayaa u sheegtay BBC Persian in shirkadda weyn ee shidaalka Sacuudiga aysan ahayn tan keliya ee ka faa'iidaysatay xaaladdan. Waxay sheegtay in:

"Aramco — sida shirkad kasta oo kale oo shidaal ah oo sii wadday inay suuqyada caalamka shidaal siiso intii ay jireen xiisadaha ugu dambeeyay — waxay ka faa'iidaysatay kororka qiimaha shidaalka."

Nakhle waxay sidoo kale sheegtay in kharashka hoose ee Aramco ku baxa soo saarista shidaalka uu ahaa arrin muhiim ah. Waxay tiri:

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Shirkad soo saarta shidaal kharashkiisu hooseeyo sida Aramco, kororka qiimaha ma daboolo oo keliya saameynta taban ee ka dhalatay hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo dhoofinta, balse wuxuu sidoo kale abuuraa dakhli ka badan intii hore."

Aramco waxay warbixinteeda maaliyadeed ku sheegtay in kororka faa'iidada uu inta badan ka yimid kororka qiimaha saliidda ceyriinka ah, badeecooyinka shidaalka, iyo alaabada kiimikada.

Qaybta sifaynta iyo suuq-geynta ee Aramco waxay ka faa'iidaysatay kororka qiimaha badeecooyinka sida naaftada iyo shidaalka diyaaradaha, iyo sidoo kale kororka faa'iidada warshadaha sifaynta. Faa'iidada hawlgalka ee qaybtan ku dhowaad way labanlaabantay. Shabakadda warshadaha sifaynta, qaybaha kiimikada, bakhaarada, iyo hawlaha ganacsi ee Aramco ee gudaha Sacuudiga iyo dibaddaba waxay shirkadda u suurtageliyeen inay hesho dakhli dheeraad ah oo ka yimid kororka qiimaha badeecooyinka shidaalka.

Kororkan dakhliga kuma ekaan Aramco oo keliya. Markii Aramco ay ku dhawaaqday natiijooyinkeeda rubuca, shirkadda BP waxay sidoo kale sheegtay inay heshay faa'iido dhan 5.73 bilyan oo doolar rubuca labaad ee 2026, taas oo ka badan laba jibbaar faa'iidadeedii isla muddadii sannadkii hore, isla markaana ahayd faa'iidada rubucle ee ugu sarreysa tan iyo 2022.

Shirkadaha Exxon Mobil, Chevron, iyo Shell ayaa sidoo kale diiwaangeliyay faa'iidooyin ka badan kuwii sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta Aramco caadi ahaan waxay martaa marin si toos ah uga saamaysay dagaalka.

Sidee ayuu dhuumaha Bariga–Galbeed u yareeyay culayska saarnaa dhoofinta?

Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Gallo Images/Orbital Horizon/Copernicus Sentinel Data 2026 via Getty Images

Mid ka mid ah arrimaha u oggolaaday Aramco inay sii waddo dhoofinta shidaalkeeda wuxuu ahaa Dhuumaha Bariga–Galbeed. Dhuumahan waxay shidaalka ka qaadaan xarumaha Abqaiq ee bariga Sacuudiga waxayna geeyaan dekedda Yanbu ee ku taalla xeebta Badda Cas.

Carol Nakhle ayaa u sheegtay BBC Persian in dhuumahan ay Sacuudiga siiyeen fursad ka wanaagsan marka loo eego qaar ka mid ah dalalka deriska ah. Waxay tiri:

"Sacuudigu wuxuu qayb weyn oo ka mid ah dhoofinta shidaalka ceyriinka ah ku mari karaa dhuumaha Bariga–Galbeed kuna diri karaa Badda Cas, taas oo yaraynaysa ku tiirsanaanta Marinka Hormuz, inkastoo aysan gebi ahaanba joojin karin ku tiirsanaantaas."

Dalal sida Ciraaq iyo Kuwait ah waxay haystaan waddooyin kale oo ka yar, taas oo ka dhigaysa kuwo si weyn ugu nugul carqaladaha ku yimaada isu-socodka maraakiibta.

Dhuumaha Bariga–Galbeed, oo awooddiisa caadiga ahi tahay qiyaastii 5 milyan oo foosto maalintii, ayaa noqday waddada ugu weyn ee beddelka ah ee Aramco isticmaashay intii uu socday dagaalka Iran iyo colaadaha Bariga Dhexe. Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday New York Times, Sacuudigu kaddib markii dagaalku bilowday wuxuu in ka badan 70% dhoofintiisa shidaalka u weeciyay waddadan.

Madaxa fulinta Aramco, Amiin Al-Naasir, ayaa kaddib markii la shaaciyay natiijooyinka maaliyadeed ee shirkadda sheegay in awoodaha kaydinta shidaalka, kala duwanaanta dekedaha dhoofinta, iyo gaadiidka shidaalka ee dhuumaha Bariga–Galbeed loo maro dekedda Yanbu ay u suurageliyeen Aramco inay sii waddo hawlaheeda.

Wuxuu intaas ku daray in shirkaddu ay sii wadday shaqadeeda "inkastoo ay jireen carqaladihii ugu waaweynaa ee abid ku yimid sahayda shidaalka ee Marinka Hormuz", taas oo ay ugu wacan tahay kala duwanaanta hantideeda iyo qorsheyn ay samaysay tobannaan sano.

Si kastaba ha ahaatee, dhuumaha Bariga–Galbeed ma awoodaan inay qaadaan dhammaan qaddarka shidaalka ee Sacuudigu ka dhoofin jiray Gacanka ka hor dagaalka. Sidoo kale, qayb ka mid ah awoodda dhuumaha waxaa loo adeegsadaa in lagu quudiyo warshadaha sifaynta ee galbeedka Sacuudiga.